XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 145aad
1-Soo
laabashadaada.
Soo laabashada aad ka soo laabatid waqtiyada xun
mar walba way ka qurux iyo xoog badantahay mugdigii iyo murugadii hore, waxayna
gogol xaar u noqotaa dulaqaad iyo taxaddar farxad lagu dheehay.
Mmusa
2-Rajadaada
Haddiiba la dhahay rajada waa tiirka dunida isku
haya maxaa diidaya in rajadaada ay sarrayso waliba raja wanaagsan ay kuu
ahaato?
Mmusa
3-Laba
xaalad
Waxaa jira laba qaab oo midna uu yahay kaaga
dhabta ah midna uu yahay mid aad iska yeesho.
Kan aad dhab u tahay ayaa la doonayaa in aad ku
qanacdo una aqbasho sida uu yahay, markaas waxaad helaysaa kalsooni nafsaani ah
iyo quruxda runta ah ee shaqsiyaddaada.
Mmusa
4-Jaanisyadaada
Marka aad diiradda saarto xaaladda aan qumanayn
ee noloshaada waxaad sugtaaba waa qarracan iyo qalbi jab, laakin marka aad
dhanka wanaagsan wax ka eegto oo xooga saarto in aad is fahamsiiso qaybta
quruxda badan ee noloshaada markaas waxaa wanaagsanaada jaanisyadaada nololeed.
Mmusa
5-Kallinimada
Kallinimada mararka qaar waxaad ku dareentaa in
aad tahay qof jira, sidaas darteed maba ahan in xaalad walba aad naftaada ku
dhibsato, wax aad jeceshahay haddii sida aad jeceshahay ay noqon waayaan kama
dhigna in wax kaa lumeen, bal, waxaaba laga yaabaa in wax kuugu kordhaan
garashaba kow ha ka ahaatee.
Mmusa
6-Haddii aan lagula fahmayn.
Haddii aan lagula fahmayn sida aad la jeceshahay
la fahan sida ay jecel yihiin.
Dadka qasab iyo quursi wax kuma lahan ee qiimayn
iyo qumanaan ayey qaabili karaan.
Mmusa
7-Qaab u fakarkaaga
Qaab u fakarkaaga waa astaanta ama halka laga
arki karo mustaqbalkaaga.
Mmusa
8-Aamusnaanta
Caleemaha geedka waxay koraan ayaga oo dhawaq
samayn, si tartiib ah ayey u koraan quruxdooduna ku muuqataa, laakin geedka
sidaas laamaha iyo quruxdaas aamusnaanta ugu korinayay marka waa la jaraa la
dhaho oo dhulka uu ku dhacayo dhawaq cabsi badan oo aragagax leh ayuu
sameeyaaa, taasna waa tusaalaha buruburka bulshada uu u leeyahay.
Aamusnaanta waa asturnaanta qofka inkastoo dadka
aamusan sida badan lala xiriiriyo in ay yihiin dad wax badan ka maqan yihiin,
sababaha aamusnaantoodana loo nisbeeyo sida badan nacasnimo iyo cabsi ay
cabsanayaan.
Yeelkadeedee aamusnaanta waa awood qarsoon oo la
saadaalin karin.
Mmusa
9-Wanaaji
maalintaada
Waxay dhaheen wanaaji maalintaada, laakin waxaa
dhacda in iyada oo maalintu wanaag kuugu bilaabatay uu waqtigu si lama filaan
ah kaaga xumeeyo waliba adiga oo taxaddaraya.
Mmusa
10-Riydaada
Riyadaada ha noqoto mar walba bilowga wax u
wanaagsan naftaada ee yeysan noqon dhamaystirka wax uun.
Mmusa
11-Ula jibaaxi dhanka aad
jeceshahay.
Wajigiisa waxaa ka muuqato muruga iyo walbahaar
badan, qofka aqoonta u leh wuu fahmi karay in wax badan ka qaldan yihiin,
maalimihii mugdiga noloshiisana uu ku jiray.
Way ka muuqatay in dabaylo iyo duufaan murugo uu
dhex maquuray, hadana wuxuu ahaa mid isku maslaxaysana in uu dulqaad u yeesho
maalmaha farxaddana aysan sidaa ugu fogayn.
Aniga naftayda waxaan la daalaa dhacayay xaalad
shabbahda xaaladihiisa, laakin waxaan uga roonaa in labada xaaladood ee mugdiga
iyo iftiinkuba midna aanan dugaashanayn oo dhexdooda ayaan jibaaxayay, taas
macnaheeda waxay ahayd in sakana aan farxad is tusayay sakana ay murugada ii
soo muuqanaysay, taas waxaa ii sii dheeraa baqdin aan labada xaaladoodba ka
qabay oo mid aan naftayda ku aamini karo iima muuqan, waxaa kaaga sii daran in
aanan doonayn in aan midna la saaxiibo ama wahel ka dhigto.
Salaan iyo is waraysi gaaban kadib ayaan daris
ku noqonay goob aan ka wada shaahaynay oo kuraasta aan wada fadhinayay ayaa taa
noo saamaxday.
Inta is eegnay ayuu qof walba gooni si boor isku
qaris ah u dhoola caddeyay, qof walba wuu garan karay in gubasho hoose ay jirto
hadana in la is dareensiiyo lama rabin, sidaas ay tahayna in qof walba uu kan
kale ku nafiso wuu rabay.
Tel ayaa ii soo dhacay, hadal dheer ma galin,
qof qaali igu ah ayaan la hadlayay, dareenka nuucaas ah wuu iga dareemi karay
laakin nasiib darro hadalkayga ma nagaan wax ka yar laba daqiiqo oo is faham
darro ayaa na dhex martay, waxaan ka fursan waayay in aan hadalka soo gaabiyo.
Mar labaad ayey indhaheenu isku dhaceen hadana
inta labada calaacalood la isdhaafsaday ayaa qosol aan laabta jirin wada
qosolnay.
Wuxuu yiri “mowjadaha ayaa tiriyaa ka waran
haddaan ku dhaho marka xaaladahan oo kale ay i qabsadaan, xisaabta caadiga ahna
toban ma dhaafsiin karo”?
La yaab ayey igu noqotay nin tirin kara
mowjadaha badda hadana xisaabta aan toban gaarsiin karin, hadana waan fahmay oo
xaaladda uu dhex jibaaxinayo xoogeeda ayaan fahmi karay.
Waa runtiis xaaladaha nuucan oo kala ah marka ay
kula soo darsaan meelaha qaar awood buuxda ayaad u leedahay qaarna maba
jalleeci kartid iska dhaaf maqalkoodee.
Waxaan iri “daaha ka qaad holoca kaa
naaraya gudaha” markaas ayuu hadalkiisa iigu soo gaabshay “nolosha
sida aad u jeceshahay haddaad ugu noolaan wayso, sida ay kula jeclaato ayaa
loogu noolaadaa”.
Wuxuu ahaa hadal xikmad leh, dadaalka aad
samaynayso haddii lagula fahmi waayo inta kula fahmi waysay qaabka ay wax u rabaan
ama u jecel yihiin dhinac ka raac, waa markaa marka ay qiimahaaga garan karaan.
Bal isku day in aad fahamto dulucda qoraalkan,
dhanka wanaagsan ee ay xaaladdaada jibaaxaysana ula jihayso.
Mmusa
12-Fursadda
Fursadda ka faaiidaysigeeda sugasho boos ugama
banaana, maxaa yeelay waa sida Qorax waqtigeeda ku socota oo kale.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur