“GODOB IYO GARAAW” (SHEEKO QIIMA LEH) W/Q : MOHAMED MUSA SH. NOOR

godob iyo garaaw

     “GODOB IYO GARAAW”

       (SHEEKO QIIMA LEH)

Qaybtii 1aad

Dunida jiritaankeeda ayaaba ah Qisooyin, qiso marka laga qisooyana waa in ay jirtaa sabab qisadaas lagu keenay iyo Cashar la doonayo in wax laga barto, si qisada u noqoto mid macna ku dhex leh dadka looga sheekaynayo.

Qof walba oo dunida ku nool waa Khibrad doon, wax uun buu raadinayaa, wax uun buuna tabanayaa, Xaaladaha dadka ku kala dhaca waa laga yaabaa in isku si aysan dadku u dareemin, haddii ay ahaan lahayd xaaladdaas xaalad macaan iyo mid qaraaba.

Waqtiga waa mid wareega, si la mid ah xaaladaha nolosha, dadku isku si way ugu ekaan kartaa xaaladaha, isku sina xanuunka laga dhaxlo xaaladaha murugada waa loo wada dareemi karaa.

Marka la keeno Qiso waxaa laga yaabaa in qisadaas mid la mid ah ay taabatay Malaayin qof oo dunida ku nool ama ku kala noolaa, qof marka qisooyinka sida gaarka noloshiisa saamaynta ugu leh uu maqlana waxaa suura gal ah in qofku is maslxaysto, micnaha qalbi ahaan uu ku dago qisadaas la dareeenka ah dareenkiisa.

Hadaba qisada waa in ay tahay mid macna badan  suubinaysa, ma ahan in ay noqoto mid sheekadeeda inta la maqlo looga tago halkii lagu maqlay, waa in waxa laga qisoonaya ay noqdaan wax u daadagi kara Xubnaha sida gaarka ah wax u dareemo ee uu qofku leeyahay.

Qisadan ama sheekadan la magac baxday Godob iyo Garaaw, waa laga yaabaa adiga aqrinaya in ay mid la mid ah kugu dhacday ama aad garan karto qof ay ku dhacday,muhiimadduse ay tahay sida uu xanuunka qisadan kuu saameeyo.

Dunida waa mid dhib badan dheefna badan, dheefta waxba inagama dhibto oo waanu la aamusana,a dhibkase waanu la qaylinayaa, hadana lama oran karo dhib oo dhan ayaa lala qaylshaa marka aad si hoose u dhuuxdo dulucda sheekadan.

Dhibabka qaar ayaa ku kallifa qofka in uu iska aamuso oo uusan waxba ka qaban Karin, iyada oo laga yaabo duruufaha ku kallifaya in ay yihiin, Duruufo aanan u saamaxayn in uu qofku hadlo, oo uu ka baqayo haduu hadlo in dhib mooyee wax kale aysan usii saa’dinayn.

Waa run qof qalbigiisa dab ka baxayo ma doonayo in uu dab kale kusii shido qalbigiisa, oo xanuunka midka ka dhex ololaya ayaa wax walba uga daran, marba haddii dhibka aad sheeganaysid waa in uu dhibku kaa qafiifaa, ama uuba kaa suulaa, dadka aad u sheegaysana ay wax kugu caawin karaan, haddii aysan sidaa ahayna wax dhaamo ma lahan aamusnaanta.

Godobyada ay dadku isku gaystaan waa mid Wajiyo badan ku kala timaada, mid waa mid lasoo qorsheeyey oo loo qorsheeyay qofka loo gaysanayo, laga yaabee qof godobtaas geesanaya ee soo qorsheeyey in marka uu gaysto godobtaas uusan dib uga shallaayin, bal, waxaaba la dhihi karaa wuu ku farxsan yahay maadaama uu awal ku tala galay samaynteed.

Godobyada lakala galo ama la isku gaysto waa kala xanuun badan yihiin, qaarna waa midda aan kor ku sheegay oo qofka gaystaa uusan ka shallaayin, qaarna waa kuw ku dhaco si aan ku tala gal lahayn, kuwaas sida badan haddii qofka ay ka dhacday godobtaas uu yahay qof Damiir leh, Naxariis leh, Iimaan yar uu ku dambeeyo, hubaal in qofkaas uu dib uga shallaynayo, haddii uu helayana qofkii uu u ku xad gudbay uu Cafis ka dalban lahaa.

Dhanka dadka godobta loo gaystay ee la xanuujiyey dareenkoodu wuu kala duwan yahay mar walba, inkastoo la dhihi karo hal xanuun waa ka wada siman yihiin oo ah qaabka loo dareemayo xanuunka dhaawaca ku dhacay, balse waxay ku kala duwan yihin mar walba qaabka ay u fal celin lahaayeen, micnaha ay uga aar gudan lahaayeen kuwa u geystay ficilkaas xanuujiyay qalbiyadooda.

Qaar waxaa jira aan aqoon aan u lahayn qofka dhibka u gaystay, meel ay u doonaan iyo meel ay ka raadshan aan aqoon, kuwaas dhibanayaashaa ah waxaa la dhihi karaa xanuunka waa ku kaligood oo ayaga ayaa isla tacaala sida badan, waxa ugu badan ee ay kaalmaystana waa aamusnaanta, maadaama haddii ay hadlaan dhib mooyee dheef aysan ka helayn hadalkooda.

Qaar kalana waa la qaylshaan ayaga oo maciinsanaya kuwa ay u qaylo dhaansanayaa, mararka qaarna haddii awooddu u saamaxdo ayaga ayaa fal celinta ficilkaas loo gaystay iska guda, laga yaabee in Waddooyin fara badan ay u maraan, si ay u xalliyaan Ololka ka baxaya Laabtooda.

Hadaba qisadan waxaan ugu tala galay Hablaha Soomaaliyeed ee dhibkan midka la midka la tacaalaya, Xaalado adag ayaa la soo maray walina kuwa kale oo la mid ah ama ka liito ayaa la marayaa, sidaa darteed, waxaan leeyahay habalheena dhibka mar buu noqdaa sababta dheeftaada dambe ee dulqaada oo, dheeha dhuuxa sheekadan.

BILOWGA SHEEKADA GODOB IYO GARAAW

Hinda waa Gabar Ganacasata ah oo iskaga kala gooshata Gobolada Dalka, ganacsigeeda macna badan inooma subinayo in aan halkan ku sheegno maadaama uusan ahayn Xikmadda aan doonayo in Sheekada lagala baxo.

La soco qaybta 2aad Axad walba

W/Q MOHAMED MUSA SH. NOOR

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN