FARXADDU IIB MAAHA Q/13AAD

FARXADDU IIB MAAHA Q/13AAD

Dhanka kale Cali Coon markii uu badda ku dhacay asagoo miir la’ oo ay biyuhu marba dhinac u wadaan asaga iyo santuuqii waxaa helay wiil iyo Aabbihii  oo  kaluumeysato ah, isla markiiba waxa ay aqoonsadeen Santuuqa inuu yahay koodii ka lumay sannado ka hor, awoowgoodna ay ku waayeen baadi goobkiisa.

Waa ay soo badbaadiyeen Cali iyo Santuuqii Dahabka ku jiray, waxeyna keeneen meeshii ay daganaayeen halkaas oo aheyd meel Jasiirad ah oo dhan walbana ay biyo ka xigaan, waa dhul barwaaqo ah, oo aad u yar dhererkiisu waa ilaa 8 Km balaciisuna 4 Km ugaarta noocyadeeda ka duwan ayaa meel walba buux dhaafshay, wax dugaag ah ah ma joogaan  waxaa ku nool dhulkaan wax bini’aadam  ah qoyskaan oo sii dabar go’aya wiilkaan iyo Aabbihii iyo awoowgii oo indhoole ah.
Sadaxdii biloodba mar ba labo qof ayaa u safri jiray oo dabeysha raaca  xilliga  Xagaaga iyo xilliga  Jiillaalka,  Deyrtama waa ay soo laaban jireen, xilliga Gu’ga wax safar ma ay sameyn jirin.
 Reerkaan oo markoodii hore ahaa qoys weyn 30 meeyo Rag u badan qaar waa ay dhinteen qaarna waa la waayay oo sidey u safreen dib uma soo laaban, hadda waxaa ka joogo sadax qofood iyo Cali Coon oo dhaawac ah oo soo afareeyay.
Muddo 15 sanno ka badan ayey dabiibayeen Cali coon waa soo caafimaaday oo nabaradii gaaray waa ka bogsooday nasiib daro waxa ka lumay xasuustii waxa kaliya uu xasuustay ayaa noqotay in uu jiro wiil uu dhalay oo la yiraahdo Keyse iyo hooyadiis Dagan xaaji.
Xilliyada safarka  15 kii sanno ee Cali Coon la daaweynaayay mar waxaa bixi jiray Wiilka marna Aabbihii,  oo qofka soo haro waxa uu la joogay odayga awoowgood iyo Cali oo u baahnaa daryeel dhan walbo ah.
Sannadkii uu cali soo caafimaaday waxaa safray odaygii waqtigii la sugaayay sidii kuwii ka horreeyay dib uma soo laaban  taasoo naxdin ay ku noqotay wiilkii.
Xilligii bad galka markii la gaaray ayuu wiilkii oo aad ugu xun inuu ka tago ninka martida iyo Awoowihiisa cadka ah ee sariirta saaran ayaa ku qasbanaaday inuu baxo, waxa uu la dardaarmay Cali Coon  oo ku yiri markii xiligaas la gaaro dab weyn shid, (Dabkaas oo astaan u ah soo guryo noqoshadooda, si ay u soo bar tilmaansadaanhalka reerku yaalo) haddii aan subaxdii soo noqon waayo Awoowe waxaad ku tiraa wiilkii tag soomana laaban, halkii ay waalidkiis iyo walaalihiis mareen ayuu maray kaddibna waxa uu ku faro samey adiga ayaa indho iyo xoog  ah.
Waqtigii ayaa la gaaray Cali coon dabkii weynaa ayuu shiday  wiilkiina sooma laaban Cali Coon Odaygii  ayuu ku wargaliyay in wiilkii jidkii Waalidkii maray uu maray, dibna uusan u soo noqon.
Odaygii markii uu maqlay warkii ayuu ku yiri : “Maandhow  noo diyaari Doon marka  dabeyshu wareegto waa inaan ciddii baadi goobnaa  inkastoo horay aysan u dhicin qof tagay, Raq iyo ruux mid la soo helo haddana raxmadda Alle lagama quusto, hal meel baan ku tabayaa in ay iskugu biyo shubteen dhamaantood.
Cali Coon ayaa Odaygii weyddiiyay sababta  labada xili kaliya loo baxo iyo sirta ka danbeysa, Odaygii ayaa ku yiri: “Labadaan xili  marna waxa ay na geysaa dabeysha meel aan maal adduunyo ka soo gurano marna meel aan u iib geyno oo dad degan yihiin halka dadkaas degana waxaan nahay dad xidid ah oo gabdhahooda ayaa noo dhaxay kuweenana ayagey u dhaxeyn balse 40 kii sanno ee la soo dhaafay wax gabar ah nooma dhalan reerkii aan ka guursan jirnay waa nagu adkeeyeen oo maal badan ayey nagu xujeeyaan taasoo  keentay raggii in ay badda ku dhamaadeen inta xilliyo qaldan baxeen, waxaa kaloo jira geedo mudaawaad ah oo meel walba u roon inaan halkaa ka keeni jirnay  qofka kaliya oo yaqaanay aniga ayuu ahaa anigana waa indho beelay.
Meesha geedaha mudaawaadka laga helo waa meel jasiirad aad u yar oo cidna deganeyn, hal meel ayaa laga galaa haddaad meesha qalado Dabeyl baa ku dharbaaxeysa waxeyna kugu ridee jasiirad kale oo aan ka dheereyn indhahana waad beeleysaa ama waa Cuuryaameysa gaar ahaan labada gacmood ayaa ku kaduudanaya, adigana markaas ayaa arag kugu danbeysa.
Haa Waa meesha aan ku soo indho beelay nasiib wanaag aniga wiilkeyga ayaa i soo helay intaan xilligii la gaarin ayuu dhintay, balse shan wiil oo kale oo aan anigu dhalay ayaa isku dayay iney aadaan kii u danbeeyay iyo wiilkiisa waa ku soo gaartay meeshaas ayey ku maqan yihiin anigu wax ma arko wax aan samee ku dhihin ha sameyn tilmaantana ha qaldin.
Cali Coon oo gartay halka reerka laga asiibay ayaa yiri: “Waxaan ahay Farsamo yaqaan waxaan noo sameynaa Doon aan anagu wadan karno qasab ma aha in aan dabeysha ku xirnaano.
Odaygii ayaa yiri: “Maya anaguba taan ku kaluumeysano anagaa wadano ee arrinka dabeysha la raacaayo xikmad baa ka danbeysa waana caado soo jireen ah, Ab ka Ab ayaan sidaa ku wadnay waa dhaxal,  marka looma baahno  inaan qaladno waa in aan jidka Dabeysha na mariso aan qaadno xooga iyo xowliga ay ku socoto awgeed marka ay dhaqaaqdo waa in aad hoos gashaa ilaa ay ka qabowdo, haddii kale naftaada ayaad ku waayeysaa.
Cali Coon ayaa aqbalay warkii odayga oo subaxdii waa dhaqaajiyeen, markii ay sadax beri iyo sadax habeen ay badda ku jireen maalinkii afaraad ayey jasiiraddii soo ag dhigtay, Cali Coon ayaa u sheegay Odayga meesha la joogo una tilmaamay tilmaan buuxdo, Odaygii ayaa ku yiri: “Ma kuu muuqdaa Jamal midabkiisu is badbadalayo marna Cad noqonaayo marna madoow Jamalkaas dhankiisa bidix noogu xir Doonta  meesha is badbadaleyso naga ilaali oo ha noo dhaweyn.
Sidii ayey gudaha ku galeen geedihii ayuu cali soo guray oo odayga indhaha ka mariyay qaarna waa ruugyay oo dheecaankooda ayuu dhuuqay Odaygii indhaha ayaa u furmay Cali Coon na waa isticmaalay oo xasuustaa u soo noqotay.
Markaas ayuu odayga uga sheekeeyay habartii baas ee noloshiisa soo dhax gashay  iyo isku daygii dilka uu ka badbaaday halkii reerkooda deganaan jireen  Odaygii ayaa isna aad ula yaabay iney jiraan dad iyo dal kale oo aan aheyn kuwii ganacsiga ka dhaxeeyay.
Odaygii ayaa yiri: “Waxaan jiraa  in ka badan sadax boqol oo sanno   sadaxdaa Jasiiradood xaga iyo xaga uma dhaafin halka maanta joogno oo aan dhirta daawada ka gurano iyo meesha aan Dahabka iyo qalinka iyo luulka ka soo gurano iyo meeshaan daganeyn iyo halka aan u iib geyno  intaa waxaa dheeri ka ah  marka aad qaladdo albaabka laga soo go jasiiraddaan oo meel aan la aqoon ilaa iyo hadda dadka ku tuuro, waxaa kaloo jira hadda markaan ka baxno  haddaad isku daydo inaad ku laabato  waxaa laguu soo gamaayaa Falaaro digniin ah haddaad ku madax adeygto si toos ah ayey kugu dhacaan horay ayaad ka dhimaneysaa marka hadda waa in aan laabano xilliga danbo aan u soo laabano si ogaal ahna aan u qaladno ilinka la galo  meesha ay dadkeenii jiraan  si ay noogu tuurto si aan u soo badbaadino dadkeena intii aan nolol ku gaarno.
Caliyoow Alle ka sokow aad iyo aad ayaan kugu mahad celinayaa waxaad noo qabatay aniga iyo reerkeyga ma ahan mid aan ilaabi doono waligeen, waxaan jeclaan lahaa markii aan soo helno reerkeyga inaan reerka baadi goob u galno kana bilowno meeshii ay wiilka aan awooaha u ahay iyo Aaabbihiis kaasoo heleen, waxaa hubaal ah inaan Farxadda iib lagu helin sidaa darteed waxba kaama hagran doono intaan awoodo.
Cali Coon oo aad ugu riyaaqay garashad Odayga ayaa yiri: ‘Majo dhooqo midba mar baa la siibaa horta aan reerkaagii kala irdhoobay meel iskugu keeno.
Sidii ayey yeeleen oo waa soo laabteen, markii la gaaray xilligii ay sugaayeen ayagoo nin walbo mudaawaadkii faraqa ugu xiran yaha, ayey si ogaal meel qaldan ugu xirteen Doontii ay wateen, sidii ay filanayeenba Doontii waxa dharbaaxday dabeyl daran oo meel ay ka timid la aqoonin.
Cali Coon oo indho beelay iyo Odaygii oo cuuryaamay ayey doontoodii kula caariday meel xeeb ah isla markiiba mudaawaadkii ayey isticmaaleen, waana bogsadeen waxa ay baadi goob u galeen dadkoodii maqnaa, nasiib wanaag  waxa ay heleen ayagoo hal meel wada jooga mid indho la’ mid dhaool ah mid curyaan ah ilaa iyo labaatameeyo qofood oo ay ku jiraan wiilkii iyo Aabbihii iyo hooyadii.
Dhamaantood waa soo guryo noqdeen waxaa u bilaabatay noloshoodii hore balse Cali Coon oo reerkaan badbaadadooda kaalin buuxda ka qaatay dadkiisii lala baadi goobo meesha ay adduunka ka joogaan, looma kala harin nasiib daro ma suura galin iney ay helaan.
Shan sanno kaddib markii Cali Coon ka quustay inuu reerkiisa dib ula midoobo ayaa loo aroosiyay naag kale maaddaama uu reerka ka tirsan yahay asagana uu ahaa kii soo badbaadiyay waxa ayna u dhashay wiil.
Maalikii wiilka u dhashay maalinkii ku xigay ayuu Cali Coon xannuun ku soo booday, xannuunkaas oo caan ka ahaa reerkaan waxa ay u yaqaaaneen wad la soo bax qofka uu ku dhaco dawo ma laha sannado ka dib waa uu dhintaa intii ka horreysana wax tabar ah ma lah, laakiin ogaalkiisa waa joogaa, Cali Coon markii loo sheegay inuu yahay mid aan dawo laheyn oo u dhimanayo   waxa uu ka dardaarmay wiilkiisa Keyse iyo hooyadiis in aan laga caajisin raadintooda.
Dhanka kale Keyse waa uu tabar galay Hooyadiis Degan Xaaji waxa ay ugu sheekeyn jirtay Aabbihiis iyo halkii uu ku danbeeyay iyo habeenkii isku aragti danbeysay sida uu ekaa iyo in uu Keyse yahay Aabbiihis oo inta taagan,waxa ayna tusisay warqaddii qariiradda badda ku sawirneyd ee Keyse Aabbihiis Cali Coon uu rabay inuu ku baadi goobo ddkii dahabka iska lahaa.
Keyse waxa uu bilaabay inuu bad maax noqdo nolosha baadiyahana uu xaga uga digo rogto, si  uu u raadiyo Aaabbihiis oo markii u danbeysay ay tuugadu badda ku rideen.
La soco Qeybah xiga
W/Q CABDULLE CABDIKARIIM (ABKOOW JALLAATO)

SHEEKOOYIN