Beriba mid kalaan guursan!!!! (Sheeko Gaaban) W\Q: Amina Abdillah

sh

Beriba mid kalaan guursan!!!!

Isaga oo Doobnimo ku waynaaday, Da’diisuna ay cagagaynayso kontomeeyo, horena Xillo loogala quustay ayuun buu mar keliya calafkiisii soo baxay oo waxa uu guursaday Gabadh ay Toddoba cisho is yaqaaneen, oo la yidhaahdo Muxibo.

Marka uu reerka yagleelay, Wax shaqo ah oo rasmiya muu hayn, balse waxa uu ahaa Muruqmaal suuqiisa ka xamaasha,qoyskiisa cusubna uga adag qawtal daruurigoodda. Qayrkii iyo qayr xigihii waxa ka hoos mariyay Balwad. tan iyo maalintuu garaadsaday, waxa uu daaqaayay Caleenta cagaaran ee Jaadka ah. Baakidhka sigaar ka ah daqiiqado kooban ayuu dabada isugu qaban jiray, oo budhbudhin jiray. Qiiqa afkiisa ka soo baxaaya waxaad moodda Geed madow oo xaabo laga shiday oo qiiqu malayoomaayo.

Cuntada uu quudanaayo saddexda Wakhti waxa uu ka jecel yahay Jaadka iyo Sigaarka. Subixii markuu Hurada ka tooso, xabbad sigaara ayuu shitaa, Jaad uu xalay sii dhigtay ayuu ku jabaneeya, Quraac isma yaqaaniin. Koob yar oo bigaysa ayuu afka ku dhuftaa, Labada canba kii yoo jaadka ku cunaya xabad sigaarana cabaaya ayuu guriga ka baxa oo suuqa u xamaal tagaa.

Hoygiisa Waxaa uu ku soo noqdaa, habeenkii xilli dambe oo la seexday, Shilimadii yaraa ee u soo helay, intuu jaadka siistay mooyaane intii kale ayuu saraa Miis yar oo dhexyaalay Maqsinka ay ku jireen. Muxibo, iyada oo xanuunsanaysa xagna ka werwersan ayuu habeen walba saqdadhexe kaga seleliyaa, oo Daaqdda ku garaaca, isaga oo aad moodo qof sarqaansan ayay ka furtaa Albaabka.

Guriga markuu soo galo Kuma yidhaahdo maxaad ku soo nabad hoyatay, iyo ma nabad qabtaa toona, Hadhuudh yar iyo koob Caano ah, oo ay madiimad iyo joog yar ugu kala shubtay ayuu ku casheeyaa, Markuu intaa cuno degdeg buu u jiifsada, oo isu duu duuba Furaash yar oo maqsinka dhexyaala.

Muxibo, ilmihii koowaad ayay Caloosha ku siddaa oo walaciisa tahay, oo weliba ay ku xannuunsatay, habeeniyo maalinba way matagaysa, Cunto jidiinkeeda Ma marto, oo Luun baa gawracay, afkana jiil baa ku wareegay, wixii ay markaa cuni karaysay ee ay jamatayna ma haysato lacag ay ku soo iibsato, waayo shilimada yar ee uu keeno isaga ayay wax ugu samaysaa oo ku daryeesha.

Bukaanka waxa u sii dheer Dayac, Darxumo, iyo daryeel la’aan, Iyo Baahi joogto ah, haddana Ma xasuusato nafteedda, ninkeeda ayay ka fikirta wuxuu cuni lahaa, dharkuu xidhan lahaa. Iyo weliba inta uu suuqa ku maqan yahay, oo waxa ay is dhehdaa, armay Tuugi dishaa isaga oo soo gudaaya xilli dambe.

Inta badan habeenkii ma seexato, oo way matagtaa, si ay sanqadha uga yarayso si uu hurdada uga bogto ayay Daaradda Caw dhigata, baaldigii ay ku matagilahayd iyo biyihii luqluqada ay ka dhiganaysay, ayay isa soo ag dhigtaa, halkaas ayay habeenkii oo dhan ku baxa degtaa.

