GEEDKA JANNADA| W.T: Ibraahim Nolosha

Abuu Daxdaax Allaha ka raalli noqdee oo la jooga Nabiga ﷺ ayaa waxaa Rasuulka u yimid wiil yar oo agoon ah. Wiilku wuxuu ka cabanayey nin deriskiisa ah. Derbi uu wiilku dhisanayey ayaa waxaa caqabad ku noqday geed timir ah, laakiin ninkii deriskiisa ahaa oo geedkaas lahaa ayaa diiday in uu siiyo ama ka iibiyo.
Cabashada wiilka agoonka ah ka dib, Suubbanaha ﷺ ayaa u yeeray ninkii deriska ahaa. Wuxuu ka codsaday in uu wiilka agoonka ah siiyo geedkaas ama ka iibiyo. Mar kale ayuu diiday. Haddana waxaa loo bandhigay fursad dahabi ah; in geedkan uu ku beddesho geed ka mid ah geedaha jannada. Diidmo kale ayuu ka horkeenay ballanqaadkaas wuuna iska baxay isaga oo ka careysan dacwada wiilka.
Abuu Daxdaax oo kanshadan u arkayey mid dahabi ah, ayaa Nabiga ﷺ weydiiyey haddii uu geedkaas iibsado in uu gorgortanku wali sidiisii yahay iyo in kale. Suubbanuhu wuxuu ugu jawaabay “haa.” Markuu intaas hubsaday ayuu ka daba cararay ninkii geedka lahaa, wuxuuna ku yiri “seeraheyga iiga beddelo geedkan.” Abuu Daxdaax wuxuu hanti dhan ka lahaa dhul seere ah oo baaxad weyn caanna ka ah magaalada Madiina. Waxaa ku beernaa 500 oo geed oo timir ah, sidoo kalena ceel biyo macaan iyo guri reerkiisu deggenaayeen ayaa ku dhex yiil.
Ninkii baa aamini waayey dalabka loo soo bandhigay, ka dibna wuu aqbalay. Sidaas ayuu Abuu Daxdaax ku hantiyey geedkii timirta ahaa, wuxuuna si bilaash ah u siiyey wiilkii agoonka ahaa. Abuu Daxdaax ayaa xaaskiisii u tagay, wuxuuna u sheegay in dhulka iyo gurigaba uu ka iibiyey Sarreeyaha kaliga ah iyo Suubbanaha ﷺ. Xaaskii baa ugu jawaabtay, “Ilaah baa weyn! Maxaa ka wanaagsan gorgortankan!” Waxay isku keentay carruurtii ka dibna jeebabkooda ayey timir ka baartay. Wey ka firdhisay timirtii ay jeebabkooda ku aragtay, waxayna ku tiri, “wixii hadda ka dambeeya innagu ma lihin timirtan.”
Reer Abuu Daxdaax waxay isaga soo tageen hoygoodii ceelku ku ag yaallay iyo seerihii ay ku safnaayeen shanta boqol ee geed-timirka ah. Hantidaas ay adduunka ku lahaayeen oo dhan waxa ay u bixiyeen Ilaahey dartiis, si ay jannada ugu yeeshaan hal geed oo timir ah.
Maxaan ka baran karnaa sheekadan? Haddii aad ka heshay, la wadaag saaxiib sidaada oo kale akhriska jecel.

SHEEKOOYIN