XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 128aad
1-Dumarka
waa Deeq Alle
Ma ogtahay in Dumarku yihiin Hadiyad qaali ah oo
adiga Raga ah Alle kugu mannaystay?
Fadlan qaddari oo qiimee Qasnadda Khayraadka
badan ee Alle kuugu deeqay. Waa Hooyadaa, waa walaashaa, waa gabadhaada, waa
xaaskaaga, dhan walba ka eeg, waa guushaada iyo waxa aad u nooshahay, sidoo
kale waa quruxdaada, raaxadaada.
Xusuusnow adiga haddii maanta ay agtaada qashin
ka yihiin in aniga oo rag kula ah ay qaali igu yihiin.
Walaashayda Dumarka ah adigana ogow in aad tahay
qaali oo aadan qashin ahayn, in aad tahay Hanti ma guurta ah oo aadan ahayn
dulsaar aan qiima lahayn, maanta iyo maalin kalaba ha is qiima tirin, waxaa tahay
Mustaqbalka ifaya ee nin walba ku hamminayo hanashadeeda, sidoo kale waxaa
tahay carafta iyo raaxada nin walba dunidiisa qurxisa.
Mmusa
2-Waligaa
kaama qancayaan
Sida aad rabto
u dhaqan wanaagsanow, una shaqsiyad wanaagsanow, waligaa ma qanci karaysid qof
aan u diyaarsanayn in uu kaa qanco fahmina kara dhaqankaaga wanaagsan iyo
shaqsiyaddaada.
Mmusa
3-Maalin
maalmaha ka mid ah
maalin maalmaha ka mid ah qof ayaa noloshaada
kusoo biiri doona, saxa, waxa qof walba noloshaada ka qaldi jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah adiga kaliya ma noqon
doontid kan wax u baahan ee kan aad u baahantahay ayaa kuu baahan doono.
Maalin maalmaha ka mid ah sida maanta aad u
jeceshahay in lagu soo waco ama farrriin qoraaleed kaa farxiya laguugu soo diro
ayaa adigana lagaaga sugi doonaa.
Maalin maalmaha ka mid ah ma noqon doontid qofka
wax walba sugaya ee waxaad noqon doontaa qofka wax laga sugo.
Maalin maalmaha ka mid ah waad la kulmi doontaa
qof noloshaada korrrimadeeda jecel, gacana kugu siiya kuna faraxsan in uu taa
kaa caawiyo.
Maalin maalmaha ka mid ah waad la kulmi doonta
qof mugdiga iyo murugada aad ku jirtid kaa soo saaro kuna dareensiiya qiimaha
noloshaada ay u qalanto.
Maalin maalmaha ka mid ah waad la kulmi doontaa
qof aad ku aamini karto noloshaada, dayacaad iyo dareen xumana aan kuu quurin.
Maalin maalmaha ka mid ah is baddalku wuu iman
doonaa sida maanta aad tahayna ahaan maysid.
Mmusa
4-Waa tuma Dumar?
Waxaa seexataa adiga oo Go’ isku dadin markaas
ayaad ka soo kacdaa adiga oo Go’ huwan, yey noqon kartaa qofka ku huwisay
talow? Hooyadaa/ walaashaa/xaaskaaga/gabadhaada.
Adiga oo daalan ayaa timaadaa baahina ku hayso,
waxaad la kulantaa cunto miiska kuu saaran oo si wanaagsan loo diyaarshay,
faraxal/ biya la cabo/ Istiraasho dhamaan miiska cuntada ayey kuugu dhan
yihiin, waxaa laga yaabaa adiga oo intaas haysto in lagu sii waydiiyo maxaa kaa
dhiman, hooyo,/ aboowe/ macaane/ aabe.
Xaaladdaada oo xun ayaa timaadaa markaas ayaad
la kulantaa Cod macaan oo ku dhahaya “dhib ma lahan way dhamaanaysaa
dulqaado”, dhinaca kale haddaan u dhigo xagooda iyada oo xaaladdu aysan
ahayn caadi ayey ku dhahaan waa caadi wax walba, intaas murugo ayey kaa
ilaalinayaan.
Dhaawacyo kala gadisan ayaa soo gaaro, markaas
ayey u dulqaadataa, waxay gubataa iyada oo cuntadaada diyaarinayso hadana taas
kama celiso in waqtiga xiga ay Jikada kuu gasho, maxaa yeelay ma daawan karto
adiga oo baahan damiirkeedana ma siin karo!!
Waad ku gaftaa hadana kama daasho cafiskaaga,
jacaylkaaga, intaas waxaa usii dheer in dartaa loo aflagaadeeyo, hadana
Xushmad, Dulqaad iyo daganaan ayey muujisa si wanaaga usii socdo.
Guriga ayey hagaajisaa, caruurta ayey
xannanaysaa, dharka ayey kuu dhaqdaa, kuu feeraysaa, intaas oo dhan waa farxad
galinta iyo hagaajinta noloshaada.
Waxay korisaa caruurtaada, waxay qaadataa
magacaada, waxay ka mid noqotaa qoyskaaga iyo dadkaaga, waxay dhowrtaa
sharaftaada, waxay soo saartaa nin walba oo rag ah, gabar walba oo noqon doonta
sideeda oo kale barrito, sidaas ay tahay ayey hadana mahadcelintaada ka daalin,
kugu faantaa, ku dhowrataa, ku ilaashataa.
Tani waa tayada dumarnimo, hadana taas
macnaheeda maahan qeexid qaas ah oo hal qof oo dumar ah ku socota, dhammaan
magaca dumar oo dhan ayaa sidaa ah, hal dumar ah oo xumaataa micnaheeda maahan
in dumar oo dhan ay sidaa wada yihiin.
Dumarku waa Jacayl, Naxariis, Nolol, cafiskoodu
wuu badan yahay, jacaylkoodu ma dhamaado, naxariistoodu waa joogto, waxay u
qalmaan in sida ugu sarrayso lagula dhaqmo, waxay u qalmaan jacaylkeena,
dulqaadkeena, naxariisteena, gacan qabadkeena, farxadgalintooda, u duceynteena.
Wixi aan ka tagay waad ku dari kartaan, ka raali
noqda haddii aanan meelaha qaar sida ugu mudan aanan u qeexin.
Qore :Mohamed Musa Sh Noor