WAAYIHII WARSAME Q17AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q17AAD

Warsame oo degdegaya ayaa qolkii taarku yaallay ka soo baxay, waxa uu mar horeba go’aansaday in uu gaari kiraysto oo aabbe soo qaado uu na keeno isbitaalka magaalada ku yaal.

Warsame inta uu baabuur kiraystay ayuu tuuladii Bila  aabbe Faarax oo xaruurug ah ka soo qaaday waxa uu na keenay isbitaalka wayn magaalada. Warsame kaligiis ayaa aabbe Faarax isbitaalka u soo qaaday oo gabdhihii walaalihiis ahaa midna ma soo raacin. Fartuun oo aabbe tuulada Bila ku haysay ma aysan soo raaci karin oo ma aysan heli karin qof ay carruurta uga soo tagto gabdhaha kale na deegaanno fog ayay deggenaayeen.

Aabbe Faarax xaaladdiisu aad ayay u cuslayd markii isbitaalkab la keenayba waa miyir doorsoomay oo ogaalka tegay. Baaritaanno kaddib dhakhaatiirtu waxa ay Warsame u sheegeen in odayga xaalkiisu culus yahay u na badan tahay in xanuunka uusan ka kici doonin.

Amminti uu Warsame aabbe isbitaalka ku hayay waxaa mar walba soo booqan jiray macallin Cabdiwaaxid, Gaboobe iyo Muna. Muna waxa ay Warsame u keeni jirtay quraac iyo casho.  Labo asbuuc kaddib aabbe Faarax waa uu dhintay Warsame na  labadiisi waalidba dunida waa ku cidleeyeen waxa uuna noqday rajay iyo agoon.

Intii Warsame aabbihiis isbitaalka kula jiray Cabdiwaaxid iskoolkii ayuu dib u furay.

Markaan waxa uu degay xaafad aan ahayn tii Shiikh Cabdi ku amar-ku taaglayn jiray, inkasta uu Shiikh Cabdi iyo maleeyshiyada Xuseen Lugeey yihiin kuwa magaalada ugu awoodda badan haddana xaafadda cusub ee Cabdiwaaxid degay ku ma soo degdegi karaan maxaa yeelay maaha meel ay awoodeeda keligood leeyihiin ee waxaa wada degan beelo badan.

Dhismaha cusub ee Cabdiwaaxid degay waa uu ka wayn yahay kana ballaaran yahay kii hore taas oo Cabdiwaaxid u saamaxday in helo arday ka badan kuwii hore.

Warsame iskoolkii ayuu dib u noqday geeridii aabbihiis kaddib. Casharradii dhaafayna waxa uu ka qortay buugaagta Muna iyo Gaboobe.

Warsame iyo Muna markaan waxa ay noqdeen labo qof oo aad isugu dhow.

Garab-istaaggii Muna u muujisay Warsame markii markii aabbihiis isbitaalka kula jiray iyo aaskiisiiba Warsame waxa uu dareemay Muna in ay tahay walaashiis oo kale.

Muna se widaaynimo iyo walaalnimo waa loo dheeraa oo jacayl ayaa galay, Warsame ayay dareen kalgacal u qaaddaycbalse,  u ma aysan sheegan karin cabsi ay ka qabtay in uu diido iyo ayado oo dhaqan ahaan dadka soomaalidu buyuur u arkaan in gabari wiil jacayl u bandhigato.

Muna waxa ay jeclayd in ay mar walba la joogto Warsame balse, waxaa taas u diiday Gaboobe oo mar walba Warsame la jooga. Muna ma aysan jeclayn Gaboobe inkasta oo uusan waxba u dhibin haddana Ilaahay amarkiis waa ay necbayd. Malaha la joogga Warsame ayay ku nacday mise waxa ay qabtay cudurka la yiraahdo “jinnigaygaa neceb”, oo ah cudur soomaali badan qabto kaas oo sababa in ay qof aan waxba u dhibin iska nacaan.

Muna  gabar ay widaay ahaayen oo la yiraahdo Maryan ayaa cudurkaan qabtay. Maryan ayaa aad u necbayd Warsame ma ay jirin waxa uu ka halleeyay taasina waxa keentay in xiriirkii iyo  jaalnimadii Muna iyo Maryan uu madmadoow galo.

Muna ma aysan doonayn in ay Warsame ku dhahdo Gaboobe ka har ama tusto in aysan jeclayn, balse,maalin ayay Warsame uga sheekaysay sheeko uusan markii hore  dulucdeeda helin balse, uu ammin kaddib ujeeddadeeda gartey.Sheekada oo Muna hadda ka hor buug ka akhrisay waxa ahayd sidan:-

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN