DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (4)

DHAMBAALLADII CABDULLAAHI CIISE (4)

October 22, 1949

 

Annaga oo ah matalayaasha aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed ee mustacmaraddii hore ee Talyaaniga waxa aan si cad u diiddannahay go’aankii nasiibdarrada ahaa ee aqlabiyadda guddi-hoosaadkani qaatay shalay, kaas oo ku saabsanaa mustaqbalka dadkeenna iyo kan waddankeenna.

Go’aankaasi waxa uu si toos ah uga horimaanayaa doonista iyo daryeelka dadkeenna. Doonista dadkeennu waxa ay ku caddahay qoraalladii iyo baaristii Afarta Quwadood kuwaas oo Soomaaliya booqday horraantii 1948. Warbixintaas waxa ay si cad u bayaamisay in Soomaalidu aysan doonayn soo noqoshada xukunkii Talyaaniga.

Waxa kale oo aad eegi kartaan qoraallo iyo dhukumintiyo kala duwan oo loo soo gudbiyay xubnaha sharafta leh ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kuwaas oo caddeeyay in dadka Soomaaliyeed si adag uga soo horjeedaan soo noqoshada xukunkii la necbaa ee Talyaaniga, xataa wasaad ahaan Qaramada Midoobay hoos yimaada.

Nasiibdarro, intii dooddo socotay waxa aan ogaannay in qaar ergooyinka ka mid ah ku doodeen in dadka Soomaaliyeed kala qaysan yihiin. Dabcan waxa ay maanka ku hayeen khaa’inul-waddaniyiinta Soomaalida ah ee halkan u yimid keliya in ay iibiyaan dalkooda iyo dadkooda.

Waxa aan haysannaa gebi ahaan taageerada dadka Soomaaliyeed. Si loo ogaado in tani run tahay, waxa aan codsanaynaa dirista guddi cusub oo baaris ka soo sameeya Soomaaliya. Guddidani waxa ay fursad u heli doonaan in sheegashadeennu run tahay iyo inkale—in dadka Soomaaliyeed geeriwadareed ka doorbidayaan in ay ku soo hoosnoolaadaan xukun Talyaani. Waxa aan ku celinaynaa codsigeenna annaga oo rejeynayna in xubnahan sharfan ee goluhu ay si mug leh u tixgeliyaan codsigeenna.

Annaga oo ah matalayaasha aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed ee mustacmaraddii hore ee Talyaanigu, waxa aan si “official” ah xubnaha uga codsanaynaa in guddi-hooskani ay warqaddan ku raaciyaan warbixinta guddida.

Go’aanka nasiibdarrada ah ee aqlabiyadda guddi-hoosaadkani waxa uu gabi ahaanba iskaga indhatiray doonista iyo daryeelka dadka Soomaaliyeed. Soomaalidu sinnaba ku ma aqbali doonto xukun dambe oo Talyaani nooc kasta iyo weji walba oo uu yahay xataa haddii uu yahay wasaayo ay Qaramada Midoobay korjeegtaynayso.

Annaga oo ah matalayaasha aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed waxa aan ku gacansayraynaa soo jeedinta u gogolxaaraysa soo noqoshada taliskii Talyaaniga ee la necbaa. Tani waxa ay ka horimaanaysaa doonista iyo daryeelka dadkeenna. Waxa aan si adag ugu soo jeedinaynaa xubnaha sharfan ee guddida koowaad in ay diidaan soo jeedintaan.

Xubnaha sharfan ee guddidani waxa ay si aan shaki lahayn u og yihiin bannaanbaxyadii dhawaanahan ka dhacay Soomaaliya ee laga ga soo horjeeday soojeedinta [soo noqoshada Talyaaniga] ee guddidan loo soo gudbiyay. Sida ku cad warbixinta uu guddida u soo gudbiyay danjiraha Boqortooyada Britain in ka badan 30 bannaanbax oo Talyaaniga laga ga soo horjeedo ayaa Soomaaliya ka dhacay. Sida ku cad warbixinno aan si toos ah uga helnay Soomaaliya, ilaa 100 bannaanbaxyo waawayn oo Talyaaniga laga ga soo horjeedo ayaa ka dhacay dhammaan geyiga Soomaaliyeed.

Aqlabiyadda xubnaha guddi-hoosaadkani ma aysan siin dhugmadii ay mudnayn arrintan halista ahi. Liddigeeda, xubin guddida ka mid ahi ayaa ku adkaysatay, markii ay ka fiirsanayeen su’aasha ku saabsan Soomaaliya in bannaanbaxyadii Talyaaniga laga ga soo horjeeday ee dhawaanahan ka dhacayay Soomaaliya ay si toos ah halis ugu ahaayeen ujeeddada xubnaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Dabadeed, xubintaasi waxa uu ku dooday, halistaas darteed, in uu taageerayo sheegashada imbaraaddooriyadeed ee caddaaladdarada ah Talyaaniga.

Xaqiiqdii, warka xubintaasi layaab buu nagu noqday. Soomaalidu waxa ay abaabuleen banaanbaxyo nabadeed oo laga ga soo horjeedo soojeedinnada guddidan loo soo gudbiyay taas oo dalkeenna dib ugu soo celinaysa xukunkii Talyaaniga. Tani waxa ay la mid tahay bannaanbaxyada nabadeed ee dalalka dimoqraaddiga ah ee adduunka oo dhan.

Warqadda aan ku hagaajinnay guddoomiyaha guddi-hoosaadka 17aad waxa aan ku cusboonaysiinnay codsigeenni in guddi cusub loo diro Soomaaliya kuwaas oo soo caddeeya doonista runta ah ee dadka Soomaaliyeed. Waxa aan ku baraarugsannahay in tani ay sababayso dib u dhac ilaa sannad qaadanaysa. Dib u dhaco waxa uu dhaamaa in ummad dhan oo jilicsan iyo qaran dhan oo cabbursan lagu sandulleeyo baaba’ baahsan [gumaysi].

Waxa aan si xushmad leh xubnaha sharafta leh uga codsanaynaa inaydnaan dadkeenna dhaafsan gorgortan siyaasadeed. Waxa aan idinka codsanaynaa in ay idin hoggaamiyaan qayimka saldhigga u ah heshiiskii nabadeed ee Talyaanigu saxiixay kaas oo sidaa oo kale saldhig u ah axdiga Qaramada Midoobay kaas oo damaanad qaadaya doonista iyo daryeelka dadyowga adduunka.

Haddii xubnaha sharfan ee guddidani aqbalaan soojeedinta aqlabiyadda guddi-hoosaadka ayaga oo inkiraya doonista iyo daryeelka dadkeenna, haddii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay aqbalo soojeedintan, haddee markaas dadkeennu waxa ay lumin doonaan kalsoonida iyo aaminaadda wayn ee ay u hayaan Qaramada Midoobay. Waxa ayna golahan u arki doonaan goob u furan gorgortanno iyo dallaalnimo siyaasadeed halkii ay ahaan lahayd goob caddaalad iyo sinnaaneed sida laga filayo.

 

Mar labaad, mudanayaasha sharfanow waxa aan idinka codsanaynaa in aad si mug leh uga fiirsataan doonista sharciga ah ee dadka Soomaaliyeed. Waxa aan xubnaha golahan sharfan ka filaynaa in ay meel iska dhigaan danaha shakhsiyadeed iyo kuwa siyaasadeed ayna si caddaalad ah u go’aamiyaan arrimaha muhiimka ah ee ku aaddan mustaqbalka qaranka Soomaaliyeed ayaga oo gundhiga uga dhigaya caddaaladda, sinnaanta iyo maanka suubban.

 

We beg to remain, Sir.

Respectfully yours

Cabdullaahi Ciise

Ismaaciil Xassan

 

Cali M. Diini April 23, 2022

SHEEKOOYIN