DHULBALLAARSIGII RUUSHKA: qabsashadii Saybeeriya iyo muslimiinta bartamaha Eeshiya

DHULBALLAARSIGII RUUSHKA:

qabsashadii Saybeeriya iyo muslimiinta bartamaha Eeshiya

Waligaa ma iswaydiisay sababta Ruushku baaxad ahaan aad ugu waynaaday? Maxay ku dhacday in Ruushka oo aan dad ahaan wax badan ka badnayn dadka Jabbaan uu 45 jeer uga dhul wayn yahay Jabbaan? Anigu marar badan ayaan iswaydiiyay sababta Ruushku dhulkaas baaxadda leh ku helay?

Maanta dhulka Ruushki waa 17.1 milyan kilo mitir labo jibbaaran, 47 jeer ka wayn yahay Jarmalka halka 25 jeer ku laabmo Fransiiska asaga oo ay waliba ka go’een 14 dal oo ku yaal bartamaha Eeshiya iyo Boltigga (Baltic).  Sababta taas ka dambaysana waxaan ka helaynaa sooyaalka Ruushka markaan dib ugu noqonno.

Waxaa la sheegaa in sooyaalkii hore ee Ruushku yahay mid mugdi ah oo aan wax wax badan laga ogayn dadkii degganaan jirayna aysan ka tagin wax aan qabuuro ka ahayn.

Waxaa sidoo kale la sheegaa in bulshooyinka Slavs-ka loo yaqaan (Raashiyaanku ka mid yihiin) ee maanta dega Ruushka iyo dalal badan oo bariga Yurub ahi aysan wax xiriir ah la lahayn dadyowgii hore ee Degganaan jirin Ruushka.

 Sannadkii 862 Ciise dabadii ayaa maamulkii ugu horreeyay ka dhismay dhulka maanta loo yaqaan Ruushka. Waxaa la wariyaa in qabiillo degganaa magaalada Novgorod welina ah magaalo ku taal bariga St. Petersburg ay u yeerteen nin la oran jiray Rurik u na dhashay Vikings-kii (qabiilooyinkii degi jiray Scandinavian-ka) ayna ka dhigteen Amiir xukuma. Rurik waxaa dhaxlay nin la oran jiray Oleg. Oleg waxa uu sameeyay dhul ballaarsi baaxad leh waxa uu na maamulkiisu gaaray ilaa magaalada Kiev, caasimaddii maamulkana Kiev ayay noqotay halka magicii dalka loo bixiyay noqday Kievan Rus. Kiev ilaa 1237 ayay ahayd caasimadda Kievan Rus. 

Amiir Vladimir oo loo yaqaanno Vladimir-kii waynaa xukunkana hayay 980-1015 ayaa diinta Kirishtaanka qaatay dadka dalkana Kirishtaameeyay. Waxaa la sheegaa in Vladimir wafti u diray dawladdii Islaamka, tii Roomaanka Bari iyo Yahuudda si ay uga soo talabixiyaan saddexdaas diimood tii ay qaadan lahayd dawladda Kievan Rus. Waftigii markii ay soo noqdeen waxay Amiirkii u sheegeen in Roomaanku yihiin niman khamriga cabba sidaas darteed ayaga diintooda aan qaaddanno. Sidaas ayaa Kievan Rus ku Kirishtaamowday. Ruushku ilaa maanta waxaa dadka dunida ugu khamri cabka badan. Waxaaba jirtay waqtiga khamrada Vod-ku ahayd ganacsi qoyska reer boqor u gaar ah qoyskuna ay qiimo aad u jaban dadka uha iibin jireen khamriga si dadku u noqdaan aalkolaystayaal aan dawladda ku mashquulin haddayba khamri rakhiis ah ku keenayso.

Sannadkii 1237 ciidankii Tataarka (Mongols) ayaa cagta mariyay caasimaddii Kiev ahayd, Moosko iyo magaalooyinkii kale ee dalka. Dawladdii Tataarka ahayd ee lo oran jiray Golden Horde Khanate ayaana dhulkaas maamulaysay dadka Ruushku u gumaysnaayeen ilaa 1480. Intii Golden Horde maamulaysay waxaa is ababaulay oo xoogaystay maamulkii magaalada Moosko ee loo yaqaannay The Grand Duchy of Moscow.

Sannadkii 1480 Amiir Moosko, Ivan The Great ayaa ayaa jabiyay maamulkii Golden Horde halka maamulkiisi noqday kan ugu awoodda badan dhammaan dhulka Ruushka. Ivan waxa uu xilka hayay ilaa 1505.

Sannadkii 1547 wiil uu awoowe u yahay Ivan the Great ayaa noqday oo la oran jiray Ivan-kii afraad lagu naynaasi jiray Ivan the Terrible ayaa noqday Saarkii (Czar) ugu horreeyay ee Ruushka waxaa ninka qabsaday dhulka wayn ee Saybeeriya. Ivan waxa uu adeegsaday qabiilooyin Kosaak (Cossacks) oo a niman dagaalka ku fongoran ayagana ayaana qayb ka qaatay isbarllaarintii Ruushka ee Saybeeriya ilaa uu ka gaaray badwaynta Baasifigga sannadkii 1639. Isuballaarinta dhulkaas waa sii socotay ilaa uu gaaray xudduudka dawladd way  ee Shiinaha. 

Sababta uu Ruushku sida sahlan isugu ballaariyay Saybeeriya waxaa loo aaneeyaa in uusan jirin dal awood ciidan leh oo dhanka bariga ka xiga Ruushka ilaa Shiinaha laga gaarayo iyo ayada oo dhulka Saybeeriya yahay dhul cimilo qallafsan oo qabow badan dadka ku noolaa ay aad u yaraayeen ilaa maantana sidii ayay tiri yar yihiin halka dhulka Saybeeriya yahay 77% dhulka Ruushka. Iskacaabbinnadii Ruushka reer Saybeeriya kala horyimaadeen waxaa ugu adkaa midkii maamulkii loo yaqaannay Sibir Khanate oo maamulayaasheedu ahaayeen faracii Jingis Khaan ayaga waxaa ugu dambayn la qabsaday 1598.

Ruushku isku ma ballaarin bariga kaliya sida oo kale waxa uu duullaamo isbajoog ah u qaaday dhanka koofurta ee bartamha Eeshiya ee muslimiintu deggan yihiin. Dhankaan qudhiisa ka ma xigin awood u dhigan Ruushka oo muslimiinta deggani waxay noqdeen maamullo yar yar oo ayagu isximaya Boqortooyooyinka Turkiga (Ottoman Empire) Beershiyaankuna (Iiraan) qudhoodu awood ahaan waa liiteen, inkasta oo Turkidu aysan awood ama saamayn wayn marnaba ku yeelayn bartamaha Eeshiya.

1865 waxay qabsadeen Tashkent.

Sannadkii 1868 Ruushku waxa ay qabsadeen Samarqadi (Uzbekistan) oo ah magaalo xaddaarad Islaami ah oo dheer leh.

1873 waxay qabsadeen Khiva.

1884 waxay qabsadeen magaalada qaddiimiga ah ee Merv (Turkmenistan).

Ruushku waa ay sii socdeen ilaa ay ka gaareen xudduudka Afghanistan waxaana halkaas ka bilowday sebankii ciyaartii waynayd (the Great game) oo ahayd ciyaar diblomaasiydeed oo u dhaxaysay Ingiriska Hindiya haystay oo cabsi xoog leh iyo argagax ka qaaday isballaarinta Ruushka ee bartamaha Eeshiya kana baqay in uu Hindiya soo weeraro iyo, Ruusha. Afghanistan waxay ahayd halka labada quwadood u dhaxaysay ee lagu dagaallamayay.

Sidoo kale Ruusha intii u dhaxaysay 1800-1864 waxay duullaamo culus ku qaadeen dhulka u dhexeeya badaha Black sea iyo Caspian Sea waxay Turkiga iyo Beershiya ka qabsadeen dalalka dhulkaas ku yaal sida Armenia, Azerbaijan iyo Georgia.

Dhanka waqooyigana Ruushku wacdaro ayay ka dhigeen. Saarkii Peter the Great oo xukunka hayay 1682-1725 waxa uu ahaa ninkii Ruusha casriyeeyay. Waxa uu dhisay magaalo madax cusub oo xeeb iyo dekad leh, St. Petersburg, waxa uu dhisay ciidanka badda Ruushka iyo warshado. Peter waxa Ruushka ka dhigay dal reer Yurub ah oo xataa labbiska dadka waa uu beddalay, halka ragga garka daystayna uu amar ku bixiyay in ay iska xiiraan ama canshuur bixiyaan.

Catherine the Great io Ruushka xukumaysay 1762-1796 ayaa ayana cahdigeedi waxaa uu ahaa cahdigii maanfurka ee Ruushka. Waxa ay horumarisay waxbarashada, dhaqanka iyo  suugaanta Ruushka.

1795 Ruushku waxay gebi ahaanba qabsadeen dalka Poland oo muddo dheer ahaa awood wayn oo gobolka ka jirtay waxayna haysteen ilaa dhammadkii dagaalkii kowaad ee dunida (1918).

Qarnigii sagaal iyo tobanaad Ruusha waxay ahaayeen awoodda ciidan ee Yurub oo reer Yurub waxayba gaareen heer ay Saarkii Ruushka Alexander-kii labaad ay ku naynaaseen “the policeman of Europe”. Xataa cabsi ay Ingiriiska iyo Faransiisku ka qaadeen awoodda Ruushka waxay taageereen Turkiga dagaalkii Crimean War 1853-1856.

waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN