Yaad ii malaysay? Q.5aad (W/Q.Cabdulle Cabdikariin Abka Xaaji)

Yaad ii Maleysay? Q/5aad

Walaahow badan baa ka jira waaxda dambi baarista, waxaa qof walba oo danbi baarayaasha ka mid ah u muuqda in dilaagii asagoo xor ah uu kor ka daawanayo kuna raaxeysanayo jabkooda.

Taliye Mooge waa uu talamayaa talase faro kuma haayo mar walba waxa uu isku qancinayaa Xarig cawo ninkii xiraa fura inuu Madeey shaqada ku celiyo waxase uu ceebsanayaa saacado ka hor ninkii uu buulka galshay haddana sidii uu ku dhihi lahaa arrintaan lagaagama maarmo ee wixii aad bilowday dhammeystir jid buu raadinayaa uu uga siibto minddiyaha haleelaaya ee halistooda laga baqay.

Madeey asna si buu u fakarayaa xasuuso hore  ayuu dhex mushaaxayaa, quus ayaa u sawiran markaa sidii qof u gambinaya dhanka kale uga jeestaa ugu danbeyn waxa uu soo xasuusanayaa dilkii Taliye Juu-juule Aabbihii  qofkii ka danbeeyay iyo kiiskii markaa ay daba socdeen iyo kiiskaan in ay meelo badan iska leeyihiin.

Madeey waxa uu ogyahay ninkii ka danbeeyay dilka Taliye Juu-juule inuu xabsi daa’in ku xukuman yahay taasina aysan macquul aheyn inuu sahalkaas ku soo baxo xataa ka mid noqon karo dadka cafis madaxweyne lagu daayo waayo waxa uu dilay sargaal sare oo dowladda ka tirsan.

Waa tii la yiri: Baadi qofkii ay ka maqan tahay haan gorofa ayuu gacanta geliyaa Madeey waxa uu is tusay inuu ninkaa xiran xaalkiisa soo ogaado, waxa uuna u holoday inuu u dhaqaaqo dhanka miiska uu xafiiska ku lahaa .

Taliye Mooge oo in dhoweydba kansho gaad ahaa meel uu war kaga bilaabana la’aa baa ku yiri: Madeeyoow halkee baad ku socotaa ? Madeey oo hadalka soo gaabinaya ayaa yiri Computer keyga wax baan rabaa in ka ogaado alaabteydana meesha ka aruursado.

Taliye Mooge oo neef weyn dib u liqaya ayaa yiri: Haggaag waxaan filaa sida aad Computer kaaga uga maarmin inuu xafiiska kaaga maarmin maxey kula tahay haddaad iska ilowdo hadalkii hore oo aad howshaada dib u qabsato.

Madeey baa yiri: Ma xumo Taliye laakiin labo islama key qabato DUDDUMOOY WAA KU DUGAASHAHAA WAANA KAA DAREEN QABAA adigu dhan isku raac.

Taliye Mooge ayaa yiri: Gar Alle ayey taqaan jid baad iiga joogtaa anigana xisaabka ku darsoo waxaan noqday Ri’dii madoobeyd ( RI’ MADOOW GAR LEH ARIGEEDUNA GAR LEH) Ri’da madoow waxa ay ka carareysaa waxa ariga dudiyay, Arigana Ri’da madoow ayuu ka cararayaa.

Waxa aan ku fakaray in aan soo gaabiyo maaddaama dilaagu adiga ku eeganayo adna aad cid walbo ka shakisay dhan walbo oo aan fiirshayna Madeeyoow anigoo og in aad adigu dilaaga aheyn balse adiga iyo dilaaga xifaaltan baa idinka dhaxeeya sidaa darteed waxaan gartay in aan isku kiin daayo kiinii roon reerka ha u haro.

Madeey korkiisa meel la saro maleh xanaaq dartii , daal baa u dheer waxa uu ugu warceliyay Taliye hal shuruud aan ku aqbali karaa in aan howshaan sii wado haddaad fulin karto.

Taliye Mooge ayaa yiri: Haggaag waan sameyn waxa aan awoodo oo dhan.

Madeey oo markaan gacanta ugu baaqaya ayaa yiri aamus oo i soo daba gal (Sing language) waxa uu u dhaqaaqay qolka electronics lagu baaro.

Taliye Mooge waxa la siiyay Go’ iyo Shukumaan dharka aad wadato oo dhan halkaa dhig , iyo agabka kuu xiran

Taliye Mooge oo yaaban ayaa yiri: Waa ogaa in aad iiga shakisan tahay ee fuli waxa aad damacsan tahay war baa ka danbeyn.

Waqti badan ma qaadan markii laga helay garaadada iyo saacada Taliye Mooge Chib cod gudbiye ah, Taliye Mooge waaga ayaa ku baryay dib baa loogu celiyay sacaddii iyo dharkiisii ayadoon la taaban Madeey waxa uu ku wargeliyay Taliye Mooge in saacadaan wixii ka danbeeya maqaalintii lagu dabi lahaa dilaaga uu asaga yahay, waxa kale oo loo sheegay inuu iska dhigo qof aan waxba ka ogeyn in laga adeegtay.

Guriga Taliye Mooge waxa ku nool asaga iyo xaaskiisa saddex carruur ah uu Mooge dhallay iyo wiil iyo gabar jaamacad dhigta oo xaaskiisa ay habaryar u tahay, waxaa Guriga mooge uga shaqeeyo si joogto ah 4 nin oo waardiyo ah oo labana maalinkii soo gasho labana habeenkii ninka  beerta ka shaqeeyo iyo darawalka  Gaariga u wado iyo labo islaamood oo adeegtooyin ah subaxdii bay soo galaan habeenkii waa ka hoydaaan.

Dhammaan dadka kor ku xusan muddo dheer ayey guriga Madeey ka ahaayeen adeegayaal qof la tuhmi karo kuma jiro, Taliye mooge waxa uu qooraansaday xafiiskiisa iyo gobaha uu ku caweeyo waa labada meel oo looga adeegan karo, sida uu is leeyahay.

Taliye mooge tacab ayaa u go’an arrimahaa iyo dabagalkooda Madeey asaga ayuu u dhaafay tab iyo xeel sidii uu ku furdaamin lahaa, waxaana la siiyay chip kale uu madeey kala soconayo dhaqdhaqaaqiisa.

Taliye Mooge markaan asagaa far ku godan tahay oo kiis cad baa soo galay sidii uu uga dabaalan lahaa waa inuu falankeed galo, labadooda kaliya ayaa og arrinkaan.

Dhanka kale sida caadada u aheyd dilaaga farriin ayuu Madeey soo gaarsiiyay uu leeyahay Aw-guuriyo shaqadaadii waa laguu soo celiyay fursaddaan ka faa’iideyso dil talisada waa balan gabadhaada waa kuu sii deynayaa.

Madeey dheg uma dhigin hanjabaadda uga imaaneysa telephone ka aan meel loo raacdo laheyn balse ku nasiibso camal ayuu Taliye Juu-juule ku yiri soo baar meesha laga soo diray.

Madeey computer ka ayuu fariistay durbaba waxa uu ogaaday in maxbuuskii uu ku xiran yahay xabsiga dhexe ee dowladda, labo askartiisa ka mid ah ayuu sii watay waxa uuna isku daayay xabsiga dhexe ee dowladda.

Xabsigaan dadka ku xiran waa dil sugayaal ama xabsi daa’in rajo adduun kama laha waxa loo ilaaliyaa si aan inaba caadi aheyn, Madeey waa ku kalsoon yahay inuu maxbuuska arki doono.

Haddaba maxaa dhacay?

 

La soco qeybaha xiga

 

 

SHEEKOOYIN