Isbaddalka ku saameeya. By Maxmed Muuse Sh. NUUR

Isbaddalka ku saameeya.

In wax is baddalaan mar walba waa naruuru iyo nafis noolaha oo dhan ay ku dareemaan istareex iyo ka gudbid ay ka gudbayaan xaalad una gudbeen xaalad kale ama jawi kale.

Marka laga hadlayo is baddal macna badan ayaa loo sameeyaa balse inta aanan u guda galin macnaha iyo qaybaha uu ka koobmo isbaddalka marka hore waxaan jeclaan lahaa in aan si u qeexo macnaha waxa laga wado amaba haddii dhanka waydiinta loo dhigo noqon kara waa maxay isbaddal?

Isbaddal waa ficil la sameeyo oo noqon kara walax ama wax laga baddalay sida ay ahaayeen loona baddalay si kale, ama wax si kaladuwan ku iman kara sida xaalada kala duwan ama duruufo kala duwan.

Isbaddal qeexiddiisa macna badan ayuu yeelan karaa oo waxay ku xirantahay hadba sida uu u qeexo qofka markaas qeexaya, balse, aniga waxaan kusoo koobi lahaa saddex qeexid, aniga oo meesha ka saarayn in qeexidda qofka aqrinaya qormadan hadduu rabo uu ka badin karo.

1 in wax laga duwo sida ay ahaayeen oo loo duwo si kale iyada oo isla wixii laga dhigo wax kale, inkastoo walxaha qaar laga yaabo in aysan is baddalin ama laga baddali karin sida ay ahaayeen.

2 in Shey ama wax loo baddalo si tartiib ah iyada oo loo marayo loona muujinayo dulqaad si isbaddalkoodu u muuqdo, si kale haddaan u dhigo shegayaas ama waxaas la baddalayo ma ahan mid sahal ku baddalmi kara iyada oo ay qasab tahay in la marsiiyo  heerar kala duwan si loo arko  ama loo dareemo isbaddalkiisa.
(A) tusaala gaaban haddaan idin siiyo cimilada qabow marka laga baxayo oo la galayo midda kulul waad garan kartaa heerarka iyo xaaladaha lasii  arko inta laga gaaro tan kulul.
(B)Tusaale kale ayaa noqon kara dharka ama cuntada qaar marka la rabo in midab gaar ah ay yeelato waxaa jira waxyaaba badan oo la isku daro ilaa laga gaarayo heerka midabka la doonayo in la helo.

(C) tusaalahan kale ayaa noqon kara in marka qof uu doonayo in uu xaalad kaga gudbo xaalad kale uu samayn karo isbaddal markiiba gaarsiin karo heerka xaaladda uu markaas doonayay in uu lahaado ama dhex istaago.
Sidoo kale waxaa dhici karta in isbaddalkaas uu doonayo qofka ay qasab tahay in uu sugo  waqti uu ku gaari karo kan kale uu doonayo oo aysan suuragal u ahayn in uu isla markiiba u gudbo heerka uu doonayay.

3 ayaa noqon kara wax isku magac leh ama xoogaa kala qiima sarreeya balse qeexiddoodu isku mid tahay oo la isku baddalo ama la is waydaariyo.
tusaala ahaan lacagaha la isku sarrifo  ama dhar lakala baddasho ama fadhi la is weydaarsado.
<span;>Sida uu macnaha noqonayo iyo qiimaha uu macnaha yeelanayo waxay ku xirantahay mar walba sida qofku u qeexo iyo ujeeddada uu markaa ka leeyahay ama fahamka uu qabo markaa.
Hadaba is waydiin kale ayaa waxay nagu leedahay isbaddalka xaaladaha guud ee umad ahaan na saameeya meeqa nuuc ayuu noqon karaa?
Waydiinta runti iyana waxay ku xirantahay fahamka qofka sida aan horey usoo sheegay iyo sida uu wax u arko markaa, laakin aniga oo dhanka masiiriga ee umad ahaan saamaynta culus nagu yeesha ka eegaya ayaan hadana  uqeexi lahaa 3 jiho
1 Isbaddalka dhanka horumarka ama ka gaabinta in hormar la sameeyo.
Qodobkan wuxuu leeyahay baaxadda saamayntiisa iyada oo marka si maskax ahaan loo cabiro noqon karaa xisaabtan dhab ah.
Horumar waxaa sameeya qof xisaabtamaya ogna waxa u hagaagay iyo waxa ka hallaabay, waa sababtaas sababta aan usoo qaatay qodobkan, sidoo kale waxaa jira kara ka gaabinta horumar aad samayso sababta sida ay doonto haku timaado, balse qiimayntaas in ay mar walba kuu taagantahay waa u muhiim jiritaanka noloshaada.

2-isbaddalka kala guurka tusaala ahaan hadda xaaladda ay marayso Soomaaliya oo ah xaalad doorasho, kama hadlayo qaabka loo marayo doorashadaas balse waxaan qeexayaa oo kaliya in uu yahay isbaddal kala guur oo xukuumad waqtigeeda dhammaaday mid kalana lagu soo dhisayo.
Isbaddalka nuucan ah marka la samaynayo waa mid caqabado badan qaabka loo maareeyana waxaa laga daawan karaa muuqaalka ay yeelan karto xukuumadda iman doonto iyo sida ay u ekaanayso taya ahaan iyo tiri ahaanba.

3-ayaa isagana lagu qeexaa isbaddal muuqaaleed sida qof jinsiga uu ahaa iska dooriya oo jinsi kale isu ekeesiya, sidoo kale midab uu lahaa iska baddala sida hadduu ahaa Madow uu caddaan isku baddalo ama midabka timihiisa, ilkihiis, ciddiyiihiisa iyo indhihiisa uu midab kale ugu baddalo.
Samaynta la sameeyo isbaddal macnaheeda maahan in wax la saxo ee waa in la sameeyo dadaal wax lagu hagaajinayo, inkastoo mararka qaar wax lagu hallayn karo, balse taas kama dhigna in aan isbaddal la samayn.
Isbaddalka nolosha ayaa u baahan, haddii wax lagu daalo ama lagu kadsoomo ama lagu qasaaro waxaa lagama maarmaan ah in isbaddal la sameeyo oo wixii wax ka wanaagsan lagu dadaalo in la sameeyo.

Dunida maalinba heer ayey soo martay bilicdeeda iyo baahideeda hakala duwanaadaan, balse waxay ahayd mid la jaanqaadaysay isbaddalladaas dhacaya.

Dunida waa shibane la jaanqaada hadba ficilka noolaha ku dul nool uu ku dulsameeyo. Dadaalka loo galo isbaddal dhaxalgal leh wuxuu keenaa in la helo muuqaalo ka duwan iyo xaalada ka duwan xaaladihii lasoo maray.

Xaaladaha iyo duruufaha adag marka looga baxo dadaal isbaddal leh oo muuqda waa marka kaliya ee si dhab ah loo qeexi karo ama loo tilmaami karo in isbaddalka dhacay uu yahay mid dhaxal gal leh.

Quruxda nolosha ayaa qiima ku leh in isbaddal uu dhaco mar walba ha noqdo isbaddalkaas mid dabeecadda ay la timid ama mid uu Noolaha la yimid .

Ficilka mar walba loo sameeyo xagga isbaddalka sida badan ma noqda mid qasaara horseeda ee wuxuu noqdaa mid loo aayo siina dhiira galsha in dadaal kale oo isbaddal wanaagsan lagu tiigsanayo lasii sameeyo.

Isbaddal si aad ugu muuqato mid ka duwan kana taya wanaagsan kaad shalay ahayd, xisaabtana ku darso in aad mar walba noqoto mid xisaabiya isbaddalada masiiriga ee naftaada ay u baahantahay in aad xisaab ku keento.
Qore : Maxamed Muuse Sh Nuur
Ekisyare@hotmail.com
Xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN