Aasiya Khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)

Aasiya Khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)
Qaybtii 6aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor
Aasiyo wax walba diidday go’aankeeda waa in la furaa, furriin ayey uga dhagtay, cakuya dumar iyo furriin, bal maxay ka helaysaa furiin? waa hooyo ciyaal badan leh, wali da’yar, reer dhaqmaya leh,maxay tahay sababta ay ku dalbanayso furriinka? kaaga daranee ma haysato guriga ay duminayso guri u buuxin kara oo maanta la isku halleynayo.
Aasiya tala xumadeeda waqtiba waqtiga ka dambeeya way sii kirdhaysay, maxaa yeelay dadka la talinaya ayaa ahaa kuwa ka caqli hooseeya iyada oo aan waxba dhaamin.
Talada qofka waxay hagaagtaa marka qof caqli wax ku dheer uu la taliyo haddii kale waa ka daran oo Dibi dhal.
Aasiyo wax ay soo garguurato, culayska ay ku badiso odaygeeda, subixi dambe Xaaji buraale wuu xanaaqay wuxuuna yiri wax dhib ah iima siyaadinayo la joogaaga haddaad diiday in aad reerkaaga dhaqato waan ku furayaa waana bixi kartaa, gurigaas wixii kaa nafaca ka qaado, ilmaha haddaad u baahantahay qaadashadoodana adiga ayaa dhalay ma kugula dhagayo oo erey uma rabo ilmahayga waad qaadan kartaa.
Aasiyo ismaba dhibin gurigiina sariir iyo xoogaa kale oo ay uga baahnayd ayey ka qaadatay ilmihiina waa ka lugaysay inta uma baahni tiri!!!
Cajiib! In ay fidnaysantahay musiibana soo asiibtay halkaas ka garo marba haddii ay ilmaheeda ka tagtay uma baahnina raacisay.
Xaaji buraale ilmihiisa ayuu iska haystay, aasiyo waxay bilowday in ay marti u noqoto mid ka mid ah hablihii u sheeka xumeeyay, gurigooda markii ay maalma joogtayna waa isku dhaceen oo waa ka lugaysay.
Caqligii aaway soo celin lahaa, maanta jaanis ayey haysataa xaajigana wuuba u sheegay oo wuxuu ku yiri waad soo laaban kartaa haddaad xaqa iyo dantaada garato, inta cuddada ay ku jirto mey iska laabato marba haddii ay banaanka kusoo tuurtay mid ka mid ah asxaabtii guriga ka dumisay!
Sidaas ma samaynee way sii salaqleysay, markii muddo ay garoobaynaysay ayaa mid saaxiibteed ah walaalkeed oo muddo waxba arkin ku tiri waryaa ku biya daadso tan aniga ayaa kasoo dhameynayee.
Markii ninkii loo guurshay oo muddo bil haystay ayuu banaanka usoo saaray awalna mid wax haysta ma ahayn ileen ku biya daadso ayuu ka ahaa guurkee.
Nasiib wanaagse waxba alle caloosheeda kuma beerin, sidaas ayey saaxadda garoobaynta ugu soo laabatay mar labaad.
Maba sii hakan mid kale ayey meel dhexe ka heshay iyada oo u socota safar hooyadeed ah, maxaa tahay iyo maxaad haysataa la isma dhihinee aftahan ayuu ahaa aftahanimadiisa ayey inta la dhacday hoosta ka seexatay, shantii maalin ee safarka markuu uga dhex dusayna deey baabuurkii ku yiri!!!
Misana waa garoobeyn kale, gaajadii shalay ayey dib ugu soo laabatay, tala xumadii ku dhacday cashar uma noqonee wali waa isla saxantahay, markaas ayey mid naagtii ka maqantahay oo xaafad ay isla daganaayeen ku dhagsatay, naagtiisi markii ay maqashay ku tiri ilmaha ha kuu hayso naagta cusub aniga kuuma soo socdee.
War maa yaala hee, aasiyo adiga ayaa xaaskayga ah ilmaha iska dhici hee ayuu ku yiri, markan ayey dad iska dhigtay oo ku tiri kuwayga ayaan har cad kasoo lugeeyay ma kuwaaga ayaan haynayaa sidaas ayaa mar afaraad albaabka lagu soo tusay.
Aasiyo waa daashay markan, habeenba cid ayey u hoyataa, meel ay ku harsato ma lahan, waji ma lahan, meel waji yaalna ma jiro, nin walba waa ku ritaa waana kala baxaa, guur u hagaaga ma jirin xaaji buraale kadib, inkaar waalid iyo middii xaaji buraale ayaa isku wada biirsaday.
Iyada oo duhur meel kusoo oontay shilin ay biyo ku cabtana haysan gaajana usii dheertahay ayey geed ku hoos dhacday, mise waa shimbirkii oo markan su’aalaya oo dhahaya soo khayrka kaagama darin?
Aqriste micnaha ma ahan in uu shimbirka hadlayo, shimbirka warkiisa ayuu iska wataa oo juq juqdiisa ayuu wataa, aasiya ayaa xag Alle looga tarjumayaa waxa uu shimbirka ku hadlayo.
Aasiyo oo sbimbirka u jawaabaysana waa ku raacday walllee khayrka waa iiga daray ee tala keen liibaane shimbirow.
Shimbirkii ayaa ku yiri duf ku bax nin iyo guurkiisa inta meel iska dhigtid ag fadhiiso ilmahaaga ayaga ayaa kuu baahanee.
Wallee in aysan war dambe is waydiin, halkii ayey kasoo jaqaafisay sidii ay u soo socotay ayey soo istaagtay iridkii xaaji buraale iyada oo dhahaysa khayrka waa iiga daray ee ilmahayga ayaan haysanaya.
Xaaji buraale qof wanaagsan ayuu ahaa markuu daawaday suuraddeeda silicsan iskumaba dayin in uu la xariiftamo shib ayuu ka dhahay inta yiri anagu heersare ayaan nahay.
Sidii ayey ilaa maanta guriga ku joogtaa iyada oo ahayn xaaskii xaaji buraale balse ah hooyada ilmaha xaajiga halkaas ayuuna ku bilaa, dulli iyo darxumo laabta ahna kula nooshahay.
Waa asiyadii khayrka uga daray.
Dhammaad.
Qore Mohamed Musa Sh. Noor
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN