Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q12AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q12AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Soomaali ceebteedu waa curata diimoon” waxaa mariyay Laashin: Caraboow Maxamed Axmed Xasan, waa guurow ka hadlaya Soomaalinimada iyo inaan la kala maarmin. laashinku wuxuu tilmaamayaa in Ilaahay nagu abuuray dhul barwaaqo hodon ah oo aan la heli karin, haddana Soomaalidu ka doorbidayaan inay u hayaamaan dal ajnabi, oo cimilladiisu dhib badan yihiin. Waxaa kaloo sheegayaa laashinku in aan Gaalada gacanta loo hoorsan ee la tabcadu dhulkaan edeg ee Soomaaliyeed. Waa guurow waano, wacdi iyo wax sheegba ku dhanyahay ee ka bogasho wacan:

 

1. Ma cabirin ayaamahan codkiyo, Cadaddi suugaan’e
2. Calooshaa cijaya tuur laheyd, Calowna way haayay
3. Canaanyaa intii cuumisaan, Gabaygi cuuryaanshay
4. Waa na waxan la caatoobayoo, Cayshki iga gooyay
5. In kastood se igu soo cideen, Curiyanuu joogo
6. In kastooy cuqaashiyo fadhaan, Culima diineedki
7. Ciifa gaarahaa igu jurtoon, Gobol cadday haa’e
8. Ciidda yow ku dhicino dadoow, Calaf war kuu yeeshee.

9. Calnkeenna qaashaa marakaan, Ciil u kala jeexno
10. Inay cadaddi soomaaliyeed, Ciifo kala raacdo
11. Ee caddaan na kala qaybiyee, Cidi ba meel aaddo
12. Hub casriya inaan qaadannee, Maydku cadad dhaafo
13. Walaalkiin inay carunya dhiig, Ciidda lagu daadsho
14. Ama sida Ciraaq iyo Kuwayd, Laysu cadad sheegto
15. Caqligiinna yay gelin colaad, Lagu heshiin waaye
16. Intaan cara Ilaaheey na qaban, Nabaddi soo caynsha
17. Soomaali ceebteedu waa, Curata diimoonee.

18. Culamaa’u diinkiyo haddaan, Caaqil talinaynin
19. Haddii aan cirroolaha marnaba, Loo cod dhiganaynin
20. Intaan kala cad goosayno oy, Nabaddu ceeryayso
21. Addoomadi Ilaah cootayee, Caasiyaan nahaye
22. Casiiskeey wixii gaar maree, Ciifa dhalinaaya
23. Ciiddaa gariirtoo dadkaa, Cudur ka laayaa’e
24. Ma na caafimaadaan qabiil, Niman ciseeyaahe
25. Intaan cara Ilaaheey na qaban, Nabaddi soo caynsha
26. Soomaali ceebteedu waa, Curata diimoonee.

27. Cid kastoo dadkeeynaas ka mida, Ay cuqdadi haayso
28. Ciribtaya inaan caaradda ba, Laysu cudud sheegan
29. Inaan kala cad goosayn haddaan, Caalamku ogaanin
30. Cumar bini Khadaab iyo siddii, Cali abii Daalib
31. Haddaan wiilal caabboon la helin, Cayma jiri mayso
32. Casharrada Qur’aankaya hadaan, Diinta laga caagin
33. Cirku inow da’aa waa hubaal, Cudarna guuraayo
34. Caqliguna talshee caadilnimo, Uunka lagu caynsho
35. Ayaamahan se ciil kaambiyaad, La cokorraydeene
36. Intaan cara Ilaaheey na qaban, Nabaddi soo caynsha
37. Soomaali ceebteedu waa, Curata diimoonee.

38. Diintoo cariiriya dadkoo, Cadiba meel aado
39. Cumar iyo hadday joogin Cali, Carab hormoodkoodi
40. Codki sayid Bilaal maalintaa, Lama caddeeyeene
41. Casaakiirta gaaladuna waa, Nagu cuslaayeene
42. Is cafiya colaaddiinu waa, Ciifo doqoneede
43. Is cafiya intaan caymannoon, Ceelka qodanayno
44. Is cafiya intaan caana ruxan, Ciir ka dhalinayno
45. Is cafiya waxaan layska cunin, Calaf ma yeeshaane
46. Is cafiya Vadaab iyo Jannaad, Mid u cadceeddaane
47. Maantana waxaa ceebohoo, Muruga ciil wayna.
48. Calankaan habeenkii lix saac, Caadka sare gaynay
49. Inaan cadad u googooyno waa, Ciribtirkayniiye
50. Intaan cara Ilaaheey na qaban, Nabaddi soo caynsha
51. Soomaali ceebteedu waa, Curata diimoonee.

52. Afartaa caddeeyaye haddaan, Caynka kale aado
53. Ummad caagtay oo ciillanoo, Caajistaan nahaye
54. Ummad caada gooysoo fidnuu, Carartayaan nahaye
55. Carradaan udgoonoo Ilaah, Caadil nagu deeqay
56. Ummadaan cuksaynaan nohoo, Tacabki caayaysa
57. Cawinaadda gaalada cad iyo, Carabtu noo keentay
58. Ummad inay cuntuu baratayoo, Ceeb dhigtaan nahaye
59. Qoray caalmadoobaa ciyaal, Nagu cirddeeyaane
60. Canaan looma soo jeedi karo, Waa na canuggaagi
61. Cuqaashina waxaa kala eryeen, Caasi iyo tuugo

Inkastoo se ceel noo qodnaay, Ciidda lagu duugay
62. Cilmiga iyo wacdigu waa waxaan, Caada u lahayne
63. Is canaanta Soomaaliyeey, Wa is candhayseene
64. Hilib caata wehellaa cusbaa, lagu sammeeyaa’e
65. Cirro iyo bidaar waa labaan, Kala cad roonayn’e
66. Cudurkaan ayaamihi dhawaay, Caaddil lagu waayay
67. Waa inaad caddaysaan cid hee, Ka cabsamaysaane
68. Intaan cara Ilaaheey na qaban, Nabaddi soo caynsha
69. Soomaali ceebteedu waa, Curata diimoonee.

70. Caddaalad iyo sinnaan buuxda may, Dib u cusboonaato
71. Cid walbay cambbuurkaaga yaan Caara yaru gaarin
72. Caddaankaya madowgiis ku daran, Ee is cirif jooga
73. Caalamul xaqeedku na baxsheen, Cayma gacaltooyo
74. Yaan caasi faal soo gatayu, Ciribtir gaarsiinnin
75. Shacabkoo barkii caaggan yahay, Qaarna cudur laayay
76. Kaligii inow ceel irmaan, Caba nin doonaahu
77. Yow idin candhayn waydinkaan, Kala carooteene
78. Caqli gaab warkeed yaan mar kale, Ciidan lagu laaynin
79. Colaadaan qayoodaynu waa, Sidda cir soo dumay’e
80. Intaan cara Ilaaheey na qaban, Nabaddi soo caynsha
81. Soomaali ceebteedu waa, Curata diimoonee.

82. Haddii cadaddi Soomaaliyeed, Ciduba meel aadday
83. Casiisoow Allahayoow adaan, Kugu ciyeeynaah’e
84. Adigaa cirkana muday dhulkana, Cagaha noo saaray
85. Adigaa cibaadada dhalshaya, Caasi iyo caabud
86. Cawa iyo adaa maalinta ba, Kala calaameeyay
87. Adaa ceelna meel noogu dhigay, Ciganna noo uumay
88. Adaa caadka roob nooga dhigay, Caana lagu maalo
89. Cillanaadya caadyaal adaa, Dhiiba calafkooda
90. Waa na naga cayaartee Rabboow, Caasi anunkaa ah
91. Iminkay caddaata na adaa, Lagu caloolshaaye
92. Addoonkaagu waa kugu cabtaye, Nabaddi soo caymi
93. Soomaali ceebteedu waa, Curata diimoonee.

Shirib nikax ah:

“Calanka muu cideey karnaa
Ununse mays cafi karnaa?”

 

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN