FARXADDU IIB MAAHA Q/11AAD

FARXADDU IIB MAAHA Q/11AAD
Islaantii oo careysan ayaa ku tiri adigaa ka shalaay doono waana ay ka dhaqaaqday, maalmo kaddib ayey xaaskiisa kasoo adeejisay kuwo filkeeda ah ilaa Habartii loo geeyo, oo ay maalmo badan u seexseexato ilaa habarta warkeeda ay u soo xiisto, maalinkii danbo ay heshay meeshii ay ka weerari laheyd, waxa ay gabartii ku tiri; ‘hoogto ma ogtahay ninkaaga inuusan ku jecleyn uu naago kale heysto faalkaa ii sheegay, faal cir guduudna been ma sheego caddeyn na waa laguu haayaa cawada markuu kuu yimaado waxaad ku tiraahdaa mar labaad ceelka shub haddii kugu diido ogow meesha nin kuma heysid ee madaxaaga ka qaado waxba ma dhaantid xoolaha guriga joogo uu asagu midkuu doono gowracdo.
Gabadhii ayadoo xanaaq bisteed ah oo sugi la’ inta qoraxu ka dhaco oo xoolaha laga kala agaasimo, ileen saacad dhararaayo dhaqso kuma timaadee wax waqtiga ku dheeraadaba waxaa la gaaray waqtigii ay u dhakaneyd say ku tiri: “Soo soco aqwaan, markaas ayuu ku yiri ii yara sug aan neefsadee. Waxey ku tiri: kaama yeelin hadda haddii aadan sameyn, ha u fadhin inaan guri kuu dhaqo, waa ku ogaaday qiyaanoolayahoow ma naagaha aad u dhuumataa iga qiimo badan madaxeyga bartaas ii dhig, qoorta ayey isku galeen habeenkaas lama hoyan
Wax la murmo oo uu tuugtuugo oo marba dhinac ka maro markii danbo ay dhahday Eeddo Macey Allow ha iga qaadin haddii aysan aheyn qiyaanadaada ma ogaadeen ee war badan ma u baahni ee kuwaad qarsato ayaga aad.
Ninkii waaga ayaa ku baryay halka laga wareemay waa uu ogaaday waxa uu waaberigii uu aaday gurigii Duqdii cajuusada aheyd dadka cuudin jirtay wax haayo iyo waxaan heyn ba ka daweyn jirtay, asagoo meel laga saro dhiig laheyn, seef labo afleey ah gacanta ku sito oo rabo inuu qoorta ka jaro.
Markii ay aragtay duqdii dabinkii ay maleegtay inuu shaqeeyay ninkii oo xanaaqsan uu soo socdo ay mid ka mid ah nimanka la shaqeysto ku tiri ninkaa ka shaqeyso oo asagoo dagan ii keen  inta magaciisa iyo halka uu dagan yahay u sheegtay, isla qacdiiba ma daahine ninkii ayuu ka hor tagay inta salaan ku boobay kuna yiri: “Aqwaanoow Islaantii faalisa haddaad u socoto isaga laabo maanta xaalkeedu  ma fiicno balaayo ayaa ka higle. Ninkii ayaa ku yiri oo maxaa dhacay?  Saa waa intuu sugaayee jid baa u furnay Suuye: ” Jinkii badda kii cirka iyo kii dhulka ayaa ayey u kala garsooreysaa nin hebel hebel la yiraahdo (waa asaga ninkuu u abtirinayo) oo duulaan ku soo ah hadda ka horna xoolo yar oo la weydiistay diiday ayey ku murnaayeen hala cuuryaamiyo iyo hala indho tiro   iyo waa geel jecel yahay geel ha laga baabi’iyo maya Dibi ha laga dhigo iyo ayaamo ha loo cag dhigo, ninkaas haddaan aqaan waa uga digi lahaay inuusan maanta dagaal u tagin ee xal mastuur raadiyo. Ninkii oo yaaban ayaa ku yiri: “Adigu maxaad aheyd? Suuye daawo ayaan u soo doontay anigoo aqalkeeda markaas salka dhulka la helay  ayaa boor iyo qiiq is qabsaday waxa ay igu tiri: Ha dhaqdhaqaaqin ilaa aan ku fasaxo  hadda ayey i soo fasaxday, ninkaasna waan u digi lahaay waana Ka cabsanayaa iney i ogaato,oo jinka iyo balada la shaqeyso iga adeegtaan waxaan yeelo ma aqaan ee nimoow ninka hebel hebel la yiraahdo haddaad taqaano ama qof yaqaan aragto u sheeg waxa uu soo wadaba habartaan iyo jinkeeda ha la xaaltamo waana ka siibtay markii uu warka ku duray.
Ninkii markii uu in door ah fikiraayay ayuu go’aansaday Habarta jini cadde inuu la xaaltamo dilkeedana iska dhaafo  seeftii inta galkeeda ku celiyay ayuu u tagay,  ayuu hadal.uga bilaabay aad i maqal shantii halaad iyo shan kale waa ku siinaa koow dheh xaaskeyga waxaad ku xirtay ka fur mar danbana hawadeyda ha soo galin ee na kala amaan gali.
Habartii faalisada ayaa ku tiri: “Nimow wax ma kuu sheegaa anigu adeege ayaan ahay waxna ma furo waxna ma xiro waase kaa ergeyhaa ee hasheydii ku soo dar, cawadana in ay xaaskaaga adiga ku raali galiso ayaa noo balan ah.  Nnkii oo yaaban ayaa yiri waa tahay.
Galabkii ayaa ninka xaaskiisa oo wali caman tuur iyo maseyr ba’an uu ka muuqdo ay duqdii guriga ugu tagtay, waxey ku tiri kaalay maandhaay waxaan kugu imid inaad reerkaaga dhaqato say ku tiri: “Ma ninkaan ogaa haddii uu cawada madaxeyga i sii waayo ha heysto waa ka tagaa. Duqdii baa ku tiri: ‘kaalay ninkaagii dagaalkaad xalay ku qaaday abshir ayuu kuu ahaa jaceylka uu kuu qaaday mid la qiyaasi karo maaha rroxaantaa ii soo warisay, horta mid ayaan rabaa aniga gurigaaga inuu guri loo soo hirto oo adna aad boqoradda xaafadda noqoto haddana waa ku guuleystay ee inta soo kadaloobso ee kaadi, ayadoo yaaban waxa ay uga danleedahay ayey ka yeeshay, waxey ku tiri mar labaad kaadi, waxa ay ku tiri Eeddooy kaadi ma leh markaasey ku tiri hadda asagana waa kula mid ee ogaanteed lahaaw anigaa xujo uga dhigaayay inuu geedka uu saaran yahay ka soo dago, ee maandhaay waxaad yeeshaa reerkaaga dhaqo wixii dhacay xalay dhalay ka soo qaad, maanta waxaa kuu bilaawday Nolol cusub ee yeysan kaa hoos bixin sidii ayey uga xoolo qaadatay reerkiina ku dagay.
Cali Coon oo ogaa quraafaadka falfaloowyaasha iyo iney shayaaddiin ku xiran yihiin waxa uu ku fakaray sidee xeerro
Loo xagtaa ilkana ku nabad galaan gurigii habarta ayuu damcay inuu Albaabka gargaraaco sidaa uu gacanta ula aaday albaabkii waaba kaa is furay, Cali oo ka naxay ayaa ka cuudu bileystay markaas ayaa lagu soo dharbaaxay inta gadaal u booday oo baqdin gashay ayuu yiri: Acuudkiyoow Habruhu kala shar badan asagoo ula jeedo tii hore quraafaadka iyo farsanada wax uga cuni jirtay tan iney ka farsamo iyo shar badan tahay.
Mar labaad ayuu damcay inuu gargaraaco si uu idan u weydiisto asagoo cuudu bileysanaya Albaabkii ayaa inta kaligiis is furay ayaa sakeel biyo qabow iyo qaac wada socda  lagu soo shubay sakeeliina (Baalddi) kaligiis asagoo duulaayo guriga duqda ku laabtay.
Cali coon naxdin iyo walwal ku bilaawday ayey Habartii gadaashiisa ka soo baxday inta garabka ka taabatay ayey ku tiri: horay u gal guriga juuqna ha oran. Cali coon inta ku soo jeestay Habartii ku yiri: ” ma galaayo guri aan quraan Alle laga ogoleyn ee adiga iyo aniga sow na aanan balansaneyn maxaad reerkeyga iigu dabo martay? Inta giir iska kicisay ay ku tiri: “Hooy  ka joog wax aadan ogeyn baa balantii buriyay xaaskaaga waa xaaskeena labo mataano ayey noo sidaa marka ay kala timaado ayadoo lix indhood oo nabad ah markaas ayaan ku soo celeynaa waqtigaaga sugo kiis iska waalka jooji biyo qabow iyo qaac ayaa laguugu sooray maadaama aan anaga balantii ka baxnay ee wax ka daran ha naga shaqeysan.
Waxa uu yiri maxaad ka waddaa anaga? aniga iyo adigaa balan laheyn? inta cirka fiirisay ayey oo indhaha kala rogtay faruuryaha ka jareysiisay ku tiri: ‘War bal jooga waa taqaanaan waa indhoolayaal idin ma arkaan markii uu xal diido anaa idiin yeeraaya ee iga war suga, inta ku soo jeesatay oo indhaha ku gubtay si ay u baqdin galiso i maqal aad ii dhageyso labo mid midkood dooro, inaad u hogaansanaato waxaan ku faro oo aadan war igu soo celin iyo inaad iskaga kiin dhax baxo qolyahaan korkeyga taagan war badan uma baahni.
Cali Coon cabsi  ayaa gashay, waxa u ku yiri: ‘Oo hadda ma waxaad rabtaa inaad nolosheyda xaaraan igu heysato oo aad i duleysay kaama yeelin taas ee waxaad rabto oo kale sheego oo maal adduunyo ah,haddaad is leedahay Cali wax ma heysto oo waa kugu qasban yahay war aadan ogeyn ayaa jiro, shelay waxaan soo helay sanduuq dahab ah, warqad uu hage(Map)ku sawiran yahay hoosna ay uga qoran tahay haddaad hesho dahabkaan labo u qeybi oo qeyb  qaado waa kuu xalaal, dahabkaas ayaa gacanteyda ku jira oo faqri adduunyo waa is deynay, meel ayaan ku soo duugtay ee haddad cilmi taqaanid ay balaayo kula shaqeyso  soo wada baxso, haddii kale aan bar ku siiyee reerkeyga bannaanka ka mar.
Habartii faalisada oo damac galay ayaa la soo booday, abshir waan ogaa waan ogaa inaad barwaaqowday waxaanse heli meesha ay wax iga jiraan waana sababta aan xaaskaaga u duufsaday ee haddaad qeybteyda i siiso  mar kale hawadaada ma soo galayo.
Cali Coon il bay u tiri ayaa ku yiri: ‘Aaway xaaska iyo wiilkeyga farta iga soo saar una caddey inta aan kula taaganahay inaad geedo geedo iyo sun aad siiso ee aad awood kale meesha ku heyn.
Habartii waxey tiri maya taas ma yeeli karo waa xirfadda kaliya aan ku shaqeysto haddaan naagtaada u sheego sow sirtii fakan meyso, ee Caliyoow wax aan kala badalano oo dahabka igu soo wareeji sidaad naagtaada ula tacamuri laheyd adigey kuu taal.
Cali Coon markii uu arkay go’aanka ay iska taagtay, waxa uu ku yiri: ‘Qeybtaada waa kuu keenaa oo madax furashada waa kuu ogolaaday laakiin raadkkaaga maalintaan ku arko agagaarkeyga adiga iyo gurigaaga dab ayaan idin qabadsiinaa sidii ayeyna ku kala baxeen  oo habartii dahabkii ayaa la siiyay.
Habartii faalisada markii ay dahabkii gacanta ku dhigtay, waa ay ka shallaayday waxey na ogaatay in talo ka hoos baxday oo Cali sirteeda quraafaadka ogaaday halisna uu ku yahay, aayaha nolosheeda,  maalinkii ku xigay inta soo dhuumaaleysatay ayey guriga u dabo martay, xaaska Cali Coon oo iska murugeysan oo wali ku baraad la’ baddii ay hirqatay si ay wax ka yeesho aqoon wixii ay sameysay qalad iyo sax ay iskaga darmee oo noqotay hal nin guran soo hooyay.
waxa ay hadal uga bilaawday waan ogaa inaad murugo iyo walwal aad meel la fadhido, ha murugoon anigaa hooyo iyo aabbo kuu ah oo garabkaaga joogo, haddana haddiyadaan ayyan kuu keenay waa dahab laakiin meel ku qarso, haddey dhacdo ninkaaga sida uu kaaga aamin baxay inuu ka soo laaban waayo waa am uu kaa dal doorsado noloshaad inta ka dhiman waa kugu filan yahay dahabkaan.
Xaaska Cali Coon oo marna ku faraxday marna ka naxday in dabin kale ku riddo ayaa ku tiri: ‘Eeeddooy dahabka waan kaa guddoomay laakiin ninkeyga mar baan ku gardarooday mar kale maya asaga waxa uu doono ha igu sameeyo sidii aan ku soo ceshan lahaa anigaa falkeed galaayo adiga isku keena daaoo bannaanka naga mar.
Habartii faalisada oo ku hungowday damaceeda waalnaa ayaa tiri yaa doqon u hiilin jiray hoheey hoh naa heedhe aniga waxba kaama rabo, dahabkaan sariirta hoosteeda ku duugo yuusan ninkaaga arkin, haddaad talo u baahato waa taqaan gurigeyga ee nabadeey waa sii baxayaaye waana ay iskaga tagtay.
Habartii faalisada intaa kuma harin ee afar nin ay ka soo adeejisay si dahabka gurigaas yaala oo sariirta hoosteeda ku duugan iyo kan uu ninka meel kale ku qarsaday loo soo dhaco waxeyna u raacisay waa nin madax adag garaaca oo ka dhaliya, ayadoo ujeedkeedu yahay ninka Caliya in la dilo, goortii la kale seexday ayey u soo dhaceen.
La soco qeybaha xiga..
W/Q;  Cabdulle Abdikariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN