Dhaqtarad iyo Injineer ( sheeko dhab ah)

Dhaqtarad iyo Injineer ( sheeko dhab ah)
Nolosha waa mid socoto uma hakato wax walba oo dhaco xumaan iyo wanaag, farxad iyo murugo, nolosha qaabka ay u samaysantahay ayaaba ah in aysan dhinacyada eegin oo waxa hareeraheeda ka dhacaya aysan ka warqabin, waxa kaliya ee u muuqda ayaa ah sakanka saacadda ee horyaala, kaas oo ay ku dhaqaaqdo sinnabana aysan uga hakan karin,
Nolosha ayaa la waydiiyay wadkaaga goormuu iman, muxuusa yahay wadkaaga?
Jawaabta ay bixisay ayaa ahayd in wadkeedu waqtiga yahay kaasna ay iska ilaaliso, maalinta ay waqtiga la socodkiisa ka hakatana uu soo gunaanadmayo jiritaankeeda.
Waa runteed waa tusaale wanaagsan ama cashar wanaagsan oo aan wax ka baran karno, inta fakarta ayaana wax ka baran karto ama wax ku qaadan karta.
Sidoo kale waxaa lagu tilmaamay nolosha sida filim marna xiisa yeesha marna xiisa dhaca, jilayaasha filimka jilayana mid walba qaybtiisa marka ay dhamaato wuu ka baxaa filimka, qiima ma leh nolosha ayaa la yiri, dhabtuse waa in aysan qiima u lahayn inta aanan fahmin.

Aniga iyo walaashey waxaan waalidkeen waynay anaga oo yar, waxaanu ahayn qoys iska ladan oo hanti leh, balse si lama filaan ah ayey aabe iyo hooyo uga baxeen jilidda filimkan dunida micnaha qaybtii ay ku lahaayeen ayaa dhamaatay, taas baddalkeeda ayuu inoo bilowday filim qaybta aan aniga iyo walaashey jiliddeeda uga soo aadnay uu aad u dhib badnaa.
Kadib musiibada dhimashada labadeena waalid waxaa na ka faala qaaday adeer aabe la dhashay oo hantideeni iyo dhamaan wixii kale oo lahayn inoo hayay.
Adeer xaas iyo caruur kale ayuu lahaa, wuxuuna ahaa nin aan mar walba joogin oo dhoof badan.
Islaanta uu qabo iyo caruurteeda ayaan marti u noqonay, maalmihii hore si wanaagsan ayaa naloo soo dhaweeyay waxbarashada sideedi ayey inoogu socotay ilaa xad waxaa la dhihi karay nolosheena wax iska baddalay ma jirin oo wax walba caadi ayey inoo ahaayeen inkasto oo hooyo iyo aabe booskooda cid buuxin kartaa aysan jirin .
Wax waqtigu is baddalaba waxaa si lama filaan ah mar qura isu baddashay nolosheena, wuxuu ka bulowday isku dhac walaashayda yar iyo hooyada qoyska aan la joogno, aniga markii aan u fiirsaday caddaalada darrada ka socota meesha ayaan ugu dambayn walaashey la saftay.
Waxaa inagu adkaatay sida aan kusii joogi lahayn xaafaddaas, waan isaga tagnay, nolol adag ayaa inoo bilaabatay, iskuul ha sheegin, hantideena oo dhan gacanta waxaa ku hayay ciddaas reer adeer.
Adeer isagana tiisa ayaa ku qabsatay waddan uu gaancsi u aaday oo xabsi 16 sana ah ayaa la galshay kadib markii dambi lagu soo oogay.
Waxay noloshu nagu qasabtay in aan dawarsano magaalada busteejooyinkeeda iyo waddooyinkeeda aan ka tuugsano, nolosheena markaan waxay kusoo aruurtay sida aan ku heli lahayn wax aan laqno.
Inaga oo sidiu u tuugsanayna ayuu maalin Xaaji Bakar ina waydiiyay waalidiinteena, waxaan u sheegnay in ay shil gaari ku dhinteen adeerkana xabsi dibadda ah uu ku jira, ciddiisa oo la joognayna ay nasoo cayrsheen.
Isla markiiba gaariga ayuu noo balaqay, “soo fuula” ayuu na yiri, aniga ayaad ila joogaysaan, anagana waaba ku dhacnay saa naf ayaaba nahaysay.
Xaajiga qoys ayuu lahaa caruurtiisa ayuu nagu daray, dib ayey nolosheena u bilaabatay, runta haddaan ka hadlo waxaan u noolayn si ka fiican sida markii aan aabe iyo hooyo la joognay cid nala hadasha iyo cid na murjisaba ma arkin.
Maamada qosyka iyo caruurtaba waxay ahaayeen Dad aan la heli karayn, xin iyo xumaato midna waligeen kuma dareemin meeshaas.
Xaajiga si fiican ayuu mar walba inoola dardaarmi jiray, waxaan xasuustaa eray uu mar walba aniga iyo walaashey nagu soo celin jiray kaas oo ahaa in aan waddada idinka soo qaaday ha i dareensiinana fadlan in aan idin dhalay i dareensiiya, waxbarashadana ku noqda kuwa ku fiican ha igu noqonina nooc kale.
Dardaaran iyo daryeel joogta ah ayaan ka helaynay xaajiga iyo xaajiyaddiisaba.
Nasiib wanaag waqtigu wuxuu inoo saamaxay in abaayana noqoto Dhaqtarad anigana aan noqdo Injineer ku takhasusay dhismaha.
Abaayo xaas ayey noqotay shaqadeeda dhaqtarnimana waa wadatay, aniga wali xaas ma yeelan balse shaqa wanaagsan ayaan haystaa.
Waxaa xabsiga dhawaan laga soo daayay adeer isaga oo aad u xanuunsan ayuu dalka kusoo laabtay aad ayuuna runtii uga xumaaday sida la iinoola dhaqmay, wax kale ma uusan qaban karin xoolihii la inoo hayay intii markaa ka noolayd ayuu dib inoogu wareejiyay cafisna wuu ina waydiistay inaga runtii si wanaagsan ayaan adeer uga aqbalnay maadaama waxa dhacay uusan lug ku lahayn oo isagab ay tiisa haysatay.
Adeer runtii xumaan uu ka xumaaday sida la inoola dhaqmay darteed ayuu xaaskiisa u furay meel gooni ahna u dagay.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN