Baadi goob baahi badan! Q-22AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!
Qaybta 22aad
Kadib dhimashada Ciise doonyaale waxaa is bahaysi gaar ah yeeshay maryan, haajir, c/ rashiid iyo dhamaan kooxaha ganacsi ee xaashi la xulufo ahaa hadana hubaysnaa.
Waxaa dhanaantood ka go’nayd in laga hortago muuse iyo kooxidiisa oo arxan darro iyo qalalaase ay ku argagaxsanayeen dadka daacadda u ah boqortooyada xaashi sameynayay.
Muuse iyo wiilkiisa mahad waxay gacanta ku dhigeen dhamaan ilaha dhaqaalaha ee ganacsiga xaashi, waxat kale oo mid mid u tooganayeen qof walba oo ay u arkaan in uu qatar ku yahay jiritaankooda.
Mahad iyo ilhaan khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagnaa kaas oo sababay in ilhaan ay doorato in ay magaalada ka haajirto, balse ka hor inta aysan bixin waxay goosatay in c/ rashiid ay la wadaagto uurka ay leedahay.
C/ rashiid ma uusan jeclayn ilhaan, laakin wuxuu aad u daneenanayay ilmaha ay u sidday isaga oo markan ka digtoonaa in uu galo khaladkii uu najmo ilmaha uga soo tuuray mid la mid ah.
Ilhaan waxay ka dalbatay c/rashiid in uu soo raaco haddii uu daneenaynayo in uu aabe fiican u noqdo cunuga ay caloosha ugu siddo, haddii kalana uu doorto ku hoos noolaashaha boqortooyada muusaha dulleysanaya dadka amiirada ka ahaa boqortooyada Xaashi.
Waxaa socday abaabul ay maryan iyo haajir horseed ka yihiin kaas oo ay ku doonayeen in ay kaga takhalusaan Mahad iyo aabihiis Muuse.
Muuse naftiisa wuu ka warqabay abaabulka oo sirdoon ayuu ku dhex lahaa kooxaha abaabulka wada, wuxuuna goostay in uu markan laayo dhamaan inta xaashi qoyskiisa ku abtirsata isaga oo ka bilaabaya C/rashiid.
Xaashi oo aamusnaantii beenta ahayd ka soo kacay ayaa u tagay muuse wuxuuna ka dalbaday in uu xabadda joojiyo dadka isaga u dhowna uusan taaban taa baddalkeedana uu ku wareejin doono dhamaan ilaha ganacsi uu ku riyoon jiray in uu helo.
Xaashi qorsha ayuu sameeyay uu hal mar uga takhalusayo muuse iyo dhamaan xiriiradiisa dhanka dowladda iyo ganacsigiisaba.
Taliye daacad iyo xer ilaaliye qaadir ayagana dadaalkooda ayey sii wadeen, iyada oo xer ilaaliye qaadir uu aaminsanaa in c/ rashiid uu qayb wayn ku yeelan karo soo gacan galinta Xaaahi.
Waxaa jiray qalad ay galayeen kooxaha amniga sida taliye daacad iyo xer ilaaliye qaadir, kuwaas oo dhamaan mooralkooda iyo maankoodaba isugu geynayay qabashada Xaashi, laakin waxaan u muuqan in xaashi uusan markan ahayn Kalluunka ku haboon ugaarsiga muusase uu yahay kan haddii wax la qabanayo ka muhiimsan Xaashi.
Is daba guraynta dhan walba ayey ka socotay muuse isagana wuxuu xirayay fiilooyin xaashi iyo dhamaan qoyskiisa looga takhalusayo, isaga oo adeegsanayo taliye daacad iyo xer ilaaliye Qaadir.
Xaashi wuxuu ahaa mid ku eedaysan, qaraxyo, dambiyo dil ah oo la galay iyo iibinta maandooryiyaasha, dabacan inta aan qarax ka ahayn wuu ku lug lahaa, balse caddayn looma hayn.
Kadib bixidd ay baxeen Dr Qaasim iyo siciido xaaska xaashi, xaashi wuxuu yeeshay dhaqtar cusub oo ahayd drs Hani.
Muuse wuu la socday dhaqdhaqaaqa  caafimaad ee xaashi wuxuuna isku dayay in uu cabsi galiyo drs hani laakin haajir iyo xaashi oo ka warqabay sirta iyo hagardaamada muuse ayaa ayagana waxay soo ogaadeen halka ay ka daciifsantahay drs hani ee uu muuse isticmaali karo.
Drs hani hanjabaad culus ayey kala kulantay muuse taas oo ahayd in ay xaashi maskax ahaan hawada ka saarto oo cirbad ku dhufato balse xaashi oo fahmay ayaa  ka hortagay qorshaha gurracan ee ay doonayso in ay isaga ku samayso, sheeko dheer oo ay dhex martayna xaashi wuxuu u balan qaaday drs hani in dhib uusan gaarayn isagana uu ka difaaci doono dhibaatada iyo cabsida uga imaan karta m
Muuse.
Drs Hani waa ku qanacday balan qaadkaas waxayna ku dadaashay in ay xaashi ka caawiso dajinta xanaaq iyo jaraynta fara badan oo uu wajahayay isla markaana ka hor istaagaysay in uu si dagan u fakaro.
Daawada ay Drs hani siisayay Xaashi ayaa ka caawisay in uu si cajiib ah u fakaro isaga oo shaxda qorshihiisa uu ku baajin lahaa dagaalka ugana takhalusi lahaa muuse ku qaabeeyay warqado uu markaas wax ku qoranayay si uusan u hilmaamin.
Xaashi habeen saq dhexe ah ayuu isaga oo aysan qof la socon u tagay xer ilaaliye qaadir oo gurigiisa joogo.
Xer ilaaliye qaadir oo ay la yaab la noqotay in xaashi oo socda kaligiis uu guriga ugu yimaado ayaa ka dhagaystay xaashi waxa uu wado, xaashina qorshaha uu damacsan yahay ee uu uga takhalusayo dhamaan reer muuse iyo madaxda musuqa ee dowladda ku jira ayuu u sheegay, marka ay taas dhacdana uu isi soo dhiibi doono, isaga oo taas kusii daray dalbasho ah in c/rashiid, haajir iyo maryanba aan la xiri karin waxna loo qabsan karin.
Heshiiskaas xer ilaaliye qaadir wuu aqbalay balse waxay ahayd sir uu xaashi si hoose ula wadaagay Qaadir.
Qof aan la aqoon ayaa mahad soo wacay una sheegay in aabihii saxiixay in uu isaga ka takhaluso, mahadna mar walba kalsooni iyo taageero wanaagsan kalama dhaxyan aabihii, wuxuuna goostay in ka cararo magaalada inta aan uusan aabihii muuse qaban, maxaa yeelay, Muuse wuxuu soo ogaaday in mahad lacag badan uu lunsaday isla markaana uu ku lug leeyahay koox Muuse uu ka baqo.
Iyada oo abaabulkii dagaalka iyo waqtiga ay weerarka qaadi lahaayeen ay ku dhawaaqeen ayaa mar qura waxaa guryahooda iyo xafiisyadooda loogu dhacay dhamaan madaxdii musuqa ee muuse xiriirka hoose la lahayd, sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday guriga muuse taas oo muuse ku qasabtay in uu goobta ka baxsado, intaa oo kaliya ma ahayn qasaaraha muuse gaaray, waxaa gacanta lagu dhigay dhamaan bakhaaradii kaydka u ahaa iyo alaabo markaa dakadda uga soo dagayay.
Inta howl galka lagu jiray waxaa si lama filaan ah usoo muuqday Muxudiin oo maryan ay ku kulmeen bakhaar ka mid ah bakhaarada muuse oo markaa lala wareegayay.
Maryan oo u haysatay in muxudiin dhintay ayaa waydiisay markana wuxuu yahay iyo sababta uu hadana usoo muuqday.
Kama uusan qarin, wuxuu u sheegay in uu markan ka tirsan yahay Interbool mudana uu ku daba joogay Muuse, sidoo kale aabaheed iyo C/rashiid.
Wuxuu kaloo uga sheekeeyay qaabka uu uga badbaaday isku daygii dil ee lagu sameeyay xilligii uu u shaqaynayay aabaheed.
Maryan oo ka qanacday ayaa ka codsatay in c/rashiid uu faraha ka qaado haddii uu doonayo aaminaadeeda laakin wuu ka diiday oo wuxuu yiri “waa shqadayda in aan soo xiro aabahaa iyo dhamaan inta la shaqayn jirtay qaasatan gacan yaraha aabahaa C/rashiid
Mahad oo baxsad ah ayey airportka ku qabteen booliska waxaana loo dhaadhiciyaya Xabsiga iyada oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal dambi oo dilka nasro ka mid tahay.
Muuse oo xanaaqsan misana baxsad ah ayaa guriga xaashi yimid isaga oo doonayay in uu xaaahi ka takhaluso balse ciidanka booliska oo halkaa diyaar ku ahaa baa meesha ku qaarijyayay kadib markii uu diiday in uu hubka dhigo.
Xaashi sidii la saadilnayay waqti badan uma harin hawada ayuu ka baxay oo hadal iyo dhaqdhaqaaqba waa gabay, gabadhiisa maryan ayaa dhexda u xiratay in ay xanaanayso inta uu aabaheed waqtigiisa haleelayo.
Maryan iyo muxudiin waa is guursadeen qosy cusub ayey noqdeen maryan aabaheed xaashina isaga oo ahaa qof maskax ahaan dhintay balse jismi ahaan nool ayuu la joogay.
C/ rashiid oo taliye daacad soo xiray waxaa xabsiga ka sii daayay xer ilaaliye qaadir oo aad ugu faraxsanaa sida xaashi uu ula shaqeeyay ayaa yiri “heshiis aan la galay xaashi ayaa dhigayay in lagu xiri karin, sidaa darteed, taliye daacad waxaa lagu armay in uu c/ rashiid waddada uga leexdo si uu ula baxo ilhaan oo markaas sugaysay.
Taliye daacad iyo dhamaan booliska oo dhan waxay kuwada farxeen howsha fudud uu xaashi ugu soo gacan galshay dhamaan dadkii la doonayay caddayntooda iyo ayagaba.
C/ raahiid iyo haajir waxay wada booqdeen ayaga oo ka xun waxa ku dhacay xaashi gurigiisa, maryan oo la joogtay  ayaa usoo kala taagtay aba baqshadood oo magacyadooda ku kala qornaayeen.
Xaashi c/rashiid iyo haajirba wuxuu ku kala wareejiyay hanti badan oo uusan mid walba filayn, C/rashiid warqaddiisa waxaa ku qornayd wiilkayga  damaca badanow aabahaa aniga ayaa dilay, balse adiga nolol ayaan ku siiyay wiilkaygana waan kaa dhigtay, ma ahayn in aad marnaba iga shakiso iina maleegto shirqool aad igaga takhakusayso, waan ogahay waana dareemi karaa xanuunka aad dareentay markaan ku dhahay carruurtayda ayaan ku wareejinayaa dhaxalkayga, laakin ima aadan sugan imana waydiin waxa aan kuugu tala galay.
Waxay ahayd in aad i sugato laakin ma dhicin, waxaan rajaynayaa in aad ku qanci doonto waxa aan kuu qorsheeyay maalinta aan ku kafaalo qaaday iyo sanduuqa aan wax kuugu keydinayay.
C/ rashiid aad ayuu u muraara dillaacay, wuxuuna ka shallaayay wax walba uu sameeyay, dhinaca kalana wuxuu ku farxay hantida badan ee looga tagay oo uusan filayn, isaga oo faraxsan ayuu la tagay ilhaanta uurka u lahayd.
Haajir isagana sidoo kale ayaa loogu dhiibay warqadda hantida loogu tala galay balse isaga waxaa lagu amaanay daacadnimada uu muujiyay, taasna waxay kalliftay in xaashi oo dhamaan ku wareejiyo hanti ma guurta ahayd oo fara badan oo uu xaashi si sir ah u lahaa, haajir ayaa dhamaan magaca ahaan loogu wareejiayay, haajir isaga oo oynayo ayuu ku yiri saaxiibkiis Xaashi “waan ka xumahay aniga xoolo ma doonayn, la jirkaaga ayaa qanaaco nololeed ii ahaa,  waad i cidleysay aniga kaama tagi karo, haajir wuxuu maryan ka codsaday in xaashi lagu wareejiyo isaga oo uu xanaaneeyo balse maryan ayaa taa ka diiday iyada oo ku doodaysa in aabaheed aysan waqti fiican  la soo qaadan xiriir wanaagsana aysan la lahayn, balse hadda uu yahay jaaniska ay aabaheed ugu abaal gudi karto.
Haajir oo ilmeynaya ayaa meesha ka soo tagay, laakin wuxuu balan qaaday in uusan sii fogaan doonin inta xaashi uu dunida ka hayaamayo.
Bilo kadib xaashi tii Alle ayaa u timid oo waa la oofsaday, laakin wuxuu ka tagay boqortooyo la rujin waayay iyo amiiro qanacsan oo mid walba boqortooyo u gaar ah meeshiisa ku alkuntay. Baadi goob baahi badan ayuu ahaa oo qof walba dhinac wax ka goobayay
Dhammaad
Qore: Mohamed Musa Sh.Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN