Xulka iyo xusuusta suugaanta Q 20-AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo xusuusta suugaanta Q 20-AAD.

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: ”Hooyo” waa guurow in yar oo kooban ka iftiiminaya milgaha hooyo leedahay, maadaama aysan jirin qof wada tilmaami karta mudnaanta iyo muunadda hooyo ay leedahay. Waxa tiriyey laashin: Maxamed Gacal Xaayow Eebbe ha u naxatiistee. Laashinku wuxuu si’ aan hagrasho lahayn u dul istaagay, haybadda iyo hebednimada hooyada. Hooyadu waa inta nool tan dhasha, marka laga yimaado Eebbe oo idanka iyo amarka uu nooluhu ku dhasho iska leh. Milgaha ay leedahay hooyadu inta uu Eebbe (SWT) ka yiri: ayaa ammaan ugu filan, sidoo kalena, waxaa shafar ugu filan inta uu suubbanuhu (SCW) ka tilmaamay ee uu seddax goor saxaabigii wayddiiyey waalidka ku yiri: ”HOOYO, HOOYO, HOOYO” ka dibna uu suubbanuhu (SCW) yiri: ”AABBAHA”.

Haddaba qof walba oo wax uun curiya oo hal-abuur leh waajibeey ku tahay inuu hooyada tilmaamo. Wax kale maahan ee waa jacaylka loo qabo oo aan xad lahayn. Haddaba laashin: Maxamed Gacal Xaayoow Eebbe ha u raxmadee, wuxuu ka soo baxay: kaallintiisii hal-abuurka ee dhanka hooyada, aniga iyo adigana waa ammaah nagu maqan. Guurowgii HOOYO wuxuu u dhacay sidaan:-

  • Inaad hooyo gacalleeya rahay, Naguna howshootay
  • Oo adan na hoollaal xummeyn, Hubanti noo waaye
  • Dadku hilibki kaa beermay noqoy, Hiilna loo fidiye
  • Habqaadda iyo dhiishiyo adigaa, Heeg-castuu sidaye
  • Adigaa habeen iyo dharaar, Soo hilnaa jiraye
  • Wuxuu soo hambeeyaba adigaa, Heensa jiray weelka
  • Habeedda iyo kaadida adigaa, Duudka hoorsadaye
  • Haddii haqu ku waajibo adaa, Haysta magiciiye
  • Waxa ina heblood loo yiraa, Yaa wax huba weeye
  • Qof kastaa hadlee waa inuu, Haqa tilmaamaahe
  • Inay lama huraan HOOYO tahay, Hubanti soow maahan.
  • Haddey heestimaya fool-martaye Heega doqonowday
  • Inaan hagarbax meer meer la jirin, Hubanti weeyaane
  • Horaaddada haddii laga jaqeey, Godol la haaneedday
  • Ma haraatantoo HOOYO waa, Hebed la nuugaaye
  • Halyey lagu halleey karo naftiyo, Fulayga haad raaca
  • Iyo gabadha haansaha ku qumman, Heega luqun-dheerta
  • Iyo mid aan hagootiyo gambada, Ka hurgufeyn boorka
  • Afartaba waxaa lagu helaa, HOOYO samirkeede
  • Hooygana horyaalbeey u tahay, Howsha gurigaahe
  • Wax hubsada haqeeqadu runteey, Ugu horreysaaye
  • Qof kastaa hadlee waa inuu, Haqa tilmaamaahe
  • Inay lama huraan HOOYO tahay, Hubanti soow maahan.
  • Hufnaantiyo kartidu waa waxay, HOOYO leedahaye
  • Oon haqeeda loo oofi karin, Hiba kastuu looge
  • Hinqashada halbowlihii naxiyo, Hanaqi naafoobay
  • Hakashada jabsiinada hahdiyo, Dhididki hooreeyay
  • Harraadka iyo dhiigbaxi ku dhacay, Halawyadii fiiqmay
  • Habaaskiis-ku rogay oogadii, Hiirtu dhaxameysay
  • Ummulow-halqoonkiyo dibnaha, Hilib ka soo gooyey
  • Uuryaal hurgumadii xanuun, Gubaya hoomaalka
  • Irmaan lagu hagaasiyo dhibtoo, Loo hormariyaaba
  • Qof kastaa hadlee waa inuu, Haqa tilmaamaahe
  • Inay lama huraan HOOYO tahay, Hubanti soow maahan.
  • Habeennada haddey toban bilood, Uurka nagu heyday
  • Hurda lagu negaadiyo hunguri, Kama hammuun-goyne
  • Hadya goorba ubadkeey u tahay, Heegan daacada e
  • Iyadoon hareeraha ka dhugan, Howl ma qabateene
  • Heesta iyo maaweeladeey, Ku hidda dhowrtaa
  • Waqtigaa ka haajira inteey, Hoobey leedahaye
  • Iyadaan hilow iyo kalgacal, Wax u hambeynayne
  • Waa tii higaaddiyo cilmiga, Noo hormaridaaye
  • Waxay noo hilhilataa haddana, Hiirta waaberiye
  • Haasawa uma baahna kale, Ku hakadkeediiye
  • Qof kastaa hadlee waa inuu, Haqa tilmaamaahe
  • Inay lama huraan HOOYO tahay, Hubanti sow maahan.
  • HOOYEEY la’aantaa adduun, Horumar loo waaye
  • Habar wacasha laysugu dhintiyo, Hiil la kala waayay
  • Haddaan calaf laguu helin martidu, Sooma hoyateene
  • Waa is kala hanweyn tahay inay, Doob ku hirtaahu
  • Adigoon debka u hurin hantidu, Malaha iibaane
  • Hooya derejadiisaa tihiyo, Hebed carruureede
  • Intaad HOOYO nooshay hayigu, Waa qabow-yahaye
  • Haddaan laysku kaa hubin haddow, Laguma sheegeen e
  • Markeey doqontu kaa hiillidee, Kuu hal-bixi weyday
  • Ifka waxadan helin aakhiraad, Ka hodmi doontaaye
  • Qof kastaa hadlee waa inuu, Haqa tilmaamaahe
  • Inay lama huraan HOOYO tahay, Hubanti sow maahan.
  • Hana qaadimaa wiil haddaan, HOOYADII korine
  • Hayinkaba ma dhaamiyo haddaan, Loo hunguriyeyne
  • Garta kuma hujuumeen rageey, Wax isku heystaane
  • Cilmi lagu hanooniyo higaad, Kuma barbaareene
  • Hoobaleyda maansada helleey, Kuma ciyaareene
  • Hoggaan lagu kalsoon yahay heshiis, Laguma doorteene
  • Waxaa hagar la’aan lagu ogyahay, HOOYO beer nugule
  • Waa wixii ka soo hara wuxuu, Odaygu haayaahe
  • Hoomaalka oomani harraad, Kama bogsoodeene
  • Hillaacaan demeyn weeye iyo, Hibitiq deyreede
  • Qof kastaa hadlee waa inuu, Haqa tilmaamaahe
  • Inay lama huraan HOOYO tahay, Hubanti sow maahan.
  • HOOYEEY la’aantaa hudqeyl, Lama barbaarsheene
  • Horweyn dhalaya howd iyo galbeed, Laguma heysteene
  • Is hilqaanka looga ma gudbeen, Hoga kaliileede
  • Horma soo go’daba wiil hantaqa, Gar u ma haayeene
  • Hawadaa diyaaradaha mara, Laguma haadeene
  • Haantuba haruub kama dhammaad, Ku hindisootaane
  • Hayb oday nimaan gelin Maryamo, Hiba la deeqsiiye
  • Haddaan HOOYO jirin howl adduun, Kuma hawoonneene
  • In horteeda laga haaban karo, Heybaddaa maanta
  • Ninka ku hanjabaayow! Inaad, Ka hakataa roone
  • Qof kastaa hadlee waa inuu, Haqa tilmaamaahe
  • Inay lama huraan HOOYO tahay, Hubanti sow maahan.
  • HOOYEEY abaalkaagu waa, Midaan hungoobeyne
  • Wixi kuu harana waa ducaan, Laga hammuun goyne
  • Waxaad ku habban tahay waa jannaan, Laga habaabeyne
  • Haloodkii siraadkiyo wadda, Aakhiruu hoyata
  • Haddii lagu hadaafee adduun, Laga hubqaadaayo
  • Haqna heer ku waajibo naftaan, Laysma hiba siine
  • Mindi halacda soo taagan iyo, Hootada afeysan
  • Rabbi kugu hagoogtaad hadhow, Uga gudbeydaaye
  • Haricii Fardowsiyo jannaad, Ku huruddoo kheyr leh
  • Ayaad ka hodmi doontaa adigaa, HOOYO daacada e
  • Haq Alliyo haq aadane, Adoon cidiba kuu heysan
  • Heeraarka iyo daba sare, Inaad ku haasaawdo
  • Sidaan ugu hanweynahay Rabbigu, Haygu hiba siiyee.

W/D:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN