Yeelo Xirfad
Kelmadda xirfad, haddaad ka dhex eegto qaamuuska Afsoomaaliga wuxuu kuugu qeexaya sida tan: xirfad m.dh (-do, m.l) Shaqo aqoonteeda la leeyahay oo lagu shaqaysto; meherad. Ld xirfo. Tab shaqeed kuu gaar ah oo aad ku xoogsan karto, tabtaasi waa mid aan u leedahay aqoon xeeldheer u leedahay, hadda bal aan waafajiyo dhaqankeenii hore sida ay tabaha iyo xirfadaha shaqo u kala lahaayeen.
Tunmaal, Muruqmaal, Biyomaal, So’maal iyo Badmaal.
-
Tunmaal waa farsamo yaqaan tabo badan oo ka xoogsada xirfadiisa farsamo, hadduu biro tumo, haddii kabbo tolo, hadduu geedo qoro iyo hadduu wax dhisoba iwm
-
Muruqmaal waa nin awoodiisa adeegsada oo xoogga alle siiyey ka faa’iidaysta, inuu wax qaaddo, inuu waxii loo adeegsado qabto, kul uu xaabo soo gurtana
-
Biyomaal waa beeralayda intey duugtaan miraha biyaha cirka ama webiga kuu doono ha ahaadee ku nool waxtarkooda iyo wax soo saarkooda waana dadka ugu milgaha iyo maamuuska badan ee bulsho weliba ku faanto horumarkooda iyo waxsoosaarkooda.
-
So’ maal waxaa loo yaqaan So’ xoolaha waana xoola dhaqatada guud ahaanteed waana xirfad leh wax soo saarkeeda iyo waxtarkeeda aanan looga maarmin dunida
-
Badmaal waa dadka badda iyo khayraadkeeda ka faa’iidaysta nooc walba oo ay tahay
Si kalena waa loo dhigaa oo waxaa la yiraahdaa: “Raacato, Beerato, Ugaarsato Dabato iyo xoogsato”
Haddaba dunida maanta la joogo waxaa jira in ka badan Malyan xirfadood oo mid weliba saameynteeda iyo waxtarkeeda leedahay. Waxaana wanaagsan inuu qofku yeesho Xirfad ama xirfaddo badan si ay hannaanka noloshiisu u fududaato una helo jidad badan oo u sahli kari guusha.
Xilligii ay muslimiinta usoo haajireen Magaalada Madiina ayaa Nebiga swc wuxuu labo labo u walaaleeyay Ansaar iyo Muhaajiriin, waxaa jiray labo saxaabi oo la walaaleeyay kuwaas oo kala ahaa Sacad ibnu Rabiic iyo Cabdiraxmaan ibnu Coof, Alle ha ka raali noqdo.
Sacad wuxuu ka mid ahaa dadka ugu xoolaha badan Ansar dhexdeeda wuxuu ku yiri “Aniga waxaan ka mid ahay dadka ugu xoolaha badan, labo xaasna waan leeyahay marka xoolahayga labo u dhig qeyb qaado, sidoo kalena xaasaskaygana soo eego tii ku qanciso ayaan kuu furi.”
Bal adigaba garo mawqifkii Cabdiraxmaan ibnu Coof ma kula tahay in uu haye dhahay maya sidaa muusan oran balse wuxuu ugu jawaabay “Allah hakuu barakeeyo ee suuqa itus.”’ Abdirahman wuxuu ahaa shakhsi ku kalsoon naftiisa sidoo kalena wuxuu ahaa qof leh xirfad ku salaysan sida wax loo kala dillaalo.
Waqti dheer kama soo wareegan, waxaa kulmay Nebiga swc iyo Cabdiraxmaan Alle ha ka raali noqde. Nebiga swc wuxuu arkay Cabdiraxmaan oo wajigiisa ka muuqato farxad markaas ayuu weydiiyay waa sidee arrinkaagu?Cabdiraxmaan wuxuu ugu jawaabay Rasuulka Allow waan guursaday. Nebiga swc wuxuu mar kale weydiiyay imisaa meher usiisay? Wuxuu ugu jawaabay laf timireed oo dahaba.
“Qof aan dhibtoon ma dheefsado” Murti Soomaaliyeed
Sideedaba, xiisaha ay sheekadu leedahay waxay tahay haddaad naftaada ku kalsoon tahay sidoo kalena aad leedahay xirfad waxay kugu dhallinaysaa in aad la timaado fal suuban aad u dhaqaaqdo dhanka hirgelinta yoolkaaga. Xirfada mararka qaar waxay kuu noqon kartaa shabaagtii aad ku daban lahayd kalluunka aad isla markaasi u baahan tahay. Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay ma daban kartaa kalluun adiga oon soo baran sida loo kalluumaysto? Dabcan, haddaad doonayso in aad ugaarsato guusha waa in aad la timaadaa xirfadeeda.
WQ: Hassan Mudane
Bilyoneer.wordpress.com ama Africanyouthforumblog.wordpress.com