Wardi Joogteyn Mudan! W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

 

Wardi Joogteyn Mudan! W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

الذكر للقلب مثل الماء للسمك، فكيف يكون حال السمك إذا فارق الماء؟” — شيخ الإسلام ابن تيمية”

“Wardigu waxa uu lubbiga [qalbiga] ugu jiraa halka ay biyuhu kalluunka ugu jiraan. Sidee ayay noqonaysaa nolosha kalluunku haddii uu waayo biyaha?!” Waa midh hubanti ah in aannu kalluunku biyaha la’aantood noolaanayn. Qalbiguna sidaas buu ka dhigan yahay, oo haddii uu waayo wardiga iyo xuska Alle, waa dhintaa.

“Tasbiixdu naftay u tahay tiixoo
Kashii tawahdaa u baahan taqwee
Tusbaxa Eebbe hayso taagtaa.”-Cali-Ileeye

Qofku wuxu ka kooban jidh iyo ruux isu lammaan. Jidhku cunto iyo cabitaan ayuu quutaa. Se ruuxdu waxay ku nooshahay waxa safka hore kaga jira xuska Alle[digriga/wardiga]. Qofku kolka uu hurdada ka tooso ilaa habeenkii kolka uu gogoshiisa jiifsanayo, inta ka dhaxaysa waxa ku duugan digri iyo ducooyin tiradooda la koobi Karin. Halkan waxaan ku soo koobay wardi iyo xirsi-xidh kooban oo xul ah, qofka joogteeyanna wax badan ka beddeli kara.

لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد، وهو على كل شيء قدير، سبحان الله والحمد لله، ولا إله إلا الله والله أكبر ولا حول ولا قوة إلا بالله العلي العظيم

  1. Saxaabiga Cibaadata Bin Saabit RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka weriyay oo uu inna soo gaadhsiiyay fadliga ku soo arooray wardigan qofkii la yimaada ee akhriya. Waxa uu Suubbanuhu CSW, uu yidhi: “Qofka dikrigan akhrista kolka uu hurdada ka soo kaco, waa loo denbi-dhaafaa, haddii uu duceystana Alle waa ka aqbalaa ducadiisa, haddii uu hurdada ka kaco oo uu weyso qaato, dabeeto uu tukadanna Alle waa ka aqbalaa.”

بِسْمِ اللَّهِ

  1. Labada saxaabi ee kala ah: Anas Bin Maalik iyo Cali Bin Abii Daalib RC, ayaa Nebiga CSW, ka maqlay inuu yidhi: “Teedka [xijaabka] u dhaxeeya indhaha jinka iyo cawrooyinka bani aadanku waa in midkiin kolka uu dharka iska bixinayo uu yidhaahdo [BISMILLAAH].

أَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّداً عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ

  1. Saxaabiga Cuqbatu Bin Caamir RC, waxa uu Nebiga CSW, ka maqlay isaga oo leh: “Qofkii la yimaada dikrigan [kolka uu weysaysto] waxa uu Alle u furaa albaabada jannada ee siddeeda ah, waxaannu ka galaa mid Alle midka uu doono [ee uu jeclaysto]”

 

بِسْمِ اللَّهِ، تَوَكَّلْتُ عَلَى اللَّهِ، وَلَاَ حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلاَّ بِاللَّه

  1. Saxaabiga Anas Bin Maalik RC, waxa uu Nebiga CSW, ka maqlay isaga oo leh: “Qofkii la yimaada dikrigan kolka uu gurigiisa ka baxayo, waxa Alle ku yidhaahdaa ‘waa lagugu filnaaday. Waa lagu dhawray. Waa lagu hannuuniyay oo shaydaana waa lagaa fogeeyay’. Dabeeto shaydaan ayaa ku odhanaya shaydaan kale, sidee baad ugu agsugnaan qof lagaaga filnaaday oo lagaa dhawray oo lagaa ilaaliyay?!”

 

بِسْمِ اللَّهِ وَلَجْنَا، وَبِسْمِ اللَّهِ خَرَجْنَا، وَعَلَى اللَّهِ رَبِّنَا تَوَكَّلْنَا

  1. Saxaabiga Jaabir Bin Cabdillaahi Rc, waxaa uu Nebiga CSW, ka maqlay isaga oo ka hadlaya fadliga digrigan, Nebigu CSW, isaga oo leh: “Haddii uu qof gurigiisa galayo oo uu Alle xuso kolka uu gurigiisa galayo iyo kolka uu cuntada cunisteeda billaabayo, shaydaanku waxa uu ku yidhaahdaa shayaadiintii asxaabtiisa ahayd ee dhinac taagnaa ‘Hoy aynnu seexano iyo cunta ba innoogama sugnaanin’. Haddii uu qofku gurigiisa galo oo aanu Alle xusin, shaydaanku waxa uu asxaabtiisa kale ku yidhaahda ‘Hoy ayaa innooga sugnaaday ee soo gala’. Haddii uu [bisinka] cunistana ka hilmaamo, waxa shaydaankii asxaabtiisa ku yidhaahda ‘soo dhawaada hoy aynnu seexano iyo cunto aynnu cuna ba waynnu helnay e.’

أَعُوذُ بِاللَّهِ العَظِيمِ، وَبِوَجْهِهِ الْكَرِيمِ، وَسُلْطَانِهِ الْقَدِيمِ، مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ

  1. Saxaabiga Cabdillaahi Bin Camri Bin Caas RC, waxaa uu Suubbanaha CSW, ka maqlay inuu yidhi: “Qofku haddii uu wardigan akhriyo kolka uu masaajidka gelayo, shaydaanku wuxu yidhaahdaa ‘Waa la iiga ilaaliyay qofkan maalintii oo dhan’.”

اللَّهُ لاَ إِلَهَ إِلاَّ هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ لاَ تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلاَ نَوْمٌ لَّهُ مَا فِي السَّمَوَاتِ وَمَا فِي الأَرْضِ مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْـــــــــــدَهُ إِلاَّ بِإِذْنِهِ يَعْلَمُ مَابَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلاَ يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلاَّ بِمَا شَاء وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضَ وَلاَ يَؤُودُهُ حِفْظُهُمَا وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ

  1. Saxaabiga Sudaya Bin Cajlaan RC, waxaa uu ka weriyay Nebiga CSW, inuu yidhi: “Qofkii akhrista aayad kursiga, salaad kasta oo faral ah gadaasheed [dabadeed], ma jiraan wax u diidaya jannada gelisteeda geeri mooyaan e.” Calashaan, haddii ay geeri u timaado teedkii u dhaxeeyay isaga iyo jannadu meesha ayuu ka baxayaa.

اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَهَ إِلاَّ أَنْتَ، خَلَقْتَنِي وَأَنَا عَبْدُكَ، وَأَنَا عَلَى عَهْدِكَ وَوَعْدِكَ مَا اسْتَطَعْتُ، أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا صَنَعْتُ، أَبُوءُ لَكَ بِنِعْمَتِكَعَلَيَّ، وَأَبُوءُ بِذَنْبِي فَاغْفِرْ لِي فَإِنَّهُ لاَ يَغْفِرُ الذُّنوبَ إِلاَّ أَنْتَ

  1. Saxaabiga Shiddaad Bin Aws RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka maqlay isaga oo leh: “Qofkii akhrista wardigan isaga oo rumaysan waqtiga galabtii, dabeeto habeenkii geeriyooda jannada ayuu galayaa. Sida oo kale, qofka subaxdii akhrista ee maalintii geeriyooda jannada ayuu galayaa.”

 

بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لاَ يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلاَ فِي السّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ

  1. Saxaabiga Cismaan Bin Cafaan RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka weriyay inuu Nebigu yidhi: “Qofkii akhriya digrigan saddex jeer xilliga galabtii iyo aroortii ba waxba ma dhibaan.” Calashaan dhibaato kasta oo jin iyo insi uga iman karta, Alle waa ka dhawraa oo waa kaga filnaadaa.

سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ

  1. Abu Hurreyra RC, waxa uu Nebiga CSW, ka weriyay inuu yidhi: “Qofkii yidhaahda waqtiga galabtii iyo aroortii min boqol jeer, ma jiro qof ka fadli badan oo imanaya maalinta qiyaame ilaa qof la yimi wixii uu akhriyay oo kale ama ka badiya mooyaan e.” Sida oo kale, waxa Suubbanaha CSW, laga soo weriyay inuu yidhi: “Qofkii yidhaahda waqtiga galabtii iyo aroortii min boqol jeer waa laga tirtiraa dunuubtiisa, dunuubtiisa badnaantiisu xunbada badda ba ha ka badnaato e, waa laga tirtiraa gefafyaalkiisa.”

لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ

  1. Abu Hurreysa RC, waxa uu Suubbanaha CSW, ka weriyay inuu yidhi: “Qofkii yidhaahda waqtiga galabtii iyo aroortii لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ min boqol jeer, waxa uu Nebigu CSW, sheegay shan fadli inay u sugnaadeen. Waxa loo qoraa fadliga toban addoon oo la xorreeyay, waxa loo qoraa boqol xasano [wanaag], waxa laga dhaafaa oo laga tirtiraa boqol xumaan oo uu sameeyay, maalintaas oo dhanna shaydaanka waa laga ilaaliya ilaa uu ka galabaysanayo [waa kolka uu akhriyo subaxdii. Kolka uu galabtii akhriyana waa ilaa inta waagu ka baryayo]. Ugu danbeyn waxa uu Nebigu xusay oo uu yidhi: “Ma jiro qof ka fadli badan oo imanaya maalinta qiyaame ilaa qof la yimi wixii uu akhriyay oo kale ama ka badiya mooyaan e.” Sida oo kale, waxa uu Suubbanuhu CSW, sheegay digri Alle lagu xuso wardiga ugu fadliga badan inuu digrigani yahay.

سبحان الله

  1. Imaamu Nisaa’I waxa uu ku weriyay kitaabkiisa العمل يوم واليل in ay Suubbanaha CSW, ka sugnaatay inuu yidhi: “Qofkii yidhaahda inta aanay cadceeddu soo bixin iyo inta aanay dhicin [سبحان الله] min boqol jeer, waxay ka fadli badan tahay boqol neef oo geel ah oo uu sadaqadaystay.”.

الحمد الله

  1. Sida oo kale, waxa Nebigu CSW, uu yidhi: “Qofkii yidhaahda inta aanay cadceeddu soo bixin iyo inta aanay dhicin [الحمد الله] min boqol jeer, waxa ay ka fadli badan tahay boqol faras ah oo uu sadaqadaystay.”

 

ألله أكبر

  1. Sida oo kale, waxa Nebigu CSW, uu yidhi: “Qofkii yidhaahda inta aanay cadceeddu soo bixin iyo inta aanay dhicin [ألله أكبر] min boqol jeer, waxa uu ka fadli badan yahay qof xorreeyay boqol addoon.”

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبَيِّنَا مُحَمَّدٍ

  1. Nebigu CSW, waxa uu yidhi: “Qofka igu salliya hal mar waxa uu Alle ku salliyaa oo xusaa toban jeer.” Sida oo kale, waxa saxaabiga Abu Dardaar RC, ka weriyay Suubbanaha CSW, inuu yidhi: “Qofka igu salliya toban jeer kolka uu waagu u beryo, kolka uu galabaystana toban jeer, qofka waxa soo gaadhaysa u shafeecistayda maalinta qiyaame.”

سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ، سُبْحانَ اللَّهِ الْعَظِيم

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan inuu labadan weedhood ku tilmaamay inay yihiin: “Labo kelmadood oo carrabka ku fudud [calashaan kolka lagu dhawaaqayo], miisaanka maalinta qiyaamana ku culus, isla markaana xagga Allena laga jecelyahay.”

سُبْحَانَ اللَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، وَلاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan oo afartan weedhood innoogu tilmaamay inay yihiin: “Afarta weedhood ee Ilaahay agtiisa loogu jecelyahay.”

سُبْحَانَ اللَّهِ الْعَظِيمِ

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan inuu yidhi: “Qofkii akhriya digrigan waxa jannada looga beera geed timir ah.”

سبحان الله والحمد لله ، ولا إله إلا الله، والله أكبر ، ولا حول ولا قوة إلا بالله

  1. Afartan weedhood waxa uu Suubbanaheennii CSW, ku tilmaamay inay yihiin wanaagyada waaraya [Albaaqiyaatu saalixaat].

سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ: عَدَدَ خَلْقِهِ، وَرِضَا نَفْسِهِ، وَزِنَةَ عَرْشِهِ، وَمِدَادَ كَلِمَاتِهِ

  1. Xadiiskan waxa Suubbanaha CSW, ka warisay Juweeriya RC, oo kammid ahayd xaasaskii Nebiga SCW. Goor hore oo waqtigii salaada subax ka danbeeyay ahaa ayuu Nebigu ka tegay Juweeriya RC, iyada oo wardiyeysa oo digrigii aroornimada akhriyaysa. Xilli danbe oo barqaddii ah ayuu ku soo laabtay iyada oo halkeeddii fadhida oo wardiyaysa. Nebigu CSW, su’aal ayuu weyddiiyey ahayd “Iskama aanad beddelin miyaa xaaladdii aan kaaga sii tegay?!” Juweeriya RC, waxay tidhi “Haa.” Kaddib, Nebigu CSW, waxa uu ku yidhi: “Intii aan kaa maqnaa waxan idhi afar weedhood, midkiiba saddex jeer. Afarta weedhood haddii lala miisaami lahaa wixii aad wardi akhriyaysay saaka oo dhan waa ka cuslaan lahaayeen.”

 

لاَ حَوْلَ وَلاَ قُوَّةَ إِلاَّ بِاللَّهِ

  1. Nebiga CSW, waxa ka sugan isaga oo la hadlayay saxaabiga Cabdillaahi Bin Qays RC, inuu yidhi: “Cabdillaahi Ina Qaysow! Ma ku tusaa kayd kammid ah kaydadka jannada?! Dabeeto Cabdillaahi Bin Qays ayaa ku yidhi “Haa, Rasuulkii Ilaahayow. Kaddib ayuu Nebigu ku yidhi waxaad tidhaahdaa “لاَ حَوْلَ وَلاَ قُوَّةَ إِلاَّ بِاللَّهِ”

TIXRAAC

الأذكار من كلام سيد الأبرار مؤلف: الإمام النووي-

شرح حصن المسلم مؤلف: جمـــــــدي بن عبد الوهــــاب أمحـــــــد –

Qalinkii: Ibraahin-Masxaf Xuseen Daa’uud

SHEEKOOYIN