WAXAA IGA YAABIYAY! W/Q: Ahmed Dahir Omar

1610974_801131856671676_1200999635436925657_n

WAXAA IGA YAABIYAY!


Aqoon dheeraad ah uma lihi, balse, kaliya, waji ahaan ayaan u garanayaa. Waxaan ku baraty Goobta aan wax ka barto, oo waa waardiye.
Meel banaanna ah oo iridda laga soo galo dhismaha jaamacadda u dhaw ayuu kursi caag ka sameysan u yaallaa, muuqaalkiisa guud, waxaad ka dareemee diif, duruuf iyo dhibaato dhaqaale. Waa nin aad u kaftan badan, dhammaan maamul, macallin iyo ardayba way wada yaqaannan, oo waa shaqsi ka dhex tilmaaman shaqaalaha kale. Aad ayaan ugu soo dhawaaday. Salaan iyo is marxabbeyn ka dib, waxa uu aad iigaga shekeeyay, waayihii soo maray, mid san iyo mid xumba.
Dhallinyaranimadii in uu ahaa askari qaranka u shaqayn jiray, dhawr marna dhaawacyo kala duwan u soo gaareen difaaca Dadka iyo Dalka.
“Qaran jabkii ka dib, ma jirin shaqooyin rasmi ah, mana aanan lahayn aqoon gooni ah, oo aan ku xamaasho” ayuu igu daray.
Sanado badan, oo burbur dhan walba, oo ay wehliso shaqo la’aan ayuu go’aansaday inuu qoriga dib u garraarsado. Uma qaadaayo markaan dan Qaran, balse, danta ayaa kalliftay, in uu ilaalo ka noqdo shaqsiyaad kale. Aaah! Alla xanuun badnaa!
Xiisaha ay sheekadiisu igu haysay, ma qiyaasi karo, in kstoo aan kahanayo xaaladaha qaar, ee murugada lagu walaaqay. In ku dhaw 19sano ayuu ka shaqeyaa howshan waardiyaha ah, ee xarumaha kala duwan, ee jaamacadda, waxaase aad iiga yaabiyay, oo aan marna qaadan wayay, markii uu igu yiri:
“Adeeroow meeshan Wallaahi danta ayaa nagu haysa, ayaguna way nooga faa’iideystaan Duruuft ina haysata, 19sano waxaan qaadanayay $100 oo kaliya, oo waliba haddii aad maalmo maqnaato ay kaa go’an tahay. Ma helno xuquuq dheeraad ah, dhiirragalin warkeedba daa, waa joog ama tag, adaa baahane ah!”.
Aqriste sida aad adiguba u yaabtay ayaan hadalkaa amakaag kaga qaaday, waxaanse is waydiyay; jaamacaddu miyeynan ahayn, halkii la igu baray dhawrista xuquuqda dadka kale? Miyeysan jaamacaddu ahayn, halkii laga sixi lahaa, waxa qaldan oo dhan? Miyeysan jaamacaddu ahayn, barta kaliya ee cilmiga si dhab ah ula falgasha? Mise anaa hurdee, waxa la ii sheegaa maalin waba, maba dhaafsana faruuryaha?.
Aqoontu waa midda sida saxda ah u badasha Bulashadda. Ma garan karo sababta kalliftay, in dadkii aqoonta aan ku tuhmeynay ay sidaas u dhaqmaan.
Bal ka warran, kuwa aan aqoona badan lahayn ama aan aqoon lahayn, sidey u dhaqmi lahaayeen?
Waxaa xaqiiq ah dareemiadda naxariista iyo u dhimrinta shaqaalaha ama dadkii liita, inay tahay deeq Alla baxsho, ee aan lagu kasban karo aqoon, hanti, IWM, haddana, waxaan meesha laga saari karin, oo hubbanti ah, in barashadu, qayb ka weyn ka tahay dareemidda baahiyaha danyarta iyo masaakiinta.

W/Q: Ahmed Dahir Omar

SHEEKOOYIN