XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur By Maxamed Muusa Nuur July 5, 2020 Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur Qaybtii 141aad 1-Xusuustaada shalay Shalay xusuusteeda madaxaaga ayey ku jirtaa laakin barito muuqaalkeeda gacamahaaga ayaad ku samaysan kartaa kadib ayey madaxaaga dagaysaa. Ku dadaal in madaxaaga wax wanaagsan dagaan, si aad nasiino iyo farxad u heshid. Shalay iyo maanta iyo barrito waa wax aan anaga samaysano. Mmusa 2-Ka hadal Nimcadaada ka hadal inta aad ka hadli lahayd musiibadaada, maxaa yeelay, musiibadaada dad ku farxa ayaa jira, laakin nimcadaada cid farxaddeeda kuu muujisa arkimaysid. Mmusa 3-Go’aanso Go’aanso waxa aad rabto. Aamin in aad heli karto waxa aad rabto. Aamin in aad u qalanto . Sidoo kale aamin in ay macquul kuu tahay in aad gaarto halka aad jeceshahay. Mmusa 4-Laba kama shallaaysid Dhaqankaaga oo wanaajiso marka aad wax walba haysato kama shallaaysid. Dulqaadkaada oo cuskato marka ay xaakaddu ciriiri kugu tahay isagana kama shallaaysid Mmusa 5-Daacadnimadaada Daacadnimadaada laga yaabee in aadan ku helin asxaab badan, laakin waa la hubaa in aad ku helayso asxaab wanaagsan haba yaraadaanee. Mmusa 6-Ogaanshiyaha Ogaanshiyaha in aad wax samayso ayuu kugu hogaanshaa, halka fahamka uu kugu hogaansho in aad wax barato. Mmusa 7-Is faham Is fahamkeena in uu bato aan ku dadaalno maxaa yeelay, haddii aan is fahamno waan isku naxariisnaynaa, in la isku naxariistana waxay nagu hogaamisaa in aan is jeclaano, hubaal qof aad fahmatay in aadan necbaan karin. Mmusa 8-Sida ay ahayd Haddii sida aad rabto aadan u fahmin micnaheeda maahan in aysan ahayn sida ay ahayd in ay ahaato. Mmusa 9-Fahamka Cabsida Inta badan aad isku taxalujiso fahamka waa inta badan ay cabsidaada yaraato, fahamka wuxuu yareeyaa cabsida halka faham darrada ay badiso Cabsida. Mmusa 10-Soo dhawee Qof walba soo dhawayn ayuu kuu mudan yahay, qasab maahan in aad taqaanaa qofka aad soo dhaweynayso, qof walba oo ku mutaystaa si wanaagsan ula dhaqan, mudan doontidaa barrito Allaa ogee!! Mmusa 11-Fursadda Fursaddu adiga ayey kaa luntaa oo kaliya ee iyada isma lumisa, marka ay kaa lunta qofbaa hela oo ka faaiidaysta, waa in aad mar walba heegan ugu jirtaa fursadda ku soo maraysa ugana faaiidaystaa shallaayto la’aan. Mmusa 12-Ka duwanaanta Ka duwanaanta aad dadka ka duwantahay ayaa mar walba waxay ka dhigantahay in aan booskaaga la buuxin karin. Ha dhibsan in aad ka duwantahay dadka, hubi lee in waxa aad rabto aad dhab u hiigsanayso adiga oo cidna uga heybaysanayn. Mmusa 13-Darajadaada garo. Adiga hadal xun uma quurtid laakin ayaga sida ay rabaan ayey kuula hadlaan, markaa ayaa inta fakarto is dhahdaa sida ay kuula hadlayaan oo kale ula hadal, xanuunka hadalada xun ha dareemaanee. Xaq ayaad u leedahay waana ula hadli kartaa sida ay kuula hadleen oo kale, laakin darajada aad dheertahay waxay tahay inta aad wanaaga kula hadlayso, balse, marka afkaaga uu soo tufo inta ay tufayaan oo kale oo xumaan ah daraja aad dheertahay ma jirto. Mmusa 14-Lama filaan!! Adiga oo dhaawac ka ilaalinayo ayaa laga yaabaa in uu kuu arakaba kan dhaawacaya, waa dhaqanka lama filaanka ah ee dadka aad is leedahay xurmee ama ilaali kaaga yimaada. Mmusa 15-Dooro asturnaanta Fakarkaaga muuji laakin u muuji fakarkaaga si caafimaad qabta oo xeeladaysan, adiga oo asturnaan waddada ku mari kara ma ahan in aad qaawanaan ka doorato. Mmusa 16-Nolosha macaankeeda Nolosha macaankeeda mar walba waa sida aad u jihayso laabtaada, laabtaada haddii aad wax wanaagsan ka buuxsato noloshaada way wanaagsanaataa. Mmus 17-Fakarka badan Fakarka badan farxaddaada ayuu dilaa, farxaddaada badana fahamka noloshaada ayey kor u qaadaa. Mmusa 18-Waqtiga adag Waqtiga adag iyo dadkiisaba ma waaraan ee xusuusta lagu wajaho wacnaanteeda ayaa waarto. Mmusa 19-Wax bixin Noloshaada ma kaamilna haddaadan waxba u qaban qof aad ogtahay in uusan abaalkaaga waligiis kuu soo celinayn. Waxqabadkaaga iyo filashadaada yeysan isla socon. Wax ha u bixin in dib wax laguugu soo celsho. Mmusa 20-Dagaalyahan Dagaalyahn kan ugu fiican marnaba laguma tilmaamin midka xanaaqa badan. Qofka xanaaqa badan xilkasnimo laguma sheegin, mar walba xaalad xujo ah ayuu naftiisa u sameeyaa. Mmusa 21-Muhiimaddaada Waqti ay kugu helaan haba u samayn kuwa aan muhiimaddaada iyo waqtigaadaba qaddarin. Mmusa 22-Xiriirka Dabcan xiriirku muhiimad iyo awood gaari ah ayuu leeyahay, maxaa yeelay, waa jaaniska aad ku muujin karto wax tabashadaada iyo fakarkaaga adiga oo dagaal iyo muran midna aan galin. Mmusa Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuurla soco Axad walba ekisyare@hotmail.com xabuu8@gmail.com Share FacebookTwitterPinterestWhatsApp SHEEKOOYIN BOOLI BARAKAYSAN Q.3AAD October 29, 2024 CAWRALA IYO CALI-MAAX October 15, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q. 2AAD | W.Q. Cali M. Diini August 24, 2024 BOOLI BARAKAYSAN Q. 1AAD | W.Q. Cali M. Diini August 16, 2024 JACAYLKII MULLIYO IYO XUSEEN MEECAAD July 20, 2024 Taf aan dhalin dharabi ma qabato Q3AAD November 22, 2023