BURSALIID GADE BARWAAQAYSTAY! (SHEEKO GAABAN) Qore: W/Q: Mohamd Musa Sh. Noor

mandasi

BURSALIID GADE BARWAAQAYSTAY!

Xafiiskiisa shaqada ayuu usoo galay sida uu subax walba usoo galay jiray, subax walba waa arrinkeeda iyo dareenkeeda, waxa lala kulmayaana mar walba waa kala duwan yihiin.

Saakaa wuxuu lasoo kulmay Inan yar oo taagan Miiska qaabilaadda darbigana ku santeecsan, lugahana darbiga u saaran yihiin, waa uu taagnaa ee labada lugood ayuu mid darbiga saartay midna ku taagnaa.

markuu sidaa u arkay wiilkii ayuu waydiiyay magiciisa iyo halka uu ka yimid.

wiilka ismaba dhibin qaabka uu u dhaqmayeyna ma ahayn qaab Cabsi ka muuqato, su’aal walba oo la waydiiyo wuxuu uga jawaabayey si aan cabsi lahayn oo caadi ah.

ninka wax waydiinaya waa ninka iska leh Shirkadda, waana ninka ay ku bilaabatay ficilikiisa sheekada, waa Booska ama Madaxa shirkaddaas oo dhan.

su’aalihii uu ka doonayey marka uu dhamaystay ayuu ku yiri ” wiilow mushaarkaaga waa meeqo”

ismaba waalin wiilka lacagta uu bishii sameeyo ayuu u sheegay oo ahayd lacag u dhiganta 200$

ninkii booska ahaa wuxuu is lahaa ninkaan waa mid ka tirsan shaqaalahaaga oo aqoon gaar ah uma lahayn wiilkan.

inta sheekada socotay waa sheedha kala socda balse aan hadlayn gabadha fadhiisata xafiiska qaabilaadda.

kadib markii uu yaqiinsaday inta uu wiilkan yar bishii qaato ayuu siiyay lacag u dhiganta 600$ waa saddex bilood inta uu heli lahaa.

wuxuuna ku yiri meesha in darbiyada la istaago oo boosaska si aan xushmaysnayn loola hadlo uma furan, ee waxaad samaysaa lacagta aan ku siiyay waa mushaarkaaga oo saddex bilood ah inta qaadatid meesha isaga bax.

inta yara qoslay wiilkii ayuu yiri wa mahadsantahay, Allaha intan iiga kaa soo qaaday ayaana mahaddaa leh, balse, mid ayaan kuu sheegayaa, ha shallaaynin marka aad dhab u ogaato waxa aan ahay.

aad ayuu milkiihii shirkadda u carooday isaga oo indha gaduudinaya ayuu ku yiri ” meeshan isaga tag shaqa kuuma taalee ”

wiilkii sidii ayuu ku tagay, mana soo laaban mar dambe, mar dambe oo ay gabadha xafiiska qaabilaadda joogta uu la hadlay milkiilihii ayuu waydiiyay qofka uu ahaa wiilka sida aan cabsida lahayn ula hadlayay saaka.

ismaba dhibin waxay tiri ” Boss wuxuu ahaa wiilkaa, wiilka inoo keena Bursaliidka”.

oo shaqaalaheena kama tirsanayn miyaa? maya ayey ugu jawaabtay, markaas ayuu ku yiri “barri haduu keeno bursaliidka, Xafiiska iigu keen.

Maalikii ku xigtay maba imaan wiilkii ilaa usbuucna shaqada maba soo galin, usubuucii kale ayuu yimid isaga oo shaqadiisi wata, kolkaas ayey gabadhu u sheegtay in uu booska rabo.

si cabsi la’aan ah ayuu ugu tagay, hadalna wuxu ka bilaabay, haddaad i waydiin rabto lacagtii aad isiisay iska illow, aniga in aan shaqaalahaaga ahay ayaad lacagtaas iisiisay, mana ahayn shaqaalahaaga, jaanis iima siin in aan kula hadlo kuuna sharraxo qofka aan ahay iyo waxa aan meeshan ka qabato.

waxaa i waydiisay wixii aad rabtay, sida aad u jeclayd in aad u hesho jawaabahana waan kuu siiyay, waxaad i tiri boosaska ma xushmaysid, balse taas runtaa ma ahayn, haddaanan ku xushmaynayn, waxaan kuu sheegi lahaa waxaan ahay, si aanan hadalka kaaga qasin ayaan kuu dhagaystay mana rabin in aan hadal kugu soo celsho kuna niyad jabsho, wixii aan is dhahayay wuu jecelyahay ayaan ku dhahay, adigana dhaqankaaga ayaad i tustay, Eed kuma lihid, in qofka agtaada uusan qiima ka lahayn ayaad muujisay oo shaqadiisa si dhaqso ah uu ku wayn karo.

In lagaa cabsado in aad jeceshahay ayaad muujisay, runta haddaan kuu sheegana kaama cabsanayo marna kaama cabsan doono, waayo wax aad i dhertahay maba jiraan, haka xumaan qaabka aan u hadlayo waayoo adiga ayaa dalbaday in aan xafiiskaaga imaado, mar haddaan imidna waa in aan kuu muujiyaa qofka aan ahay.

Mlikiilaha shirkadda waxaa ka dhaadhici waayay kalsoonida uu wiilkan yar haysto iyo sida uu ugu adagyahay uguna qanacsan yahay waxa uu yahay, markaas ayuu wuxuu waydiiyay, willow waxaad tiri waxba ima dheerid, maxaan wax kuu dheeraan waayay soo uma jeeddid meesha aad taagantahay iyo inta qof ee aan aniga meeshan ku quudiyo oo Mushaar ku siiyo?

Wilkii ayaa ku jawaabay, horta aan ku saxo, dadka adiga ma quudisid, Allihii abuurtay ayaa quudsha ayagana way kuu shaqeeyaan oo waxa aad tahay waa kuwa kaa dhigay, waxa aad ku faanaysana waa kuwa u sababta ah, marka waad isku baahantihiin.

Tan labaad ee aad igu tiri waxbaan ku dheerahay wali waxaan kuu sheegayaa in aadan waxba i dheerayn, laga yaabee in aan kaa hurdo fiicanahay kaana wal wal yarahay, waad shaqaysataa oo waxaad cuni lahayd iyo waxa aad xiran lahayd waad soo saarataa anigana sidoo kale.

Qaabka aad tahay in aad ahaato waxaa kuu doortay Allaha ku abuurtay waana in aad ku qanacsanaataa oo aadan ku dulmin dadka kale, teeda kale waxaan kuu sheegayaa allaha iiga kaa soo qaadaya inta aan shaqeeyo saddex bilood isla Allahaas ayaa sidaan ahay iga dhigay waana ku qanacsanahay runtii.

Ma aqaan sida aad u fahamtay Nolosha, aniga waan cunaa, waan cabaa, waana labistaa, caafimaadna waan qabaa, waana shaqaystaa, ma aqaan waxa aad i dheertahay, adiga waxaan ku waydiin lahaa ma wal wal la’dahay, mase Caafimaad qabtaa?

Milkiilihii wuxuu ku jawaabay, ma caafimaad qabo haddaan caafimaad qabo shaqaalahayga uma maleeyeen Nin shaqaysta oo halkan u beec keena bursaliid, ma wal wal li’i oo subaxa aan lacagta ku siinayo waxaan ahaa Neerfooso, marka in aad wax i dheertahay ayaan kuu qiray, iga raali noqo iskana key cafi.

Milkiilaha isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu ku yiri wiilkii, shalay 600$ ayaan ku siiyay, maanta 6000$ oo u dhiganta 30 bilood mushaarka aad heli lahayd, ama laba sano iyo bar.

Wiilkii ayaa uga mahad celshay lacagta uu baxshay, wuxuu waydiiyay in uu wax ka codsan karo iyo in kale, markaas ayuu yiri, iga codso waxa aad doonto waan samaynayaa.

Markaa ayuu yiri lacagtan lixda kun ah waxaan ku qaadan kara adiga oo shaqaalahaaga oo dhan min hal bil oo dheeraad ah ugu daro Mushaarka, markaas ayuu ku yiri waan aqbalay, adigana mid ayaan kaa codsanayaa in aad shaqaalahayga ka mid noqotid waliba xoghayntayda aad noqotid, sidaas ayuu ku aqbalay, bursaliidkiina wuxuu isku baddalay Booska bartaas shaqada.

 

W/Q: Mohamd Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN