GUDDOOMIYAHA LAASHIN 2022-2024

Shalay waxaa la doortay guddoomiyaha Laashin ee xilka hayn doona labada sano ee xigta, si loo dardargaliyo howlaha lagama maarmaanka ah ee na horyaalla. Xubnaha Laashin oo kala jooga dal iyo dibad ayaa isugu yimid aaladda wadahadalka iyo shirarka ee Zoom, waxayna ugu horreyn ka doodeen muddo xileedka Laashin oo markii hore ahaa 1 sano oo kaliya. Dood dheer ka dib, waxaa la isku raacay in muddada loo kordhiyo guddoonka sare ee la dooran doono, iyadoona mudduxileedka laga dhigey labo sano.

Intaas ka dib waxaa xigtay doorashada guddoonka sare, waxaana cod aqlabiyad leh lagu doortay oo mar kale guddoomiye laga dhigey Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”. Mudanaha la doortay ayaa hore xilkan u soo hayey sanadkii la soo dhaafay, wuxuuna kasbaday codka kalsoonida ee xubnaha Laashin, isaga oo fuliyey dhammaan qorshayaashii sanadkii aan ka soo gudubnay; intii uu xilka hayey.

Dr. Xuseen Wadaad ayaa muddadaas ku guuleystay in Laashin ay aqoonsadaan hay’adaha dowliga ah ee dalka, iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo bogaadiyey howlaha adag ee ay Laashin bulshada u hayso. Waxay sidoo kale ammaaneen waxsoosaarka Laashin, sida buugaagta iyo qoraallada la xiriira afka, dhaqanka iyo suugaanta ee lagu soo bandhigo mareegta Laashin.com oo bulsho badani u riyaaqeen.

Waxqabadkiisa hufan iyo kartidiisa hoggaamineed oo aad loola dhacay ka dib, ayey xubnaha Laashin mar kale cod aqlabiyad leh ku doorteen Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”. Mudane Xuseen Wadaad ayaa sameyn doona latashiyo badan, ka dibna wuxuu soo dhisi doonaa guddoonka kale ee la shaqeyn doona muddada labada sano ah. Guddoonkaas ayaa la horgeyn doonaa xubnaha Laashin si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Hay’adaha ka shaqeeya horumarinta akhriska iyo qoraalka ayaa hambalyo soo gaarsiiyey Laashin, taas oo ku aaddan guddoomiyaha xilka loo doortay, Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”. Waxaan u rejeyneyna in Ilaah ku guuleeyo masuuliyadda loo igmaday iyo howlaha culus ee horyaalla.

SHEEKOOYIN