INTAAN CIRKA AHAYNAA CIJIDEYDU KU TAAL Q1 W/Q: Qaasim (Nero)

 
INTAAN CIRKA AHAYNAA, CIJIDEYDU KU TAAL Q1

Iyada oo Dhabarka ku sida, waxoogaa Adeeg ah oo ay kasoo iibsatay tuulada oo ka yara fog, ayey gurigii timid oo diyaarin kula dhaqaaqday wixi caawa la cuni lahaa, maadaama qorraxdu sii dhaceyso ayna filaneyso in Gabadheeda Wiilo  ah oo maanta  Arigii raacday iyo Mataan oo ah kutaab ( Arday) Quraanka dhigta ah  soo dhowyihiin iyaga oo gaajeysan.

Waxa ay Goofka horteeda ka muuqda ka aragtaa Ariga oo tartiib tariib Aqalka kusoo dhawaanaya iyo Wiilo oo xabadka ku sidda Waxar yar oo ridii Garoon ahayd maanta dhashay.
Niyadda ayey iska tiri ‘ Garoon,  malaha  Waxar bay dhashay ‘. waxay ogtahay in Rida Garoomani kaligeed xoolaha ka foolaneysay.
Markii ay Deyrka Aqalka soo dhigtay Ilmihii yaraa ayey si farxad leh Wiilo u tiri ‘ Hooyo Waxar waaye’. Markaasey Hooyo Mako farxad la dhoolla-caddeysay.
Hooyo Mako ayaa Wiilo weydiisay in Arigu dhanyahay iyo kale?, markaasey Wiilo-yarey ku jawaabtay ‘haa Hooyo.
Nasiib darro, Wiilo ma oga in Arigii qaar maqanyahay oo ay goosmeen intii ay ciyaarta Gariirka la yiraahdo la dheeleysay gabdho ay saaxibbo yihiin. Waxaa Ariga ka maqan toban Neef oo Ido iyo Ari cad isugu jira, ayna ku jiraan labo Wan oo waaweyn.
Hooyo Mako oo Ariga soo xareyneysa ayey Indhaheedu qaban waayey labadii Waneey, suurtagal maaha ayey tiri in Wanankii caawa Xoolaha ka maqanyihiin.
Kaligood maaha ee waxaa la maqan siddeed neef oo Riyo iyo Laxo isugu jira, intey naxday ayey Xoolihii tirin ku bilowday. ogaatay in Arigii qaar maqanyahay, iyada oo faruuryaha qaniineysa ayey gabadheedii u yeertay oo tiri hooyo maxaad ii tiri Arigu waa dhanyahay aaway labadii Wan iyo Intii kale?
Wiilo, Allaheed waa ka Alle oo maba oga baadida hooyadeed sheegeyso.  indhaha ayey ka mir-mirig siisay mar haddii aysan hayn wax ay ku jawaabto.
Hooyo Mako oo meel laga saraa dhiig lahayn, ayaa gabadhii habaar aan uurka  jirin ku hurguftay oo intaasi ciil kama goysee, Geed agteeda ah, Laan dheer kasoo jartay, misna ku xanjafisay iyada oo gacan ka heysa. qaarka dambe ayey dhowr jeer ka garaacday, markaasaa ooyintii Wiilo waxaa kusoo baxay malaalkeed ka weyn , Mataan, oo Hooyadii ka baryey inay Canugta garaaca ka deyso laakiin Hooyo Mako inay warkiisa maqasho ha joogtee, isagiina labo mar ayey Boor ka kicisay markaasuu ka cararay.
Hooyo Mako, iyadu isma oga laakiin waxay u qeylineysaa si aad ah, mar way habaarrameysaa, marna Dhabannada ayey qabsaneysaa.
Mako, waa Haweeney Reer Miyi ah oo aan diinta Islaam ka waxba ka aqoon, si la mid ah dad badan oo baaddiyaha ku nool ayey aad ugu nugushahay inay aaminto waxyaabo aan Diinta sal ku lahayn.
Intii Wadaaddo geeriyooday oo ay karaamo gaar ah ku maleyneysay ay magacyadooda maqashay, ayey u yeertay oo sadaqo ay u bixiso u ballan-qaadday haddii Baadida maqan oo aan Bahal cunin oo la helo,Sheekh Hebaloow na furo.
Cagta ayey dhabbaha saartay si ay Ariga maqan uga soo baadi-goobto agagaaraha Halkii uu maanta u daaqsin tagay. Bil saddex ah ayaa jirta oo aan Baadi lagu goobi karin, waxay wareegto oo ay Dhul Cigan iyo Jil qab isugu jira ay dhex jibaaxdaba Bishii ayaa dhacday, Ileys dambe oo Baadi lagu goobaanaa uma laabna.
Iyada oo majaha ka dhiigeysa sidii ay caawa u jiireysay geed qodax leh iyo mid aan lahayn ba, gurigii ayey kusoo laabatay xilli ay Carruurtii inta ay wax cuneen hurdaan.
Qeyladeedii ayey kusoo tooseen iyada oo wali sidii u canaantameysa, Labada Canug ba Canaanta markan waa u siman yihiin. Gabadha Wiilo ah ee xoolaha dayacday laba garaye, Wiilka Kutaab ka ah muxuu Canaanta Hooyadii ku mutay?.
Habeen hore, markii la casheeyey ayey Hooyo Mako, Wiilka Mataan ah ku tiri ‘ Maandhow bal orod oo Xerada Yaasiimanka kusoo ood, ha yeeshee Ilowsho iyo Adeeg-diid mid ay ahaataba, Wiilku Xeradii kuma soo dul wareegin tiro ka saddex jeer isaga oo suuratul Yaasiin aqrinaaya, si uu Ariga uga xijaabo baadi,  bahal cuna iyo bushi ku dhaca, waana sababtaas ta uu canaanta ku muteystay.
La soco Qeyb kale 2aad
W/Q: Qaasim Cabdulle Xuseen ( Nero).

SHEEKOOYIN