Yaa Khaldan? Yaana Dulman Q.161aad W/Q Ahmed Hayow

 

received_10204784410466642

Rag badan oo uu kula kulmay Nairobi ayaa Raage kula taliyeen inuu magaalada iska dego, halkaana uu boos ka iibsado, ganacsina ka billaabo inta uu dalku ka xasilaayo, laakiin Raage way u cuntami wayday inuu ku noolaado meel uu degaan ahaan u soo qorsheysan, markuu Yaasmiin kala tashaday arrintaa ayay Yaasmiin ku tiri: “inaan dalkeena gelino dhaqaalaha aan wadano, ayaa nooga fiican inaan halkaan degno, waayoo sara dhaldhalaalaaya waxaan uga soo tagnay Mareykanka, waxaana ka doorbidnay inaan aqal ka dhisano beerteena dhexdeeda, sidaa daraadeed aan hore u sii socono” Raage wuxuu ku farxay kalsoonida ay Yaasmiin ku qabto dhulkooda hooyo, markaa ayuu yiri: “ma waxaad leedahay, haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo, waana lama huraanee hagar li’i wax ugu qabo” heesti ayay Yaasmiin la sii qaaday: “hantiyeey macaan waa midaan, hooy lagaa oranee heleyoow, hantiyeey macaan waa midaan hooy lagaa oranee heleyoow” waxaa labadoodaba hareysay saxansaxo wadaniyadeed, waxayna laabta gashadeen inay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ay la qeybsadaan waxa ay qabaan, ha ahaato dhib ama dheef, ha ahaato dhereg ama gaajo, ha ahaato nabad ama colaad, kadibna waxay go’aansadeen inay dhulka ka galaan wadanka haddii ay diyaaradu bixi waydo muddo sitimaan ah, arrintaa oo aan lafteeda sahalaneyn, balse jaceylka ay wadanka u qabaan ayaa ka tan badiyay iyo baahida ay u qabaan inay ismehersadaan, waayoo waxay labadooba ka daaheen guurka.
Raage waxaa wakhtiga ka dishay Deeqa oo uu muddo badan ka dhur sugaayay, Yaasmiina asagaa wakhtiga ka lumiyay inta ay ka dhur sugeysay, laakiin haddii ay goor hore is-heli lahaayeen, waxaa suuragal ahaan laheyd inay carruur yeelan lahaayeen.
Raage Aabihiis Rooble wuxuu ku guursaday asagoo soddon sano ka weyn, walaakiis Maxamed wuxuu ka weyn yahay 50 sano welina ma guursan, Xasan ayaa ugu horreeyay oo laftiisa afartan jir ahaa markuu aqalgalay, reerku waa reer xaalkoodu sidaa yahay, inkastoo uu jeclaa Raage inuu noqdo ninka caadadaa beddela oo ku guursada labaatan jir, wuxuu Dd ku jeclaaday 18 jir, waxaa uga luntay 13 sano, sidaa daraadeed ma rabo inuu sanad kale ka lumo, taasaa ka mid ah sababta uu u degdegsan yahay.
Kamaal Aabahii iyo Qareen Ajay ayaa tageen magaalada Sanca, ayagoo baadigoob ugu jira reer Daahir oo ka soo guureen gurigi uu Kaahin ku ogaa, markaana waxay ku kalliftay inuu reer Cali baa Cubeyd ka raadiyo halka uu ugu hagaagi karo Aabe Daahir iyo reerkiisa, Aabe Kaahin wuxuu garaacay albaab muddo badan laga sugaayay inuu soo garaaco, sababtoo ah wuxuu xiriirkoodi ganacsiga ku dhammaaday si foolxumo ah, kadib markay reer baa Cubeyd isku dayeen inay Kaahin kala wareegaan suuqa, asagana uu kala laabtay warqadi ruqsada ay badeecada ugu soo diri jireen ingiriiska, halkaana ay ka soo gaartay khasaaro fara badan oo ah in badeecadoodi lagu xayiro dekadda, kadibna badda lagu daadiyo markii ay ku boboshay markabka dushiisa, reer Baa Cubeyd halkaa waxaa ka soo gaaray khasaaro kaga luntay malaayiin lacag ah, waxaana ay eedeeda dusha ka saareen Aabe Kaahin oo diiday eedeyntaas loo soo jeediyay, waayoo wuxuu ku andacooday inuu ogeyn soo dirista badeecadaas oo ay si tuuganima ah ugu ganacsanaayeen reer Baa Cubeyd, sidaa daraadeed ayaa loogu dhaarsanaa Aabe Kaahin oo arrintaa ay illoowsiisay xabsiga uu ku jiro wiilkiisa Kamaal.
Aabe Kaahin waxaa albaabka ka furay Caadil oo ka naxay markuu arkay Aabe Kaahin, wuxuuna ku yiri: “adeer maxaa ku keenay Sanca?” Kaahin ayaa yiri: “waxaan raadinaayay reer Daahir ee Aabahaa ma joogaa?” Caadil ayaa yiri: “Adeer waxaa kuu dhaarsan Saalim oo raba inuu ku xiro haddii uu ku arko” intaa markuu Caadil yiri ayuu Saalim ka soo baxay qolkiisi, wuxuuna arkay Oday Kaahin oo taagan guriga albaabkiisa, Saalim intuu u yimid ayuu ku yiri: “adeer Kaahin soo dhawoow” markuu gudaha la galay, wuxuu geystay fadhiga oo ay cabitaan ugu keentay Xaawa Kiin oo uu xoog ku guursaday Saalim, maalintuu rabana uu dhegaha ka garaaco.
Xaawa Kiin waxay gashay xabsi kor ka feydan oo aanay xataa guriga ka bixi karin, wuxuu Saalim la qabaa gabar kale oo muwaladad ah oo la yiraahdo Bahja, taasoo aan guriga wax howl ah ka qabanin, sababtoo ah waxaa guriga adeegto ka ah Xaawa Kiin oo xataa soo gogosha qolka ay Bahja degan tahay, waxay dhaqdaa dharka carruurta ay Bahja dhashay, ayadana weli waxba uma dhalin Saalim, waayoo ayadaa iska habaartay inay uur u qaadin Saalim oo asagana ku yiri: “yaa carruur kaa rabo adiga, waxaan kuu guursaday ciil aan u qabo reer Kaahin iyo inaad guriga iiga adeegto”.
Xaawa Kiin oo wada caditaanki markay soo gashay qolki fadhiga oo ay aragtay Aabe Kaahin ayay isla markiiba garatay inuu yahay Kamaal Aabihii, waayoo Odaygu waa Kamaal oo Oday noqday, inkastoo aanay hore u arkin Kamaal Aabihii haddana markay maqashay Saalim oo dhahaaya: “adeer iiga waran wiilkaagi Kamaal ahaa, ileyn waxaan maqlay inuu Mareykanka uga daba tegay Deeqa Daahire” Xaawa Kiin intaa markay maqashay ayay naxdin aawgii, faraha ka sii deysay Taraygi (Sagbadi) ay ku waday cabitaanka, Saalimna intuu fadhiga ka soo booday ayuu gacanta ka qabtay oo qolkeeda la aaday, markaasuu beerka ka garaacay, Aabe Kaahin markuu ooyinteeda maqlay ayuu meesha isaga cararay, laakiin xaguu carar ku tegi karaa ayaa ah su’aasha isweydiinta mudan.

La soco. ………162aad.

SHEEKOOYIN