Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q16AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka, Q16AAD

Haddaan sii amba qaadno qormadeynii “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” ee taxanaha noo aheyd, qeybtan waxaan ku soo qaadaneynaa haddii Eebbe idmo, shiribyada Laashin Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” in yar oo ka mid ah. Inta aanan shiribyadiisa saameynta leh u galin, aan dulmar kooban ku sameynno dhalashadiisa iyo dhimashadiisa Eebbe ha u raxmade.

Abwaan Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” (A.U.N.) waxa uu ku dhashay, degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, 1934-tii. Waqtigaa Cabdulle Raage dhalanayay, Ruunnirgood oo tuulo aheyd waxay hoostageysay Degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud, waana meesha ay isku qaldaan dadka Sooyaalkiisa qoray Abwaanka, maxaa yeelay, degmada Ruunnirgood wixii kuufur ka soo ah waxay hoostegayeen degmada Cadale, waxayna ka tirsanaayeen Ex banaadir, meel Ruunnirgood u jirta hal Kiilow mitir oo la yiraa “Wagac Dalaad” ayaa waxaa ku sinnaa, EX BANAADIR, Ruunnirgoodna sidaas ayaa degmada Ceel Dheer iyo Mareeg loo hoosgeeyay amminkii gummeysataha iyo wixii kacaanka ka horreyay, ee Abwaanku wuxuu ku dhashay Degmada Ruunnirgood.

Taariikhdu waa dhaxal ma dhammaato weligeed, qof kastaana wuu dhimanaya ee Abwaanku waxa uu geeriyooday bishii maarso sanadkii 2000. Waxaan xasuustaa habiinka uu dhiman doono galabtii ka horreysay ayaan ugu tagnay gurigiisa annagoo ilaa 50meeyo qof ah, markaasaa adeerkay Maxamad Afrax Xusuleey ku yiri:

“Cabdulloow, mana taqaan?” Asigoo dhoollacaddeynaya, oo qoslaya ayaa waxaa uu yiri:

“tuugadeyni ahaa!” waxaad ka garan kartaa heerka uu kaftanka ka joogay iyo calool furnaanta Eebbe ha u raxmade. markii cabbaar aan la joognay, ayuu tiriyay gabay la yiraa: “Aakhiro Ergaa iiga timid iyo infiiteeshin
Oo uu uga sheekeyay, in malaggii nafta ka qaadi lahaa la joogo, dardaaranna uusan ka marneyn. Wixii galabtaa ka dambeeyana wuxuu noolaa 24saac oo kaliya. Eebbe ha u raxmadee, wuxuuna ifka uga tegay laba wiil iyo hooyadood.
Shiribkiisii ugu horreeyay ee uu ku shirbo Abwaan Cabdulle Raage isaga oo yar ayaa hooyadii dhimatay, oo aan wali shan jir gaarin. Aabihii Raage Taaraawiil oo asiguna ahaa nin caana aftahan, afmaal, nabadoon guud iyo hoggaamiye ummadeed ah, ayaa waxaa uu qabay laba xaas oo kale, waxuuna u geeyay ladadiisa xaas mid ka mid ah, oo la yiraa Madiino Maxamed Ileey, sidaa aawgeed, laashin Cabdulle Raage wuxuu noqday, eeddo koris, marka asigoo yar ayaa wuxuu ku dheelaaa la yiri:

“Qare mulxaa ama muluqshaa, macnaha Fiid ka bax ah”  waa ilma iyo dheel jaceyle markii uu babajiyay qarihii, ayaa eeddadii aabbihii qabay oo ah ayeeyo Madiino ay wajaaneysay, markii ay ushi ka dhaaftay, ayaa inta uu ka orday waxaa yiri: Shiribkaan noqday suugaantii ugu horreysay ama uu yiraa canug aan wali ilka dhacsan:

Eeddo Madiino ma ilmaa

Ewelba naagu waa ilmee!

Halkaas waxaan ka fahmi karnaa inay aheyd hibo iyo hiillo Eebbe ugu deeqay, hal-abuurnimaduna aanay rabin weynan iyo yaraan, ee kaliya ay tahay liibaan xagga Eebbe ka ahaata.

Haddaan soo qaadanno shiribkiisii labaad, iyadoo, loo socdo meel sab ah, oo ay asiga, aabbihii yihiin iyo qaraabo kale ayaa waxaa la yiri: wan koris ahaa oo sabta in lagu qalo la rabo ayaa qoolkii ka siibtay oo orday markaas ayaa aabbihii Raage Taraawiil (A.U.N.) ku yiri: soo qabo wanka. Markii uu cabbaar raacdeeyay ee uu soo qaban waayay, ayuu ka soo haray, markii uu aabbihii ku soo laabtay ayuu ku yiri: Wanka maxaad u soo qaban weyday, oo aad uga soo hartay? Halkii aabbihii waa qaban waayay iyo jawaab kale ka sugayay ayuu yiri:

Wan qooqan soo qabad iyo 

Qumidya qaydin yeeli maa!

Waa iska garan kartaa inta uu la egyhay canug soo qaban waayay neef “IDO” ah, haddane wan korisa ah, laakin, afkiisa ayaa madaafiic ka dhaceysay oo hibo Eebbe ugu deeqay iyo howraar aftahannimo ayuu lahaa, wixii xilligaa ka dambeeyay aabbihii waa uu ka reebay inuu aado ama uu u raaco, meelaha la isugu yimaado ilaa uu ka qaan gaaray!

Haddaan halkaas uga harno labadiisii shirib ee afkiisa laga maqlo iyo dhacdooyinkoodii aan soo qaadanno malyankiisa Shirib ee laga haayo qeyb ka mid ah waxaa uu ku shirbay hadda ka hor:

Sanca-yaqaan seddax wasiir

Sagaal Abgaalna Suulalley.

Siyaad Barrow sinnaantaya

Waxbaan saxaa sidaan miyaa?”

Waxaa la yiri: dowladdii kacaanka, ee Siyaad Barre iyo ciidamadu hoggaanka u hayeen, ayaa caddaalad darradeeda aad looga cawday, laakin qoftii hadal ka tiraa xabsi loo dirayay ama la dilayay, marka Siyaad wuxuu Seddax wasiir u magacaabay Beesha Jeneraal Maxammad Cali Samatar (A.U.N.) beesha Abgaalna waxaa uu u magacaabay hal wasiir oo ahaa Generaal Abuukar Xasan Suulalleey Eebbe ha u raxmadee.

Cabdulle Raage oo aan la gamban waligiis waxa ku jira, ayaa waxaa leysugu yimid goob Shirib, si dareenka iyo caddaalad darrada lagu sameeyay beesha loo muujiyo, shiribkuna wuxuu ahaa lambarka ugu horreeya ama suugaanta dadka loo oggolaa iney adeegsan ama dowladduba ku casuumi jirtay in la soo shirbo, si ay u ogaato waxa dadka maskaxdooda ku jira. Markii muddo la shirbay, ayaa waxaa ujeeddadii uu lahaa si toos ah Siyaad Barre ugu sheegaya Laashin Cabdulle Raage, sidaas ayuuna ku yimid Shiribkaan Sooyaalka u galay laashinka.

Ri’ noolu ri’ biraysaneey

Ka roontohoo rejaan qabaa!

Shiribkaan caanka waxaa uu ku baxshay xabsi dhexdiis. Markii uu duubay canjaladdii gabayga aheyd ee “Duqa haloo sheego” ayaa waxaa canjaladdii ka xaday oday ay ilma adeer ahaayeen, asuu Siyaad Barre u geeyay, Cabdulle markii uu ogaaday, in Canjalkii duq Siyaad loo geeyay, waxaa uu ogaaday, inuu xabsi ahaan doono ama xawaal labadaa mid. Waxaa dhacday isla markiiba ciidamadii la dhihi jiray koofiya cas, ayaa u yimid sidaa ayaana lagu xiray, oo Godka Jilacoow lagu geeyay. Laashin Cabdulle Gabaygii is ka ma daayin, ee halkiisii ayuu ka sii miisay, waxaa uu gaaray heer uu “Kaneecada ama dhilmaanyada” u soo faro gabay ee uu yiraa:

Daartiisa adigaa geli kara duqa Afweynaahe

Gabaygii iyo kuwa kale oo badan ayaa Siyaad loo geeyay, waxaana la saaray maxkamad, waxayna ku xakuntay dil toogasho ah, markii intaas la maqlay ayaa odayaashii iyo waxgaradkii Hawiye, waxay u tageen Jaalle Siyaad, waxayna ku yiraahdeen naga ma dhinto, ee waxaan rabnaa inaad cafiso. Jaalle Siyaad Barrana waa ka aqbalyay, laakin waxaa uu shurruud adag uga dhigay inuu gabayga iyo shiribkaba joojiyo, iyaga oo aan hal xabbo ka harin ayey xabsigii ugu tageen, markaas ayey yiraahdeen: Cabdulle bal warran? Beriga sidey koola taallaa xaaladdu? Wuxuu ugu jawaabay asiga oo u heesta in la toogan rabo, laakin qaddarta Eebbe uu sugayo shiribkaan taariikhda ku qormay:

Ri’ noolu ri’ biraysaneey

Ka roontohoo rejaan qabaa!

Markii uu intaa yiri ayey yiraahdeen: waa lagu deynayaa, laakin waxaa shuruud ah inaad suugaanta iska dhaafeyso, oo aadan shirib dambo iyo gabayba u noqon karin! Wuxuu ku yiri: waxa kaliya ee aan gabay iyo shirib isaga deyn karo waa aniga oo DHINTA. Odayaashii warkii ay u keeneen waa ka diiday, waxayna u tageen Siyaad Barre, waxayna u sheegeen wixii ay ka la kulmeen, kuna yiraahdeen mugga talo adeey ku jirtaa. Jaalle Siyaad waxaa la yiri: waxaa uu yiri: “Geesi Alle ma xilee” waan iska deynayaa waddanka ayuu anfacayaahe dabadeedna waa u yeeray, markii loo keenay ayaa waxaa uu yiri: xor ayaa tahay ee waxaad rabto sheeg laakin hadalka ama murtida xanafta leh jooji. Halkaas ayeyna ku saaxiibeen, markii uu shan sano oo xabsi ah soo leefay. Dhammeystay!

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Cuute23@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.