Baadi goob baahi badan! Q-15AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur


Baadi goob baahi badan! Q-15AAD

Xulufo cusub ayey samaysanayeen reer Muuse, ujeedkooduna wuxuu ahaa in ay la wareegaan dhammaan boqortooyada Xaashi. Boqortooyada Xaashi ma ahayn mid lagu dhisay dheel dheel, waxayna ahayd mid dhiig badan loo soo daadiyay, waxaana ku hoos noolaa dhammaan dadka magaalada oo dhan, isaga yuusan magaalada u talin magac ahaan, balse, ficil ahaan magaalada oo dhan boqortooyadiisa ayey ka amar qaadan jirtay, ma jirin laan dowladeed oo aan Xaashi ka amar qaadan, marka laga reebo Taliye Daacad. Daahir oo ahaa waran cusub oo isku soo taagay Cabdirashiid ayaa markaan la diriraya noloshiisa oo isbitaalka lagu hayaa, Cabdirashiidna wuxuu aad isaga dhowrayay in uusan cidna la hadal oo inta uu gacanta ku dhigi karo kala wareegga iyo xogaha caddaymaha ah ee uu Daahir haayo! Daahir isla markii uu soo naaxay waxaa ag joogay hooyadiis Saciido, balse, Cabdirashiid oo goobta yimid ayaa ka dhaadhiciyay in ay iska tagto oo ay wax yar soo seexato, isaguna uu wehelin doono Daahir.

Hooyo Siciido xoogaa ayey is adkaysay, balse, Cabdirashiid oo dhanka wax ka dhaadhicinta ku dheerayay ayaa ku guuleystay in ay baxdo. Markii ay hooyadu baxday ayaa Cabdirashiid wuxuu la hadlay Daahir oo UU hadalkU dhibayo isaga oo ugu hanjabay hadduusan hadlin in faleebooyinka xanuunka baabi’iya ee ku socday qaarkood uu ka joojin doono xanuunkana uu u dhiman doono. Hal su’aal ayuu waydiiyay isaga oo gacanta ku hayay telefoonka Daahir ayuu ku yiri: ma jirtaa cid kale oo aad kala hadashay arrinta caddaymahan? Daahir ayaa ku yiri: khadra oo kaliya ayaan kala hadlay mana jirto cid kale oo aan wax u sheegay! “Waa hagaag ayuu Cabdirashiid ku yiri isaga oo isla markiiba soo diyaarsaday qolooyin wax qafaasha oo uu doonayay in ay Daahir isbitaalka ka qafaashaan ka dibna ay lacag ku dalbadaan madax furashadiisa marka ay lacagta helaan dabadeedna ay dilaan.

Qoladii qafaalatay Daahir oo tacbaan ah ayaa dalbday lacag ka badan tii ay isku ogaayeen Cabdirashiid ayaga oo ballanta uga baxay Cabdirashiid. Reer Xaashi lacagtaas in ay keenaAN 24 saac gudahood ayaa lagu amray, dadaal dheer ka dibna lacagtii waxaa dhiibay oo shuruud ku xiray Nasro oo ahayd Daahir habaryartiis lana dhalatay Siciido, Daahir iyo Ilhaan hooyadood afada Xaashi. Howsha afduubashadu faraha ayey ka baxday, Cabdirashiid fashil kale in uu ku dhowyahay ayaa usoo muuqatay, xarig walba uu xirana wuu sii furmayay, culays badan ayaa soo foodsaaray, lacagta faraha badan ee ay dalbanayaan qolada afduubka geysatay, waxaa usii dheeraa lacagta ay isaga kula heshiiyeen oo ay gooni uga rabeen ayaga oo ugu hanjabay in ay fashilin doonaan qorshihiisa oo idil. Xaaladda Cabdirashiid aad ayey markan u xumayd, meeshii uu ku ogaa meel aan ahayn ayeyna ula fakadeen Daahir, Daahir oo xaaladdiisa aysan wanaagsanayn ayey u suura gashay in uu ka soo fakado qoladii inta aan lacagta lagu wareejin, balse, Cabdirashiid oo ciyaar kale ciyaarayay doonayayna in uu lacagta dhan isagu ku wareego ayaa yiri: aniga ayaa kala soo wareegaya afduubayaasha Daahir ee lacagta ii dhiiba, maadaama aan wax shaki ah laga qabin, howlahaan oo kalana isaga uu u qaabbilsanaa qoyska waana loo dhiibay lacagtii.

Afduubayaashii gacantooda waxba kuma jirin Daahir wuu ka soo baxday isaga oo horey uga soo qaatay bastoolad ay miis ku hilmaameen, Cabdirashiid oo ayaga raadinaya ayaa dhex kula kulmay Daahir oo baxsad ah, raadinayana gaari horey usii qaada. Daahir isla markii uu arkayba Cabdirashiid bastoolad ayuu ku qabtay, balse, Cabdirashiid oo isla markiiba fahmay in wadda kale aan ka ahayn in uu midkood dhinto ayaa gaariga xowli ugu qaaday Daahir oo waddada bastoolad la taagnaa kuna soo riday dhowr xabbadood, dhaawac ayaa garabka bidix ka gaaray Cabdirashiid, halka Daahir gaariga uu ku tuuray waddada geeskeeda halkaasna Daahir uu ku qurbaxay.

Cabdirashiid  isbitaalka ayuu ka soo hadlay isaga oo markan Daahir ka takhalusay, lacagtii madaxfurashada ahaydna ku tagay ayaa ka dhaadhiciyay reer Xaashi in afduubayaashu ay isagana dhaawaceen kana tuureen Daahir gaariigii ay ku wadeen ka dib markii uu dagaal ku dhex maray halkii lagu heystay, isaguna oo doonayay badbaadinta Daahir uu dhaawacaas soo gaaray lacagtiina ay qaateen  afduubayaashii. Taariikhda inta guulaysata ayaa qorta baa horey loo yiri: ee Cabdirashiid waxba kama uusan ogayn qaabaka uu aabbihiis u dhintay, balse, taariikhda qoyska waxaa dhinac walba kala socday Nasro oo iyana kaarkeeda boqortooyada dhinac ka ciyaaraysay.

Cabdirashiid oo is leh wax walba sidii loogu tala galay ayey kuugu socdaan ayaa ka war helay in Xaashi uu guriga boqortooyada iyo dhammaan nus ka mid ah hantidiisa uu u saxiixay reer Muuse sababa dhaqaala xumo awgeed. Nasro oo ogayd si hoosana ula socotay qaab ciyaareedka Cabdirashiid ayaa inta u timid ku tiri: “ma kula tahay: in aad si dhow kula wareegi karto boqortooyadaan?. Haddii aad tahay wiilka Xaashi soo korsaday aqoon dhab ah ma isku leedihiin Xaashi?. Adigu waxa aad is tiri: wax aad xaq u leedahay ayaa kaa maqan sidaas ayaadna u doonaysaa in aad boqortooyada kula wareegto, anigana sidoo kale xaq aabbahey i duudsiiyay ayaan doonayaa in aan dib u helo oo boqortooyadaan oo dhan aabbahay ayaa alkumay, Xaashina xooga iyo xeelad ayuu aabbahay uga qaatay, anigana sidii ayaan doonayaa in aan dib ugu soo ceshado, taasna labadeenna waxay naga dhigaysaa laba qof oo wada ugaarsanaya hal ugaar, mid walbana uu doonayo in uu goonidiisa u cuno”.

Nasro oo sii hadlaysa ayaa waydiisay: Cabdrashiid “in uu ogyahay in Xaashi uu yahay kan dilay aabbihii? inta uusa u jawaabin ayey sii raacisay; in isla Xaashi uu yahay kan u sameeyay dhacdada sida isaga uu rabo in la ogaado, balse, dhabta aysan ahayn sida  loo sameeyay, sida ay u dhacdayna ay ka duwantahay sida uu Cabdirashiid maqlay. Cadaawadda Cabdirashiid waa sii fogaatay markaan, awal in la gacan bidixaynayay ayuu aaminsanaa, haddase, sawir kale ayaa usoo baxay, xanuunka dilka aabbihii in uu u aargudo ayuuna go’aansaday. Shalay haddii uu ku fakarayay la wareegidda boqortooyada maanta in aysan u suuragal ahayn ayuu ogaaday, aad ayuuna uga shallaayay in qorshayaasha uu ku calool dooxayay dhammaan boqortooyada reer Xaashi ay si dadban uga faa’iidaysteen qoyska reer Muuse. Xaaladda Cabdirashiid iyo kaararka uu ciyaarayay dhammaantood dib ayey ugu soo laabteen oo ma gaarin hadafkii uu lahaa, balse, wuxuuba ka dhaxlay xanuun aysan ahayn in uu ogaado kaas oo ah: ninka aabbihiis uu ka dhiganayay in uu noqdo dilaagii aabbihii nafta dhaafiyey.

Wadda kale uma furneen aan ka ahayn in uu isa sii raaciyo Xaashi oo dhaqaala ahaan hoos u sii socday, sidoo kalena, caafimaad darro iyo khilaaf xanuun badan oo ku sii faafayay qoyskiisa, intaas oo dhanna waxaa abuuray; Cabdirashiid marka laga reebo xanuunka ku dhacay. Taliye Daacad akhbaar wanaagsan ayaa la soo gudboonaatay ka dib markii loo soo wareejiayay mid ka mid asxaabtiisa uu ugu aamminka badan yahay loona soo xil saaray in uu kala shaqeeyo soo qabashada Xaashi. Reer muuse magaalada ayey ku cusbaayeen waxayna doonayeen in dhammaan ay helaan xiriirada dhanka dowladda taas uu Xaashi diiddanaa in ay helaan, maxaa yeelay, haddii uu taas dhiibo Xaashi wax u haray ma jirin, wax wlabana gacantiisa ayey ka bixi kareen, sidaa darteed, Xaashi wuu is adkayanayay, wuxuuna ku dadaalayay in wax walba ay gacantiisa ku jiraan qoladana ay ku ekaadaan qayb ku lahaanshiyaha shirkadda, balse, aanay awood u yeelan xiriirrada dhinaca dowladda.

Qoyska reer Muuse markaan waxay gacanta ku dhigeen garab millitary oo uu Yaasin hoggaaminayo magaaladana ay ku carqaladayn karaan ayaa markan maleegayay qorsha walba oo Xaashi loogu dirayo Xabsi iyo sidii ay u heli lahaayeen furayaasha dadka Xaashi uu adeegsado ee dhinaca dowladda. Ayaga oo ambaqaaday sidii ay u dili lahaayeen wajiga Xaashi iyo sumcaddiisaba ayey isla markiiba waxay la yimaadeen qorsha looga takhalusayay saaxiibka cusub ee taliye Daacad oo dhawaan gal ku ahaa magaalada. Yaasiin ayaa diyaariayay qorshe qarax loogu xirayay gaarigiisa Mahad iyo Nasrana arrintaasna waa ay la ogaayeen. Qarax xooggan ayaa ka dhacay qaybta baabuurta lagu baakimo ee booliska waxaana goobtaas ku dhintay saaxiibkii cusbaa ee taliye Daacad,  taliye Daacad oo qorshahaas loogu dan lahaa in dhiiggiisa lagu sii kiciyo ayaa isla markiiba xanaaqay wuxuuna go’aansaday in uu helo waddo walba oo Xaashi uu ku xiri karo sharci darraba ha noqotee.

La soco qaybaha xiga haddii Ilaaheey idmo!
W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

NAGA LA SOO XARIIR:
laashin77@gmail.com
 

 

SHEEKOOYIN