Wax aan Marnaba Dhici Karin! W/Q: Xasan Aadan Hoosoow

Wax aan Marnaba Dhici Karin!

Waa 1944. In kastoo ay dagaal culus gashay, weli waxay ahayd boqortooyo ku hubeysan taariikh mug leh iyo awood aan la dhayalsan karin, balse, waxaa dagaalkii Labaad ee Adduunka oo markaas gebo gebo ahaa ka soo gaaray dhaawac dhaqaale oo baaxad leh, waxayna u baahneyd ayada iyo sidoo kale xulufada kale ee Yurub gacan qabasho. Boqortooyadii Ingiriiska ee xilligaasi uu madaxda ka ahaa Winston Churchil waxay yabooh dhaqaale weydiisatay dalka Maraykanka, hase yeeshee maamulkii madaxweyne FDR ee Maraykanka oo xiligaasi ahaa waddanka keliya ee dhaqaalihiisu xoogganaa, sidoo kale haystay keydka 3 meel 2 meel dahabka adduunka, wuxuu maqlay tala ka timid wasiirka maaliyadda Henry Morgenthau. Talada waxaa asalkeeda lahaa Harry Dexter White oo ahaa dhaqaalyahan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda. Wuxuu ku taliyay White in fursaddaan looga faa’ideysto sidii Maraykan looga dhigi lahaa waddan siyaasad ahaan qabsada adduunka ayadoo la adeegsanayo awood dhaqaale, lagana faa’ideysanayo tabar darida Yurub. Harry Dexter White waxaa loo dhiibay fulinta qorshahaas.

July 1-22 1944, wuxuu 44 waddan isugu keennay tuulo la yiraahdo Bretton Woods oo ku taalla gobolka New Hampshire, wuxuu dejiyay qorshe aan waddan kale laga talo gelin oo diyaarsan, oo ay tahay dowlad walba oo ammaah iyo kaalmo dib u dhis u baahan in ay saaxiixdo. Qorshaha wuxuu dhigayay:

1-In laga takhaluso isticmaalka dahabka “Gold Standard” ee xilligaas lacagaha lagu kala sarifan jiray, beddelkeedna la sammeeyo Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) taas oo lacagta rasmiga ah ee adduunka ka dhigaysa Doollarka Maraykanka, dollarka uu noqonayo lacagta qura ee lagu sarifi karo dahab, noqon kartana keyd maaliyadeed.

2- In la sammeeyo Bankiga Adduunka oo dib u dhis ku samaynaya dalalka Yurub ee dagaallada ku burburay. Waxaana dhaqaalaha bixinaya Maraykan taas oo la micno ah qabsasho dadban!

Boqortooyada Britain waxay shirka Bretton Woods u dirsatay dhaqaalayahankii caanka ahaa ee John Maynard Keynes, kaas oo sannado ka hor fikradihiisa ay bedbaadiyeen dalalka ay ku habsatay aafadii dhaqaale “the Great Depression” ee dhacday 1930-yadii.

Harry Dexter White wuxuu laalay dhammaan fikradihii Keynes uu la soo shir tagay oo ay ku jirtay in lacag caalami ah “Bancor” la sammeeyo halka dollar Maraykan uu saldhig ka noqon lahaa. Dhammaan dowladihii ka qeyb galay shirka waxay saxiixeen wixii uu Dexter White u yeeriyay, Keynes oo isku arkayay ninka haya xalka dhaqaalaha adduunka cuqdad ayuu la soo guryo noqday.

Dexter wuxuu ahaa nin qoys faqri ah ka dhashay, waxbarasho jaamacadeed billaabay asagoo 30 jir ah, 40 jir PhD Harvard kaga qaatay,  ma ahayn qof adduunka laga yaqaanana  sida Keynes. Keynes wuxuu ahaa nin qoys hodan ah, magac leh ka soo jeeda, haddana adduunka oo dhan magaciisa ku faafay balse wuxuu cuqdad ka qaaday sida uu Dexter u bahdilay.

Wixii ka dambeeyay shirkaas 1944, Yurubtii adduunka oo dhan gumeysanaysay, waxay faraha u gashay Maraykan, illaa iyo haddana waxaa adduunka dhaqaalihiisa maamula Maraykan. John Maynard Keynes waxaa laga soo wariyay inuu yiri:”Dexter White qof ii qalma ma ahayn, balse dowlad wax heysata ayaa taageersanayd, anigana dowlad tuugsanaysa ayaan ka socday.”

Waxaan arkaa shacabka Soomaaliyeed oo raba in ay madaxdu shir walba oo beesha caalamka la la galayo ka sheegaan, kuna adkeystaan wuxuu shacabku rabo, iyo in loo jaangooynayo dalka sida aan rabno, haddana weli beesha caalamku na biilaan. Waa wax aan marnaba dhici karin. Taas haddii ay suuragal tahay, John Maynard Keynes lama dhimman lahayn cuqdad sannadkii 1946, 2 sanno kaddib shirka.

Yurub weli cuqdad baa haysa! Sanadkii 2007 Nicholas Sarkozy madaxweynihii France iyo Gordon Brown, RW Britain ayaa Bush u tagay si uu u ogolaado in dhaqaalaha adduunka si caddaalad ah loo qaabeeyo. Bush wuu diiday.

Mustaqbalka Soomaaliya waxaa jaangoynaya hadba qofka dhaqaalaheeda bixiya.Musuqmaasuqa iyo dowlad-diidnimada ha la yareeyo, si dalka uu u helo fursad uu go’aankiisa ugu madax bannaanaado!

 W/Q: Xasan Aadan Hoosow

 

SHEEKOOYIN