Waddada suubban. Q34AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q34AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Wanaajinta Dumarka!”

Eebbe weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ .

Ula dhaqma Dumarka si wanaagsan” (Suuradda an-Nisaa: Aayada 19).

Waxaa kaloo yiri Eebbe weyne kor ahaaye:

وَلَن تَسْتَطِيعُوا أَن تَعْدِلُوا بَيْنَ النِّسَاءِ وَلَوْ حَرَصْتُمْ ۖ فَلَا تَمِيلُوا كُلَّ الْمَيْلِ فَتَذَرُوهَا كَالْمُعَلَّقَةِ ۚ وَإِن تُصْلِحُوا وَتَتَّقُوا فَإِنَّ اللَّـهَ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا ﴿١٢٩﴾

“Kari maysaan inaad xaasaskiinna dhexdooda caddaalad fashaan si kastoo aad u jeclaataan inaad sidaa yeeshaan. Ee leexasho buuxda haka leexannina middood oo ha ka tegina sida aad mooddid inay meel ku xirantahay, haddii aad wanaag fashaan yacni xaqa raacdaan, xumahana aad ka dhowrsataan, Eebbe waa dembi dhaafe naxariis badan.’ (Suuradda an-Nisaa: Aayada:129.).

Caddaaladdan aan la sameyn karin ee adag waxaa loola jeedaa jaceylka qalbiga iyo galmada, caddaaladda kale ee la xiriirta hunguriga, hu’ga iyo hoyga waa la iska rabaa oo waa in caddaalad buuxda laga sameeyo oo aan lagu gabood falin marna.

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Wanaajiya Dumarka oo si wanaagsan oo naxariis leh ula dhaqma.” Dumarka waxaa laga abuuray feer “Feertuna waa qalloocan tahay” Dhinaca ugu qallooc badan feertana waa dhinaca sare. Haddii aad damacdo inaad toosiso waa jebinaysaa, haddii aad sideeda u deysana, qallooceeda ayay iska ahaan. Marka wanaajiya Dumarka oo si naxariis leh ula dhaqma.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Werin oo ku sugan Bukhaari iyo Muslim waxay dhigeysaa: Haweentu waa feer oo kale, haddii aad toosi is tiraa inay jabto ayay halis u tahay haddii aad doonina inaad ka faa’ideysato, waad yeeli kartaa waase iyadoo qalloocan.‘ (Bukhaari iyo Muslim).

Werin kale oo Muslim ku tal waxay leedahay: Haweenta waxaa laga abuuray feer mana toosin kareysid. Haddii aad dooneysid inaad ku intifaacdo yeel sidaa inkastoo qallooc ku jiro. Haddii aad toosi is tiraana waad jabineysaa jabin teedana waa furriinkeeda.’ (Muslim).

Cabdullaah ibn Samca (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga(S.C.W.) oo khudbaynaya, khudbaddaa soo uu uga warramay hashii “Nabi Saalax” iyo habaar qabahii faylaha gooyey. Wuxuu ku yiri khudbaddiisaas: “Markii uu soo baxay hoogahoodii’ Suuradda Ash Shams: Aayadda 13. macnaha waa waxaa hashii u soo baxay madaxoodii, oo shar wade ahaa awood iyo kalmad ku dhex leh qabiilkii Samuud, madaxna u ahaa kaa ayaa u soo baxay si uu u faylo gooyo hasha. Dabadeed Nabigu wuxuu ka dardaarmay haweenka oo yiri: “Midkiin ayaa haweentiisa garaacaya isagoo ula dhaqmaya sida addoon. Maalinta dhammaadkeedana waxaa laga yaabaa inuu la jiifsado oo u tago. Misna wuxuu ka wacdiyey dhuusada lagu qoslayo, oo wuxuu yiri: “Bal muxuu qofku ugu qoslayaa qof kale, oo falaya wixii uu isagu kaa qoslaya naftiisu falayey”. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Yuusan ninka muslimka ahi wax caro iyo naceyb ah u qaadin haweenta muslimadda ah. Arrin ayuu ku qoonsan karaa, waxaase laga yaabaa inuu mid kale oo wanaagsan ka helo oo uu raalli kaga noqdo.’ (Muslim).

Camar ibn Axwas Jushami (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga(S.C.W.) oo ku leh khudbaddiisii sagootiga ee uu ka jeediyey xajkiisii u dambeeyey markuu Alle hufay oo ammaanay, oo u digay ummaddiisa raacday wuxuu yiri: Dhageysta! haweenka wanaajiya oo si naxariis leh ula dhaqma; waa il madow idin la joogta’e iyo maxaabiis gacantiinna ku jira. Wax intaa dheer oo aad ku leedihiinna ma jirto. Haddii ay akhlaaq xumo iska cad la yimaadaan, uga guura sariiraha, oo garaaca garaacid aan wax yeello lahayn, dhaawac iyo dhibaato aan gaarsiineyn. Markaa kaddib haddii ay idin adeecaan wax kale ha u raacannina. Dhageysta! Haweenkiinna xaq baad ku leedihiin, iyaguna xaq bay idinku leeyihiin, Xaqa aad ku leedihiinna waxaa ka mid ah inaysan gogoshiinna ku fariisin qof aydaan raalli uga ahayn, gurigiinnana soo gelin karin qof aydaan dooneyn. Xaqoodana waxaa ka mid ah inaad hagaajisaan huggooda iyo hungurigooda yacni masruufka iyo marashadooda.Tirmidi ayaa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.

Mucaawiyah ibn Xaydah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ka codsaday Rasuulkii Alle (S.C.W.) inuu ii sheego waxa ay haweentu ninkeeda xaq ugu leedahay?Wuxuu yiri: “Quudi sidaada oo kale, goortaad naftaada quudisidba. Arrad tir sii sidaada oo kale ah goortaad arrad tiritaba; wejigana ha ku dhufan; ha af lagaaddeyn ama ha nacladin, markii aad u carootaanna oo aad damacdaan inaad ka fogaataan, guriga ha ka tegina, oo meel ka mid ah guriga ka jiifsada. (Abuu Daawuud).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Muslimiinta waxaa u iimaan sarreeya kan ugu dabeecad wanaagsan; waxaana idiin ku ikhyaarsan kuwiinna haweenkooda u dabciga san”. Tirmidi ayaa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.

Ilyaas ibn Cabdullaah bin abuu Subaab (A.K.R.) wuxuu sheegay in Nabigu (S.C.W.) u digay muslimiinta inay si xun ula dhaqmin dumarka. Muddo kaddib ayaa Cumar (A.K.R.) Nabiga (S.C.W.) u yimid oo yiri: Nabi Alloow haweenkii nimankoodii waa ku kibreen oo waxay noqdeen waxaan loo dhowaan karin. Markaasuu Nabigu (S.C.W.) in la edbiyo rukhseeyay. Arrintaa kaddib dumar badan ayaa u yimid xaasaska Nabiga (S.C.W.) oo nimankoodii ka eedsheeganaya. Markaas ayuu yiri Nabigu (S.C.W.). “dhowr dumar ah ayaa xaasaskeyga u yimid oo dhaqan xumada raggoodii ka eed sheeganaya. Raggaas idinku jira ikhyaar ma ahee ogaada. (Abuu Daawuud).

Cabdullaahi ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.)wuxuu yiri: “Adduunyadu waa meel leh waxyaabo wanaagsan, waxa jirana waxaa u wanaagsan haweeney xaas fiican ah!”

Ragow qandaf-qandaf lama rabo ee hallayska fiiriyo”

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN