DAACADNIMADA – W.T: IBRAAHIN-NOLOSHA

Nin boqor ah baa u yeeray saddex ka mid ah wasiirradiisa oo ahaa raggii ugu muhiimsanaa taliskiisa. Mid walba jawaan ayuu u dhiibay isaga oo ku amray in ay miro ka soo buuxiyaan.

Wasiirkii koowaad baa jawaankii loo dhiibay ku soo cabbeeyey miro aad u wanaagsan oo tayo badan. Wasiirkii labaadna wuxuu qaatay go’aan kaas ka duwan. Qeyb quruntay iyo qeyb wanaagsan buu soo guray, sidaas ayuuna jawaankii ku buuxiyey. Halka wasiirkii saddexaad uu isna jawaanka ku cabbeeyey caleemo qalleyl ah iyo dhoobo wasakh ah. Wuxuu is dareensiiyey in aan jawaanka la furi doonin.

Intaas ka dib waxay u tageen boqorkii iyaga oo dusha ku sida jawaannadii loo dhiibay oo wada buuxa. Isaga oo aan weydiin shaqadii ay soo qabteen ayuu boqorku amray in saddexdoodaba xabsi loo taxaabo, mid walbana qol gaar ah lagu xiro. Muddo 3 bilood ah ayuu ku xukumay, cunnada kaliya ee ay cunayaanna waa mirihii ay soo gureen. Wasiir kasta wuxuu quudan doonaa oo kaliya wixii uu jawaankiisa ku soo riday. Ujeedka boqorku wuxuu ahaa in uu tijaabiyo daacadnimada wasiirradiisa.

Wasiirkii koowaad kama niyadjabin amarkaas maaddaama uu soo guray miro wanaagsan oo uu muddadaas ku noolaan karo. Wasiirkii labaadna cabsi weyn baa soo foodsaartay maaddaama miraha uu soo guray qeyb ka mid ah ay qurmeen, waqtiga loo qabtayna aysan gaarsiin karin oo ka hor uu gaajo u dhimman karo. Wasiirka saddexaad waa ninka ugu qarracanka badan oo aan haysan wax uu quuto maalmaha koowaad inta aan toddobaad la gaarinba.

Duluc: Dhammaanteen waxaan la mid nahay wasiirrada kor ku xusan. Qof kasta oo naga mid ah waxaa la siiyey buug laga doonayo inuu ka buuxiyo camallo wanaagsan oo janno lagu muteysto. Qaarkeen waa dad daacad ah oo buuggooda ka buuxiya wax wanaagsan sida wasiirka koowaad. Qaarna waxay la mid yihiin labada wasiir ee soo hartay. Sida wasiirka labaad qaar baa hormarsada waxyaabo isugu jira xumaan iyo samaan. Waxaa se ugu ayaan daran kuwa dayaca waajibaadka laga doonayo sida wasiirka saddexaad, sida cimrigoodu u socdana dambiyadoodu u kordhaan. Maalinta Qiyaame qof kasta wuxuu masuul ka yahay wixii uu adduunka ku soo sameeyey. Aan daacad ahaanno sida wasiirka koowaad si aanan u walwalin dhammaadka nolosheenna.

Turjume: Ibraahin-Nolosha

SHEEKOOYIN