Baadi goob Baahi badan!!!. Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur




    Baadi goob Baahi badan!!!
Qaybtii 3aad
C/ rashiid qorshihiisa uu kusoo xera galin lahaa ilhaan ayuu aad u dar dar galinayay, Najmo oo xaaskiisa ahayd safarna ku maqnayd way la ogayd arrinka oo waa tan hadaba timid oo kula kulantay hotel uu ilhaan kula caweynayay.
Ilhaan waa ogayd in C/ rashiid xaas lahaa hadana maadaama isku mar yimaadeen aabaheed iyo xaaska C/ rashiid ma rabin in wax shaki ah laga muujiyo.
Dhinaca kale xaaji xaashi wuu dareensanaa in isbaddal uu ku dhacay C/ rashiid balse wuxuu is lahaa xaalka daji tartiib ayuuna u aqbali doonaa C/rashiid xaaladdan soo korortay.
Dhanka kale waxaa baxsad  ahaa Qadar oo dhaawac ah yaasin oo ay isla shaqaynayeen ayaana dhaawacay ayaga oo dhacaya mid ka mid ah Gaadiidka xaaji Xaashi.
Qadar wuxuu ahaa mid la shaqeynayay labada dhinacba oo xaaji xaashina wuu la jiray qolada Guure ee wax dhacaysayna wuu la jiray laakin wuxuu ahaa nin meesha u joogay Xaaji Xaashi, dhaawac uu yaasin u geystay ayuuna baxsad lahaa.
Wuxuu tagay isaga oo dhaawacan guri uu ku dhuuman jiray laakin Yaasiin oo ogaa ayaa ka daba tagay, Qadar wadda kale uma furnayn aan ka ahayn in uu naftiisa la baxsado.
Yaasin oo daba jooga meel walbana ka raadinayay qadar si uu uga takhaluso ayaa yimid maqaayad uu is lahaa waad ka helaysaa maqaayaddaas oo ay ku wada shaahayeen Muxidiin iyo saaxiibadda Qadar( Maryan)
Wuxuu is lahaa waad ka helaysaa Qadar maqaayadan ama ugu yaraan saaxiibtiis maryan ayaad ka ogaan karaysaa halka uu jiro laakin muxudiin oo meesha la fadhiyay maryan ahaan mid ka mid ah raga ay is hayaan ayaa xaaladda sii adkeeyay.
Koob coffee ah ayuu meesha ku cabay yaasin gabadha u adeegaysana inta xoogaa yar oo lacag u laabay ayuu ku yiri “Qadar haddaad aragto isoo wac ama meel aad ku ogaato”
Maryamo waxay la tacaalaysay kasoo kabashada dhimashada hooyadeed shaqana ma haysan kaligeed ayey meel kusoo dhacday, muxudiin oo wax badan kala socday xaalka Hibo waa maryan hooyadeed ahaana ninka loo xilsaaray wax ka ogaanshiyaha maryan iyo hooyadeed ayaa maryama usoo bandhigay guri qarsoodi ahaa oo hibo u gadday gabadheeda balse uu Xaaahi kaliya ogaa gacantana ku hayay.
Maryama warbixintaas uu muxudiin siinayay aad ayey ugu faraxday laakin waxaa niyad jabshay in gurigaas ninka soo bandhigaya hadda uu yahay Xaashi oo aabaheed ahaa.
Ayada oo ka shallaynaysa in ay shaqadeeda ka soo tagtay ka fiirsasho la’aan ayey u mahad celisay Muxidiin” ugu yaraan shaaha aan wada cabnay waan bixin karaa ayey inta ku tiri muxudiin ku maca salaamaysay meesha.
Muxudiin iyo C/rashiid labadaba xaaji xaashi ayey u wada shaqeeyaan waana saaxiibo isku dhaw balse muxudiin uma muuqdo sida C/rashiix oo la maaagan xaajiga qayaano iyo dibindaabyo badan.
C/rashiid wuxuu aaminsanaa in xaqiisa maqan yahay, labadiisa waalid ay usoo shaqeen Xaashi isagan uu isaga u shaqeeyo,  qoys ahaana xaq ay u leeyihiin in ugu yaraan lagu abaal mariyo qayb ka ahaanshiyana boqortooyada xaaji xaasha maadaama ay wax badan u horeen.
Najma waa xaaska C/ rashiid qorshaha ah in ninkeeda uu soo xera galsho ilhaan wax waa ka ogtahay waasa iska dumaroo marka ay aragto ninkeeda oo naaga kale usii dhawaanayaa ayey is caburisaa.
Isaga oo raali galinaya dareensiinayana in qorshahooda sidii ay ku ballameen uu u socdo ayey ku tiri haa wax walba waa sidii loogu tala galay laakin ma ahan in aabaheed hortiisa aad wax kula samayso ama aabaheed uu ku dareemo.
Isaga oo kalsooni muujinaya ayuu ku yiri ” gacaliso najmo maxaa ka walwalaysaa? Ilhaan xeradayda ayey soo galaysaa, daahirna walwal kama qabo oo waa nin Mubadar ah daroogana dilatay.
Najma waxay muujisay in walwalkeeda uusan ka muuqan meelaha uu ninkeeda ka eeygayo ee ay u jeedo caqabad ka soo fool leh dhanka siciido oo ah xaaska u dhashay xaaji xaashi ilhaan iyo daahir.
C/rashiid wuxuu kula murmay xaaskisa najma in caqabad muuqata hadda aysan ahayn Siciido, balse qorshaheeda uu si dhow ula socon doono.
Najma aqoon wanaagsan ayey u leedahay dhamaan reer xaaji xaashi, qorshaheedana in ay marka u jihayso dhan kale ayey bidhaamisay.
C/rashiid oo la yaaban halka ay kala hadlayso ayaa yiri  haye maxaa kaa dhex guuxayo?
Maryama ayaa iga dhex guuxaysa ayey ku tiri,waxaan kaa rabaa in aad diiradda saarto maryama, maxaa yeelay waa gabar sida aabaheed u adag, waa gabar aan waxba haysan noloshana ka bilowday sida aabaheed oo kale, waa musharraxa qarsoon ee Xaaji Xaashi damacsan yahay in uu ku wareejiyo shaqadiisa.
C/ rashiid isla markiiba wuxuu soo xasuustay xaashi oo ku dhahaya waad ogtahay in aana wali go’aansan cidda aan ku wareejinayo shaqada, gabar kale ayaa ii joogto oon uga kalsooni badanahay kuwan, laakin aan igu fakar ahayn oo nacayb ay ii qabto dhiigeeda la wada ubrinayo.
C/ rashiid oo hadalka xaaskiisa wax ka fahmay ayaa xaaskiisa ku qanciyay oo yiri “waxba ha wal walin, maryan iyo anigaba isku xaafad ayaan ku soo kornay gurigeeda iyo keenana wuu isku dhaganaa, howshaas maryana wixii saacan ka bilowda igu hallee”
C/ Rashid iyo Najmo labadoodaba in xaqaoodu maqan yahay ayey iska dhaadhacsheen sidii xaaahi iyo qoyskiisa ay dhulka u dhigi lahaayeen ayey wax badan uga tanaasuleen qaasatan Najmo oo ninkeeda ugu samraysa in uu la haasaawo dumar kale iyada oo ujeedadu tahay qorshaynta mustaqbalkooda iyo helidda xaq ka maqan ee ay wada aaminsan yihiin.
Dhinaca kale xaaji Xaashi iyo Haajir ayaa booqday guriga cusub ee Hibo kula dardaarantay Xaashi in uu ku wareejiyo Gabadgooda Maryama.
Xaaji Xaashi wuu ogaa isaga iyo hibo ayaga oo kala fakar duwan hadana sirta kalama qarsan jirin, way is jeclaayeen balse labadooda hadaf oo kala duwaanaa ayaa u diiday in noloshoodu isla qabsato.
Waa sidaas, nolosha waa safar socda, safarkaasna labada ujeedadiisa isla fahanto ayaa kuwada gaari kara halka ay u socdaan, balse haddii uusan jirin heshiis iyo wax kale oo lagu mideesan yahay safarkaas midnimo looma wada gudan karo.
Gurigan mar mar ayuu iman jiray xaashi wuuna ku nasan jiray waa guri meel jawi dagan ku yaala.
Xaaji xaashi fure ma wadan waxaa bilowday astaamhaa cudurka ku dhacay, haajir ayaa guriga u furay meeshaas ayey xoogaa waqti ku qaateen isaga iyo haajir, guriga waa guri ay hibo ku xaradhay dhammaan xusuusteeda oo dhan, sidoo kale waxaa yiil sawirada xaashi iyo hibo iyo gabadhooda maryama, waa guri lahaa astaan jacayl iyo riyooyin ay hibo iyo Xaashi si wada jir ah ugu hammin jireen, balse waqtiga iyo danaha is diidayay ee iyada xaashi ka dhaxeeyay ay suura galin waayeen.
Xaashi iyo haajir waqtigooda markii ay qaateenba waa isaga dhaqaajiyeen goobta, xaashi ayaa warqad u dhiibay haajir uu ku leeyahay i xasuusi waxa aan qaban lahaa 30 daqiiqo kaste maxaa yeelay waxaa igu bilowday waxyeelada cudurka la iga sheegay.
Xaashi aad ayuu u aaminsan yahay haajir waa kii lahaa dhagtayda waxa ay maqsho way maqlaysaa dhagta Haajir, indhahayga wixii ay arkaana haajir indhihiisa waa arkayaan
Haajir oo dhoola caddaynaya ayaa yiri shaqa adag ayaa ii soo baxday ee maan xoghaynta u dhiibno arrintan?
Xaashi oo daba socda hadalkaas ayaa yiri “naftayda qof kaste kuma aamini karo si la mid ah qorshahayga, adigase haa”.
Haajir oo qoslaya ayaa yiri “waan ku qasbanahay marka in taleefon qaas ah oo howlahaas aan ku keydiyo samaysto”.
Haajir iyo Xaashi saaxiibo dhab ah oo ilaa yaraantoodi wada jiray ayey ahaayeen, sidoo kale haajir, Xaashi, hibo, iyo aabaha C/ rashiid afartaasba koox isla soo kortay waxna isla soo bartay ayey ahaayeen.
Taariikhda afartoodaba gadaal ayey iska soo furi doontaa balse xaashi sabab uu naftiisa ugu aaminay ayaa meesha ku jirtay, Haajirna wuxuu Xaashi u ahaa wax walba, wuu uga kalsooni badnaa, ilmihiisa iyo xaaskiisa.
Haajir waxaa loo diray raadinta wiilkii yaraa ee arkayay marka uu Xaaahi ka takhalusayay Tima jilic,  isaga shaqsiyan meel uu ka doono ma yaqaan balse mid ka mid ah raga uu aaminsan yahay ayuu howshaas u xilsaaray inta tilmaan siiyay.
Wuxuu ahaa shaqsigaas shaqada loo dhiibay mid ka mid ah booliska magaalada oo uu xaashi ku dhex lahaa askarta.
La soco qaybta 4aad Jimcaha
W/Q : Mohamed Musa Sh.Noor
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN