Gudidda Gabdhaha Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

gudida
Gudidda Gabdhaha
Waxaa dhigay
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا محمد وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره
الغافلون، أما بعد
Gudidda gabadha
Gudidda gabdhuhu waxay ka mid tahay diinta islaamka, qofka ka tagana wuxuu ka tegay qayb diinta islaamka ka mid ah.
Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa الله سبحانه وتعالى\ wuxuu Kitaabkiisa iyo carrabka Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam noo jideeyey oo nagu amray wixii annaga dan noo ah oo idil, waxtarna noo leh adduun iyo aakhiraba wuxuuna naga reebay wixii wax noo dhimaya oo idil adduun iyo aakhiraba.
Gudidda gabadhu waa waajib, waxayna waxtar u leedahay marka koowaade ayada lafteeda, kaddibna inta ayadaas jecel oo qiimaysa.
Caruurtu waxay ammaano ku yihiin waalidkuu Ilaahay siiyay, hadayna ka tagaan gudidda gabarta waxay lumiyeen amaanadaas, gabartana eed ayay ka galeen nolosheeda oo idil saamaysa.
Waajibnimada gudidda gabdhaha waxaad ka arkaysaa fatwada Al Shaykh Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqq الشيخ جاد الحق علي جاد الحق\ Allaha u naxariistee oo soo socota.
Sida gabdhaha loo gudana waxaa na baray Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.
Fatwada Al Shaykh Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqq الشيخ جاد الحق علي جاد الحق\ iyo Dawladda Masar مصر\
Waxaan halkaan uga warbixinaynnaa fatwo ay soo saartay “Daaru Al Iftaa’i Al Misriyah دار الإفاء
المصرية\ ” ahna Haydda dawladda Masar مصر\ u qaabilsan arrimaha diinta ku saabsan, oo baarta inay qawaniinta ay dawladda Masar مصر\ iyo baarlamaankooduba sameeyaan waafaqsan yihiin shareecada islaamka iyo in kale.
Hay’addaas waxay kaloo ka jawaabtaa su’aalaha ay hay’adaha dawladda iyo shacbiguba waydiiyaan oo diinta ku saabsan.
Fatwadaan ay soo saartay hay’addaas dawladda Masar مصر\ waxay ku salaysan tahay fatwo uu bixiyay Fadiilatu Al Imaamu Al Akbar فضيلة الإمام الأكبر\ ee Jaamacadda Al Azhar جامعة الأزهر\ ee Al Qaahira القاهرة\ Al Shaykh Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqq الشيخ جاد الحق علي جاد الحق\ Allaha u naxariistee, oo jaamacaddaas madax ka haan jiray, oo ka jawaabay su’aal la waydiiyay.

Su’aasha
“Aayadoo la tixraacayo wayydiiska Al Sayyid السيد\ …uuna ku yiri:
“Anigu waxaan leeyahay laba gabdhood oo yaryar, ay middoodna lix sano jirto, tan kalena laba sano, uuna waydiiyay takhtarrada muslimiinta qaarkood gudniinka gabdhaha, ayna isku raaceen inuu gudniinku dhibaato u keenayo xagga nafta iyo xagga jirkaba. Marka:
“Diinta islaamku amar ma ka bixisay in gabdhaha la gudo, ama waa caado laga dhaxlay kuwii naga horreeyey oo kali ah?”
Fatwadaan tirsigeedu waa الرقم المسلسل\ (709).
Ujeedaduna الموضوع\ (1202).
Taariikhdeeduna: waa 29 Jannaayo 1981 Miilaadiga.
Muftiga fatwada bixiyayna: waa Fadiilatu Al Imaami Al Akbar Al Shaykh Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqq فضيلة الإمام الأكبر الشيخ جاد الحق علي جاد الحق\ .
Al Maraajic المراجع\
1.Fuqaha’du waxay isku raaceen in gudniinka ragga iyo midka dumarkuba (Oo kan dumarka waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa “Al Khifaadu الخفاض\ ” oo macnihiisu yahay “Gaabinta”) inay shareecada ka mid yihiin oo lagu dhaqmo.
Intaas kaddib ayay waxay isku khilaafeen inay sunno yihiin ama waajib.
2. Gudniinka ragga iyo kan dumarkuba waxay ka mid yihiin sifooyinka fitrada الفطرة\ ay diinta islaamku dadka ugu yeertay, ayna ku boorrisay in lagu dhaqmo oo la laazimo.
Jawaabta
Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ wuxuu yiri:
} ) ثُمَّ أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ أَنِ اتَّبِعْ مِلَّةَ إِبْ اَ رهِيمَ حَنِيفًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ ) 321 {
Aayadda macneheedu waxaa weeye:
“Waxaanna adiga – waana Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – kuu waxyoonnay inaad raacdid diinta Ibraahiim إب ا رهيم\ ee Xaniifka الحنيف\ ahayd oo qalooca iyo xumaanta ka iilatay, isaguna gaalada kama mid ahayn(123).’
Xadiithka shariifka ahna oo ay Al Bukhaarii البخاري\ ku wariyay kitaabka “Kitaabu Bad’u Al Khalqi كتاب بدء الخلق\ ” iyo baabka “”Al Khitaanu الختان\ ” oo ku jira “Kitaabku Al Ist’ithaani كتاب

الإستئذان\ ”, iyo Muslim مسلم\ oo ku wariyay “Baabu Fadaa’ili Ibraahiima باب فضائل إب ا رهيم\ ” oo ka mid ah kitaabka “Kitaabu Al Fadaa’ili كتاب الفضائل\ ” wuxay wariyeen inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
“اختتن إب ا رهيم وهو ابن ثمانين سنة.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ibraahiimإب ا رهيم wuxuu is guday isagoo sideetan sano jira.”
Al Bukhaarii البخاري\ iyo Muslim مسلم\ waxay wada wariyeen, uuna sidoo kale u wariyay Al Baghawii البغوي\ kuna wariyay kitaabkiisa “Sharxu Al Sunnah شرح السنة\ ” juzka laba iyo tobnaad bogga boqol iyo sagaal baabka “Baabu Al Khitaani باب الختان\ ”, waxayna dhammaantood ka wariyeen Abuu Hurayrah أبوهريرة\ inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
“الفطرة خمس أو خمس من الفطرة الختان والإستحداد ونتف الإبط وقص الشارب وتقليم الأظفار.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Fitradu waa shan, ama shan ayaa fitrada ka mid ah:
Kow. Gudidda.
Laba. Xiiridda timaha gumaarka.
Saddex. Rifidda timaha kilkisha.
Afar. Shaaribbada oo la gaabiyo.
Shan. Cidiyaha oo la gooyo.
Al Imaam Al Nawawii Al Shaaficii الإمام النووي الشافعي\ wuxuu kitaabkiisa Al Majmuuc المجموع\
(Juzka koowaad bogga laba boqol afar iyo sideetan isagoo fasiraya waxay fitradu tahay iyo macneheeda, uuna yiri:
“بأن أصلها الخلقة”
Oo macnihiisu yahay:

“Inuu asalkeedu yahay abuurista”,
wuxuuna yiri:
Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ wuxuu yiri:
} فِطْرَةَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا {
Waana Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Ruumi سورة الروم\ oo macneheedu yahay:
“Taas weeyena abuuridda Ilaahay oo uu dadka ku abuuray.”
Waxaana la isku khilaafay Aayaddaan tafsiirkeeda iyo Xadiithka. Al Shiiraazii الشيرازي\ iyo Al Maawardii الماوردي\ iyo ghayrkoodba waxay yiraahdeen:
“الفطرة الدين.”
“Al Fidhrahwaa Al Diini”.
Oo macnihiisu yahay:
“Fitradu waa diinta lafteeda.”
Al Imaam Abuu Sulaymaan Al Khadhaabii الإمام أبو سليمان الخطابي\ wuxuu yiri:
“Culummada intooda badani waxay ku fasiireen Sunnada.”
Markuu intaas iyo ghayrkoodba wariyay ayuu kaddib Al Nawawii النووي\ wuxuu yiri:
“Aniguna waxaamn iri:
“تفسير الفطرة هنا بالسنة هو الصواب.”
Warkiisaas macnihiisu waxaa weeye:
“In fidhrada meeshaan Sunno lagu fasiro ayay sawaabtu tahay.”
Oo Saxiixu Al Bukhaarii صحيح البخاري\ wuxuu ibnu Cumar إبن عمر\ ka wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
” من السنة قص الشارب، ونتف الإبط، وتقليم الأظفار.”
“Mina al ssunnati qassu al sh-shaaribi, wa natfu al ibdhi, wa taqliimu al athfaari”
oo macnihiisu yahay:
“Sunnada waxaa ka mid ah in shaaribbada la gaabiyo, timaha kilkishana la guro, cidiyahana la gooyo.”
Waxaa ugu saxsan waxa “Ghariibu Al Xadiithi غريب الحديث\ ” lagu fasirayna, waa tafsiirka Al Bukhaarii البخاري\ iyo riwaayad kaleba.

Xukunka gudidda
Imaamyada Mathaahibta المذاهب\ iyo fuqahada mathaahibtaasu waxay isku khilaafeen xukunka gudniinku wuxuu yahay.
Ibnu Al Qayyim إبن القيم\ (Haamishu Sharxu Al Sunnah هامش شرح السنة\ ee Al Baghawii البغوي\ , juzka labaad bogga boqol iyo toban kuna taalla “Baabu Al Khitaani باب الختان\ ”) wuxuu kitaabkiisa “Tuxfatu Al Mawduudi تحفة المودود\ ” ku yiri:
“Fuqaha’du taas way isku khilaafeen, oo Al Shacbiyyu الشعبي\ iyo Rabiicah ربيعة\ iyo Al Awzaacii
الأوزاعي\ iyo Yaxyaa bin Saciid Al Ansaarii يحيى بن سعيد الأنصاري\ iyo Maalik مالك\ iyo Al Shaaficii
الشافعي\ iyo Axmad أحمد\ : waxay yiraahdeen:
“هو واجب.”
Oo macnihiisu yahay:
“Gudniinku waa waajib.”
Maalik مالك\ waa sii xoojiyay ilaa uu ka yiri:
“Qofkaan la gudin imam (Waana boqor, imaamka salaadda, imaamka jihaadka, iwm.) ma noqon karo, markhati furkiisana la aqbali mayo.”
Fuqaha badan ayana waxay Maalik مالك\ ka wariyeen inuu yiri:
“أنه سنة.”
“Waa Sunno”,
ilaa heer uu Qaalli Ciyaad القاضي عياض\ ka yiri:
“Maalik iyo inta guud ee culummadu waxay qabaan inuu gudniinku Sunno yahay, laakiin ayaga agtooda qofka Sunno ka taga waa dambaabayaa, oo sidaasay waxay (gudniinka) u geeyeen martabo u dhexeysa fardiga فرض\ (oo qofka ka taga uu dambaabayo) iyo manduubka مندوب\ (Oo qofka ka taga uusan dambaabayn).”
Al Xasan Al Bisriyyi الحسن البصري\ iyo Abuu Xaniifah أبوحنيفة\ waxay yiraahdeen:
“لا يجب بل هو سنة.”
“Waajib ma aha ee bal waa Sunno.”

Xukunka Al Imaam Abuu Xaniifah ةفينحوبأ ماملإا
Fiqiga Al Imaam Abuu Xaniifah فقه الإمام أبوحنيفة\ (Kitaabka “Al Ikhtiyaaru Sharxu Al Mukhtaari
الإختيار شرح المختار\ ” uun allifay Al Muusilii الموصلي\ , juzka labaad, bogga boqol kow iyo labaatan kuna sugan “Kitaabu Al Karaahiyah كتاب الكراهية\ ”) wuxuu qabaa in:
“Gudniinka raggu waa Sunnah, wuxuuna ka mid yahay fidhrada, haweenkana waa u “Makramah مكرمة\ ” oo maneheedu yahay wuxuu yahay wax gaarsiinaya in lagu karaameeyo oo gobannimo lagu gaaro. Hadday dadka beled degani goostaan inay gudniinka ka tagaan, madaxweynuhu dagaal ayuu ku weerarayaa oo ku qaadayaa, ayadoo uu gudniinku ka mid yahay calaamadaha islaamka iyo waxa diinta islaamka u goonida ah.”
Imaam Maalik الإمام مالك\
Tan guud oo caanka ah ee fiqiga Al Imaam Maalik الإمام مالك\ oo ku saabsan xukunka gudniinka ragga iyo haweenkaba waa isla xukunka Al Imaam Abuu Xaniifah الإمام أبوحنيفة .
Al Imaam Al Shaaficii الإمام الشافعي\
Fiqiga Al Imaam Al Shaaficii الإمام الشافعي (Juzka koowaad, bogga laba boqol toddoba iyo sagaashan ee kitaabka “Al Muhathab المهذب\ ” uuna Al Nawawii النووي\ ku sharxay “Al Majmuuc المجموع\ ”) wuxuu qabaa inuu gudniinka ragga iyo haweenkuba waajib yahay, wuxuuna yiri:
“إن الختان واجب على الرجال والنساء . ”
Al Imaam Axmad bin Xanbal الإمام أحمد بن حنبل\
Fiqiga Al Imaam Axmad bin Xanbal الإمام أحمد بن حنبل\ (Kitaabka “Al Mughnii المغني\ ” uuna allifay ibnu Qudaamah إبن قدامة\ , juzka koowaad, bogga toddobaatan, uuna la socdo “Al Sharxu Al Kabiiru الشرح الكبير\ ”) wuxuu yiri:
“إن الختان واجب على الرجال، ومكرمة في حق النساء وليس بواجب عليهن.”
وفي رواية أخرى عنه:
“أنه واجب على الرجال والنساء كمذهب الإمام الشافعي.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Gudniinku waa ku waajib ragga, haweenkana waa uu “Makramah مكرمة\ ” wuxuu u horseedayaa wax lagu karaameeyo oo ah dhawrsanaanta, ayagana waajib kuma aha.”
Riwaayad kalena wuxuu Axmad bin Xanbal أحمد بن حنبل ku yiri:

“Gudniinku wuxuu waajib ku yahay ragga iyo haweenkaba” si la mid ah siduu qabo math-habka Al Imaam Al Shaaficii يعفاشلا ماملإا .
“Gabagabada hadalladaas (Waana kitaabka “Al Ifsaaxu can Macaanii Al Sixaaxi الإفصاح عن معاني
الصحاح\ ” uuna allifay Yaxyaa bin Hubayrah Al Xanbalii يحيى بن هبيرة الحنبلي\ , juzka koowaad bogga laba boqol iyo lix) waa inay fuqaha’du isku waafaqeen oo isku raaceen inuu gudniinka ragga iyo gaabinta haweenku ay shareecada lagu jideeyey ka mid yihiin. Markaasay waxay isku khilaafeen inay waajib yihiin iyo in kale.
Markaasay labada Imaam Abuu Xaniifah أبوحنيفة\ iyo Maalik مالك\ waxay yiraahdeen:
“هو مسنون في حقهما وليس بواجب وجوب فرض ولكن يأثم بتركه تاركه.”
Warkoodaas macnihiisu waxaa weeye:
“Waa Sunno gudniinka haweenku, mana aha waajib siduu fardigu waajib u yahay oo kale, laakiin qofka ka taga ka tegiddiisaas waa ku dambaabayaa.”
Al Imaam Al Shaaficii الإمام الشافعي\ wuxuu yiri:
“هو فرض على الذكور والإناث.”
“Waajib ayuu ku yahay ragga iyo haweenkaba.
Al Imaam Axmad الإمام أحمد\
Al Imaam Axmad الإمام أحمد\ wuxuu yiri:
“هو واجب في حق الرجال،”
وفي النساء عنه روايتان أظهرهما الواجب.”
“Ragga waajib ayuu ku yahay”, haweenkana laba riwaayadood ayaa laga wariyay, oo middooda xooga badani leedahay inuu waajib yahay.”
Gudidda
Gudidda raggu waa gooynta haragga daboola madaxa thakarkiisa si uu madaxu u wada muuqdo. Gudidda haweenkuna waa goynta haragga ku yaalla meeshay kaadidu kasoo baxdo korkeeda, ayadoo aan lagu talax tegin iyo ayadoo aan jirridda laga wada goyn.

Gudidda haweenkana waxaa la yiraahdaa “Al Khafdu الخفض\ ” oo macnihiisu yahay “Gaabinta hoos loo gaabinayo”.
Daliilka gudidda gabadha
Fuqaha’du الفقهاء\ waxay u daliilsadeen Xadiithka ay warisay Ummu Cadhiyah أم عطية\ Allaha raalli ka noqdee, oo tiri:
“إن امرأة كانت تختن بالمدينة، فقال لها النبي صلى الله عليه وسلم:
“لا تنهكي، فإن ذلك أحظى للزوج، وأسرى للوجه.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ha wada goyn, oo ninkeedu sidaasuu jecelyahay oo ku farax gelinaysa (inaan la wada goyn oo ay wax ka haraa), ayada wajigeeduna wuu ku nuurayaa (inay wax uga yaallaan).”
Riwaayad kale ayaa sii faahfaahisay Xadiithkaan oo warisay:
“إنه عندما هاجر النساء كان فيهن أم حبيبة، وقد عرفت بختان الجواري، فلما رآها رسول الله صلى الله عليه وسلم قال
لها:
“يا أم حبيبة هل الذي كان بيدك هو في يدك اليوم؟
فقالت:
“نعم، يا رسول الله، إلا أن يكون حراما فتنهاني عنه.”
فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
“بل هو حلال. فادني مني أعلمك.”
فدنت منه، فقال:
“يا أم حبيبة، إذا أنت فعلت فلا تنهكي، فإنه أشرق للوجه وأخظى للزوج.”
ومعنى “لا تنهكي” لا تبالغي في القطع والخفض، ويؤيد هذا الحديث الذي رواه أبوهريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى
الله عليه وسلم قال:
“يا نساء الأنصار اختفضن )أي اختن( و لا نتهكن.”
)لا تبالغن في الخفاض(، وهذا الحديث جاء مرفوعا )نيل ال,طار للشوكاني ج 1 ص 111 ( برواية أخرى عن عبد الله بن –
عمر رضي الله عنهما.

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Markay haweenku (Waana haweenka Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\ ) soo haajireen oo ay Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة\ yimaadeen, waxaa ka mid ahayd Ummu Xabiibah أم
حبيبة\ oo taqiin gudniinka gabdhaha (oo gabdhaha Makkah مكة\ ku gufi jirtay). Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam arkay ayuu wuxuu ku yiri:
“Wixii aad tiqiinnay oo aad ku shaqayn jirtay wali ilaa maanta ma taqaannaa (oo ah gudniinkay gabdhaha ay Makkah مكة\ ku gudi jirta)?”
Waxay tiri:
“Haa Rasuulka Ilaahayow, haddayse xaaraan tahay oo aad iga reebtid waan iska daynayaa.”
Markaasuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa sallam wuxuu yiri:
“Bal gudniinku (gabdhuhu) waa xalaal. Iina soo dhowow aan ku baree”
Markaasay u dhowaatay. Markaasuu wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ku yiri:
“Ummu Xabiiboy يا أم حبيبة\\ ! Markaad gudaysid jirriida ha ka wada goyn oo ha ku talax tegin, maxaa yeelay inay wax uga yaallaan gaabadha wajigeeduu nuuriyaa ninkeeduna uu ku farxaa oo jecel yahay.”
“Laa tanhikii لا تنهكي\ ” macnihiisu waxaa weeye:
“Ha ku talax tegin goyntiisa iyo gaabintiisaba.”
Xadiithkaanna waxaa sii xoojinaya midkuu Abuu Hurayrah أبوهريرة\ Allaha raalli ka noqdee wariyay inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
“Haweenka Ansaartow! Is guda oo iska gaabiya, jirriddana ha goynina.”
Waxaa kaloo sii xoojinaya Xadiithka kale oo wariyay:
“ألا تبالغن في الخفاض.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Gaabintiisana ha ku talax tegina.”
Xadiithkaanna waxaa wariyay (Naylu Al awdhaari نيل الأوطار\ ee Al Shawkaanii الشوكاني\
mujalladka koowaad boggiisa boqol saddex iyo toban) uuna ka wariyay Cabdu Allaahi bin Cumar عبد الله بن عمر\ Allaha labadoodaba raalli ka noqdee.
Riwaayaddaan iyo ghayrkeedba waxay xambaarsan yihiin amarka Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ee ku saabsan gudidda haweenka iyo ka reebiddiisa inaan jirridda laga goyn.
Wuxuuna sabab uga dhigay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, si gaaban oo uusan qof kale u oran Karin – oo isaga waxaa la siiyay “Jawaamicu Al Kalimi جوامع الكلم\ ” (oo ah inuu dhowr eray ku sheego wax macnohoodu uu badan yahay oo wayn yahay), wuxuuna yiri:
“Wajigana waa nuuriyaa, ninkeeduna waa jecel yahay.”

Ujeedada jidayntaas Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxaa weeye xukumidda ama qabashada ama xakamaynta dareenka jirka (Dabdu Al Xissu Al Jinsii سحلا طبض
الجنسي\ ) ee gabadha yar, markaasuu wuxuu amray hoos u gaabinta cadka ka korreeya bartay kaadidu kasoo baxdo, si rabidda loo xakameeyo, macanka haweenkuna uu jiro oo uusanu tegin, iyo isku raaxaysiga nimankooda, wuxuuna ka reebay wada goynta iyo xididada u siibidda bartuu dareenkaas kasoo askumo: taas ayaana sida toosan ah , oo sidaasuusan haweenta uga wada qaadin meeshay raaxado uga timaaddo iyo dareen celinta ninkeeda, wuxuuna amray in cadkaas la gaabiyo oo haddaan la gaabin ay xumaanta ku talax tegeyso ayadoo aan dan ka lahayn waxa laga sheego, Ayanna awoodin inay nafteeda ka adkaato markay kacsato.
Hadday kuwaas ahaayeen waxa laga faaiidaystay nusuusta shareecada, iyo warka fuqahada oo ay sidaas u wada cad yihiin, kuna sugan yihiin Kitaabka iyo Sunnadaba inay gudidda ragga iyo haweenkuba ay ka mid yihiin sifooyinka fitrada ay diinta islaamku amartay, kuna boorrisay in la laazimo, iyo tilmaamidda Rasuulka Ilaahay – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – habka gudniinka, isagoo riwaayadaha qaarkood ku magacaabay “”Al Khafdu الخفض\ ” oo ah gaabin cadkaas, waxay tilmaamayaan qadarka la doonayo in la gooyo.
Al Imaam Al Baydaawii الإمام البيضاوي\ wuxuu yiri:
“إن حديث “خمس من الفطرة” عام في ختان الذكر والأنثى.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Xadiithka oranaya: “Shan waxay ka mid tahay fidhrada” waa mid guud oo wada saameeya gudidda labka iyo dheddigaba.”
Al Shawkaani الشوكاني\ wuxuu (Nayly Al Awdhaari نيل الأوطار\ juzka koowaad booggiisa boqol saddex iyo toban) ku yiri:
“Fasiiridda Al Fidhrah الفطرة\ lagu fasiray inay tahay Sunnada loolama jeedo Sunnada sida guud ahaan loo yaqaanno oo ah midda aan ahayn fardiga iyo waajibka iyo al manduubkaba المندوب\ , waxaase loola dan leeyahay “Al Dhariiqatu Ay Dariiqatu Al Islaami الطريقة أي طريقة الإسلام\ ” oo ah jidka ama habka diinta islaamka, maxaa yeelay erayga “Al Sunnah fii lisaani Al Shaarici السنة
السنة في لسان الشارع\ ” oo ah “Wuxuu Sunnah ku magacaabo Al Shaarici oo ah Midka Shareecada sameeyey oo jideeyey, way ka guda wayntahay siday “Al Sunnah” u yaqaannaan “Usuuliyiintu الأصوليين\ ” (oo ahculummada ku xeel dheer cilmiga lagu kala aqoonsado waxa waajib ah, iyo waxa Sunno ah, iyo waxa manduub مندوب\ ah oo labadaasba aan ahayn: sida biyo cab ama ha cabin, ama goortaad doontid cunnada cun, iwm oo aan ajarna laga siinayn qofka sameeya, dambina loo dhigayn qofka ka taga).

Sidaasay aragtida fuqahada mathaahibtu فقهاء المذاهب\ isugu waafaqeen inay gudidda ragga iyo haweenku ay ka mid tahay “Fitrada islaamka iyo calaamadihiisa”, iyo inuu yahay amar ciribtiisa la mahdiyo.
Axad ka mid ah fuqahada muslimiintana lagama warin, intaan ku aragnay kutubbada aan haysanno, hadal mamnuucaya gudidda ragga ama gudidda haweenka, ama inayan bannaanayn, ama inay haweenta dhibaato u keeneyso marka loo gudo siduu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam u baray Ummu Xabiibah أم حبيبة\ , kuna xusan riwaayaddaan hadda soo warinnay.
Ikhtilaafka Xukunka gudidda haweenka
Ikhtilaafka dhex yaalla fuqahada mathaahibta فقهاء المذاهب\ kala duwan oo ku saabsan xukunka gudidda, oo ku kala sifeeyeen waajib iyo Sunno iyo Mukramah, waa khilaaf ku saabsan macnaha erayga uu xukunku soo hoos gelayo (oo ma aha khilaaf ku saabsan gudniinka laftiisa oo la isku wada raacsan yahay).
Taasna waxaa tilmaamaya fiqiga Al Imaam Abuu Xaniifah الإمام أبوحنيفة\ (Fiiri kitaabka “Al Ikhtiyaaru Sharxu Al Mukhtaari الإحتيار شرح المختار\ juzka labaad bogga boqol kow iyo labaatan) in:
“لو اجتمع أهل مصر على ترك الختان، قاتلهم الإمام )ولي الأمر( لأنه من شعائر الإسلام و خصائصه، كما يشير إليه أيضا
أن مصدر تشريع الختان هو اتباع ملة إبراهيم، وقد اختتن، وكان الختان من شريعته، ثم عده الرسول صلى الله عليه وسلم
من خصال الفطرة، وأميل إلى تفسيرها بما فسرها به الشوكاني حسبما سبق بأنها السنة التي هي طريقة الإسلام ومن – –
شعائره وخصائصه، كما جاء في فقه الحنفيين.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Hadduu dadka beled degani ku heshiiyaan inay gudidda iska daayaan, imaamku (oo ah Madaxwaynaha ama ninka taladooda haya) waa inuu la dagaallamaa, maxaa yeelay waxay ka tageen wax ka mid ah calaamadaha islaamka oo muslimiinta gooni loo siiyay.
Fiqigaasu wuxuu kaloo tilmaamayaa in meeshay jidayntaas ka timid ay tahay raacidda diinta Ibraahiim إبراهيم\ , oo is guday, gudiduna ay shareecadiisa ka mid ahayd.
Kaddibna Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu gudidda ka mid dhigay qaybaha fitrada.
Aniguna waxaan uu janjeeraa inaan fitrada u fasiro si la mid ah siduu u fasiray Al Shawkaani
الشوكاني\ , oo aan soo aragnay, ahna inay tahay “Sunnada ah jidka islaamka iyo calaamadihiisa iyo u goonida ah, sida ku sagan fiqiga Xanafiyiinta الحنفيين\ .”

Fatwada الفتوى\
Markay intaan soo aragnay ku caddaatay inay gudidda gabdhuha , oo su’aashu ahayd, inay ka mid tahay fitrada islaamka iyo dariiqeeda siduu u caddeeyey Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ma ay bannaana in laga tago amarka iyo jidaynta iyo tacliintiisa, lagana doorto hadal uu qof kale yiri, hadduu rabo qofkaasu takhtar ha ahaadee.
Maxaa yeelay cilmiga takhtarnimadu waa cilmii hormar ku socdo, oo ay aragtiyadiisu ay si joogto ah isku beddesho. Taas ayaana u sabab ah inay aragtida takhaatiirtu waxa ku saabsan gudniinku is khilaafsan yihiin.
Takhaatiirta waxaa ka mid ah kuwo qaba in gudidda gabdhaha la iska daayo oo laga tago. Qaar kalena waxay u arkaan in gabdhaha la gudo, ayadoo uu gudniinku xakamaynayo kacsiga badan, gaar ahaan markay ku jiraan da’da “Al Muraahaqah المراهقة\ ” (oo ah markay qaan gaaraan ayna u dhexeeyaan sagaal sano ilaa labaatan sano), oo ah da’da ugu khatar badan ee nolosha gabadha.
Waxaaba dhici karta inay riwaayadaha qaarkood u wariyeen inay gudiddu gabdhaha u tahay “Makramah مكرمة\ ” nagu hanuuninayaan inay “Al Sawn الصون\ ” oo ilaasanaan iyo dhawrsanaan gudniinka ku helayaan, oo ay tahay dariiq dhawrsanaan lagu helo iyo magac fiicanba.
Waxaa intaas u dheer inuu gudniinku gabadha ka goynayo waxa bartaas ku abuurma oo dufanka ah (waana waxay soomaalidu “baaro” tiraahdo) oo sabab u noqota cudurro ku dhaca kaadi mareenka iyo xubinta tarankaba, ayna sidaas ugu dhacaan cudurro xunxun, siday u yiraahdeen takhaatiirta qabta in dumarka la gudo.
Waxay intaas ku dareen inay yiraahdeen inay gabadha aan la gudini ay korto, marka yaraanteeda laga soo bilaabo ilaa ay da’da “Al Muraahaqah المراهقة\ ” ka gaarto aydoo dhaqan xun iyo dabeecad xun leh.
Inay sidaas tahayna waxaa na tusaya meeshaan zamankeennaan gaarnay, oo (Rag iyo haween) la is dhex galay oo la is ciriiryay, bal la iskuba dhegdhegay oo jirarka ragga iyo haweenkuba sidaas isugu dhegdhegeen (Marka basaska la raaco, dukaammada dhexdooda, meelaha laga shaqeeyo, skoollada dhexdooda, iwm.) oo isu ciriiryeen, taasoo aan qofna ka qarsoonayn.
Markay had ayan gabadhu gudnayn waxay la kulamysa munaasabado badan oo dareenkeeda iyo kacsigeeda kiciya – marka lagu daro waxyaalo kale oo nolosha casrigaanu ku xambaaray – inay yaraadaan awoodda ay isku xakamayn karto oo markaas u jiida oo u geeya “Al inxiraaf الإنحراف\ ” oo ah dariiqa toosan oo laga leexdo iyo fasaad, oo ah awaamirta Ilaahay oo la diido.

