Xeel Dhigashada Yoolka W/Q: Hassan Mudane

 

 

 

Xeel Dhigashada Yoolka

Mar haddaad qorshaynayso in aad guulaysato waa in aad marka hore diiradda saartaa yoolkaaga adiga oo adeegsanaya xeesha dhigashada yoolka, si yoolkaagu uu u noqdo mid dhaqan galay. Haddaba, yoolkaaga waa in uu noqdaa mid ku dhisan xeesha S.M.A.R.T oo laga keenay xarfahaan hoos ku dhigan:

S – Specific. (Kooban)

M – Measurable. (La cabiri karo)

A – Agreed upon. (La gaari karo)

R – Realistic. (Xaqiiq ah)

T – Time-based. (Waqti go’an)

 Haddaad yoolkaaga sidan oo kale ku sal uga dhigto, waxaa la hubaa in aad ka liibaani doonto oo aad gaari doonto guusha aad isla markaasi goobeyso raacdadana ugu jirtid.

Bari baa nin safray siduu u socday ayuu soo gaaray meel isgoys ah, ka hor inta uusan waddada dhinaca kale u dhaafin ayuu arkay nin oday ah, wuxuu weydiiyay waddadaan hadaan qaado intee i geynaysaa? odaygii wuxuu ku yiri oo adiga markii hore intee usocotay? Ninkii wuxuu ugu jawaabay ma garanayo. Odaygii wuxuu ku dhahay hadday sidaas tahay waddo walba raac waddo  waddo kale ayay kugu ridaysaa melena waa ku geynaysaa.

Haddaba, xikmada ay sheekadu leedahay waxay tahay haddii aadan weli garan meeshii aad usocotay ama yoolkaaga, ogow waxaad noqon doonta qof dabeeshu ay marba dhinac u duuliso. Wuxuu yiri abwaan Gaariye. Alle ha u naxariiste:

  • Nin dariiq xarriiqdaa
  • Garan kara dayawgee
  • Dhidarkii ku kacay danab
  • Doc kastaaba waa u toos. 

Waa sida uu abwaanku u sheegay, haddii aadan weli garan waddada aad ku socoto ogow doc kastaaba waa kuu toos,maahmaah ku dhisan isla sida  abwaanku u tiriyey maansada ayaa tiraahda “ Waraabe dhankii loo eryaaba waw toos.

Adduunyadu haddey noqoto sida dabaysha oo ay layr iyo neecaw xoogle  soo celiso, maaha inaad noqoto sida  geedka oo aad luxanto ama  hadba doc ula jeesato, mana aha in aad noqoto sida geedka gabaldayaha oo hadba  cadceeda dhan ula jeesta, waa inaad noqotaa buur aysan dabayli dhaqaajin karin iyo dudun aan liicaynin.Wey jirtaa mar meertadu dhalanrogeyso ujeedkaaga hawleed iyo qorshahaada nololeed  taasise  waa inay  noqotaa  darbi isku kaa gudbey oo aadan ka gudbi karin, markaana waa inaad raadisaa habkii iyo qaabkii aad uga talaabi lahayd,  hoos ka xaluulataa intaad god qodatid, dusha sara ka booda intaad  wax fuushid, ahoow mid ku ad adag oo leh qorshe aan is dhalanrogeyn ilaa laga gaaro majiiraha ugu dambeeya  ee haleelitaanka guusha.

 

 

 

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka, 6aad, bogga 97aad.

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

SHEEKOOYIN