“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

godob iyo garaaw

                                                “GODOB IYO GARAAW”

                                                   (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 11aad

Hubaal in wax badan oo inaga qarsoon ay ku qurux badan yihiin in ay inaga qarsoonaadaan, maxaa yeelay wax badan oo inoo wanaagsan dhadhan macaana inoo leh ayaa inoo qaraaraanaya haddii aan ogaanno dhabtooda.

Wax kasta oo macaan waxay macaan yihiin oo kaliya inta ay dhadhamayaan ama dhadhankooda la sugayo, markase la barto oo la arko waxaa meeshaas ka dhasho in ogaal loo yeeshooo dhadhankoodu sidii uusan sii ahaan.

Mahaddaas Alle ayey u sugnaatay inaga qarshay wax badan, Dad badan oo maanta inoo ah Owliyana haddii uu Alle fashili lahaa aan maanta la helayn laba isi salaanta, qof walba wuu dhoola caddeynayaa, wuu qoslayaa, wuu muusoonayaa, wuxuu ku tusayaa wax walba oo qof lagu jeclaado, balse, haddii calooshiisa la jeexo qurunka iyo waabaayada ku jirta Cid u adkaysan karto urkeeda ma jiro, waase mahad Eebe maadaama la inaga qarshay oo si kale oo aan qaadan karno ama ugu dul qaadan karno nalagu tuso.

Waa iska astaanta Dunida qayb ka mid ah, in Dhibka Qof ku dhaco uu noqdo Baraaraha ama Farxadda qof kale, waxaana laga yaabaa dhibaato aad gaysatay ama laguu gaystay in ay qofka aad u gaysatay ama kuu gaystay ay u noqoto natiijada ka soo baxda mid khayreesan ama mid sharaysan oo uu qofku ku tago.

C/casiis mar wuu ku farxay in uu arko gabadha uu nolosheeda xumeeyay waliba iyada oo maanta aan guursan, marna wuu ka naxay, sababtana waxay ahayd haddii ay ogaato in uu isagu yahay ninka nolosheeda baddalay waxa ay noqon doonto Natiijada uu kala kulmo gabadhaas, wuxuuna ku fakaray in uu sameeyo wax walba oo gabadhaas uu ku farax galin karo.

Dadka kuma badna Qof inta gaf gaysta ka shallaya, hadana kusii fakara in uu qofkaas uu ku gafay u abaal gudo ama u mag dhabo, isaga oo markaas u maraya Waddooyin uu is leeyahay waad ku sixi kartaa khaladka aad gashay.

Waxaa la dhihi karaa Nafta Aadanaha inta ay marka hore saamixi lahayd ama saamaxaad ka dalban lahayd naf kale oo ku gaftay ama ay ku gaftay in marka hore ay iyada isi saamaxdo oo is faham buuxa uu wada dhex maro jirka qofka iyo naftiisa.

Markaas waxaa la dhihi karaa waxaa imaanaysa Midnimo guud oo qofka iyo naftiisaba ay kuwada socdaan waxa ay doonayaan iyo waxa ay bartilmaameedsanayaana ogaal u wada leeyahyihiin.

C/casiis waa Imaam Masjid, Dhaqaala ahaana ma xuma markan, oo Allah wuxuu qaddaray in uu ka mid noqdo Ganacsatada soo koraysa ee Magaalada ka xamaalata, wuxuuna ku lug lahaa ka ganacsiga Shidaal laga keeno Dibadda oo markaa qolo kale oo Wadaaddo ah uu shirka kula ahaa, balse isagu Masjidka ma dhaafi jirin iyo meel uu Dugsi quraan ah oo uu Arday wax ku bari jiray.

Bal eeg Dunida iyo waayaheeda Aqriste, adiga haddii aad ahaan lahayd qof mustaqbalka dadka fasira oo aad arki lahayd C/casiis oo Isbaarada iyo dhaqanka xun ku jira oo aad dhihi lahayd, ma taqaanid waxa aad tahay, adiga oo ugala jeeda in Isbaariista uusan sii ahaan doonin oo uu ku biyo shuban doono ama ahaan doonto Wadaad Masaajidda ka khidmeeyo ganacsadana ah,jawaabta uu ku siiyo maxay noqon lahayd ayaad is leedahay?

Kkkk  jawaabta adiga qoraalkan aqrinaya ayaan kuu daayay, waasa hubaal haddii aad ku oran lahayd ma taqaanid waxa aad tahay in aad ku run sheegtay, maxaa yeelay maanta waxa uu yahay isaga naftiisa isma lahayn waad noqon doontaa, marka qofka in uu mar walba dhaho Xaaladda aan ku jiro waxa aan ahay ayaan ogahay, balse Xaaladda Mustaqbalka waxa ay ii yaboohi doonto ma ogi, waa ku run sheegay ayaa la oran karaa.

Haa, hubaal mustaqbalka waxa uu inoo yaboohi doono marnaba ma ogin, awoodna uma lihin in aan wax ka ogaano, wax badan oo aan ku taamayno maanta gaaritaankooda qorshahoodana aan Saqda dhex habeenkii dajino ayaa laga yaabaa in aynaan calfan oo waqtiga uu ina qabto inaga oo aan gaarinba muddadaas.

In qofku Qorsha yeeshaa, Go’aana uu ku darsadaa ma xuma, qofka intaas yeeshana hubaal in uu salka la heli doono guusha waxa uu raadinayo oo uu ku naaloonayo hanashadooda.

C/casiis jacayl gooni ah uma qabin Hinda waxa soo waday ee uu soo haajirayna ma ahayn iyada doonis uu doonayo ee waxay ahayd Hijro uu naftiisa doonayay in ku dahiro ama kaga nadiifiyo wasaqda waqtigu baday.

Naftiisa ayuu u shallaysnaa, dib u hagaajina iin uu u baahan yahayna wuu is tusay,wuxuuna gartay in ay qasab ku tahay in uu ka tago dhulka uu xumaanta ku falkiyay dadka ku noolaana ay ku dhibsadeen.

Mar walba waa ku taagnayd murugada iyo dhibka uu u gaystay dumarkaas soomaaliyeed, si qaas ah hinda ugama taagnayn, balse markii uu arkay muuqdeeda gurigeedana uu u Duca tagay ayuu goostay in ay jaanis u tahay in uu dib u mago Duminta Guriga hinda, micnaha Qalbiga Hinda .

C/ casiis wuxuu goostay in uu Cabbaas ka caawiyo sida uu u heli lahaa gabadhaas Hinda ah, Cabaasna runtii arrintaa wuu soo dhaweyay, balse meeshan waxa ka socda Cid ogaal u leh oo aan ahayn C/casiis ma jirin ayaa la oran karay.

La soco qaybta 12aad Axadda dambe insha Allah

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN