XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 161aad
1- Qaarkood
Adigana waad u dulqaadanaysaa, qaarkoodna maba
ku baraarugsana in ay ku xanuujinayaan!!!
Mmusa
2- fahan naftaada
In aad fahamka nolosha raadiso waxaa ka qiimo
badan in aad raadiso fahamka naftaada.
Mmusa
3-caawintaada
Haddiiba caawinta aad wax caawinayso ay tahay
aad wax ku heshid, markaas waxba ma caawinaysid ee waxaad la mid tahay qof wax
iibinaya oo wixii laga iibsaday baddalkooda doonaya.
Mmusa
4-waqtiga iyo Qalbiga
Waqtiga wuxuu go’aamiya qofka aad noloshaada la
kulmayso.
Qalbigu wuxuu kuu dooraa qofka ay tahay in aad nolosha la
wadaagto.
Dhaqankaagana wuxuu tilmaamaa cidda kuu dulqaadan karta ee
kula sii wadi karta safarka Nolosha.
Mmusa
5- wey ku xukumi karaan.
Haddiiba erayada dadka ay ku xukumi karaan ama
xaaladdaada dareen ay baddali karaan, markaas dadkana waa ku xukumi karaan.
Mmusa
6- Go’aanada qaar
Go’aanada qaar ayaga oo ku dhaawaca ayey hadana
ka dhignayn in ay yihiin go’aano qaldan!!
Mmusa
7- waqtiga iyo qaab dhaqanka.
Laba sano qof dareenkaaga kasban waayay ayuu
laba bil ku kasban karaa qof kale.
Waqtiga macna ma lahan marka ay dareen kasbasho timaado, ee
qaab dhaqanka ayaa macna sameeya.
Mmusa
8- u qanacsanaan
Waxay dhaheen haddii qof walba kaa qanacsan
yahay waa hubaal in aad wax badan oo noloshaada ah aad ayaga dartood uga tagtay.
Haddii aad adiga qof walba ka qanacsantahayna waxaa hubaal ah
in aad dulqaad badan u yeelatay isla markaana iska indha tirtay gafaf badan ay
kaa galeen.
Mmusa
9- sida aad rabto ahow
Sida aad rabti u naxariis badnow
Sida aad rabto u wanaagsanow
Sida aad rabto u daryeel wacnow
Sida aad rabto u jeclow
Sida aad rabto daacad u ahow
Mar walba waxaa jiray qof aysan ku filnayn intaas aad u
tahay!!!
Mmusa
10-carrabkaaga
Ducada carrabkaaga macna ma yeelato haddiiba
carrabkaaga uu cusleynayo dareenka dadka kale.
Mmusa
11- Dadka daacadda ah.
Dadka daacadda ah waa dheeman sida lagu helo ay
adagtahay, umadda waxaa ku badan inta dhagarta badan hadana isu ekeysiiya in ay
daacad yihiin .
Mmusa
12- waa taariikhdaada
Noloshaada waa taariikhdaada iyo sheekada lagaa
sheegi doono marka aad dunida ka tagto, si wanaagsan u qor, in aad qortana ha
ka daalin, waliba si wanaagsan u qurxi inta aad wax ku dari kartana ku dar
qurxinteeda.
Mmusa
13- ficiladaada manta
Noloshaadii shalay xabad kama baddali kartid
waxna kuma dari kartid sida ay u dhacday ayey ahaanaysaa, laakin waxaad awood u
leedahay in aad maanta wanaajiso waxna ka go’aamiso sida ay ku dhammaanayso
adiga oo qurxinaya ficiladaada maanta.
Mmusa
14-Dadka beena aaminsan
Waxaa jira dadka qaar kuwa been u sheega
naftooda sidaasna aamina, dadka nuucaas ah marka aad la kulanto maba ahan in
aad waqtiga isaga sii lumiso wax ka dhaadhincintooda iyo la murankoodaba.
Mmusa
15-Quruxda muuqata
Quruxda muuqaalka waa mid aan la inkiri karin,
waana xaqiiqda taal maanta dunida, dadku waxay daneeyaan waxa u muuqda, balse
waxa mar walba qarsoon ayaa qiima badan.
Quruxda qalbiga ayaa ka qiima badan run ahaan tan muuqata ee
qofka, laakin inta danaysa ayaa yar.
Mmusa
16-Qaylshe
Wuu ku qayliyaa mar
walba uu doonis daneed ka yeesho si uu wax uga helo, balse waxaa jira mid
aamusnaantiisa ku daryeela, nasiib darrada se waxay tahay in uusan kaa danayn.
Dooro kan aamusnaantaada fahmi kara maya kan qayladaada maqla.
Mmusa
ReplyForward |
17-daneystayaal
Haddii ay daneystayaal kugu noqdaan, ku caawi
adigana in ay noqdaan kuwa u fasaxan doorashadooda.
Mmusa
18- Xushmadda
Xushmadda waa la hantaa ee la isma siiyo, waa
laba afley dhahayso, “haddii aadan bixin helimaysid”
Mmusa
19-Xanuunka murugada
Xanuunka murugada daris lama ahan oo kaliya , mararka qaar wuxuu la socdaa dhoola caddayntaa is qarisa.
Mmusa
20-waad cafin kartaa
Waad u cafin kartaa qalad qof walba balse isla
qaladkii uu shalay qofkaa kaa galay maya.
Mmusa
21- side u dhadhamaysaa
Sidee u dhadhamaysaa ayaad is leedahay in qof
ku aaminay aadan been u sheegim, sidoo kalana qof been kuu sheegay aadan
waligaa aaminin.
Mmusa
22-Wanaaga ma fududa!!
Waxaa cajiib leh in wax walba oo xun ay sahlan yihiin in la
gaaro, halka wax walba oo wanaagsan ay adagtahay gaaristooda.
In aad wax nacdo waa kuu fududahay balse kuuma fududa in aad
wax jeclaato.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur