XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 159aad
1- Macrifo
Macrifo samayntu waa fududdahay inta aad rabto
oo macrifo ayaad samayn kartaa sanad walba, balse way adagtahay in aad shan
macrifo kaliya ka ilaashato, maxaa yeelay danihiina ayaaba is diidaya.
Mmusa
2- Yaan lagu helin.
Ha noqon mid heliddiisa ay sahlantahay haddii
kale waxaa lumaya qiimahaaga shaqsinimo, dadku ma jecla waxa mar walba
farqahooda ku jira waxay daneeyaan waxa ka maqan.
Mmusa
3- Oohinta
Oohinta aan lahayn illinta ayaa ah mid ka xanuun
badan midda illinta wadata, sida badan oohintaas waa mid laga dareemo gudaha.
Mmusa
4- Jacayl iyo nacay
Waxaan ku dhalanay jacayl, jacayl ayaana ka
sameysmanay, xilliga labada na dhashay ay kulmayeena xubnaha aysan caadi iskugu
soo dhaweyn jirin isna tusin jirin ayuu qof walba qofka kale la wadaagay iyada
oo kalgacayl jiro iyo baahi.
Nacaybka inaga ayaa sameyna, jacaylkase waa wax
nagu dhex abuuran.
Mmusa
5- Ka taxaddar
Ka taxaddar waxa aad
inkirayso, laga yaabee mararka qaar waxa aad inkirayso in ay yihiin waxa aad
ugu baahi badantahay.
Mmusa
6- Shalay iyo manta
Shalay iyo maanta
Is baddalka dadku badanaa, shalay way ku
daneynayeen maantase dantooda kaama arkaan kumana daneeyaan.
mmusa
7- Ku noolow noloshaada
Sida badan dadka qaarkii kuma noola noloshooda
dhabta ah, waxay ku nool yihiin nolosha qof kale, qof walba oo wax kuu yeersha,
waxaaa uu kuu yeershana aad ka aqbasho, waxay ka dhigantahay in aad ku
nooshahay noloshiisa, sidoo kale qof aad ku dayato isagana noloshiisa ayaad ku
nooshahay.
Ma ogtahay in waqtigaadu uu xaddidan yahay, isku
day in aad ku noolaato nolosha aad jeceshahay ee aadan waqti ku lumin ku
dayashada iyo dhagaysiga qof wax kuu yeeriya.
Mmusa
8- Barrito!!!
Nolosha mar walba jaanis labaad ayey ku siisaa
aad ku saxdo qaladkaagi shalay, ma garan kartaa magaca jaaniskaas labaad iyo
waqtiga uu soo muuqan karo? Wax kale maahan waa haddii aad jaanis u hesho ku
noolaanteeda, waxaana lagu magacaabaa (Barrito) barrito mar walba oo nooshahay
way kusoo maraysaa xusuusinna waxay u tahay sixidda qaladkaaga shalay iyo
sameynta waxa aan shalay kuu suura galin .
Mmusa
9-
Cadow qarsoon
Kuligeen waxaan dagaal kula jirnaa cadow qarsoon
kaas oo aanan tilmaami karin aqoona u lahayn, xitaa aan arki karin, laakin guusha
waxay ku xirantahay sida aan u aqoonsano oo u fahanno midabkiisa.
Mmusa
10- Wanaag iyo xumaan
Wanaaga oo samaysaa micnaheeda waa in aad
wanaagsantahay, sidoo kale xumaanta oo samaysaa iyana waxay ka dhigantahay in
aad xuntahay, balse waa waqtiga aad ku dhex jirto xaaladahaas, ee si guud
shaqsiyaddaada waxa aad tahay waxba ugama baddali karaan.
Mmusa
11- Labadoodaba!
Kii ku caawiyay waqtiga aad u baahnayd iyo kii
kaa tagay waqtiga aad u baahanayd labadaba in aad hilmaanto maahan, waa in ay
xusuustaada ka mid ahaadaan.
Mmusa
12- Dumaekeena
Dhinacaaga ayaa laga abuuray, ee cagtaada hoosteeda
lama dhigin si aad ugu tumato ama ugu dul socoto, sidoo kale lama saarin,
lamana dhex dhigin maankaaga si ay kuu maamusho oo madaxaaga u qabsato, sababta
dhinacaaga looga abuurayna waa in ay kula sinnaataa, kulana qaybsataa wax
walba, sidoo kale adiga ayey kaa mid tahay, adigana iyada ayaad ka mid tahay,
dhinaca laga abuurayna waa gacantaada hoosteeda, sababta loo dhigay halkaasna
waa in aad dhowrtaa oo ka ilaalisaa wax walba oo dhibaatayn kara iska daa in
aad adiga dhibaatayso, meesha laga beeray ee gacantaada hoosteeda ahna waxaa
dagaan ku leh qalbigaada, kaas oo u samaysan in uu wax jeclaado, iyadana waa in
la jeclaado, waa waxa kaliya ay naga mudantahay.
Waxa aan ka hadlayo waa dumarkeena, waa
walaalaheen, hooyadeen, gabdhaheena, xaasaskeena.
Xikmadda waa in aanan waxyeelayn oo aan u
dhowrnaa sida ay naga mudan yihiin. Waa nagu gafi karaan, waana na xanuujin
karaan, balse, ula dhaqan sida cunugaaga oo ku qaniinay aad ula dhaqmi lahayd.
Mmusa
13- Waad u baahantahay
Waad u baahantahay qof fahmi kara aamusnaantaada
sidoo kalana aamusnaantaada maqli kara .
Mmusa
14- Ha shallaayin.
Maxaad uga shallaysaa marka aad samaynaysaba soo
kulama maceen, umana arkeyn maslaxaddaada? gadaal ha ugu soo noqon ficil kaa
dhacay, horey u soco iskuna day in aad saxdo wixii kaa qaldmay, haddii kale
waxaad u dhaxayn doonta waqtigan iyo kan xiga, waxayna ku wada dhaafi doonaan
adiga oo waxba ka qabsan.
Mmusa
15- Noloshaada wado
Waxa aad rabtid ahow, meesha aad rabtidna ka
imow, wax walba qabo ama noqo, mar walba waxaa jirayo kuwa kaa soo horjeedo aan
arki karin wanaaga aad samayso, sidaa darteed, waqtigaada ha ku lumin
qancintooda iyo farxad galintooda, noloshaada ha socoto.
Mmusa
16- Daganaanta aqoonta leh
Wanaaga qalbiga ayaa arka indhahana waa eegaan,
bushimaha quruxda badan ayagana waxay sii macaan badnaadaan marka ay ku hadlaan
erayada naxariista leh ee qalbiga u daadaga.
Aqoonta lagu weheliyo daganaantana waligeeda
kali ma noqoto.
Mmusa
17- Sakanka is baddalka
Isbaddalku wuu socdaa sakan walba, laga yaabee
in aadan sidaa u arkin laakin markaad muddo kadib dib u milicsato waqtiyadii
qaar, waad dareemi karaysaa sida wax isku baddaleen laakin waa shallaayto in
sidii la rabay aadan uga faaiidaysan.
Mmusa
18-
Yaan lagu sirin.
Waan ku jeclahay, waan kaa walwalayaa, waan ku
daneeynayaa, waan ku qiimeeyaa, waan ku dareemi karaa, waan kuu baahanahay,
dhammaan erayadaas waad ka maqli karaysaa qof markaa si’ saamayn ugu leh
noloshaada, laakin ha aaminin illaa aad ka aragto caddayn muujinayso waxa uu
afkiisa ka dhahayo in uurkiisu la qabo.
Yaan lagu sirin oo lagaa tirsan dhibco dhibaato
kaa difaaci kara.
Mmusa
19- Quusta
Quustuba marbey qiima yeelataa inkastoo aan marnaba
quusta la amaanin.
Mmisa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur