Dumarow waxaad u qalantaan fahma Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Dumarow waxa aad u qalantaan fahma.
Mar walba waa muhiim in aad kala garato marka aad tahay qof dumar ah oo dhalin yar hadana u nugul quudashada xiriirada kala duwan, qaasatan midka aad is leedahay hooskiisa harso oo ku dag.
Waxaa haboon in aad mar walba qiimayn isku samayso dumar ahaan oo aad fahanto qofka aad wax la wadaagaysid in uu bal ku siin karo xaqaaga iyo waxa aad dumar ahaan u qalanto, waxaa kaloo muhiim ah in aad kala garato marka aad ku sugantahay Xiriir xeeladaysan oo xaqaagu ku maqanyahay micnaha xiriir lagugu xad gudbo.
Bal aan is waydiino waxa uu yahay xiriirka xeeladaysan ee meel looga dhaco xaqa dumarka ama xiriirka xad gudubka?
Waa xiriir awoodda loo wada siman yahay uu qof gooni ah ku takri falo, waa xiriir loogu awood sheegto mid ka mid ah labada wax wadaagaysa, waa xiriir uu aaminsan yahay mid ka mid ah labadaas qof in qofka kale uusan wax hogaamin karin, waa xiriir labada qof mid lagu jiifo mar walba .
Xiriirka nuucaas ah waxaa loo yaqaanaa xiriirka sarqaanka, maxaa yeelay, waa mid si gooni ah kaaga riixaya asxaabtaada iyo qoyskaaga iyo wax walba oo shaqsiyaddaada aad ahayd ama jeclayd, waana mid kuu riixaya Xabsi aad u gasho qofkaas aad jeceshahay, balse aan garin karin xaqaaga iyo waxa aad u qalanto.
waa in aad fahanta in aadan xaq u lahayn in aad qof la haysto u noqotid oo xirnimadaada iyo qaybta aad ku leedahay kaxaynta ama shakaal u qabashada xiriirka idinka dhaxeeya qofkaas aad qayb muhiim ah ku leedahay.
Dumar ahaan waa in aad fahantaa waxa aad u qalanto iyo qiimahaaga, sidoo kale waa in aad kala saari kartaa ama kala saartaa jacaylka iyo xad gudubka marka aad dabalaanayso iyo marka lagu quusinayo Badda halaaga ee jacaylka lagu magacaabo, micnaha lagugu xadgudbayo.
Jacaylka aad u qaadayso ninka ama la wadaagayso waa in uu noqdaa mid labada dhinacba ka jaan qaadaya, sidoo kale waa in uu noqdaa mid la isku aqbalayo waxa la yahay, qof walbana kan kale uu fahmi karo xaqiisa iyo waxa uu mudan yahay.
Adiga dumar ahaan xaq ayaad u leedahay ixtiraam, Naxariis iyo la tashi, haddii aad qalbigaada dhiibtay u adeegidda aad u deegaysid lamaanahaagana ay tahay mid ku qotonta jacaylka aad u qabto, waa in uusan isagu u fahamin lamaankaaga in taas ay tahay mid xaq u siinaysa in uu xaabsado wax badan oo uusan xaq u lahayn, xad gudubna uusan kugula kicin .
Hadaba dumarow garta xaqiina, xad gudubkana ka dhiidhiya, waxaa tihiin horyaalka umadddan.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN