DUGUL 4AAD

DUGUL

Q4AAD

 

Subax asaga oo qolkiisa hurdada ku jira oo shaqatag isu diyaarinaya ayuu maqlay dood adag oo u dhaxaysa gabadhiisa Maryan iyo wiilkiisa Cutayba. Dooddu waxa ay la xiriirtay Soomaalidu waa Afrikaan madow iyo ma ahane waa Carab cad. Maryan baa ku doodaysay in Soomaalidu Afrikaan madow yihiin halka Cutayba ku murmayay Soomaalidu waa Carab.

“Maxaa meesha ka socda saaka?” ayuu yiri intuu soo dul istaagay Maryan oo birtaawada canjeelo ku fidinaysa iyo Cutayba oo ka soo horjeedkeeda gambar ku yuurara dhabtana uu u saaran yahay buug uu bogaggiisa ku kala ilaalinayo faraha gacantiisa midig. Buuggu waa Maymuuna oo uu qoray Maxamuud Tarawri waana kan balaliyay doodda muranka u xuubsiibatay ee ka dhex oogan Maryan iyo Cutayba. Maryan baa Maymuuna ka soo iibsatay gaarigacannada buugaagta lagu iibiyo ee teedsan dhinacyada jidka hormara masaajidka Xareedka, markii ay dhammaysana waxa ay jeclaatay in Cutayba akhriyo, balse markii uu dhawr bog ka akhriyay buu isku laabay dabadeedna dooddii ka dhalatay mawduuca buuggu tebinayo ayaa Cutayba iyo Maryan la gashay takoorka dadka dubka madow iyo waxa diintu ka tiri, ugu dambaynna dooddii waxa ku hoobtay haybta Soomaalida.

“Waxaa meesha ka socda Soomaalidu waa Carab iyo Afrikaan madow, ee aabbe maxay adiga kula tahay?” Cutayba ayaa aabbihii waydiiyay.
“Yaa yiri Soomaalidu waa Afrikaan madow?” Dugul baa yiri.
“Waydii gabadhaada,” ayaa Cutayba oo canjeelo oodkac iyo shaah lagu iidaamay afka sii gashanayaa aabbihii ugu hal celiyay.
“Wax aan Ilaahay kaa dhigin in aad iska dhigto waa gef,” Dugul baa yiri asaga oo Maryan isha ku godaya.
“Waxii Ilaahay kaa dhigay in aad ka cararto oo wax uusan kaa dhigin sheegato ayada ma ajar baa la isugu qoraa aabbe?” Maryan baa tiri ayada oo canjeelo bislaatay birtaawada ka fujinaysa.
“Maxaad ka hadlaysaa? Ma waxa aad rumaysan tahay in Soomaalidu madow tahay? Maxaad isu liidaysaa?” Dugul baa Maryan ku yiri asaga oo codkiisa xoogaa kakanaan ah laga dhadhansan karo.

“Aabbe maxaa madowgu qabaa oo liidid ka dhigay? Tan kale, miyaan midabkeennu madoobayn?” baa Maryan aabbeheed ku tiri.
“Midabkeennu madow ma aha ee waa maarriin, maarriinna nooc midabka cad ka mid ah,” Dugul baa yiri. “Xataa kuweenna midabkoodu madow yahay degaanka iyo dadyowga ay la nool yihiin baa saameeyaye dhalasho ahaan Soomaalidu ma aha dad madow ee waa Carab maarriin ah ama cad,” buu sii dabadhigay.

“Aabbe madowgu liidasho ma aha ee waa midab ka mid ah midabbada Alle abuuray, dadka madow ee aan ka midka nahayna kama liitaan kuwa cadcad, gaduudan ama kuwa maarriinka ah,” ayay cod keedi hore ka dhiirran ku tiri. “Tan kale, aabbe, tan kale, miyaadan ogayn…”
“Waa sax madowgu waxa uu ka mid yahay midabbada Alle uumay, laakiin, een… een… laakiin uunka Alle isku tayo iyo isku derajo ma aha. Sida duunyada, dugaagga iyo abuurka Alle oo dhan u kala xoog iyo gaarad badan yihiin baa dadkuna u kala garaad, xoog iyo midan duwan yahay,” Dugul baa ku halgaaday Maryan oo aan jumladdii gunaanadin.
“Aabbe sow ma ogid in Alle suuratu Faaddir inoogu sheegay in uu midabbada dadka u kala duway sida uu u kala duway midabbada noolayaasha iyo duunyada?”
“Waan og ahay laakiin taasi ma simayso qof cad iyo mid madow, waayo Alle sidaa ma oran,” buu ugu hadal celiyay.

“Aabbe itaqillaah, ha dambaabin. Miyaadan xusuusan khudbaddii u dambaysay ee Nebigeenni Muxammad Muslimiinta ugu sheegay in carabtu aysan fiicnayn cajamta sida aan cajamtu uga sarrayn carabta, sidaa oo kale na caddaanku uusan uga sarrayn madowga sida aan madowgu uga sarrayn caddaanka?”
“Adigu miyaadan xusuusan ama akhrisan tafsiirka Qur’aanka ee sheegaya in dadka madow dadaaminayaan inkaartii Nebi Nuux u dhiteeyay wiilkiisi Xaam, aabbaha dadka madow?” buu si kalsooni huwan Dugul gabadhiisa u waydiiyay.
“Aabbe waxaasi waa been abuur qawlka Alle lagu been abuurtay Qur’aankuna waxaas aad sheegaysid ma sheegin ee warar kutirikuteen ah oo kutubta Nasaarada iyo Yahuudda laga soo dheegtay kuwaas oo ayaga qudhooda (kutubta Nasaarada iyo Yahuudda) la been abuuray,” Maryan baa aabbeheed sidaa ku tiri.

“War cusub! Maxaad tiri been abuur? Ma kutubta Alle ayaad been abuur ku sheegaysaa? Sow ogid kutubta Baybalka ee Nasaarada iyo Yahuuddu in ay yihiin kutub Alle u soo dejiyay sida Qur’aanka? Ma caalimiintii Islaamka, Ibnu Kathiir iyo Ibnu Jariir baad leedahay been abuur bay sameeyay?” buu si caro leh ugu yiri. Dabadeedna inta uu foorarsaday buu dafay Maymuuna oo goor horeba Cutayda dhabta Maryan ku tuuray.

“Halkee ka soo akhrisay khuraafaadkaas? Yaa kugu soo shubay balaayadan aad daldalaysid?” buu sii waydiiyay asaga ee isha la raacaya baalasha Maymuuna. “Qashinkan iyo maalaayacnigan aad waqtigaaga ku luminaysid baad khuraafaadkaas iyo diin la’aantaas ka baratay sow ma aha?” inta uu yiri oo Maymuuna dhulka ku xooray buu iridda halhaleel uga booday. “waxaas yaanan mar dambe kaa maqal,” baa ahaa erayadii u dambeeyay afkiisa ka soo baxay markii iridda furdug ka yiri.

Intii uu xafiiska u sii socday dhawr goor buu ku sigtay in uu soo guryanoqdo ka dib na dharbaaxo kala daalo Maryan. Maalintii oo dhan maankiisu waxa uu ku foognaa oo uu gedgeddinayay waxii afka Maryan, ama Maryama sida uu asagu ugu yeero, ka soo burqanayay. Weligii iyo waqii ma uu filan in curaddiisu u reddin doonta mufasiriintii waawaynaa ee Muslimiinta si aan leexleexasho iyo gabbasho lahayn. Waxa uu iswaydiiyay halka ay aragtidaas ka soo xambaartay. Mar waxa uu eedeeyay macallimiinta jaamacadda u dhiga Maryan, marna waxa uuba ka shallaayay in uu waxbarasho geeyay asaga oo niyad ahaan isugu sheegay in aysan waxaas barateen haddii uusan waxbarasho ku dari lahayn. Dhawr jeer buu go’aansaday in caawa marka uu guriga u hoydo in uu Maryan u yeero dabadeedna taabsiiyo in berri foog laga bilaabo aysan iridda guriga ka degi karin jaamacadna iska illowdo.

Habeenkii goor dambe ayuu soo hoyday asaga oo sugi la’ in uu Maryan indhaha saaro, laakiin waxa uu guriga tegay ayada oo seexatay.

Aroortii xigtay markii uu fajarka ka soo noqday waxa uu gambar dhigtay kobta Maryan canjeelada ku dubto, jikada iridkeeda, waqti yar ka dib na Maryan baa soo agdhigatay burjiko qaxmaysa, qooshkii iyo birtaawadii lagu dubi lahaa. Dabadeedna, waxa ay dooddii ka ambaqaadeen halkii ay shalay foog ku hakiyeen. Muran dheer oo mararka qaarkood aad u kululaaday ka dib waxaa dooddoodii ku soo gorortay: midabka madoobi waa abuur ka mid ah abuurrada Eebbe oo aan wax ceeb iyo eed ah midna lahayn, iyo mayee waa midab liita oo astaan u ah wax walba oo xun.
“Eeg, wax walba oo xuni waa madow yihiin wax walba oo madowna waa xun yihiin. Diin la’aanta Alle madow buu ku sifeeyay halka iimaanka uu iftiin ku tilmaamay,” baa Dugul yiri.

“Maye aabbe, sidaa ma aha. Diin la’aantu waa gudcur halka lidkeedu yahay iftiin oo ah lidka gudcurka. Madow iyo gudcur waa kala duwan yihiin sida iftiinka iyo caddaanku u kala duwan yihiin. Madow waa midab jira oo jooga oo la arki karo gudcur iyo iftiin midkii ay ahaato ha la joogee. Sidaa oo kale caddaanku waa midab jira oo jooga gudcur iyo iftiinba. Qofka dubka madoobi madow un buu ahaanayaa gudcur iyo iftiinba, sida kan cadi caddaan u ahaanayo gudcur iyo iftiinba. Qofku asaga oo cad baa laabtiisu gudcur noqon kartaa si walba oo ay iftiin u tahay iyo si kasta oo gudcur u tahay, si taa la mid ahna qofka madoobi asaga oo madow baa laabtiisu iftiimi kartaa gudcur walba ha joogee. Qof Eebbe laabtiisa gudcureeyayna cidi ma ifin karto si walba oo uu u dub cad yahay, ku uu laabtiisa ifiyayna dadka oo dhani haddii ay isugu tagaan qalbigiisa ma gudcurayn karaan. Sidaa oo kale, aabbe, xusuuso Alle dadka laabtooda ayuu eegaa ee midabka dubkooda dan kama galo,” ayay dooddeedi ku soo afmeertay.

“Bal waxa aad qubaysid eeg, maxay ku kala duwan yihiin madow iyo gudcur? Waa waxba, adiga un baa kala dhilayee waxba kuma kala duwana,” ayuu ku dooday. “Marka, maandhey dooddan iyo jaqjaqdan iska dhaaf diinta iyo culimada Islaamkana ha u gefin, madow haddii uu wanaagsan leeyahay ayagaa ammaani lahaaye,” ayuu sii raaciyay.
“Een een, tan kale, haddii madow wanaangsan yahay maxaa diintu u reebtay in maydka karfan cad lagu aaso?” ayuu waydiiyay. “Xataa waxaa la diiday in midabka madoobi uu qofka godka la galo, xataa kuwa dubka madow karfan cad baa lagu duuduubaa marka la xabaalayo, waayo aakhriyo dadku waa wada cadcad yihiin,” ayuu Dugul dooddiisi ku gebegebeeyay, dabadeedna dhankii iridda ayuu u tallaabo qaaday.

“Aabbe in maydka karfan cad lagu aaso diin ma aha, diintuna ma sheegin karfan midab gooni ah leh. Waxaa lagu duugi karaa karfan cad, mid gaduudan ama mid madow, midaabkii la doono ayaa maydka lagu aaso karaa,. Ama karfan la’aan baaba la aasi karaa,” ayay ka dabatuurtay asaga oo sii socda balse aan iridda gaarin.
Hadalkeedaas u dambeeyay aad buu u damqay aadna waa uga xanaaqay. Inta uu ku soo noqday buu si caro leh ugu yiri “yareey i maqal jooji arrinkan, halkaa ku xir sheekadan dib dambena kaaga ma maqli karo. Ma i maqashaa? Ma i fahmaysaa? Mar dambe yaanan afkaaga ka maqal waxaa iyo wax la mid ah, haddii kale gurigan ka ma bixi doontid jaamacd jaamacad iyo waxbarashay barataye.”
“Haye, haye aabbe. Raalli noqo,” ayay ugu warceliyay asaga oo iridda ka soo baxaya.

La soco Q5aad

 

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN