“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

                                                         “GODOB IYO GARAAW”

                                                          (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybta 2aad

 

Hinda waa Gabar aan wali la guursan, balse la oran karo waa qof ka daahday Guurka, sababa badan ayaana loo aanayn karay ka daahidda ay ka daahday hinda guurka, sababahaas waxaa ka mid ah, Hinda oo ahayd gabadha kaliya ee Cidda u wayn, waxayna korinaysay Ilma yar yar oo Agoon ah oo aabaheed ka dhintay, iyada iyo hooyadeed ayaa shaqadaas Ganacsiga ku saabsan wada waday.

Ka daahidda guurka waxaa loo sababeeyaa dhowr sababood, mar waa qofka oo ku dawaqmo Dookh ahaan qaabkii uu u xulan lahaa qofka uu Nolosha la wadaagayo, qofkaas Soomaalida waxay dhahdaa waa qof shukaansigiisa batay, inta badan ee shukaansigaadu uu batana waa inta badan oo aad xulan waydid qofka Wehelka kuu noqon lahaa.

Hinda iyadu daahidda ay guurka ku daahday waaba sheegnay oo waa korinta ay la korinaysay hooyadeed ilmaha yar yar ee Agoonta ahaa, ma ahan taa macnaheeda in gabadhu ay Fool xumay ama ay Lixaad la’eed.

Ma jirin Cillad Xun oo lagu sababeeyo daahidda guurkeeda, waxa kaliya ee loo nisbayn karay  ayaa ahayd in ay ahayd, qof hadaf leh oo sugaysay waqtiga ku haboon in ay guursato.

Tiigsiga uu qofku tiigsanayo ahdaafta u calaamaysan saamayn balaaran ayey ku yeelataa waqtiga uu qofku reer yeelan karo iyo sida uu u xulan lahaaba qofka ku lamaanin doona noloshiisa, sidaa darteed, qof walba waxaa jirto qaab uu u wajaho toosinta iyo tiigsiga Mustaqbalka noloshiisa.

Hinda waxaa jiray wax badan oo ka guuxayey maankeeda, waxay ka dhalatay Cid Faqri ah, Mas’uuliyad balaaran ayeyna dareemaysay in ay saarantahay, waxay go’aansatay inta Rabi uu Jid kale ka furayo in ay nolosheeda u hurto Walaalheeda ka yar yar.

Waxay is lahayd Madaxa si fiican ha usoo qaadaan ilmahan yar yar ee Agoonta ah, waxaana la dhihi karay ama lagu macnayn karay ka daahidda ay guurka ka daahday, Naf huris ay u naf huraysay Yicistaas yar yar ee la dhalatay.

Shaqada ay Hinda ka shaqayn jirtay ma ahayn mid ay iyadu leedahay ee waxay ahayd mid ay hooyadeed horey u wadday ka hor inta uusan odyaga aabaha ah dhiman, hindana wax walba oo nolosheeda ahayd sida waxbarashada waa u suura gali wayday, waxayna go,aansatay in ay la shaqayso Hooyadeed.

Mar shaqadeeda waxay ku salaysnayd guriga kala hagaajintiisa, marna waxay ku salaysnayd caawinta ay hooyadeed ka caawin jirtay dhanka shaqada, oo mararka qaar waxaaba la oran karay hinda waxay aad ugu fiicnayd dhanka Suuqa.

Wax ay arrintu sidaa ahaataba waxay howshu isku baddashay howl hinda looga haray, oo hayadeed waxaa galay kalsooni badan oo ah in Hinda ay uga fiicantahay shaqada suuqa, kalsooni badana ay sidaa ku gashay, sidaa darteedna, hooyada hinda ay go’aansatay in ay hinda uga harto shaqadaas, Iyana Xaafadda Xooga saarto.

Safarro badan ayey hinda u kala gali jrtay Gobolada konfureed ee Dalka, Waqtiyaal wanaagsan safaradeeda waa lahaayeen oo macaash badan xilli ay heshay waa jiray, balse waqtiga maadaama uu wareega yahay sida macaashka uu u keenay si la mid ahna uu muragada u wato, ayaa waxaa dhacday in hinda ay gasho Safar saamayn badan ku yeeshay nolosheeda oo dhan.

Hinda Hammi badan oo dhanka shaqada ah iyo dhanka nolosheedaba ah ayey lahayd, riyooyin fara badan oo qurux badan waa lahayd, kuwaas oo ay ku naaloon jirtay in maalin uun uusoo baxayo Miftaaxa nolosheeda, Xaaladda hadda ay ku jirtana ay dhan wanaagsan isku baddali doonto.

Waqtiga marka uu farxad kuula imaanayo kuuma sheego si la mid ah marka uu xumaan kuula imaanaya, wax walba waxay ku socdaan gir girka uu Alle ugu tala galay mana jiro shey ka leexanayo dariiqaas loo jeexay ama wax yar dib uga dhacaya ama kasoo hormaraya, wax walba waxay ku jaan go’an yihin sida uu Alle ugu tala galay.

Qaddarta Rabbaaniga ah mar walba waa halkeeda, ma ahan mid ku timaada, Eex, ama mid loogu fiirsho Bani aadamka heerkiisa dhaqanka ee ku aaddan qaabka uu u caabudayo Alle, ahow Mu’min ama ahow Kaafir, qaddarta waa mid ina wada qaybaysa oo dhamaan aan dhab u wada dhadhminayno.

Xumaanata ama xanuunka inagu dhaca mar walba saamayntisa ayuu yeeshaa, waxaasa lagu kala duwan yahay sida uu qof walba adkaysi ugu yeesho iyo Casharada uu ka barto, hubaal in Ficil walba ama Xaalad walba oo nagu dhacdaa ay saamaynteeda leedahay, dhan wanaagsan iyo dhan xunba.

Waxaa kaloo jirta in xaaladaha is bad baddalka badan ee nagu dhaca ay noqon karaan hor u dhaca wax wanaagsan oo aan ku farxi doono iyo wax Xun oo aanan mahdin doonin marka aan xusuustooda dib u gocano.

Hinda safarkeeda saamaynta ku yeelan doona iyada oo ku guda jirta ayaa waxaa dhacday in ay la kulmeen qolooyin Isbaariistayaal ah, oo Jidka Dadka u gala, isbaarooyinka waddadaas  yiil waxay ahaayeen kuwa la isla ogaa la islana yaqaanay, mase ahayn kuwa dadka lagu dhibaateeyo marka laga reebo Lacago looga qaato Waddada ay marayaan iyo baad kale oo Canshuur loogu magac daray oo alaabahooda laga qaado.

La soco qaybta 3aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN