Ballan ayaan ku qaaday halkuu tegay in aan tago. W/Q: Amina Cabdillahi

sh

Ballan ayaan ku qaaday halkuu tegay in aan tago.

Waxa aan ku suganahay Dalka Masar, gaar ahaan Magalada Qaahira. Dhawaan ayaan gelayaa Safar dheer oo Geeri iyo Nolol u dheexeeya. Todobaadka dambe ayaan Badda gelayaa oo Doon raacaya. Lacagtii Noolka ahayd ee doonida aan ku raacayay waan sii qaddimay, si aan u noqdo dadka uge horeeya ee nasiibka u helay doontaas.

Runtii waan ka warqabaa dhacdadii murugada badnayd ee saaxiibaday ku nafwaayeen. Dhamaantood waan aqaanay, hebel iyo hebel miidhan bay ahaayeen, Dad aanu badankooda meel ku soo wada kornay bay ahaayeen.

balse wax waliba waa Qaddar Alle oo toodii ayaa dhamaatay. Dhacdadani safarkayga waxba kama bedelayso, ma
niyad jabayo ilaa aann gaadho halkii aan rabay, amaba aan dhinto amba aann noolaadee. Hargaysa waxa aan ka soo baxay, dabayaaqadii sanadkii hore 2015. Jaamacadaha dalka mid ka mida, ayaan ka qalin jebiyay sanad ka hor. Shaqadii aan naawilaayay waan waayay oo nasiib umaan helin. Supermarket yar ayaan shaqo yar ka helay, mushaharkayguna wuxu ahaa runti wax aad u yar, oo noloshayda aan kafayn karayn 150 dollar. Waayo reerkayagu Danyar buu ahaa, aabbahay wuu indhola’aa, hooyadayna iskiriinka ayay xidhxidhijirtay.50 dollar aniga ayaa qaadan jiray, oo shopinkayga siisan jiray, 100 dollar Xaafadda ayaan siin jiray.

Warsame oo ka mid ahaa Ardaydii aanu isku fasalka ahayn, waxbarashada soo wada qaadanay, isku meela aanu ku soo kornay, Kubaddana wada ciyaaro jirnay, ayaa sanadkii ugu horeeyay markuu Jaamacadda nala dhigtay tahriibay. Sweden ayuu galay, Saddex Sano markuu maqnaa, ayuu Hargaysa yimid, asxaabtii oo dhan ayaa soo dhowaysay, sida Madaxwaynaha ayaa loo qaabilay, Dareen Qiiro leh ayaa lagu soo dhaweeyay, ciiddi ayuu dhunkaday, taytal aanu lahayn ayaa loogu yeedhayay, sida Aqoonyahan, Ingineer. Markasata casuumado ayuu ka bixiwayay, oo sidaad ula kulantaa way adkayd, isagiina wuu is qaatay, oo wax aanu ahayn buu iska dhigay. Waxa uu iga qaaday oo guursaday, ina abtiday Samiira Caddey oo aannu is jeclayn ilaa yaraantayadii. Berigii hore ee uu dalka joogay, way nebcayd oo ninba umey arki jirin, reerkoodii ayuu waydiistay oo ka doonay. Markii ay u sheegtay inay aniga i jeceshahay oo aanay wiilkan guurkiisa raali ka ahayn, reerkoodi anigii ayay igu caayeen Faqiirnimadii, haddaladii ay igu aflagaadeeyeen ee ay gabadhooda kulahaayeen waxa ka mid ahaa ,, ninkan fiiqirka ah xaguu ku gaynayaa? maxaad ku falaysaa guurkiisa, waad ku bakhtiyaysa, kan iskama furo oo iskama faydo, Af qalalan ayuun buu kugu doonayaa, iska ilow,,
Halka laga amaanayay wiilka kale ee qurbaha ka yimid, waa inan fiican oo shaqaysta, wallee kaasi waa raga kuma jire, Janadii ifkaad heshay hasiidayn, waann kugu ducaynaye.

Maalintaas wixii ka dambeeyay, niyad jabwayn baa igu dhacay, anigu muruqaygii ayaan cunayay oo ku shaqaysanayay, oo dalkayga waan aaminsana. Balse inan yar oo aan ka aqoon badnaa, oo caydh yar Yurub ka soo dawarsaday, hadduu markuu dalka yimaado, la sharfo oo la karaamayo oo Cir iyo Dhulba laga qaado, Ballan ayaan ku qaaday halkuu tegay in aan tago.
W/Q: amina cabdilahi

SHEEKOOYIN