Xabsi doon! Q5AAD W/Q: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Sac

Xabsi doon! Q5AAD

Gudigii ka socday (Main Office) Xafiiska wayn Ee Qaramada Midoobay, ee xabsiga nagu soo booqday, Waxey i siiyeen waraaqa sharci ah oo eey ku qornaayeeyn,

According to 1951 convention which was signed by the ….. 1980 The UNHCR Confirms the legal right of Mr. Janaqow In the benifit From the ful protection of the …. goverment….

Iyadoo la tixraacayo, Heshiiskii Janeefa oo eey Dowladan saxiixday 1980, Ninka la yiraahdo Janaqow Waxuu xaq u leeyahay, Inuu dalkan ku noolaado, Isagoo ka faaidaysano qodobkaas, Waa inuu helaa Magangalyo, Waxbarasha IWm.

Waanan helay waxii aan raadinayay, Waxaa ii suurtagalayso inaan ka bixi karo dalkan oo aan aadi karo midkii hadafkeeygu ahaa, Halka eey awal aad iigu adkeyd inaan xitaa xaafadaha magaalada si xoriyad ah isaga dhax talaabo.
Waxaan goostay maalintii labaad ee aan sharcigeeyga helay, Inaan safro oo aan sacuudiga qabto.

Habeenkii danbana waxaan dhaxda ka raacay sodomeeyo si sharci daro lagu galinayay sacuudiga, Dhib yaraan ayaan kaga daadagay Buurta Najraan ee lagu hoobto.

Muddo aan asbuuc ka yareyn dabadeed waxaan ku sugnaa, Magaalada Dakada leh ee Jiddah.
Waxaa aad ii soo dhaweeyay gabar aan ilma adeer ahayn, Taasoo aad uga naxday daruufta iyo dandarada iga muuqato, Waxey ila dajisay Wiilal qol ka daganaa isla guriga eey iyadu Gasho, waxeyna ii sheegtay inaan is huuriyo oo aanan mudo asbuuc ah cid albaabka ka furin. iyadaana qaaday mas’uuliyadeeydii.

Todobaad kadib waxaan u soo ekaaday bini,aadan waxaana iga hoobtay dhamaan jiliftii ku dahaarneyd oogadeeyda, iyo niyajabkii aan xilliga dheer soo maray, Waxaan la soo baxay quruxdaydii, Habla badan oo xaafada daganaa ayaa hoosta iiga baaqayay. damacayguna kama marneyn guur,

Asbuucii labaad ayaan isbaranay gabar aad u qaboow oo aan ka helay, Guurna waan ku heshiinay, talo faraha kuma hayee, Waxaan la tashtay Ina’adeerteey taasoo shafka u garaacday iney isla saadanba wax walba ii diyaarineyso, Sidii beey yeeshay balantiina weey oofisay, Maalintii isniinta aheyd ayuu dhacay aroos iska abaay abaay ah oo aan aad u buurneyn, waxaan arooska isku baranay Gabar kale oo iga qaadatay lanbarkaygii.

Arbacadii ayeey soo wacday iina sheegtay ineey aniga dan iga leedahay.
Waxaan ku balanay in khamiista la is arko, Waana kulanay khamiistii, Waxey ii sheegtay ineey iga rabto mustaqbal, Markaasaan u celiyay sow ma ogid inaan Todoba ku jira? haa bay tiri, oo arooskaan kugu bartay, Balse afar ayaa kuu banaan, Intaan madaxa ruxruxay ayaan iri” Timirtii horeba dab loo waa” Wallaaley ina kala wad, Hadda ayaan aroos Abaay abaay ah galaye, Gabadha oo ahayd mid indha adag rabtana iney si kastaba igu kasbato, ayaa balanqaaday wax walbo oo arooska ku baxayo, Iyo wiliba inuusan arooska noqonaynin sida kii hore “mid abaay abaay ah”, ee uu noqon doono, mid international ah. qoftan danbe waxey iska haaystaa dhaqaale farabadan oo xili dheer ayeey sacuudiga joogtay, Calafka iyo nasiibkuse uma hiilin oo ma eeysan helin mid ey nafteeda ku aaminto.

Isku soo duuboo waa eey iga dhaadhacsiiyay inaan arooskaas saxiixo, Waxaanan ku heshiinay inuu dhici doono maalinta axada ah ee fooda nagu soo haayso.
Waxaan ku laabtay xaafadaydii, Qoftiisii aan isku cusbayn ayaan u sheegay ineey jirto gabar aan ilaaa soomaaliya wada socon jirnay oo aan balan horena lahayn muddana is moogeyn, in aan halkan isku aragnay oo eey iiga fadhiso inaan fuliyo balantii aan horey u qaaday. waxaan uu ugu daray, In haddii eey ogolaato aan fulinayo guurkaas haddii eey diidana uu ka joogayo, Jaceeylka aan kuu qabo dartiis ayaan kuugu ogolaaday inaad guursato, Ayaa hal mar afkeeda ka soo baxday, Markaasaan farxad la xanbaari gaaray.

Waxaan telfan u diray walaasheeydii arooska hore gacanta iga siisay, Waxaan u sheegay inaan Axadda guursanayo, Gabadhii oo yaaban ayaa tiri, Todobo bax dheh ee aroos ha dhihin,! intaan qoslay ayaan irri waa aroos wiliba aroos dhaafay, Gabadhii walaashay ahayd oo ka xanaaqday hadalkaygii ayaa ku tilmaamtay ficilkayga Mas’uuliyad daro, Talafankiina waa eey igu dhigtay, Waxaan goostay inaan ugu tago gurigeeda si aan uga soo dhaadhiciyo, sida wax u jiraan, Waana u tagay, Dood iyo muran dheer kadib, Iyadoo aanay uurka ka ahayn ayeey afka ka ogolaatay.

Waxaa la gaaray Axadii kale, Waxaana la qabtay Xaflad weyn oo aad u balaaran, Waxaa ka soo qaybgalay fanaaniin si fiican nooga tuntay, Qofteydii hore waxeey aaday shaqa jiif oo asbuuc beey maqnaanaysaa. ana waxaan qaadanayaa Afar iyo toban maalin oo shahrucasal ah. si dhaqso ah ayaan ku iloobay Dhibaatooyinkii faraha badnaa ee i soo maray, Labadii xaasna mid waliba uur beey yeelatay.

Bishii todabaad ayeey isla galeen, ana waxaa igu baryay waagii oo waxan galay orod iyo xariiftan, Iyadoo sidaas tahay ayaa la gaaray xiligii eey dhali lahaayeen, Tii hore wiil beey dhashay, Tii labaad ayaan asbuuc kadib isbitaalka ula cararay, Dhaqtaradii Umilineysay oo masaari ahayd, Ayaa Mabruuk Mabruuk Hambalyo Hambalyo Wiil baa laguu dhalay, Iigu soo bogaadisay, Waan farxay waxaase farxadeeydii nusqaamiyay markeey iga dalabtay lacag dhan 300 dollar, Riyaal ma hayo, Ayaan u sheegay, Weey ii garoowday waxeyna tiri, Boqol dolar oo isbitaalka ah kaliya iska bixi.?

Sidii baan ku soo baxay, Waxaan beec u wadaa Telfankii aan watay, Oo aan rabo inaan ku soo furdaamiyo, Xaaska isbitaalka iiga jirto.
Tallo iskuma kaa sheegtee, Dhaxda ayaa haabaay layga yiri oo la iga qabtay, Waxaana la igu tuuray
xabsi waana la i tarxiilayaa, Wax kasto waxaa iiga daran, Anoon nasiib u yeelan inaan arko wiilkaygii labaad, Ama aan ka soo saaro, isbitaalka, Waxaan telfan u diray Walaashay una sheegay inaan tarxiil ahay, Iyadaana u igmaday ineey isbitaalka ka soo saarto afartaas indhood ee gudaha iiga xaniban.

La soco qeybta Lixaad oo ah, Tan ugu danbayso uguna xiiso badan Sheekadii Xabsi Doon.

W/Q: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN