Wariye iyo Warbaahin Q1AAD W/Q  Yaasiin Xasan Muuse

Wariye iyo Warbaahin Q1AAD
Lafa gurka  labada eray ee aan halku-dhiga uga dhigay qormadayda Runtii maaha arrin laga gayoonayo oo qormo iyo qoraal lagu soo ebyi karo, balse waxa aan isku dayayaa in aan tilmaan iyo tusaale dheer ka bixiyo, balse haddaan si kooban u dul istaago labada eray ee wariye iyo warbaahin, aan ku horreeyo wariye.
Wariye: Waa magac tilmaamaya,  qofna ku suntaya lahaanshiiye, tab iyo aqooneed uu u leeyahay warinta ama warsheegida, waxaa kale wariye la dhihi karaa waa qof leh awood tebineed oo u gaarsiin karo dadka kale war hufan haddana kooban. Eraygu af ahaan waxa uu ka soo dhambalmay, war, warin, wareysi,  warramid, wariye, is rogroga faleed ee erayga war ayaa wax ka dhashay in war tebiyaha toolmoon. Waxaa jira erayo badan oo isla warka qofka keenay ama sheega tilmaamaya waxaanna ka mid ah” warramaa warhaye, warside, wargal warsheege Iqb.”
Eraygu jirrida  jiraalkiisu waa WAR, waxaa la raaciyey tilmaanta IYE,  tilmaantaasi waa mid sheegaysa falka uuqofkaasi qabto kuna magac dhaban yahay, tusaale,  kaal, kaaliye, hoggaan, hoggaamiye, Hiil, hiiliye, Iye waxa ay tilmaamaysaa tabta aqooneed ee qofkaas iyo muujinta xirfadiisa hawleed ee uu ku magac dhaban yahay.
Sidaa darteed, wariyahu waa qofka soo tabiya, bandhigga, soo wariya, hadba xaaladda markaasi lagu jiro wax ku cusub, sida war dhiilo xambaarsan, war dhacdo hore la xiriira, ama war ku saabsan arrimaha bulshada oo dadwaynaha loo soo gudbiyo, sida hormarka, caafimaadka, sooyaalka iyo dhaqanka, IWM waxaa na loo yaqaana bandhig ama barjaamij,.
Magaca wariye ama warbaahin, warlalis iyo waxii la mid ah waxa ay dalkeenna soo galeen markii uu yimid  saancadaalihii nagu soo duulay, markaas ayaanna qaab shaqo ahaan loo bilaabay, balse, waxaa jirtay in uu jiray qaab kaas ka duwan oo wariye loo yaqaaney ka hor waagii hore,  marka garta iyo geedka la joogo ee xeerbeegtidu gorfeynayso, qofbaa loo dhiibi jiray go’aanka kama dambeysta ah, kaas ayaanna  tebin jiray oo dadka u werin jiray, isaga ayaanna wariye la dhihi jiray balse, ma ahayn shaqo lagu xoogsado oo leh bilgoosad iyo hawl laysla yaqaan.
1: Horta waa kuma wariye?
Waa qofka ka shaqeeya warbaahinta qaybaheeda kala duwan, sida Wargeys, Idaacad, TV, Mareeg, IWM. oo ku soo gudbiya warar iyo barnaamijyo kala duwan, balse, bahda warbaahintu dhammaanteen maaha wariye,  waayo waxaa jira  qaybo ka duwan  soo tebinta warka, sida soo saaraha, tifaftiraha,  agaasimka, isku dubarida, muuq qaadaha, muuqaal kaydiyaha iwm.
Wariye waxaa la yiraahda, qofka soo tebiya warka ama qaab qoraal ahaan ah ku soo bandhiga, sidoo kale, raadiya oo goobaa, xuuraamada oo soo xodxoda arrimaha wararka bulshadu xiisaynayso.
Wariyuhu  waa qof aqoon durugsan u leh shaqada saxaafadda, tabbabaran, yaqaanna sidda loo u uruuriyo xogta qaab qoraal, maqal ama sawir, una habbeeya qaab wadareed oo u qalma bulshada loo gudbinayo,
Wariyahu waa isku xiraha adeegaha iyo loo adeegaha
Bulshada qaybaheeda kala duwan, madax iyo dadweyne, waanna baahiyaha iyo faafiyaha xogaha dahsoon ee dadweynaha ka dedan iyo dhacdooyin ka dhacay meelo kaa dheer oo aadan ogaateen, warlalis iyo wariye la’aan.
Haddii aan tilmaaney qofka uu yahay wariye, waa lagama maarmaan in aynu is weydiino, waxna ka sheegno, arrimaha lagama maarmaanka ah ee looga baahanyahay wariyaha ayna tahay in uu yeesho astaamada iyo xil gudashadaa
Wariyaha quman waa inuu noqdaa mid aqoon u leh shaqadiisa, waayo aragnimona u leh, aqoontaasi waa in ay ahaata mid  gaarsiisan heer dugsi sare iyo waxbarasho sare teer iyo heer jaamacadeed haddii ay suurtagal tahay, waanna inuu haystaa tabbobaro badan oo ku saabsan shaqadiisa.
Waa lagama maarmaan in uu agabkiisa u leeyahay aqoon xeeldheer dhanka farsamo si uu u furdaamin karo, haddii ay dhacdo mararka qaarkood cillad farsamo.
Aqoonta iyo ogaalka warbaahinta iyo saxaafaddu waa aqoon iyo ogaal aad u mug weyn, waxaa na lagu bartaa dugsiyo iyo xarumo aqooneed oo  gaar ah, college-yadda iyo jaamacadaha.
Wariyaashu waa sida dhakhaatiirta oo kale.
Bal qiyaas bukaan sariirta xarun caafimaad  saaraan oo qallliin degdega u baahan, haddii qof aana aqoon iyo ogaal u lahayn arrimaha caafimaadka  uu dhaho dhakhtar baan ahay oo bukaanka waan qalayaa.! Maxaad ka filaysaa halista ay arrintaasi leedahay?
Waxaa la mid ah qof aan  aqoon iyo ogaal u lahayn shaqada wariyanimmada intuu warlalis ama muuq baahiye,  mareeg soo fadhiisto oo wuxuu doono iska sheego.
Warbaahintu way ka halis badan tahay, waxaa na lagu tilmaama mindi laba af leh oo dhankii la doonaba loo adeegsan karo.
Waa hubaal warbaahintu in ay qayb laxaad leh  ka qaadan karto hurinta colaadda, kor u qaadistza nabadda iyo horumarka, sidaa darteed, waxaa lama huraan  ah oo laga rabaa qofka wariyaha ah, inuu aqoon durugsan u leeyahay  soohdimaha iyo xeerarka warbaahintu  ku shaqayso.
Intaa marka laga yimmaado, haddana waxaa jira arrimo kale oo xaasaasi ah oo u baahan inuu kala doorto qofka wariyaha ah.
Sida aan la socono dadku ma sinna oo garaadka iyo garashada  mid waliba guuluhu in gaara oo gooniya ayuu ku galladay, waxaa na jira hibbo iyo hal abuur qof waliba gaar u leeyahay.
Sidaa darteed qofka wariyaha ah waa inuu ogyahay hibbadiisa iyo kaalinta uu ku habboon yahay ama uu ka soo dhalaali karo.
Tusaale kooban, macallinmiinta iyo dhakhaatiirtu iyagoo aqoon guud oo heer jaamacadeed leh, ayuu haddana mid waliba maado gaara ku howl gallaa, kuna shaqeeyaa.
Wariyahu, waa inuu ogaada shaqada warbaahintu inay tahay badweyn  kala duwan , islamarkaana uu ka cayaari karo ama uu ka gali karo kaalinta hibadiisa ku habboon tahay.
Ma ahaan shaqada warbaahintu, warar dhimasho, dhaawac, iyo dhiillo  xambaarsan oo dhagaha dhagaystayaasha loo soo bandhigo oo kaliya.Ma ahaan wariyahu inuu kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku koobo dhacdooyin maalin leh ah.
Wariyaha  aqoonta iyo hal abuurka leh, waa kan awooda u leh inuu diyaariyo wararka iyo barnaamijyo kala duwan oo ka warramaya dhacdooyin tagay iyo kuwo hadda taagan.
Wariyahu, waa in uu noqdaa qoraa sare, xeeldheeree, aqoon baare, raadraace iyo falanqeeye ka faalooda.
Arrimaha bulshada,
Siyaasadda,
Dhaqaalaha,
Deegaanka,
Taariikhaha iyo
Dhaqanka iyo suugaanta.
Haddaba marka laga yimaado aqoonta iyo hibadda qofka wariyaha u gaarka u leeyahay, waxaa jira qoddobo kale oo lama huraan ah oo laga rabo wariyaha isla markaana lafdhabar u ah tabta iyo aqoonta warbaahineed,  la’aantoodna ay adagtahay inuu wariyuhu ka midho dhaliyo hammigiisa wariyanimmo.
Lasoco qaybta xigta haddii Eebe idmo….
W/Q yaasiin xasan muuse

SHEEKOOYIN