HALGAME XAAJI MAXAMED XUSEEN W/Q: Cabdinaasir Xiddig

HALGAME XAAJI MAXAMED XUSEEN

Ma doonayno madaxbanaani dhaawacan”

Halgame Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii dhallinyarada S.Y.L. Wuxuu ahaa aftahan ay u joogsadaan dadka Soomaaliyeed, geesi ay aad u colaadiyeen gumaystayaashii dhulkeenna haystay, indheergarad indho gorgor ku eegi jiray dhagarihii saancaddaalihii Talyaaniga, aqoonyahan ka dhisnaa aqoonta diinteenna suubban ee Islaamka iyo maaddigaba iyo hoggaamiye ruuxi ah oo ka dhiidhiyay heeryadii gumaysiga.

Halgame Xaaji Maxamed Xuseen dabshidkii 1917-dii ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Wuxuu yaraantiisii bartay qur’aanka kariimka, wuxuuna heersare ka sii gaaray aqoonta diinta Islaamka.

Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu ka dhashay qoys dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta islaamku ku wayn yihiin taasi ayaana sababtay in uusan Xaajigu yaraantiisii ku biirin dugsiyadii gumaystihii Talyaaniga, taas lidkeedana uu xoogga saaro barasha diinteenna iyo afka carabiga.

Wuxuu derajo sare ka gaaray hoggaaminta ururkii S.Y.L., wuxuuna ahaa kaadir ay ku daydaan aadna u dhagaystaan xunnihii ururka iyo taageerayaashii xaq-u-dirirka ahaa ee S.Y.L., taasi ayaana keentay in Talyaanigu u arko fallaar sumaysan oo ku taagan ajandayaashiisa.

Xaajigu wuxuu waxbarasho jaamacadeed u aaday dalka Masar, halkaasi oo uu ku bartay cilmiga siyaasadda iyo afka carabiga. Sidoo kale Masar waxay Xaajiga u ahayd goob nabdoon oo uu ku faafiyo aragtiyihiisii qoomiga ahaa iyo dhaliilihii xarkaha goostay ee uu u soo jeedinjiray maamulkii Talyaaniga. Wuxuu mar kale Masar yimid asagoo laga soo masaafuriyay dalkiisa, ka dib markii uu Talyaanigu u adkaysan waayay dhaqdhaqaaqii Xaajiga ee ku aadanaa boorrinta gobonimada iyo gumaysidiidka.

Xaaji Maxamed, wuxuu Soomaalida ku matalay shirkii bulshooyinka Afrika iyo Aasiya ee sanadkii 1957-dii ka dhacay dalka Masar, shirkaas oo uu shirguddoominayay madaxwaynihii dalka Masar ee Jamaal Cabdinaasir wuxuuna Xaajigu shirkaas fariistay asagoo ahaa guddoomiyihii ururkii gobanimodoonka S.Y.L. ayna wehliyeen qaar ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ururradii ka jiray dalka Soomaaliya.

Waxaa jira waraysi dhif iyo naadir ah oo taariikhi ah kaas oo sannadkii 1976 Radio Mugdisho looga duubay, wuxuuna uga hadlayaa dhidibbo-u-taagiddii ururkii S.Y.L., dhibaatooyinkii ay kala kulmeen gumaystaha iyo waliba qaar ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed. Waraysigaan oo aan ka dhagaystay barta YouTubeka ee SOLLAS ayaad ka dhadhansan kartaa aftahannimada, aqoonta iyo dal jacaylka uu caanka ku ahaa Xaaji Maxamed Xuseen. Wuxuu ka sheekaynayaa midab-takoorkii uu Talyaanigu ku soo rogay dalka, loolankii ka dhaxeeyay Boqortooyadii Ingiriiska iyo Imbaraadooriyaddii Talyaaniga, baannaanbaxyadii uu ururku ka dhigay dalka oo dhan, gaar ahaan magaalada Mugdisho, garabsiintii naf iyo maalba lahayd ee ay bulshada Soomaalidu ku taageertay S.Y.L. iyo fahandarradii qaar ka mid culumada Soomaalida ee ku aadanayn la dagaalanka gumaystaha, kuwaasi oo dhallinyarada S.Y.L. ku eedeeyay dhaqanxumo iyo shisheeye iska dhigid. Tusaale: markii ay dhallinyaradu sameeyeen naadiyo ay ku kulmaan, isku wacigaliyaan, ku tashadaan, kuna soo bandhigaan suugaan ay ku muujinayaan dhibaatooyinkii haystay, ayay dadka qaar u arkeen urur dhaqanxumo faafis ah halkaasna waxaa S.Y.L. kala kulmeen cadaadis dhanka bulshada ah. Waxaa dhallinyaradii looga digay ku biirista S.Y.L., waxaa qaar ka mid ah masaajiddii Xamar laga jeediyay khudbado lagu dhaliilayo ururka, waxaana arinkaas si kas ah uga faa’idaystay gumaystihii oo ka dhigtay hub kale oo uu kula diriro cadawgiisii koowaad ee S.Y L. ahaa.

Sida ka muuqata waraysiga, halgame Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu aaminsanaa in bulshada la wada kiciyo, la wada baraarujiyo, qayb kastana loo aqoonsado doorkeeda halganka iyo naf-huridda. Wuxuu aaminsanaa in bulshada la wada qaddariyo sida: beeralayda, reer magaalka iyo xoolo dhaqatada, waxaana muuqata in uu aad uga soo horjeeday caqliyaddii degdegga iyo islawaynida ku dhisnayd ee Soomaalida raacatada ah, dhaqankaas oo ugu dambayn Soomaalida u horseeday qaranjab iyo guuldarro 30 sano jirsatay.

Rabbi ha u naxariistee wuxuu halgame Xaaji Maxamed Xuseen xijaabtay sanadkii 1981-dii wuxuuna sidaas ku galay diiwaanka geesiyada u soo halgamay dadkeenna, dalkeenna iyo diinteenna suubban ee Islaamka.

Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu safka hore uga jiraa dadka qiimaha wayn ugu fadhiya qoomiyadda Soomaaliyeed, balse aad loo xagaldaaciyay in la maamuuso. Waxaa aad u yar ama aan jirin qoraallada laga qoray, waxuuna eersaday baa la aaminsanyahay mayal-adaygii uu kala hortagay gumaystihii Talyaaniga, Talyaanigaas oo saamayn wayn ku lahaa qaab-dhismeedka qaranka magac-u-yaalka ah ee ay Soomaalidu heshay.

Waxaa xusid mudan in dadka Xaaji Maxamed Xuseen dhaliilaa ay ku eedeeyaan in uu ahaa macangag kaasi oo aan oggolaan jirin in uu dhagaysto dadkii ka aragtida duwanaa ururkiisa S.Y.L. Waxa kaloo lagu eedeeyaa in uu ahaa xagjir dhanka waddaniyadda iyo diinta ah, si kal iyo laab ahna uu iskugu dhiibay dawladda Masar taasi oo uu u xambaari jiray u jeeddooyinkeeda Geeska Afrika. Waxaa kaloo lagu eedeeyaa in uu hoos ka hoggaamin jiray garab hubaysnaa oo S.Y.L. ka tirsanaa kuwaas oo dadka Talyaaniga taageera dili jiray.

Xigasho:

Radio Mugdisho.

Wariye: Cismaan Amiin Axmed.

Barta YouTubeka Sollas media.

Barta YouTubeka Yaasiin Qaasim.

 

W/Q: Cabdinaasir Xiddig

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN

DUGUL Q.6AAD

DUGUL Q.5AAD

DUGUL 4AAD

DUGUL Q3AAD