Haday marka sidaas tahay: goormay tahay in in la gudo sharci ahaan? Fuqahadu way isku khilaafeen waqtiga gudniinka. Waxaa la yiri waa markuu cunuggu qaan gaaro. Waxaa kaloo la yiri: waa markuu sagaal sano jirsado. Waxaa kaloo la yiri: markuu toban jirsado. Waxaa kaloo la yiri: waa markuu u adkaysan karo xanuunka gudniinka haddii kale maya (Waxaa sidaas wada wariyay maraajicda aan kor kusoo aragnay).
Waxaa intaas ka cad inuusan jirin nas cad oo saxiix ah oo Sunnada laga wariyay oo goynaya da’da gudniinka. Waxaa waqtiga gudniinka loo daayay qofka cunugga xilkiisa haya dhalashadiisa kaddib – ha ahaado wiil ama ha ahaato gabar -.
Waxaana la wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam guday Al Xasan الحسن\ iyo Al Xusaynu الحسين\ Allaha labadoodaba raalli ka noqdee maalinta toddobaad ee dhalashooda. Marka arrinka goorta la gudayo waxaa loo xil saaray qofka xilka cunugga haya, isagoo tix gelinaya tabarta kan la gudayo iyo maslaxadiisaba.
Markaas sidaas tahayna, tan su’aasha ku saabsanna waxaa caddaatay inuu gudniinka gabdhuhu ka mid tahay Sunnooyinka islaamka iyo dariiqadiisa, ayanna bannaanayn in la sahlado oo lagu yaraysto oo looga tago hadal uu axad yiri.
Bal waxaa waajib ah in lagu hubiyo oo gabadha loo gudo dariiqada iyo wasfiga uu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam baray Ummu Xabiibah أم حبيبة\ . Waxaanna mudannahay inaan ku hanuunno waxay (Ummu Xabiibah أم حبيبة\ ) ku tiri wada hadalkeeda Rasuulka:
“Ma xaaraan baa oo waad iga reebeysaa?”
Jawaabtiisuna – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam – isagaana ah “Al Saadiqu Al Amiinu الصادق
الأمين\ ” waxay ahayd:
“Bal waa xalaal.”
Waxayse tahay ina laga foogaado haweenka gabdhaha guda oo aan hawshaas si fiican u qaban aqoon, waxaana waajib ah in gudidda loo sameeyo sidaas ay shareecadu qabto, aanna awaamirta islaamka looga tegin wuxuu qof yiri ama ay qaar takhaatiirta ka mid ihi yiraahdeen, kuwaasoo uusan warkoodu gaarin martabada runta ah ee cilmiga ama tijaabada runta ah.
Bal takhaatiirtaas waxaa khilaafay takhaatiir badan oo kale, sheegeyna in waxay diinta islaamku amartay in la yeelo (Oo gudniinka gabdhaha ah) ay leeyihiin faaiidooyin run ah oo waawayn oo ay nafta iyo jirkaba gabadha la guday u leeyihiin.

Waana ayadoo uu Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa الله سبحانه وتعالى\ amarka caruurta u wakiishay aabayaalkood iyo kuwa xilkooda haya, uuna ugu jideeyey diinta carrabka Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.
Marka qof amarkaas ka jeesta (Oo caruurtuu dhalay ama xilkooda hayo aan gudin oo diida) wuxuu lumiyay amaanadii loo wakiishay, sida uu noo wariyay Xadiithka Shariifka ah ee ay wariyeen Al Bukhaarii البخاري\ iyo Muslim مسلم\ (Oo uu Muslimi مسلم\ ziyaado ku daray intay Al Bukhaarii البخاري\ iyo Muslim مسلم isku waafaqeen juzka labaad bogga saddex boqol iyo laba), kana wariyeen ibnu Cumar إبن عمر\ Allaha labadoodaba raalli ka ahaadee inuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri:
“كلكم راع وكلكم مسؤول عن رعيته: فالإمام راع وهو مسؤول عن رعيته، والرجل راع على أهله وهو
مسؤول عن رعيته، والمرأة راعية على بيت زوجها وهي ومسؤولة عن رعيتها، والخادم راع في مال
سيده وهو مسئول عن رعيته، والرجل راع في مال أبيه وهو مسئول عن رعيته، فكلكم راع وكلكم
مسؤول عن رعيته.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Kulligiin xil ayaa idin saran, kulligiinna waa la idin waydiinayaa raaciyadiinna : madaxweynaha (Waana qof kastoo xil dawladeed haya, darajo kasta ha ka hayee) xil ayaa saran waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. Ninkana xil ayaa ka saran haweentiisa iyo caruurtiisa, waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. Haweentana xil ayaa ka saran guriga ninkeeda, waana la waydiinayaa raaciyada uu xilkoodu saarnaa. Khaadimkana waxaa xil ka saran yahay maamulidda maalka ninka iska leh, waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. Ninkana waxaa xil ka saran yahay maalka aabihiis, waana la waydiinayaa siduu xilkaas u gutay. War hoy kulligiin xil ayaa idin saran, kulligiinna waa la idin waydiinayaa sidaad xilkaas u gudateen.”
Wa Allaahu Subxaanahu wa Tacaalaa Aclamu والله سبحانه وتعالى أعلم\ .
Intaasay ku egtahay fatwada Al Shaykh Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqq الشيخ جاد الحق علي جاد
الحق\ , Sheekha hore ee Jaamacadda Al Azhar Al Shariif جامعة الأزهر الشريف\ ee Al Qaahira القاهرة\ , arliga Masar مصر\ , Allaha u naxariistee.
الحمد لله، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا محمد وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره
الغافلون .

Waxaa tarjumay, faallana ku daray midka dambi dhaafka Ilaahiis u faqiirka ah:
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Columbus, Ohio, USA
Maalin sabti sideeda bisha Muxarram محرم\ sanadka kun afar boqol lix iyo soddon hijriga, una dhiganta kowda bisha Nuvembar laba kun afar iyo toban miilaadiga.

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.