BEN CARSON Q-3AAD W\Q. Cali M. Diini

BEN CARSON Q3AAD

Ben Carson iyo qoyskiisu markii ay Detroit ku soo noqdeen waxa uu dib ugu noqday iskoolkii, waxa uu ahaa fasalka 5aad. Carson waxa uu ahaa mid waxbarashadu aad ugu adag tahay fahamkiisuna aad u liito ilaa ardayda iskoolku ku naynaasaan damiinka fasalka iyo qofka ugu damiinsan adduunka oo dhan. Carson waxa uu yiri “inkasta oo tilmaantaas damiinnimada ee ardaydu iigu yeeri jireen ay aad qalbiga ii xanuunjin jirtay haddana ka ma aanan dagaallami jirin waayo ma aanan hayn wax aan ku beeniyo maadaama aan maaddo walba oo iskoolka lagu dhigo halka ugu hooseysa ka joogay dhibco ahaan.” Waxa uu yiri “maalin ayaa macallimadda iskoolka waxa ay noo qaybisay su’aalo kadis ah. Markii su’aalihii ardaydii ka wada shaqeeyeen ayaan ardaydu bilaabeen in ay waraaqaha isdhaafsadaan oo jawaabaha saxda ah kala qaataan kaddibna jawaabaha qof walba inta uu saxay oo dhibco aj waraaqda dhankeeda sare lagu qoro.

Kaddib macallimadii ayaa billowday in ay arday walba waydiiso dhibcihiisa (inta jawaabo ee uu sax uga jawaabay, markaas ayaan go’aansaday si ugu yaraan aysan ardaydu u maqlin dhibcaha aan keenay. Aniga oo codka jiidaya iskuna maldahaya ayaan iri “N-n-u-n!” markaas ayaa macallimaddii tiri “haa “Nine! That’s wonderful Ben, that’s real emprovement…just keep working those practice problems, Ben you’re obviously catching on…” Intaas kaddib ayaan gabadhii aan waraaqaha isdhaafsannayd ee ogayd in aanan hal xabbana sixin kor u qaylisay oo tiri “Bennie said, NONE! Not nine! He didn’t get any right!” Hal mar ayaa fasalkii dhammaa qosol oodda jabsaday. Waxaan dareemay ceeb iyo liidnimo. Waxaan is irir “Allow ayaa darbiga hal mar kaa dusiya oo aan fasalkaan dib dambe kuugu soo celin.

Asbuucyo kaddib aniga iyo Curtis waxaa helay warbixintii iyo dhibcihii imtixaankii sannadka dhexdiisa. Annaga oo rejaynayna in hooyo waraaqaha si ogaal la’aan ah qashinka ugu darto ayaan waraaqihii jikada uga tagnay. Markii ay hooyo timid waxay soo qaadday waraaqihii oo isha la raacday, halkii aan ka sugaynay in ay xanaaqdo ayaan dareennay in ay aad u murugootay. Ayada oo codkeeda iyo indheheedaba murugtu ka muuqato ayay nagu tiri “wiilyhow, haddii aad sidaan ku sii socotaan noloshiinna waxaad ku dhammaysan doontaan xaaqidda iyo nadiifinta sagxadaha (floors) warshadaha, taasna ma ahan wixii Ilaahay idin la rabay. Ilaahay waxa uu idin siiyay maskax cajiib ah waxa uu na idinka doonayaa in aad maskaxdaas cajiibka ah adeegsataan.” Waxaan isku dayay in aan hooyo ka dhaadhiciyo in uusan imtixaankani ahayn kii sannadka ee uu yahay midkii dhexe. Balse waxa ay tiri “kani waxaa uu hordhac u yahay kan dambe ee sannadka iyo waxa aad keeni doontaan.” Hooyo waxa angu tiri “ma aqaan waxa aan sameeyo balse Alle ayaan idiin baryayaa caawa subixiina waan idiin sheegayaa waxa uu Alle rabo in aad samaysaan, haddana ordahaya seexda.” Sidii ayaan aniga iyo Curtis habeenkii ku seexannay aniga oo ka welwelsan waxa Allle hooyo ku soo oran doono oo aysan subaxdii noo sheegi doonto.

ASBUUC WALBA LABO BUUG iyo LABO WARBIXINOOD

“Subaxdii ayaa hooyo na la fariisatay aniga iyo Curtis halkiina ku bilowday “ma xasuusataan in aan xalay idinku dhahay Alle ayaan idiin baryayaa si uu ii siiyo xikmad ku saabsan dhibcihiinna iskoolka? “haa hooyo,” ayaan ku dhahnay. Waxa ay tiri haddaba waxaan u malaynayaa in Alle i siiyay xikmaddii.. waa na tan.” Ugu horrayn waxa aan dambinaynnaa TV-ga. Asbuucii 2 ama 3 barnaamij ayaad daawanaysaan, waa in aad doorataan barnaamijyada aad jeceshihiin, dhammaan saacadaha kale waxa aad gelin doontaan akhris.” Aad baan uga gilgilnnay go’aankaas oo aan u aragnay mid aan macquul ahayn. Hooyo waa sii wadday hadalkii. “Sidoo kale waxa aad dooranaysaan buugta aad akhrinaysaan. Ugu yaraan 2 buug asbuuc walba kaddib waxaan idinka rabaa in aad buug walba warbixin ka soo qortaan marka asbuucu dhammaado.” Hayaay! Hayaay! Tan ayaaba ka sii daran. Labo buug ahaa? Weligayba 1 buug ma akhrin, kaliya buugaagta iskoolka ee macallimiintu inoo akhriyaan maahan ma anigaaba buug kale baalashiisa kala rogay! Waxaan isku dayay in aan hooyo ka dhaadhiciyo in ay tani tahay fikrad waalli ah balse hooyo mar hore ayay go’aan gaartay waxa ayna igu tiri “Bennie hooyo macaane, sow ma ogid haddii aad akhrin kartid in aad baran kartid wax walba oo aad rabtid in aad ogaatid? Albaabada adduunku waxa ay furan yihiin dadka wax akhrin oo kaliya.”

Waxaan ahaa 11 jir aan dan ka lahayn albaabada adduunka ee u furan waxaan danaynayay kaliya in aan bannaanka ku soo ciyaaro. Tan kale halkee baan ka keenayaa bugaaagta aan asbuuc walba akhrinayo maba aynnaan awoodin in aan soo iibsannee? Taas hooyo ayaa qorshe u haysay. Maktabadda Dadweynaha ee Detroit ayaa aad gurigeenna ugu dhawayd, halkaas ayaan tagaynnaa oo buugaagta ka soo amaahanaynnaa asbuuc walba. Arrinta farxadda lahayd ayaa ahayd in hooyo akhtiyaar noo siisay buugta aan rabno in aad akhrinno oo aan annagu dooran karno.

Maalintii xigtay ayaan aniga iyo Curtis tagnay Maktabadda Dadweynaha ee Detroit. Markii aan maktabadda tagnay ayaa gabadh ka shaqaysaa ii timid i na waydiisay buugta aan rabo in aan akhriyo? Balse waan aamusay oo juuqna u ma oran. Kaddib ayay i waydiisay maaddada aan ugu jeclahay maaddooyinka aan iskoolka ku dhigto? Markaas ayaan iri “tan xayawaanka ku saabsan.” Kaddib waxa ay i gaysay qaybta buugaagta xaywaannadu yaallaan. Aas ayaan u la yaabay tirabadnida buugaagta meesha taallay. Kaddib waxa aan soo qaatay 2 buug.

La soco Q4aad haddii Eebbe idmo.

W\Q; Cali M. Diini

SHEEKOOYIN