Wedka dilay adkaayee W/Q: Zedra Shekh

Wedka dilay adkaayee W/Q: Zedra Shekh

Hal sano ka hor maanta oo kale kuna beegan 23/04/2020 waxa geeriyootay qof aan iyada oo kale dib loo ar kayn wedka haddii la celin karo haddeeda waan baajin lahaa, waase ma dhacdo oo Maxamedkii udgoonaa (SCW) ayaa tan loo dayn lahaa haddii lagu waarayo.

Mararka qaarkood waxaan niyadda iska idhaahdaa dadka wanaagsani dunida kuma waaraan ee waa la oofsadaa marka loogu baahida badan yahay, maalintay walaashay geeriyootay intii ka horraysay oo dhan noloshaydu waxay u socotay si qumman oo majaraheeda haysata maalintiise ay dhimatay may jirin dharaar aan uga baahi badnaa welina sidii bay iigu bannaantahay kaallintii ay ka baxday oo cid ii buuxin karta la heli maayo.

Dhimashadeedu waxay nagu wada noqotay anfariir iyo af kala qaad u qaadan waa ayaa nagu wada dhacay, marka qofkaagu bukoodo ama aad la rafaaddo caafimaadkiisa waad ka samirtaa waayitaankiisa, balse marka saacado yar ka hor aad falanqaynta guurkeeda iyo farxadda qoyskeeda cusub ee soo socda aad ka wada sheekaysataan adiga iyo walaasha oo faraxsani, isla markaana dhankaaga ay talo iyo tusaalaba kugu kordhiso iyadoo kugu dhiirri gelinaysa inaad naftaada ku hormariso waxa aad haminayso.

Haddana daqiiqado kooban ka dib laguu soo sheego inay naftu ka baxday soow argagax iyo fajac kugu noqon mayso? Ilaa hadda waxa maskaxdayda ka go’i’ la’ farxaddii wejigeeda ka muuqatay, dhegahaygana waxa kasii yeedhaya qosolkeedi, welina maryihii ay xidhnayd iyo muuqeedii ayaa indhahayga u sawiran. Waan aamini waayay dhimashadeeda,waan jeclaa inay ila joogto tanaase qornayd oo maanta way iga hoosaysaa.

Walaal aan jeclaa bay ahayd oo noloshayda kaallin wayn ku lahayd. Qofka iigu dhaw dadka ee dhibkayga fahmi jirtay dareenkaygana cabbiri jirtay ayey ahayd, waxaanay mootantahay muddo hal sano ah, maqnaanteeda sannadka gaadhay waxay igala culus tahay boqollaal sano oo aan kalinoole ahay.

Maalmihii kasoo wareegay luxud galkeeda oo 365 cisho ahi waxay ii ahaayeen murug joogto ah, habeenno mugdi ah iyo maalmo qallooc wata. Ficil kasta iyo hawl kasta oo aan gacanta u qaado xasuusteedaan ka dhex arkaa meel kasta iyo goob kasta oo aan tagona muuqeedaa iiga bidhaama marar badanna hab dhaqankeedi wanaagsanaa ayaan la muraaqoodaa. Xiskayga laga tiri maayo xasuusteedii xabaalbaase iga qarisay oo waa xaq Ilaaheey soo rogay. Mid la dhashay iyo mid la asxaab ah ba gabbal baa u dumay oo qof ballaadhan oo dadku majeertaan bay ahayd, balse, aniga tegisteedu waxay igu noqotay tiih iyo cudur aan sinnaba iiga baxayn waayo tamarta aan ku dhaqaaqo iyo garbaha aan ku taaganahay ayey ahayd.

Haddi ay macquul ahaan lahayd inaan iyada uga warramo sidii ay noloshaydu noqotay markii ay ifka igu soo cidlaysay waxaan odhan lahaa sidan:-

“Walaalo maryaha midabkii aad jeclayd markaan arko waan ilmeeyaa, hurdada badi ma seexdo oo soo jeedka ayaan la qabsaday, runtii waan cidlooday dabadaa waxaanan waayay qof sidaadi oo kale ah. Ma ogtahay dalxiiskii iyo meelihii aad jeclayd oo dhan ma tago waxaanay ila wada noqdeen cidla cidla maan yeelan mana yeelan doono qof aan sidaadii ugu kalsoonahay, maanta malihi saaxiib dhaba oo aan ka weheshado waayaha iyo xaalkiisa waxaanse markasta xidhiidhiyaa dadkii aad jeclayd yar iyo waynba anoo inta badan markay kaa sheekaynayaa dhagaysta si aan magacaaga sheegiddiisa u maqlo.

Waxaan rajaynayaa inaad hadh qabow iyo neecaw udgoon dhex joogto oo aad naxariistii Rabbi heshay intaan noolahayna waan kuu soo ducaynayaa hadh iyo habeenba. Runtii waa lagu tebay waana laguu wada darsaday inta kuu basaastayna annaa ugu horreeyee Ilaaheey ha kuu naxariisto.

Walaalshay oo qudha maad ahayn ee waxaad ii ahay wehel dhamaystiran oo nafta ila wadaagta markii aad iga fogaatay ayaana iigu danbaysay farxad aan qalbiga ka dareemo. Maqnaantaadu waxay igu beertay cabasho iyo baqo aanan lahaan jirin. Si aan yarayn baan u nuglaaday markaan ku waayay walaalo.

Waan ogahay oo farriintaydani kuma soo gaadhayso, balse, dareen ahaan ayaan kuula wadaagayaa walaashaydii aan jeclaayeey, sidaasaanan kuu xusi doonaa maalin kasta oo la gaadho ammintii aad iilka iyo aakhiro u hayaantay ee aynu ifka isku waynay. Ilaaheey ha kuu naxariisto walaashay Amina Keyf Xasan Cilmi Faarax.

Walaashay KEYFEEY ku illoobi maayo halkaad iigu jirtayna aniga uun baa og, qaddarka dhacayna ma diiddani, balse, weli waan kaa samri la’yahay, may ahayn inay sidani dhacdo waase nasiib iyo wax inoo qornaa. ducadan hoose waxay ahaan doontaa mid aan kuusoo diro mar kasta gaar ahaan xilliga la gaadho bishan iyo maalinta 23’aad. waxaanan ku leeyahay Keyf Xasaneey:

  1. Digo iyo cadaabiyo
  2. Dan-bas iyo kulayliyo
  3. Wax ishaadu diiddaba
  4. Daayin kaa fogeeyoo
  5. Kaa dedan ibliisiyo
  6. Shaydaan wax duufsada
  7. Kaa beri dar jiidhiyo
  8. Der derkiyo nuglaanshuhu.
  9. Samo kaa diciifoo
  10. Dayn kugu ahaadiyo
  11. Doqoniimo kaa dheer.
  12. Iilkaaga dulinkiyo
  13. Laga dayr balaayoo
  14. Daxalkiyo aboorkiyo
  15. Kuma daaro boodhoo
  16. Dermadaad ku jiiftiyo
  17. Derbi kuma cidhiidhshoo
  18. Maradii dushaadiyo
  19. Lagu deday korkaagiyo
  20. Kafantaadu duugiyo
  21. Iyadoon dar xumo arag
  22. Oo wayso daahira
  23. Iyo nuur ku doogsaday
  24. Derejada islaamkiyo
  25. Diintiyo qur’aankiyo
  26. Dawgii Rasuulkiyo (scw)
  27. Ku hagaag dariiqii
  28. Daaraha fardawsiyo
  29. Dur-durada jannada oo
  30. Sida malabka doocaan
  31. Udabaalo raaxoo
  32. Degel lagu qaboobiyo
  33. Naxariis ku deeqdiyo
  34. Dabaqyada rayaankiyo
  35. Ku dawaaf niciimada
  36. Qof raxmaanku doortiyo
  37. Duca qaba la seexiyo.

Ilaahay ha kuu naxariisto walaalo kuwii aakhiro jannada ku kulmana Rabbi haynaga dhigo Aamin Aamin Aamin Yaa Rabbi.

W/Q: Zedra Shekh

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN