DIB-U-MILICSIGAYGA CARWADA BUUGGAAGTA MUQDISHO

Sanadkii hore ayay ahayd markii iigu horreysay, ee aan ka qaybgalo carwada. Weli waxaan xusuustaa sida jawigu uu ahaa iyo qaar ka mida martidii buuggaagtooda meesha ku soo bandhigay. Waxaa ka mida saaxiibkay Hassan Abukar, oo nala wadaagay buuggiisa “Mogadishu Memoir” iyo Dr. Paul D Williams, oo isagana carwada keenay buuggiisa “Fighting for peace in Somalia.” Labadaas qoraa waxaan isla saarneen dayuuradda Turkish Airline, la isma aqoon laakiin muddo ka dib ayaan is-baranay.

Maxaad dareemi lahayd markaad aragto qoraaga oo la taagan qof dhallinyaro ah, isaga oo u saxiixaya buuggiisa? Waxaan si dhab ah u rumaystay hadalkii Drs. Hawo Abdi, ee ahaa “[In] rejadu weli nooshahay.” Waxaa kaloo xusuus mudan oraahdii Frederick Douglass, taas oo ahayd “Markaad barato akhriska, waxaad weligaa ahaanaysaa qof xor ah.” (Once you learn to read, you will be forever free).

Maqaalkan kooban waxaan ugu talaggalay in aan diiradda ku saaro keliya daldaloolladii aan ku soo arkay carwada iyo talooyinka macquulka ah.

DHALIILAHA JIRA

Isla sanadkan, sidoo kale waxaan nasiib u yeeshay in aan ka qaybgalo carwada, kama yareesan sanadkii hore. Balse farqi weyn baa ii muuqday, keli waxaad ka ogaan kartaa hoolkii ay buuggaagta yaaleen. Ma ila dareemaysaa in carwada ay sii noqonayso ganacsi (too commercial or NGO)? Si kale u dhig, ma la is-dhihi karaa waxaa meesha ka sii baxaya ujeedka carwada? Waxaa kaloo caqabad noqday qiimaha buuggaagta, oo ah kuwa u dhexeeyay 10 ilaa 25/30 doollar. Caadiyan, carwooyinka buuggaagta waa sida suuq yar oo kale, kaas oo loogu talaggalay in dadka akhristayaasha ah ay ka helaan buuggaag raqiis ah. Waxaa dhab ah, in boqolaalka qof ee carwada imaanaysa aysan u wada imaan keli dhageysiga khudbadaha iyo doodaha laakiin qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay u imaanayaan iibsiga buuggaagta, igu sawir iwm.

Marka laga soo tego qiima-bararka ku dhacay buuggaagta carwada, u imow sawaxanka hoolka ka socda, waxaad moodaysaa in meesha ay tahay sida seyladda geela. Kaba sii daran, hoolkuba wuxuu iska ahaa bilaa WiFi Internet. Waxaan xusuustaa mid ka mida dadkii ajnabiga, ee ka midka ahaa martida carwada, markii uu i arkaba wuxuu i weyddiisanaayey in aan u furo WiFi Hotspot ka mobile kayga.

TALOOYINKA MACQUULKA AH

Si sanadka dambe dibu-habayn iyo isbeddel xoog badan loogu sameeyo qorshaha iyo farsamada carwada, waxaan soojeedinayaa in la tixgeliyo talaabooyinkan soosocda:

1. Kala fogeeya hoolka khudbadaha/doodaha ay ka socdaan iyo kan buuggaagta. Hal hool yaan la iskugu keenin, waa iga talo haddii kale kama bixi doontaan fadlan buuqa naga yareeya iwm. Waxaan kaloo idin kula talinayaa in buuggaagta aad bannaanka iskaga bixisaan, u qorsheeya barxadda hore ee u dhow albaabka laga soo galo dhismaha, ku sii diyaariya teendho, shiraac iwm si dadka aysan qorraxda ugu guban.

2. Maalinta saddexaad ama maalinta ugu dambeysa ee carwada, fadlan iska fiiriya dadka jadwalka idin kugu jira. Iska ilaaliya in maalintaas aad jadwalka ku qortaan shakhsiyaadka saamaynta badan, ee martida idin ah. Waxaa suuragal ah in iyaga dartood ay boqolaal qof u yimaadaan carwada, waxaa ka dhalan kara ciriiri badan.

3. WiFi Internet gaar u ah martida carwada, fadlan ugu sii diyaariya hoolka ay doodaha ka socdaan. Farsamo ahaan waddada aad u maraysaan adinka ayaa ka tashan doona laakiin ha u daymo la’aanina taladan. Waa muhiim.

4. Xooggiina oo dhan iskugu geeya sidii loo yareen lahaa qiimaha la iibinayo buuggaagta carwada, yeesan ka badnaanin 10 doollar. Tixgelin gaar ah siiya taladan.

5. Marka carwada ay soo xiranto, isla bishaas gudaheeda sahan (survey/questionnaire ) u dira martida carwada iyo dadka idin imaaday. Hal hal qof uma wareysan kartaan, laakiin in yar oo tusaalle ah ka soo xusha ka dib ka wareysta caqabadahii ay la kulmeen iyo soojeedintooda ku aaddan in sanadka xiga carwada wax lagu soo kordhiyo ama laga beddelo.

WQ: Hassan Mudane

Lafogure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN