XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 146aad
1-Naftaada
Naftaada waa in aad dhiiri galisaa saacad walba,
haddaad aragtid wax dhibaya ama dulleynaya waa in aad naftaada la faqdo iskuna
fahamtaan sida aad uga bogsan lahaydeen dhaawacyada uu waqtigu idin
dhaxalsiiyay.
Mmusa
2- Dulqaas iyo
karti.
Sida aad rabtid wax walba uma heli kartid
kuumana noqon karaan, waa in aad dulqaad iyo karti u yeelataa niyad jabka, hoos
u dhaca, buuqa, iyo murugada ay nolosha kuu soo darriso, intaas sida aad uga
soo dhalaasho ayaa qayb ka noqon kara mustqbalkaaga iyo halka aad tiigsanayso.
Raaxada, farxadda iyo guushaba waxay daba
dugaashaada dulqaadka iyo kartida aad u yeelato maalmaha mugdiga ee noloshaada.
Mmusa
3-Fahmid
In aad wax
walba fahamto kaama dhigto in aad waxgarad tahay, doqonkuba mararka qaar
dulucda wuu fahmaa.
Waxa muhiimadda sameeya ayaa ah sida aad uga faaiidaysato
waxa aad fahamto.
Mmusa
4-Duni gadaal u mac
Sideedaba Dunida iyo nolosha qaybteeda wanaaga
ah mar walba gadaal ayaa laga gartaa.
Wax maanta kula xun ayaa barito kula
wanaagsanaan doono, ama wax maanta aad ka deyrinayso aya barito i qarso noqon
kara.
Mmusa
5-Iska illow farxad
Farxad heliddeeda iska ilow marba haddaadan
fasixi karin wax walba oo ku murjin kara.
Xaqiiqda nolosha aan ku nool nahay ayaa ah in ay
laba dhinac leedahay, kuma dhahayo iska indha tiri balse adiga oo og ayaa lagaa
doonayaa in aad u aaminto in wax farxaddaada dhaawici kara aysan jirin.
Wax walba waqti kooban ayey leeyihiin, adkaysi
iyo dulqaad ayaana looga gudbaa.
Mmusa
6-Isla fahamka qaladka
Haddii in aad qaldantahay adigaba aysan kuu
muuqan ma jirto sabab qof kale kaaga dhaadhacsho in aad qaldan tahay.
Qaldanaanta waa in la isla fahmaa, haddii taas
labada qof aysan isla fahmi karin mar walba jahweareer ayaa dhaxdooda
ahaanayaa, maxaa yeelay, qof walba wuxuu aaminsan uahay in uusan waxba dhibin
islana sax sanyahay.
Marka qof aad leedahay waad qaldantahay haddii
uu kula fahmo in uu qaldanyahay xalka dhexdiina ah wuu soo dag dagayaa balse,
haddii uusan sidaa kuula garan waa jahwareer.
Mmusa
7-Xagee ka yimaadaan?
Cadow, Xasad, xagee ka yimaadaan asal ahaan
maxaasa sababo?
Is waydiinta labadan xaaladooda sid ay ku
abuurmaan ama ku yimaadaan marka aad is waydiiso waxaa u dhowaanaysaa
ogaashiyaha xaqiiqda dhabta ah nolosha dunida ka jirto.
Labadaba marka la eego waxay ka yimaadaan Dad
kuwa kuugu dhow nolosha ama inta aad wax kala wadaagto nolosha ee aqoonta aad
isku leedihiin.
Qof aan ku aqoon labadaba lagama fisho mana
jirto sabab qofkaas ku kallifi karta in uu labadaas kuu noqdo.
Sidaa ay tahay hadan inta kuu dhow ee ku taqaan
ayaa xasad iyo cadowba kuu noqda, sababta ay u noqdaana waa ka warqabka iyo la
socodka talaabooyinka aad u qaadayso qaabka noloshaada taas oo ayagana saamayn
ku yeelan karta.
Sida badan labadan sifo waxaa loo nisbeeyaa in
ay ka dhashaan maslaxadaha gaarka ah ee inta wada nool ay nolosha wadaajiso
kuwaas oo iska horimaan kara.
Ugu dambayn cadow iyo xasadba meel fog ha ka
goobin ee inta kugu xeeran ka eeg, sababta ay ku yimaadaana waa ka maseeridda
iyo guulaha noloshaada, sidoo kale waxay ku yimaadaan marka adiga naftaada aad
qaaddo talaabo aad wax ku cadaawaynayso ama wax ku xasdayso.
Nolosha waxaa la yiri waa sida aad ka
dhigato, isku day marka in aad dhanka wanaaga u badato, si adigana wax kuugu
wanaagsanaadaan.
Mmusa
8-Guusha
Nolosha.
Maadaama ay
tahay nolosha sida silsilad isku xiran oo marnaba aan lagu kala maarmin hadana
waxaa wanaagsan in inta kugu xeeran aad ka dhigato in ku dhista ama aad dhisto
oo wax ka baddasho noloshooda ama taada ay u baddalaan dhanka wanaagsan.
Doorashada inta ku xeeran noloshaada maadaama
Qaddar iyo qiimaynba ay kuwada timaado hadana taas wax mid xaq kuu siinayso in
aad ka dhigan karto sida aad rabto.
Waa muhim Bay’ada aad ku ku nooshahay in ay kuu
noqotaa goob sida aad jeceshahay aad ugu noolaato, ma ahan in ay kuu noqotaa
goob aad ka cararto ama ka caagto ku noolaanteeda.
Waxaa la yiri guusha noloshaada asalkeeda waa
sida aad ka dhigato goobta aad ku nooshahay Dad iyo deegaanba, haddii labadaas
aysan kuu hagaagina guul nololeed iyo qalbi dagan midna ma heli kartid.
Mmusa
9-La noolow
Muranka, murugada, shalaatayda intaba boos kuma
lahan noloshaada haddii aadan adiga boos ka siinayn.
Saddexdaas waa ku cadow noloshaada waqtigeeda
inta uu ku egyahay aan la ogayn, hadana waa xaqiiq jirta oo timaadadeeda aan la
inkiri karayn qasabna ay tahay in lala noolaad.
Hababka aa wanaagsanayn ee ay nolosha kugu
qasabto waxaa looga guulaysan karaa in sidooda lagu aqbalo mar haddii in ay
kugu yimaadaan aan laga hortagi karina waxaa wanaagsan in la noolaantooda ay
noqoto mid aan gadaal kuu reebin waqtigaada gaabana aan u rogin waqti aad
noolaanta ka jeclaato dhimashada.
Mmusa
10-Wax wanaaji
In aad wax hagaajiso haddii ay xaalad walba
hagaajin karto, maxaa keenaya in aadan wax hagaajin.
Wax kordhi oo wanaaji, haddii aadan sidaa samayn
karin ugu yaraan ha uga sii darin.
Mmusa
11-Gadaal u eegis
Gadaal u eegista xaqiiqda noloshaada waxay qiima
leedahay ama dhandhan macaan yeelataa marka raad wanaagsan oo ku farax galsha
ay leedahay, balse, haddii aysan sidaa ahayn maba ahan in aad isku dhibto oo
isku murjiso dib u sixiddeeda.
Xaqiiqda noloshaada hore dhaxalkeeda wuxuu
wanaagsanaada marka ay saamayn ku yeelan karto xaaladahaaga cakiran ee hadda,
balse marka ay uga sii darayso xaaladdaada hadda macna ma yeelato dib u
eegisteeda ama milicsigeeda.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur