Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q20AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q20AAD. W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Haddaan sii amba qaadno qormadeynii “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” qeybtaan waxaan ku soo qaadanayaa Sheekh, Laashin Macallin Nuuraddiin Rooble Xuurshow “Warcaddaaday” Eebbe ha u raxmadee: oo ahaa sheekh wacdigiisa, iyo waanadiisaba umadda Soomaaliyeed si toos ah iyo dad banba u bari jiray saameyn badanna ku lahaa xagga fahamsiiska aayadaha qur’aanka iyo axaadiista kaleba. Waxaa uu ahaa Mufakir Laashin ah sheekh nimada ka sokow oo aayad kasta ee uu fasirayo waxaa uu tusaale uga dhigi jiray dhowr Shirib oo cajiib ah, si qoftii hadal ku fahmi weysa uu suugaan ahaan u fahamsii jiray, Eebbe qabrigiisa ha u nooriyee:  haddaan ku billaabo shirib uu ku fasiray Aayadda, Geerida ka hadleysa waxaa uu yiri:

“Wadar walxaato jiin ku taal
Sidaad u joogto waa jiree,

Adoo jimcoodhin jirradoo
Jirku dhammaado waa jiree,

Jeenanka qaanda ku jiroo
La jiidi waayo waa jiraa,

Jibaad kagaal usoo jilcoo
La joogi waayo waa jiree,

Hal tooga jiide jurdhuq sii
Jocor ma gaarinaa jiree,

Adoon jirraya juuc laheyn
Lagu jafaaliyaa jiree,

Jibaad la joogi waayaya
Jalaf degdega waa jiree.

Sheekh Nuuraddiin Rooble Xuurshow, Eebbe ha u raxmadee, wuxuu shiribkaan kusoo qaatay Aayadda 19-AAD ee suuradda “Qaaf”
وَجَاءَتْ سَكْرَةُ الْمَوْتِ بِالْحَقِّ ۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ ﴿١٩﴾

Kana hadleysa sakaraadka iyo geerida, waxaana uu leeyahay qofka marka xanuun qabto, waxay leedahay dhakhtar halley geeyo, halley cirbado, halleygu tufo, Tolku ha i sacab saaro, sidaa iyo sidaa halley yeelo, waana dangagee, waxaase ku habboon inay sabarto mar haddii waqtigu dhamaado leys deyn maayo’e waxaa kale oo hal-abuurnimada sheeka sii xoojineysa ama cajaa’ib u sii yeeleysa, shiribkiisa wacdiga ah wuxuu la raacayay hadba Aayadda uu fasirayo, iyo xarafka ay ku socoto, waana hiba Ilaahay siiyay qabrigiisa Eebbe ha u waasiciyee!”
Mar kale waxaa uu ku shirbay asoo isla Aayaddaan macnaheeda wali sii ballaarinaya:

“Nafta inya la jar-jaraa
Jilibka lagu joojiyaa,

Inta la sii jafaaliyeey
Kala jarka ku joogsataa,

Inta lasii jafaaliyaa
Jocorta lagu joojiyaa,

Inya la kala jimciyeey
Adoo u jeeda jiidataa,

Wuxuu aad u turxaan bixinayaa habka iyo halbeegga nafta looga qaado noolaha, marka malagga laga soo amro xagga Eebbe, ee malakul-mowd u yimaado. wuxuu nafta qaadiddeeda ka bilaabaa ciribta iyo cijoodhinka inta lasoo wado ayaa waxaa lagu joojiyaa jilbaha, inta lagasii wado ayaa haddana kala jarka ama moxogga lagu joojiyaa, inta laga sii wado ayaa haddana jocorta lagu joojiyaa, marka ay halkaa mareyso ayaa qoftu inta is jimciso oo seddex jeer hig-looto ayaa naftu sidaas uga baxdaa waana hab ilaahay u jideeyay, culimaduna waxay yiraahdaan qofta shilka ku dhimatay sida, madfac, qarax,  biyo iyo deb IWM ah, nafta hal mar ayaa laga qaadaa, “Allaahu aclam. Sheekh Nuuraddiinsewax badan ayuu dadka wacdiyay si muuqata iyo si aan muuqanba, xigmad iyo xaddiis intaba  waa ku waaniyay Eebbe ha u abaal gudo’e:!

Waxaa kale oo aan la illoobi karin sida ay i sugu dhaw yihiin Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan “Sh. Axmed Wacdiyow/ Gabyow” Eebbe ha u wada naxariistee. Oo asiga iyo culima badaniba ay suugaanta aad u adeegsan jireen, dadkana ay ugu tegi jireen meel kasta oo ay joogaan xitaa haddii ay tahay goob caweys, kamana aheyn inay ciyaarta iyo caweyska rabaan ee waxay fahamsanaayeen in marka hore la la odoroso waxa ay xiiseeyaan dadku si ay markaas ugu sahlanaato halka ay wacdiga uga billaabayaan. Sheekh Axmed Wacdiyow, mar uu ummadda Masafo ku wacdinaayana waxaa uu yiri:

Dejaal intow carradaan jeg soo dhihin
Jidadka towbo intaan la soo jarin
Qorraxduneey jaha dhaaf ka soo bixin
Jinahaan weesa ku jiitee
Jaahinna fool qibladaan ujeediya
Jiljilcanaa jinihiinna taabtee
Jismigaan naar ma u joogsa doonyaa?

Waa su’aal cajiib ah iyo digitaan uu inbadan ku baraarujinayay dadkii Soomaaliyeed ee la noolaa xilligiise Eebbe ha u naxariistee:

“Riyaalu-saalixiin iyo
Rasuulka suubban ma rabtiin (S.C.W.).

Rogmee rukuuce rabbi tuug
Salaadda reysa ma rabtiin,

Rabbigoo raalli kuu ahyaa
Jannada raysa ma rabtiin,

Rafaad adduunyo ruux walbow
Ma raayee runta ma rabtiin,

Mase raranya ruuracyaa
Rabta ibliis jiraan rabtiin,

Abeeso rati geel ka weyne
Kugu rogmeysa ma rabtiin!”


Sheekh Nuuraddiin
 Tafsiirka qur’aanka kariimka ah ayaa looga dambeeyay waxaase aan lagu heysan shiribka uu aayad walba ee uu tafsiirinayo gogol dhig uga dhigi jiray, haddii wacdi iyo waano la qaadanayana waxaan filayaa waxay ku dhanyihiin shiribkaan. Haddaan dul mar kooban ku sameeyo, shiribka koobaad wuxuu leeyahay Riyaalu-saalixiin oo ah kutub cilmiyeed aad u weyn laba nusqana ka kooban oo ay ku dhanyihiin inta badan axaaddiisa Nabi Nuurre(S.C.W.). Laga soo weriyay iyo is laRasuulkii loo waxyooday. ma rabtiin dadow ayuu leeyahay. Shiribka labaad oo isaguna murti badan koobsaday, wuxuu leeyahay inaad rogmato ee rukuucdo, sujuuddo, ee saaladda Rabbigey tukatiin ma rabtiin dadow!” Shiribka seddaxaad oo aan ka liidan waxaa uu na leeyahay, inaad ilaahay raalli gelisid ma rabtiin si uu Janno koogu abaal mariyo.’  Shiribka Afaraad oo si toos ah dadka u la hadlaya waxa uu leeyahay Adduunyadu macna weyn ma lahan oo waa rafaad iyo reja beel ee dadoow runta ma rabtiin?” Shiribka shanaad, oo gooddin ah ummaddana looga digayo inaanay raacin Ibliis iyo wixii la hal maala, waxa uu na leeyahay Raran iyo ruurac iyo naar ka digtoonaada oo sheyddaan iyo fidneeye yaan laysku raacin, “Raran” waa debka marka la shido Ciidda kulul ee hoos taalla, “Ruuracna” waa wax walba oo la dubo, sida qaloonka IWM. Shiribka lixaad, ahna kan ugu dambeeya suugaantaan waanada ah waxa uu na leeyahay Abeeso rati geel ka weyn ayaa qabriga loo dhex geyn doonaa qoftii aan Eebbe ka cabsan oo aan caabudin inta ay adduunka joogto. Haddii aan intaas uga kaaftoonno sharraxaaddii yareyd ee aan ku sameeyay Shiribka Sheekhu waxaa uu ahaa ruux aaminsan  dadka in wax lagu fahamsiiyo luqaddooda iyo afkooda hooyo, halkii afaf kale lagu wareerin lahaa waxa kale uu cajiib ku ahaa af-Soomaali barax tiran ee uu ku tafsiiri jiray, Qur’aanka. Halheysyadiisana waxaa ka mid ahaa “warcaddaadaay” oo inta badan naaneys ahaan loogu aqoon jiray iyo “Iska fiiri” ‘qadaf qandaf lama rabo’ yaan la jururuceyn oo jidka toosan halla qaado, iyo kuwa kale oo badan, Eebbe Jannaatul firdowsa ha ku casuumee!”

“Ka noqo ee kariimka tuug
Kawu intaysan kuu imaan,

Ku tasho kaw haddaad tiraa
Kuwa kula kudaad koree,

Korkoo barmiil lagu kabroo
U kordhi ciidda waa koree,

Kaddibna waa kala tageen
Adna mahaad kabruur u taal,

Kurbaya mugdi korya hoos
Kar kar su’aalahaad koree,

Kaddibna waa kutub Jannaad
Amase wayska kar samee!”

“Jururuc lee waaye”

وَلَمَّا جَاءَتْ رُسُلُنَا لُوطًا سِيءَ بِهِمْ وَضَاقَ بِهِمْ ذَرْعًا وَقَالَ هَـٰذَا يَوْمٌ عَصِيبٌ ﴿٧٧﴾ وَجَاءَهُ قَوْمُهُ يُهْرَعُونَ إِلَيْهِ وَمِن قَبْلُ كَانُوا يَعْمَلُونَ السَّيِّئَاتِ ۚ قَالَ يَا قَوْمِ هَـٰؤُلَاءِ بَنَاتِي هُنَّ أَطْهَرُ لَكُمْ ۖ فَاتَّقُوا اللَّـهَ وَلَا تُخْزُونِ فِي ضَيْفِي ۖ أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ رَّشِيدٌ ﴿٧٨﴾ قَالُوا لَقَدْ عَلِمْتَ مَا لَنَا فِي بَنَاتِكَ مِنْ حَقٍّ وَإِنَّكَ لَتَعْلَمُ مَا نُرِيدُ ﴿٧٩﴾ قَالَ لَوْ أَنَّ لِي بِكُمْ قُوَّةً أَوْ آوِي إِلَىٰ رُكْنٍ شَدِيدٍ ﴿٨٠﴾ قَالُوا يَا لُوطُ إِنَّا رُسُلُ رَبِّكَ لَن يَصِلُوا إِلَيْكَ ۖ فَأَسْرِ بِأَهْلِكَ بِقِطْعٍ مِّنَ اللَّيْلِ وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ إِلَّا امْرَأَتَكَ ۖ إِنَّهُ مُصِيبُهَا مَا أَصَابَهُمْ ۚ إِنَّ مَوْعِدَهُمُ الصُّبْحُ ۚ أَلَيْسَ الصُّبْحُ بِقَرِيبٍ ﴿٨١﴾ 


Sheekh Nuuraddiin Rooble Xuurshow
 Eebbe qabrigiisa ha u nuuriyo’e markii uu shiribkaan tirinayay waxa uu tafsiirinayay aayadahaan ka hadlaya qisadii dhex martay Nabi Luud(C.S.). Iyo qoomkiiskii wareersanaa ee dadka martida u ah Nabiga Alle(C.S.). dubur fuuli jiray, waa meesha ay ka soo farcameen dadka loo yaqaan “Qaniisiinta” oo ah kuwa ugu sharta badan Ummadda ka soo farcantay Nabi Aadam(C.S.).  Ee ilaahay abuuray ahna kuwa kasii dembi xun kuwa ilaahay beeniyay sida gaalada ah.

Sheekhu asiga oo tusaaleynaya ayuu shiribkaan soo qaatay oo aayadahaa caddeynaya, waxayna ahaayeen dhacdooyin marka aad la deristo fajac kugu noqonaya maxaa yeelay malaa’igti Eebbe weyne u soo diray ee martida u ahaa “Nabi Luud” (C.S.). Ayeey leeyihiin nagu soo wareeji aan dubur fuulnee “Subxaana-Allaah” waa tan uu Nabi Luud leeyahay “Ma waanu idin ku jirin mid wax garad ah oo xishoonaya”

Sheekh warcaddaadana wuxuu leeyahay hadda intaad nooshahay Eebbe tuug oo ka noqo dembiga aad faleyso habiin iyo maalin. Haddii aad dhimato, waa lagu aasayaa oo dadku waxa ay leeyihiin halla duugo, haddii aad sheekh aheyd iyo haddii aad Madax, Boqor, Suldaan, iyo Aqoon yahan ahaydba ciidda ayaadan hureyn, oo barmiil iyo alwaax ayaa lagu dedayaa, kaddibna halkaas ayaa lagaaga soo tegayaa, oo ciidda ayaa gogol iyo hugiba kuu ah, markaasna waxa kuu imaanaya Malaaigtii ku qeybsanaa su’aalaha qabriga, haddii aad ku baasto waa “Janno” haddii aad ku dhacdana waa “Naar” Eebbe ha naga koriyee!” Sheekhuna waa taas tan uu tusaalaha ka dhiibayo Rabbi ha ku sugo jannada’e!”
Markii uu kasoo sheekeeyay geerida iyo waxa ka dambeeya ayaa wuxuu ku xejiyay tusaalaha wadda ay maraayaan kuwa Eebbe ku caasiyay iyo sida uu u cadaabayo, qabriga dhexdiisa iyo soo bixitaanka kadibba, waxaana uu ku shirabay asiga oo ka faalloonaya kuwa Alle Ciqaabayo, Ilaahay nagama mid dhigo’e


“Haddaad karsanto xaa kurbaa
Kurkaana naar ku soo kulmee,

Sidi koc-koc bislaadaya
Kilya la buufiyaad koree,

Kumaan kunya kumaan kunya
Kuman tirxiyahaad koree,

Ineey korkaaga ku kulmaan
Intaad karaahsataad koree,

Kabbaa dhecee kabbaa heree
Kabba isheeyba kor fadhaan,

Kugtaya canka kulligaa
In lagu kar-karshaad koree,

Kabba intiiska kor jabteey
Wada kurtutub leeyihiin

Kabba kilyoodhin kuusanoo
Ku soo socdaanna waa ku waan,

Kabbo kal-dheerradeey jiraan
Sidi kubbeyrta kor madoow,

Kabbana waa la keydiyoo
Kuwaaneey keni sii kortaan,

Kabbana meel kabboo jirteey
Kusoo kulmaan kadeed dartii,

Ee waana kabba kabbadaas
Haddaan kariim la kaa shaheyn,

Sheekhu wuxuu ka waramaya waa “Diinta” waxa uu ku shirbaayona waa “Diinta” waxa uu nooga digaayona waa kuwii “Diintu na tiri: ha laga dhowrsado, sidaa darteed ma ahan wuxuu jeebkiisa ka keensaday, Eebbe ha u naxariistee, annaguna waxaan ka fahmi karnaa in suugaanta lagu cabbiri karo wax kasta ee ku saabsan adduunka ama aakhiro, “diintuna” aanay reebin in aad meel qaldan la aaddo maahane. Waxaa kale oo aan lagu illoobeyn Sheekha in uu soo nooleeyay afsoomaaliga saxdaa, ee aan la barxin, maxaa yeelay qof kasta oo luuqdeeda ku kalsoon way ka saameyn ogtahay qof aan kala jecleyn, ama laga yaabo inaanay kala aqoonba!”

Haddaan soo qaato shiribyadiisa qaar ka mid ah inkasta oo aan la kala gaarin oo ay bad yihiin, shiribkaan soo socda sheekhu wuxuu uga hadlay, goorta aad dhimato, inaan xaaskaaga, carruurtaada iyo maalkaaguba wax kuu tareyn, wixii wanaagsanaa oo aad adduunka intaad joogtay ku kasbatay maahee, waana halkii mahmaahdu ka aheyd
“Nin dhintay kobtiisaa ka roon”  macnaha in la liidayo ruuxa dhintay maaha, ee kobta waa lagu nacfaa oo lama tuurayo laakin meydka waa la xawaalayaa. Taa beddelkeedana Sheekhu waxaa uu leeyahay Xaaskaaga hore ayaa laga shukaansanaya oo waxaaba laga yaabaa inaan la la sugin inta ay asaydu ka dhaceyso, sidaa aawgeed iyadoo aayadihii qur’aanka iyo sunnadii Rasuulka(S.C.W.). waa faqasan ayaa sheekhu Shirib ahaan noogu kala dhig dhigayaa waxaana uu ku shirbay:  asiga ka tusaale ka qaadanaya qofkii dhintay iyo hiil la’aantiisa,

“Nimaa gurugi gal galaa
Anna godeey isoo gelsheen,

Inta gurigi soo galyoow
Goodkeeyga is ka soo guntaa,

Minaan gafuur dhawyoo u waad
Haddeeroow goon jabnaa lahaay,

Sheekh Nuuraddiin(A.U.N.). asiga oo abuuraya ama iska dhigaya doodaha, waxa uu yiri: islaantu waxay niyadda ka leedahay adigu galbataye ku kale ayaan helay ee qabrigaaga tartiib u jiif.

Ha guuxinee godkaaga jiif
Gurigi nin kalaa galee,

Awelse xaad la guryamee
Adigu wayska galbatee,

Markaasaa ninki aroosay ee la aqal galay oo asiguna u arka inow nasiib badan yahay waa adduun iyo xaalkiise, wuxuu niyadda is ka leeyahay,

Inta gurada soo gelshaan
Gacanta garabkuu suraa,

Inta keni la galgashaan
Garanka jilcan soo guntaa,

“Gurada” waxaa laga wadaa gacanta ayaan dhabarka iyo garabkaba ka saaranaa,  Waxaase  mar kale ku soo laabanaya Islaantii oo leh:

Geedkaagi waa la god gashee
Ninkaan guduudan hey gefsiin,

Adigu waad galbatay laakin gadaashaa waxaan helay igaar guduudan ee salaamaad, sidaas ayaana Sheekhu u kala tilmaamay adduunyada iyo waayaheeda iyo inaanay aheyn meel la isku halleyn karo, sidaa darteed waa inaan lagu talax tegin, oo meel dhexe la is ka taago!”

intaas ayaana kusoo geba gebeynayaa qoraalkii koobnaa ee aan sheekha uga hadlaayay inkastoo aan la kala gaarin shiribyadiisa Eebbe qabrigiisa ha u nuuriyee. la soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.