Isagu ma oga, mana dareensana in xaaskiisu Uur leedahay, xanuunkeedana kama war hayo, haddana habeen kamuu dhixin gurigiisa, waa maqane jooga, waa Qof Jaad qaatay, Cidna aan dan kala hayn. Afar bilood markuu uurkii marayay, welina aannu ogaan, ayaa waxa usheegtay, gabadh aayadii abtiya, oo ku tidhi:” miyaadan ogayn gabadhaadu inay uur leedahay? Isaga oo aan farxad badani ka muuqan, ayuu islaantii ku yidhi:”inay uuryeelato awalba saw umaanu guursan? maalmaha iyo wakhtigu waxa ay is guraan ba, waxa la soo gaadhay wakhtigii ay gabadhu dhalilahayd, sedkeeddii ayaa buuxsamay, laba iyo tobankii Duhurnimo ayay foolatay, Markii nabarkii fooshu qabtay ayay ninkeedii la hadashay, Waxa ay ku tidhi:” waan foolanaya ee kaalay dhakhtarka igee” isaga oo murqaan halkii ugu dambaysay maraaya, oo lixda laba ka dhigaaya, maalintuna ay habeen u tahay, ayuu ku yidhi:” “kollay jaad ayaan u fadhiyaa, kuuma iman karaayo e’ hablihii walaalaha ahaa la haddal, iyagaan wax camal hayne oo kuu imanaaya.

Muxibo, Walaasheed ayay u yeedhatay, oo Tagsi u soo kaxaysay dhakhtarkiina gaysay, digtoorkii dumarka dhalaya qaabilsana ayaa loo geeyay, isla markiiba waxa uu yidhi:” waa qalliin gabadhu ilmahaa ku waynaaday, Waadhka qalliinka geeya, ciddii saxeexi lahayd iyo lacagtii qalliinkaba diyaariya.

Ninkeedii kabadh qaadka lagu iibiyo ayuu gurada u fadhiya. marduuf qaada iyo Falaas shaaaha, oo Hayl iyo Sonkor laga buuxiyay ayaa hortaala, bakeerigii shaaha lagu cabaayay ,seerarkii sigaarka lagu bakhtiinayay, caagad biyo ah oo hal litir qaada, iyo laba baakidh oo sigaara, oo intaas isugu qoofalan baa hortiisa yaala. Toban saaxiibadiiya ayaa hareeraha ka fadhiya, Heeso qaaciya ayay dhegaysanayaan, Gabadhii kabadhka lahayd, ee jaadka gadaysay . Hortooda ayay soo fadhida, oo kursi isku gadhoodhinaysaa, lacagtii qaadkana way ka xisaabinaysa, Hawo dhexe ayuu ku jira, Marqaan dartii cirkuu sawiranayaa inuu lug ku gaadho, Taleefoonkiisi ayaa soo dhacay, waaba lambarkii xaaskiisa, sidaa intuu u eegay lambarkii ayuu yidhi:” marqaankay naga jiidhaysaaye nagada waxba haka qabane, Saddex jeer oo kale ayaa taleefoonkii la soo celiyay, mar afraadkii ayuu qabtay.

Waxa soo garaacaysay dumaashidii, si ay ula socodsiiso Xaaladda, Waxa ay ku tidhi:” Xaaskaagi waa qaline soo gaadh, isaga oo Jaahilnimo iyo Naxariis darro ka muuqata hadalkiisa ayuu dumaashidii ugu jawaabay, “markaan marduufka dhameeyo ayaan soo kacayaa” Dumaashidii oo af kala qaad ku dhacay, ayaa haddana ku tidhi:” walaal soo yara kac aad noqotide, labba nafood ayaa Khatar ku jirtee”

Haddana waxa uu ugu jawaabay waan iman doonaa, Alle ayaa arkaayay oo u hiiliyay miskiiintii aan haysan lacagta lagu qalaayo, Mar qudha ayuu radiidkii fooshu qabtay oo Wiiil cadi dhashay, goor 12:00 habeenimo ah ayuu cusbataalkii yimid ninkii, weliba Qaybtii qalliinka Umulaha, waadhkii markuu soo galay, ayuu dumarkiii qalinka loo diyaaarinayay ka waayay xaaskiiisi, Dumaashidiina lamarkeeedii way xidhatay, Dumaradiii neeraska ahaa ayaa ku yidhi:” Gabadh baa isku dhimataye, armay taada ahayd ayaa lagu yidhi:” intuu iska dhaqaaqay aayar buu yidhi:” berri ba mid kalaan guursan.

W\Q: Amina Abdillah

SHEEKOOYIN