DAGAALKII ISANDILWAANA: (22-dii Jannaayo 1879-kii)

” Ma garan karo siday wax u dhaceen, rag aad u badan baan maydkooda uga soo tegay halkaas (ISANDILWAANA)” Gen. Lord Chelmsford, taliyihii ciidanka Ingiriiska ee Zululand.

Macrakada ISANDILWAANA, waxaa lagu tiriyaa iska-hor-imaadyadii dhaxmaray boqortooyada Ingiriiska iyo boqortooyada Zulu-ga tii ugu horrasay uguna waxyeelada badnayd. Waxaa dagaalkaan isku farasaaray labadii imbaraadooriyadeed ee ugu xoogga iyo islawaynida badnaa labada qaaradood ee Afrika iyo Yurub.
Boqortooyada Ingiriiska waxaa waayadaas lagu naynaasi jiray ” taliska aysan qorraxdu ka dhicin”. Waxay ku sugnayd Britain waayaheedii ugu wacnaa, waxay sanka ka haysatay oo intooda badani dabafaylsanaa dalalka reer Yurub, halka Zuuluguna ahayd boqortooyadii ugu dhulka waynayd, uguna ciidanka iyo geesiyada badnayd dhanka koonfureed ee qaaraddeenna Afrika. Waa Zuuluuga’e waxay waayadaas kalax dhiig leh ka waraabiyeen oo ay tunka uga istaageen intii badnayd qabiilladii iyo boqortooyooyinkii ay dariska ahaayeen, taas oo keentay in boqorkii Zulu-ga ee King Catshwayo uu baal goray koofidiisa surto, iskuna caleemasaaro in uu yahay badraanka iyo lama-loodiyaanka qaaradda cagaaran ee Afrika.

Markii uu Ingiriisku birta ka aslay, intoodabadanna maamulkiisa soo galiyay beelihii kale ee Koonfur Afrika ku sugnaa, ayuu istusay in uu u ruqaansado dhankaas iyo dhulwaynaha Kwazulu Natal, si uu boqortooyada Zulu-ga u baro waxa ay tahay ama ka dhalan kara in laga madax-adaygo u hoggaansanka boqortooyadii waagaas ka talinaysay inta badan adduunka ee Britain.

Boqorkii Zulu-ga ee waqtigaas, boqor Catshwayo oo ka dharagsanaa dhagarta lala maaganaa ayaa diyaariyay, soona diray ciidan lagu sheego tiradooda 20,000-labaatan kun oo dagaalyahan, uuna hoggaaminayay mid ka-mid-ahaa dhaxalsugayaashii kursiga boqornimada oo la dhihi jiray: dhaxalsuge Ntshingwayo kaMahole Khoza, ku xigeenna uu u ahaa soo-ma-jeeste Mavumengwana kaNdlela Ntuli, waxayna duullaan aan la filanayn ku qaadeen xoogaggii Ingiriiska ee fadhiyay saldhigga ISANDILWAANA kuwaasoo tiradoodu ku dhawayd 2000-laba kun oo ciidan aad u tabaran ahaa, kuna hubaysnaa qoryaha xabbad-kilyaaliga u dhaca, uuna taliye u ahaan Gen. Lord Chelmsford, kaasi oo ahaan nin ay ku waynayd sarraynta dadka midabka cad iyo cunsuriyaddu.

Sambariiraxashooyinka dhanka dagaalka ah ee ay berigaas Zulu-gu sameeyeen waxaa ka mid ah: in aysan isku dayin in ay soo iibsadaan hub u dhigmay midka uu ku hubaysnaa cadawgoodu, taas badalkeeda waxay la soo shirtageen waran iyo gaashaan lagu laray heeso wadani ah oo ay sida caadada ah ku kicinayeen dagaalamayaashooda, diyaargarawla’aantaasi waxay Zulu-ga dhaxalsiinaysaa in ay si tarabtarab ah dagaalka ugu dhintaan ciidankoodu, waana habacsanaan iyo doqonnimo ay kala sinnaayeen dhammaan halgannadii ka kacay qaaradda Afrika ee looga soo horjeeday saan-caddaalihii reer Yurub( Ingiriiska, Faransiiska, Boortaqiiska, Talyaaniga iyo kuwa kale).

Goor barqo ah ayaa taliskii Ingiriiska ee ISANDILWAANA la soo gaarsiinayaa in ay ku soo fool leeyihiin dhawr kun oo dagaal yahanno Zulu ah, Waxaase warkaas dhiillada leh yaraysanaya taliyihiin saldhiga ee Gen. Lord Chelmsford, wuxuuse digniintii uu yaraystay rumaysanayaa markii ay dhagihiisu maqleen jiibtii iyo jaantii xoogaggii Zulu-ga, kuwaas oo ku heesayay heeso aad u malaynaysid in ay ku leeyihiin:

“Ninkii dhoof ku yimid bay
Geeridu dhibaysaa……
Dhulka soo anigu ma lihi?”.

Saacado kooban ka dib baa la is farasaarayaa, waxaana sidii shinidii loogu shamuumayaa ciidankii Ingiriiska oo ay isku darsameen: gurmad la’aan iyo argagax, taas oo keenidoonta in ku dhawaad dhammaantood maydkooda laga tillaabsado, halka Zulu-guna ay goobta uga tagayaan in ka badan 3000/sedex kun oo dagaalyahan ah maydkooda!
In kasta oo ciidanka Zulu-gu ku hoobanayaan dagaalka, haddana waxay meesha kala tagayaan: guushii ugu horraysay ee ay ka helaan boqoratooyadii kibirka is-bidday ee Ingiriiska, halka ay Ingiriiskuna farqaha ku qaadanayaan Jabkii ugu waynaa, uguna xanuunka badnaa ee ay kala kulmaan ciidan Afrikaan ah.

Dhacdadaan lama-illaawaanka ah ee ISANDILWAANA ka dib Ingiriisku wuxuu diyaariyay guluf aad u xooggan oo ay aad iskugu diyaareen, waxayna boqoryooyadii Zulu-ga ku joogteeyeen dagaalo aar-goosi ah, dagaaladaas oo ugu dambayn keenidoona in labada boqortooyo galaan heshiis lagu soo afjaro colaadahaas lagu riiqmay, waxayna Zulu-gu ilaa maanta ka mid yihiin dadka ay aadka uga haybaystaan caddaankii gumaystay dalka Koonfur Afrika, waana boqortooyo iyada iyo dadkeedaba aad loo milgeeyo.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig.

Xigasho: TV-ga eNCA ee xaruntiisu tahay dalka Koonfur Afrika, muuqaallo kala duwan oo aan ka daawaday barta YouTubeka iyo Barta Internetka Wikipedia.

SHEEKOOYIN