DULMI QUUDASHO, DACARTAA DHAANTO. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

DULMI QUUDASHO, DACARTAA DHAANTO.

Dulmi waa dadajiyaha ciqaab ku habsata inta ku dhaqanta markaas, mar walba weynu doonaynaa naxariista Alle, balse dulmi iyo doonista naxariista Alle marnab meel islama galaan.

Alle subxaanahu watacaalaa naxariistiisa waa waasac oo waa mid ku dul dagta maqluugiisa oo dhan nuuc walba ay yihin, ha ahaado Dambiile ama ha ahaado Dulmane iyo inta kasoo hartaba, ma jirto qof loogu diidayo naxariista Alle dambi uu sameeyey dartiis, hadana sidaas ay tahay qabashada Alle waa mid daran, oo marka uu maqluuqiisa qabto ma jiro mid u adkaysan kara xanuunka uu kala kulmayo abaal marinta dambiga uu galay.

Hadaba Dulmiga wuu nuucya badan yahay, Umad walba umadda ay ka dulmi badantahayna wey ka ciqaab iyo balaayo badantahay sida uu alle inoo sheegay, sida dhabta ah marka wax loo miisaamana maanta heerka aan taaganahay iyo tiiha aan la taahayno har iyo habeen waxaa la oran karaaa waa Miraha aan ka dhaxalnay dulmiga aan inaga is dulmino maalin walba.

Alle wax ma dulmiyo ee dadka ayaa iyaga is dulmiya waa sida uu Alle Quraankiisa inoogu sheegay, xaqiiqda marka laga hadlana ciqaabta alle ma timaado ilaa ay timaadana waa mid ku timaada abaal marin ahaan iyo aargudasho uu alle ka aargudanayo una aargudayo dadka masaakiinta ah ee dulmanayaasha ah.

Waxaa jirto laba dhacdo oo aan goob joogu u kala ahaa, kuwaas oo runtii igu dhalshay in aan qoro qormadan aan ugu magac daray DULMI QUUDASHO, DACARTAA DHAANTO.

Sababta igu kalliftayna waa in aan u adkaysan waayay ka aamusidda waxyaabaha aadka u xun ee dhacaya, kuwaas oo laga yaabo qaarkin in Aydan arkin amaba aad aragteen kuwa kale oo kasii liita.

Waxay ahayd Subax Jimco ah oo iskoolada iyo dugsiyada quraankaba ay wada xirnaayeen marka laga reebo iskuulo tabarucaad ah oo masaakiinta aan waxba haysan subaxaas jimcaha ah caruurtooda wax bara

Aniga oo subaxaas u jaqaafinaya meel markaa aan kula ballansanaa qolo qaraabadayda ah ayaan soo ag maray oday ku qaylinaya wiilkiisa yar, wiilkuna uu waxa uu odayga waydiinayo uu bixinayo jawaab uusan odaygu markaa ku qanacsanayn.

Waan dareemi karay in odayga uu xoogaa murugaysnaa, wiilka yarna uu la aadaarayey (la taahayey) Xanuun markaa ka hayey Gacan uu ka jabay, kadib markii uu Geed gurigooda ku hor yill kasoo dhacay.

Dhacadada bilowgeeda wey iga horreysay, balse isla odayga cunuga dhalay oo u sheegaya oday kale ayaan ka fahmay hadalkiisa sida ay u dhacday, xaqiiqdii marka aan arkayna aad ayaan uga xumaaday, maxaa yeelay qaabka ay labada oday warka iskugu jiibinayeen ayaa waxaa iiga muuqday dulmi cad oo nasiib wanaag qof muslim ah uusan ku yeelan, balse, si walba loo doonayey in qof uun qofka uu rababa ha noqdee qoorta loo galsho, waxaasa Alle uga mahad celshay in aanan aniga noqon qofkaa maadaama qof waddada soo maro aan aniga ugu horeeyey lana kulmay dhacdada, haddii cunuga aniga oo waddada soo marayo uu soo dhici lahaa qoortayda ayey noqon lahayd wixii ku baxo oo dawo ah, amaba laga yaabee in meel kale oo aanan mahdin la ila gaaro.

Wiilka yar geed ayuu u fuulay si iskiisa ah, geedkana waxaaba iska lahaa isla iyaga waa cidda wiilka yar uu ka dhashee, nasiib darro geedkii ayuu kasoo dhacay, gacan ayaana u hoos martay taas oo sababtay in uu gacanta ka jabo.

Waxaa lagu soo baxay qayladiisa iyo oohintiisa, qof soo baxana waxaa ugu horreeyey aabihiis, markii uu arkay in uu xaalku fiicnayn wiilkana ay gacanta midig baf tahay, micnaha jabantahay ayuu waydiiyey waxa ku dhacay, wuxuuna u waydiiyey sidan “ belo gacan baa ku jaban, oo yaa ku jabshay aabow?

Wiilkii yaraa oo jawaabay isla markaana is boohinaya Matag yar iyo dhareer yarna xoogaa dhanka jilibkiisa u leexinaya ayaa ku war celshay “ aabo geedka ayaan kasoo dhacay”

Odaygii oo is leh allaylahee qaanta wiilkaaga maanta qof bey qoorta ugu jirtaa, marna ku faraxsan ugu yaraan in la helay halkii la saari lahaa kiilkan cusub ee jabka gacanta wiilkiisa ah ayaa ku war celshay, “ma xuma warkaaga maandhow ee yaa kaa soo riday geedka”?

Wiilkii yaraa oo la yaaban qaabka uu aabihii su’aalaha u waydiinayo ayaa yiri “ aabo qofna ilama joogin aniga oo Kaliyah ayaan ahaa, Laantaas ayaana ila soo jabtay”

Nin meel u caddahay meel ka madow, odayga waxbuu raadinaya, mar hore ayuuna ku tala galay in uu ugu yaraan qof uun qoorta la galo una galsho dhibka wiilkiisa jaban, isaga oo waydiinta wiilkiisa sii watana wuxuu mar saddexaad waydiiyey “ yaa ku ag marayey marka aad geedka kasoo dhaceysay”

Aaba qofna ayuu ugu jawaab celshay wiilkii yaraa, labada qalbi ee odayga iyo wiilka waa laba aan isku meel u socon isku meelna wax ka eegayn, wiilka sida dhabta ah ee ay dhacdadada u dhacday ayuu uga hadlayey, odaygase waxay ka ahayd uun muu mar uun meel tilmaan leh kuu tilmaamo si aad ugu dhagsato.

Rajada odayga uu ka qabo in uu dhibka wiilkiisa ku dhacay cid uu u saariyo helo oo sii yaraanaysa awgeed ayuu mar kale wuxuu wiilkiisa waydiiyey su’aal uu xitaa wiilka naftiisa la yaabay taas oo ahayd “ yaa ku ag taagnaa marka”

Marka uu sidaa leeyahay wuxuu is leeyahay ciyaalka yar yar ee ku asaaga ah wiilka mid ka mid ah hadduu meesha taagnaa bal ku qabso si ciddiisa aad wax uga jaaf jaafato, micnaha wax aad wiilkan jaban ku daaweysato.

Jawaabta wiilka laga sugayey waxay noqotay mid aan u ekayn sida uu odayga rabay, wiilkii oo jawaab celin bixinayana wuxuu yiri aabo kaligey ayaan ahaa, waxaan is lahaa soo gooso laba Laan oo aan ku ciyaaro.

Nasiib darro odaygii waxa uu doonayey ma helin wiilkiina khayrka ayaa alle waafajiyey oo sidii uu odayga wax u waydiinayey ugama jawaabin, subaxaas inti muslim ah ee meeshaas mari lahaydna ama ag istaagi lahaydna alle ayaanan meesha keenin.

Intaas waa dhacdada hore ee aan idinku tusayo heerka uu gaarsiisan yahay dalabka dulmiga umaddeena iyo sida uusan qofku ugu fakarayn nabad galinta qofka walaalkiisa ah ee muslimka ah, bal wuxuuba ku fakarayaa oo wadda walba u marayaa siduu uu qiil ugu heli lahaa in uu qoorta u galsho dhibaatada isaga kaliga ku ah ee xagga alle uga timid, dulmiga nuucaas ah waxaa dhaanto in aad dacarta quudato, saa qaraarka dacarta waa mid kali aad ku tahay oo cid dhadhankeeda kula dareemayso aysan jirin, halka dulmigu marka aad soo maleegto adiga iyo qofka aad dulmisaybta dhadhanka aad wada dhaminaysaan.

Dhacdada labaad ee aan goob jooga ah u ahaa ayaa Iyana sidan ku bilaabatay, wuxuu ahaa milkiilaha guri ku yaalo xaafadda laba dhagax, waa aabe, misana ah adeer koriya ilma ogoon ah oo walaalkiisa uga dhintay.

Shaqo gaar ah oo uu hayo ma jirto, aan ka ahayn harqaan uu ku hortosho gurigiisa geed ku hor yaalo, waxaa jira dad macaamiil la ah isaga oo mar walba hor tuban halka uu harqaanka u yaalo.

Dadka gurigiisa dagan waxaa ka mid ah haweeney leh gabar yar oo ay ayeeyo u tahay, ma jirin ilma kale oo aan meesha ku arkay oo ay haweentaas lahayd, waa dadka ahlu sharka ah oo dagaalka badan misan ku lug leh cunista iyo ka ganacsiga maandooriyaha Qaadka.

Waxaa mar walba is qabta gabadha yar ee ey ayeeyada u tahay iyo ilmaha uu dhalay ninka harqaanlaha ah ee guriga laga dagan yahay, markaas ayey  isku dhacaan waalidiinta ilmaha xoogaa afkana la isku qaloocshaa.

Isku dhacaas ma ahayn mid xisaabtiisa la sheegi karo, dhow jeer ayey isku dhaceen aabahaas iyo islaantaas, mar walbana dadka dariska ah ayaa kala gali jiray oo mid walba goonidiisa u dajin jiray.

Waxaa dhacday maalinta aan dhacadaas goob jooga u noqonayo in isla arrinka ilmaha la isku qabto, islaantana ay ninka ay guriga ka dagantahay sida ay rabto u caysay xitaa gacan u qaadday oo daqar ilaa 8 qodob ah ka jeexday, nasiib wanaag isaga wax gacan ah uma qaadin.

Galabkii markii la garaay ayaa waxaa u yimid odayaal ka socda dhanka islaanta wax geysatay si xaal mastuuro arrinta loogu dhameeyo, inta la hadlayey ayaa odayaasha mid ka mid ah hadal uu dhibsaday dhibanaha kasoo fakaday, hadalkaas ayaana sababay in kulanka lagu kala haado oo ninkii dhibka loo geystay uu go’aansaday In uu Alle arrinka u daayo, wax gar iyo xoola ahna uusan ka qaadanayn cidda dhibaka u geysatay, waxa kaliya uu markaa codsadayna ay ahayd in islaantaas gurigiisa looga baxsho xitaa bishan kiradeeda uusan ka rabin, xaqiisana uu alle ka sugayo in uu usoo dhacsho.

Wax walba sabab ayey leeyihiin sababta galabtaas kulankaas loogu kala tagaynahay, waxay ahayd Qaddar Eebe doonayey in kulankaas kala tagiisa uu sabab u noqdo, waxaana odayaashii islaanta xageeda ka socotay ay go’aan ku gaareen in arrinka dib loo dhigto inta ninkan ka cara baaba’ayo isla markaana islaanta ay xaafad kale oo Banaadir dhinaceeda ah ay caawo u hoyato inta arrinka laga dhameynayo.

Qof alle lagu dacweeyey miyaa meel uu ku dhuunto jirayso, waqtiga islaantana wuu soo galay ayaa la dhihi karay oo arrintan dhacday sabab ayey ahayd, islaantii iyada oo bad qabta ayey ka hoyatay xaafaddeedii oo u hoyatay tii lagu yiri soo seexo.

Subixii markii lasoo wada toosayna nafba kuma jirin oo yaab ayuu qof walba afka qabsaday, la yaabka aan la yaabay ayaasa wuxuu ahaa in ninkii ay daqarka 8dda qodob ah ka jeexday la yiri markii ay is dagaalayeen ayuu meel xun ku dhuftay, hadda marqaati badan ayey arrintaa lahayd oo ma jirin gacan uu qaaday ninkaa marag badan oo daris ahna wey lahayd.

Markii ciddii ay islaanta ka dhimatay soo aasteen maydkoodi ayey usoo hub qaateen ninkii ayaga oo markan xoolo doon ah kuna andacoonaya in gabadhooda uu ninka sababta ay ku dhimatay lahaa, waxayna markaa sheegayeen in uu u gacan qaaday.

Buuq dheer iyo is jiid jiid dadki dariska ah iyo odayaashii yimid ka dib galabkaa waa lagu kala tagay meesha iyada oo aan wax lagu heshiiyey aysan jirin, waxa kaliya ee lagu kala tagayna ay ahayd isku dhaarasho iyo isku soo laabasho kale oo handadaad ah.

Laba maalin kadib waxaa igu maqaala ahayd in askar lasoo watay ninkii harqaanlaha ahaana la xirtay inta askartii gooni loola soo  heshiiyey ninkiina la jir dilay maalmana xabsiga lagu hayo inta uu ka yeelayo waxa ay doonayaan ama ay ka doonayaan aqbalaaddooda.

Waa dulmiga aan leeyahay Dacar quudasho ayaa dhaanto, aabahaas ilmihiisa iyo kuwa agoonta ah ee uu adeerka ah u ahaa u qaraabanayey ayaa isaga inta dhiigiisa la siin lahaa laga soo raadshay dhiig uusan isaga galin.

Is waydiinta waxay tahay marka, dulmiga intaas la eg Umadda kala galaysa side ku heli karaan Nabad iyo naxariis Alle? hadda waxa aan ka hadlayo waa inta muuqato ee aan maragta ka ahaa, ka warama inta aan muuqan ee sakan walba ka dhex dhaca bulshadeena?

Dulmiga duul uu ku badan yahay liibaanta Waaxidka marnaba ma helaan, marka ay sidaas iskugu tuntaana wuxuu Alle ku sallidaa Duul kale oo kasii dhib badan, culays badana saara.

In la dulmiyo qofka Mu’minka ah Alle xagiisa heerka ay ka taagantahay Diin ahaan weynu garan karnaa, dulmigana inta jeer ee diinta ay inooga digtay ma ahan wax yar, oo waxaa badan tusaalooyinka uu Alle inaga siiyey dadkii is dulmiyey halka uu noqday Cirib tirkooda dambe.

Dhibaato badan ayaa ina haysata haddaynu nahay Bulshada Soomaali ahanata ku abtirsata dhinaca aan doonaba aan ku noolaano, Xadiith Rasuulkeena laga soo wariyey ayaa ahaa u hiili walaalkaa marka uu gar daran yaha iyo marka laga gardaran yahayba.

Waxaa la waydiiyey Rasuulka marka laga gardaran yahay waaba la gartee, side loogu hiilshaa marka uu gar daran yahay?

Jawaabta Rasuulka ayaa ahayd in marka uu gar daran yahay loogu hiilsho in khaladka uu galayo laga qabto oo la tusiyo waxa xaqiisa ah, marka laga gar daran yahayna xaqiisa loo soo dhacsho.

Hadaba waxaan ka garan karnaa xadiiskaas in dulmiga kuwa samaynayo iyo kuwa lagu samaynayaba aan ugu wada hiilino si xaq ah, maxaa yeelay inta badan ee aad dulmi kar hortagtaa waa inta badan ee aad adigana bad baadaa.

Dulmiga ma ahan in la isku fiirsadaa waa in laga hortagaa oo aan la isku eegan si ugu yaraan looga baaqsado Carada Alle iyo ciqaabteeda, dhulka meesha dulmiga uu ku bato ma ahan micnaheeda dadka kuwada nool in ay Daalimiin yihiin, hadana marka ciqaab lagu soo dajinayo dhulkaas, ciqaabtaas waa mid salfata dhamaan inta meeshaas ku wada nool Daalim iyo Mu’minba.

Alle aan ka cabsano oo aan garano xaqa aan leenahay iyo midka nalagu leeyahay, dunida macaanka yar ee aan lagu waarayn yaanan ugu dhaqmin sida Umad waligeed dul joogaysa.

Dulmi inta aad gali lahayd, quudana lahayd irsaaqaddiisa, waxaa dhaanta in aad dacarta qaraarka badan aad quudato, saa iyada ayaa ka qiima badan wax lagu dhibaateeyey dad masaakiin ah, Alle aan ka cabsano.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.